Home Blog Page 3173

Xamaas oo 3 arrin oo xasaasi ah ka dalbatay madaxda Islaamka

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Isagoo ku sugan Beyruut, afhayeenka Xamaas, Osama Hamdan oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa ka hadlay shir madaxeedka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ee ka dhacay magaalada Riyaad.

Waxa uu sheegay in ay jiraan saddex arrimood oo ay tahay in madaxda Carabta iyo kuwa Muslimiintu ay xoogga saaraan.

“Marka hore, in la joojiyo weerarrada Israa’iil iyo xasuuqa ka dhanka ah Falastiiniyiinta,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay dalalku inay xiriirka u jaraan Israa’iil.

“Qodobka labaad waa in la diro gargaar bani’aadamnimo iyo caafimaad iyo shidaal,” ayuu yiri.

“Midda saddexaad, oo ah mid aad muhiim u ah, waa in lagu wada hadlo hal cod oo ah in qadiyadda Falastiin lagu xalliyo iyada oo lagu salaynayo xuquuqda Falastiiniyiinta, oo aan lagu salayn dan cid kale,” ayuu Xamdaan ku daray.

Ugu dambeyntii Xamdaan wuxuu yiri, “Hannaan-socodka nabadda ee soddonkii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu dhisay baahida Israa’iil, taasina waa sababta fashilka.”

Maanta ayaa shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka lagu soo gabagabeeyay dalka Sucuudiga, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed lagu cadeeyey qadiyadda dunida islaamka iyo dalabka xabad joojin deg deg ah, si gubaadka Yahuuda looga joojiyo dadka reer Falastiin.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 12/11/2023

0

Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Abdimajiid Aweeys isaaq

Farsamadii :Abdimaajid Cabdiraxmaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ururka Bisha Cas oo warbixin naxdin leh ka soo saaray dagaalka Israa’iil ee Qaza

0

Axad  Nofembar 12, 2023 {HMC} Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil in ay weerareen oo rasaas ku rideen afar isbitaal oo ku yaalla Marinka Gaza 24 saac gudahood.

Madaxa ururka Caafimaadka WHO ayaa Golaha Amniga ee QM u sheegay in nidaamkii caafimaadka ee Gaza uu gabi ahaan ku dhow yahay in uu joogsado, isagoo sheegay in hal cunug lagu dilo Gaza 10 daqiiqaba.

Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii beeniyay in ay rasaas ku fureen isbitaalka Al-Shifa, waxayna Xamaas ku eedeeyeen in ay rideen gantaal lala beegsaday ciidamada Israa’iil oo ay ka soo gantay isbitaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa si cad u sheegay in aysan daneyneyn xabad joojin laga hirgeliyo Qaza, isagoo ku andacooday in ciidamadiisa ay howlo wanaagsan ka wadaan marinka Qaza.

Isbitaallada waxaa buux-dhaafiyey dhaawacyo dadka reer Falastiin ah oo u badan carruur, hadana waxaa lagu sii beegsanayaa oo ciidamada Yahuuda ay joogto u duqeeyaan isbitaalada.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha ammaanka anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha caafimaadka ee WHO in la badbaadiyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan samatabixinta dhibanayaasha reer Falastiin,” ayuu yiri Madaxa ururka Caafimaadka ee WHO.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka oo shir wadajir ah uu maanta uga furmay dalka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay dagaalka Gaza, iyagoo ku baaqay in xabbad-joojin ah laga hirgaliyo Gasa.

Sidoo kale, waxa ay ku baaqeen in Israel ay qaaddo go’doominta ay ku hayso Gaza, balse Israa’iil ayaa ka biyo diiday inay u hoggaansanto xabad-joojin.

Warmurtiyeed kulul oo Laga so Saaray shirkii madaxda Carabta iyo Islaamka ee ka socday Dalka Sacuudiga

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Waxaa lasoo gabagabeeyay shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Islaamka uga socday Sucuudiga, sidan ayuu u qornaa war murtiyeedka kasoo baxay:

“Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Carabta iyo Islaamka ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya, kaasoo looga hadlayo gardarrada Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin.

Shirkan ayaa waxaa furay Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala Sucuud, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda iyo wufuud ka socota dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Khudbad uu ka jeediyay Shir-madaxeedka, Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, H.E. Mudane Hussein Brahim Taha, ayaa si kal iyo laab ah ugu mahad-naqay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu horkacayo ilaaliyaha labada Masjid ee Barakeysan, Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Ra’iisul Wasaaraha, Amiir Maxamed. bin Salman Al Sacud, ku casumaad qabashada shir madaxeedkan aan caadiga ahayn, soo dhawaynta deeqsinimada leh, iyo dhammaan qabanqaabada loo sameeyay si loo xaqiijiyo guusha shirwaynaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in shir madaxeedkan Carabta iyo Islaamka uu u yimid si aan u xaqiijino garab-istaaga iyo taageerada aan kala go’a lahayn ee shacabka reer Falastiin, iyo sida ay nooga go’an tahay mas’uuliyadayada ah taageeridda qaddiyaddayada dhexe, Qadiyadda Falastiin iyo Al-Qudus Al-Shariif.

Xoghayaha Guud wuxuu ku baaqay in si degdeg ah, waarta, oo dhamaystiran loo joojiyo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta, furitaanka waddooyinka bani’aadamnimada si loo gaarsiiyo gargaarka iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee Marinka Qaza si ku filan oo waarta; iyo bixinta ilaalinta caalamiga ah ee dadka reer Falastiin. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu si buuxda u diiday qorshayaasha lagu barakicinayo falastiiniyiinta, taas oo muujinaysa in si cadaalad ah, waarta, oo xal buuxa loo helo Qadiyadda Falastiin ay u baahan tahay in la dhiso Dawlad madax-bannaan oo Falastiin ah oo ku taal xuduuddii Juun 4 1967, oo ay Al qudus ku jirto una tahay caasimad, kuna salaysan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo Hindisaha Nabadda Carabta.”

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Deni oo Arrimo xasaasi ah oo ay ku jirto Doorashada Puntland kala hadlay Wakiilka qaramada Midoobay

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.

 

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Remarks by the UN Special Representative for Somalia, Catriona Laing, to the media, during her visit to Garowe, Puntland

0

Thank you so much, Excellency.

 

Ladies and gentlemen,

 

I’m delighted to be visiting Puntland. This is my second visit, following assuming office as the UN Special Representative of the Secretary-General.

 

So it’s a great pleasure this morning to meet with President Deni and members of his Cabinet. I want to thank the President for extending a very warm welcome to me. We’ve had some very open and frank discussions on three main issues: Puntland’s elections, the relationship between Puntland and the rest of Somalia, and also the situation in Laascaanood.

 

And I’ll be having discussions later today with opposition parties and civil society. So let me just say a word on each of these points.

 

So firstly, on Puntland’s elections, I would like to commend Puntland for being an island of stability, for leading the way on democracy through the successful district level elections in May. But, I am conscious that there are some tensions, some different views amongst different stakeholders on the electoral model in Puntland and on the timetable. So what we’ve discussed is that – whilst the goal is very clear, a democratic process – I commend the President for reaching out to different groups, and encourage him to reach out not just to opposition leaders, elders and clan leaders, but also people who have a stake – the youth, the women and scholars and so on – to include them to ensure that when the elections take place that there’s consensus and of course peaceful elections.

 

Secondly, on the relationship with the Federal Government and the rest of Somalia, it’s been difficult because Puntland has not been able to participate in the National Consultative Council (NCC) process for some time. I was encouraged to hear the President [Said Abdullahi Deni] is continuing to be willing to engage with the President [Hassan Sheikh Mohamud] and eventually more widely thinking about the kind of issues that need to be on the table to ensure Puntland’s views are represented.

 

And then, finally, on the difficult situation in Laascaanood, I would like to commend Puntland for reaching out and supporting the many IDPs [Internally Displaced Persons] who came here from Sool region, up to 100,000. I know that’s been a big responsibility and we thank Puntland for receiving those people warmly. Because the objective is for people to be able to go back, and for that, they need to feel sure that there will be security and stability.

 

So, just encouraging Puntland to play its part in encouraging both sides to resolve these differences peacefully to make sure there’s no further escalation of violence, that there are confidence-building measures around the exchange of prisoners and so for Puntland to play its part through the influence it has, through the clan relationships to ensure a peaceful way forward.

 

So thank you very much, Mr. President, the United Nations is here to ultimately support the development and peaceful transformation of Puntland, such a wonderful place of opportunity. Hopefully, a peaceful election will enhance Puntland’s reputation as an island of stability where investors can do business, and development prospects enable the people of Puntland to have a good future.

 

Thank you again, Excellency.

{DAAWO MUIQAALKA} “Dadkeenu ma fahamsana kheyraadka ku filan ee ku jira Baddeena” Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} “Dadkeenu ma fahamsana kheyraadka ku filan ee ku jira Baddeena” Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shirkaddii ku guuleysatay tartanka dhismaha cusub ee wasaaradda Awqaafta Soomaaliya oo la shaaciyay.

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Shirkaddii ku guuleysatay tartanka dhismaha cusub ee wasaaradda Awqaafta Soomaaliya oo la shaaciyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu Dambeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 11.11.2023

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararka ugu Dambeyay  Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Shugri Bar-yare maxamuud

Farsamadii :Maxamed Bar yare xaamud

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 11/11/2023

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Abdimaajid Cabdiraxmaan aadan

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO