Home Blog Page 3174

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu Dambeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 11.11.2023

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararka ugu Dambeyay  Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Shugri Bar-yare maxamuud

Farsamadii :Maxamed Bar yare xaamud

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 11/11/2023

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya :Abdimaajid Cabdiraxmaan aadan

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh “Waxa ka dhacaya Gaza waxay khilaafsan yihiin dhammaan xeerarka bini’aadamka

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin.


Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soojireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joointa xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

XOGTA Sarkaal AS ah oo u Gacan galay Ciidanka Macawiisleyda

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan AS.

Qoaraal lagu daabacay warbaahinta ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid guulaystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Sida ay warbaahintu sheegtay waxaa howlgalkan lagu soo qabtay sarkaal ay magaciisa ku sheegtay Cabaas Garoobshe, kaas oo si weyn looga yaqaanay aagga Ceeldheer.

“Ciidanka dib u xuraynta deegaanka ayaa howgal guulaystay oo ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxay gacanta ku soo dhigeen horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu Magacaabo Cabaas Garoobshe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa howlgalkan lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Ilkacase, kaas oo lagu eedeeyay inuu dhibaato wey ka gaystay halkaasi

“Ciidanka deegaanka ayaa sidoo kale nafta dhaafiyey dhagar qabe Magaciisa lagu soo gaabshay Ilkacase kaas oo in badan bulshada ay ku sheegayn in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaan ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah As, kaas oo ay deegaano badan ku xoreeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda.

{DAAWO MUIQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh “Waxa ka dhacaya Gaza waxay khilaafsan yihiin dhammaan xeerarka bini’aadamka

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh “Waxa ka dhacaya magaalada Gaza waxay khilaafsan yihiin dhammaan xeerarka, sharciyada, iyo qiyamka bini’aadamka,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} Wareysi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo su aalo adag oo La weydiiyay

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Wareysi Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo su aalo adag oo La weydiiyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WAREEYSIGA

{DAAWO SAWIRADA} Dibad baxa lagu taageerayo Dadka reer Falastiiniyiinta oo Lagu qabtay Magaalada London

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} In kabadan 300,000 oo qof ayaa socod ku maray wadooyinka Magaalada London, afhayeen u hadlay booliiska oo aan la magacaabin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, iyadoo taageerayaasha Falastiiniyiintu ay sameeyeen baaqii ugu dambeeyay ee xabbad-joojinta Qaza.

Dadka wadada marayey waxaa ka mid ahaa mudaaharaadayaal garabka midig ah oo kasoo hor jeeday dibad baxan Falastiiniyiinta kuwaas oo la dagaalamay ciidamada booliska.

 

Duqa magaalada London Sadiq Khan iyo wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf ayaa ku eedeeyay wasiir Suella Braverman inay dhiirigelisay xisbiga midigta fog ka dib markii ay booliska ku eedaysay horaantii usbuuca inay u xaglinayaan “kooxaha Falastiiniyiinta taageersan”.

 

“Muqaallada qalalaasaha ee aan ku aragnay midigta fog ee Cenotaph waa natiijada tooska ah ee erayada Xoghayaha Arrimaha Gudaha,” Khan ayaa ku yiri baraha bulshada.

 

Braverman waxa ay la kulantay dhaleecayn ka dib markii ay ku tilmaamtay mudaaharaadayaasha Falastiiniyiinta lagu taageerayo inay yihiin “mudaaharaad nacayb”.

{DAAWO SAWIRADA} Dib U dhis Lagu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

0

Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC}  Arrintan la soo sheegey ayaa waxaa ay sababtay in ku-safridda diyaaradaha ay aad ugu tiirsanaadaan dadka deggan Baydhabo, oo ah magaalada ugu ballaaran Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya taas oo dadka deggan ay ka badan yihiin 1.5 milyan.

Si kastaba ha ahaatee, xataa qaabkaas loo safri karo ayaa la yimid dhibaatooyinkiisa u gaarka ah maaddaama xaaladda waddada ay diyaaraduhu ku cararaan iyo meelaha ay fariistaan ee ku dhinac yaalla garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ay ahaayeen kuwo aad u liita oo, sanado badanba, diyaaradaha ka duula iyo kuwa ku degga waddada diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka, gaar ahaan nooca diyaaradaha garbaha taagan leh ee loo yaqaanno fixed wing aircraft, ayaa halis ugu jirey shil ay galaan marka ay ku soo degayaan . Tani waxaa ay sababtey in diyaarado tiro yar tagaan ayna ka soo baxaan Baydhabo.

Dhammaan arrimahaas ayaa welwel badan ku hayey Dr. Fowziyo Cumar Maxamuud, oo ah isuduwaha caafimaadka ee Isbitaalka Isha Hospital ee ku yaalla Baydhabo.

“Waa ay adkaan jirtey in iyada oo dhulka la soo marinayo la keeno qalabka caafimaadka ee jilicsan sida qalabka ultrasound-ka iyo qaar ka mid ah daawooyinka, waxyaabaha loo adeegsado falgalka sheybaarka iyo daawooyinka ka sameysan opioid iyada oo looga baqayo in xamuulkaasi ay tayadiisu wax gaaraan,” ayaa ay dhakhtaraddu ka tiri dadaalladeeda ay ku keeneyso saadka caafimaadka.

Dhibaato badan ayaa soo gaartey

Garoonka oo markii hore loo yaqaanney Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo ayaa waxaa markii dambe loo bixiyey Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Shaati-Gaduud. Waxaa la dhisiey xilligii dowladii hore ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1972dii.

Dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1990-meeyadii, iyo amni-xumadii xigtey ee Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, ayaa sababey in garoonka muddo ku dhow soddon sano uusan helin dayactir iyo gacan-ku-hayn.

“Maaddaama aysan helin dayactir joogto ah, ayaa waddada ay diyaaraduhu ka duulaan uu burbur ba’an soo gaarey. Xataa QM ayaa duulimaadyadii diyaaradaha fixed wing ee balaashoodu taagan yihiin ee tegayey iyo kuwii ka imaanayey Baydhabo sanado badan u joojiyey cabsi la xiriirta bedqabka,” ayaa uu yiri Maxamed Shameem, oo ah Sarkaal Hawlgallada Duulimaadyada u qaabilsan oo Baydhabo kula shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobey ee Kaalmada Somaaliya (UNSOS).

“Tiro xaddidan oo diyaaradaha ganacsiga ah ayaa sii wadey duulimaadyadooda, inkasta oo ay ku khasbanaayeen in ay yareeyaan miisaanka ay soo duulinayaan, haddana weli waxaa halis ku jirtey nafta iyo hantida,” ayaa uu sii raaciyey. “Waxaa lagamamaarmaan noqotey in la dayactiro waddada ay diyaaraduhu ku cararaan si loo sii wado hawlgallo duulimaad oo bedqaba.”

Baahidii maaliyadeed iyo farsamo ee loogu baahnaa dayactiridda waddooyinka ay diyaaraduhu ku cararaan daraaddood, ayaa maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ay awoodi waayeen in ay keli ahaantooda si buuxda wax uga qabtaan mashruuca dayactirka – taas oo sababtey in Qaramada Midoobey ay lug ku soo yeelato hawshaas.

UNSOS ayaa lug ku soo yeelatey

Isaga oo ay iskaashanayaan Maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, ayaa Xafiiska Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOS) uu isu taagey Garoonka Caalamiga ah ee Shaati-Guduud si uu u soo gaarsiiyo heerkii loo baahnaa.

UNSOS ayaa hawsheedu tahay in ay Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ka taageerto sidii ay u abuuri lahaayeen meel ay ka dhacdo dib-u-heshiisiin siyaasadeed, dowlad-dhisid iyo in maamulka dowladeed lagu ballaariyo guud ahaan Soomaaliya. Ayaa u bareerey culeys aan yareyn oo cusub.

Mashruuca 15ka bilood soconayey oo bilowdey bishii Jannaayo 2021 ayaa hadafkiisa guud wuxuu ahaa in la dayactiro ilaa laba kilomitir oo ka mid ah waddada ay diyaaraduhu ku cararaan iyo meelaha ay fariistaan. Hawshan ayaa la halmaashey in si ballaaran dib looga shaqeeyo laamiga iyo iyo in la kordhiyo ballaca meelaha ay diyaaraduhu fariistaan si uu si bedqab leh uu ugu xamilo culeyska diyaarad weyn.

Dhammeystirka mashruucu ma ahayn mid fudud oo hakad la’aan socday taasoo ay sabab u ahayd daahidda helitaanka qaar ka mid ah agabka, culeysyo dhinaca amniga ah iyo cudurkii safmarka ahaa ee COVID-19. Waxaa ay noqotey in la bilaabo bishii Maarso 2021 waxaana qaybtii ugu weyneyd ee mashruuca la dhammeeyey bishii Juunyo 2022.

Intii uu socdey dayactirka, waa yaraa raadka xun ee uu ku yeeshey isu-socodkii dadka iyo alaabada ee imaanayey iyo kuwii ka baxayey Baydhabo ee marayey garoonka.

“QM ayaa sameysey daraaseynta injineeriyadda (handasada), waxaa ay qorsheysey ayna diyaarisey barnaamijka dayactirka, waxaana la dhammeystirey gebi ahaan mashruuca iyada oo aan waddada ay diyaaraduhu ku cararaan aan hal maalinna loo xirin hawlgallada diyaaradaha nooca fixed-wing ee baalashada taagan leh,” ayuu yiri Mudane Maxamed Shameem.

“Ka dib markii la dhammeeyey dayactirka, ayaa waddada ay diyaaraduhu ku cararaan waxaa ay noqotey mid u habboon diyaaradaha waaweyn – xataa sida kuwa waaweyn ee C-13 Hercules,” ayuu sii raaciyey. “Sidaa daraaddeed waqtigan, waxaa meesha ka baxay welwelkii la xiriirey bedqabka ee ka dhalanayey xaaladda waddooyinka ay diyaaraduhu ku cararaan.”

Diyaaradda C-130 waa mid ka mid ah diyaaradaha matoorka marwaxadda leh ee xamuulka qaada ee ugu weyn dunida, taas oo awood u leh in ay qaaddo ugu badnaan ilaa 19,000 kilogaraam waxaana uu cabbirkeedu yahay ku dhowaad 30 mitir oo dherer ah iyo 40 mitir oo ballaca baalasha ah.

Raadka islamarkiiba ka dhashey

Raadka dayactiridda ka dhashey degdeg ayaa loo arkey, waxaa uu saamaxay in ay kordhaan duulimaadyada ay sameeyaan kuwii caadi ahaan isticmaali jirey sida bahwadaagta caalamiga ah sida Qaramada Midoobey, iyo diyaaradaha ganacsiga. Tirada dadka iyo alaabada ee korodhey ayaa macnaheedu yahay faa’iidooyin dhinaca dhaqaalaha oo u soo kordhey Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed.

Waqtigan la joogo, waxaa Baydhabo yimaada ilaa 30 duulimaad oo ganacsi toddobaad walba, iyada oo 20 ka mid ah ay ka yimaadaan Muqdisho.

Celcelis ahaan 1,500 ilaa 2,000 qof ayaa hadda isticmaala garoonka toddobaadkii, iyada oo mashruuca dayactirka ka hor ay tiradaasi ay horey u ahaan jirtey celcelis ahaan 1,000 qof toddobaadkii. Tiradaan ayaa la filayaa in ay kor u kacdo waqtiyada soo socda marka diyaarado ka waaweyn kuwa hadda ay ka faa’iideystaan waddooyinka cusub ee diyaaraduhu ku cararaan.

“Waxaan qarka u saarneyn in aan xirno garoonka, laakiin nasiib wanaag waxaa dib u dhisey Qaramada Midoobey. Waxaa uu ahaa mid aad u qallafsan oo halisna gelinaya naf iyo hantiba. Dayactirka ka dib, diyaaradaha waxaa ay hadda u soo degaan si bedqab ah iyaga oo sida xamuul aan xaddidneyn,” ayaa uu yiri Salaad Maxamed Mukhtaar, oo ah maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Shaati-Gaduud.

“Ka warran – maanta waxaan u adeegney afar duulimaad oo kuwa gargaarka bani’aadamnimada ah, saddex duulimaad oo ganacsi iyo laba duulimaad oo kuwa QM ah,” ayaa uu raaciyey. “Waxaa ay taasi si mug weyn kor ugu qaaddey dakhliga aan ka helno adeegyada duulimaadyada, waxaa ay sii wanaajisey qaadista badeecadaha waxaana ay sii wanaajisey kaabayaasha dhaqaale ee gobolka.”

Marka laga soo tago faa’iidooyinka ganacsi iyo kuwa gaadiid, waddada diyaaradaha ku cararaan iyo meelaha ay fariistaan ee la dayactirey waxaa ay sidoo kale wax ku biirinayaan dadaallada guud ahaan la halmaala nabad-dhisidda.

“Sii-wanaajinta ay sii wanaajisey isku-xirnaanta Baydhabo iyo Muqdisho, waxaa ay si aan toos ahayn wax ugu kordhisey joogteynta iyo adkeynta xiriirka u dhexeeya xarunta dhexe, oo hadda Muqdisho loola jeedo, iyo geesaha, oo ah Dowlad-goboleedyada dalka,” ayuu yiri Madaxa Xafiiska hawlgallada QM ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Arnaud Laloum.

Dhinaca kale, Dr. Fowziyo, waxaa ka fududaadey welwelkii ay ka welweli jirtey helitaanka daawooyinka iyo qalabka aadka loogaga baahnaa isbitaalkeeda.

“Waxaas oo dhan waxaa ay isla beddeleen dayactirkii lagu sameeyey garoonka” ayaa ay tiri.

Improved runways help Baidoa’s Shati-Gaduud Airport take off

0

Saturday November 11, 2023 {HMC} The road connecting the south-west city of Baidoa to the Somali capital of Mogadishu is a dangerous one, often plagued by uncertainty and insecurity.

This has meant a strong reliance on air travel for the residents of Baidoa, the largest city in Somalia’s Southwest State with a population of more than 1.5 million people.

However, even that option has come with its own problems as the condition of the runway and adjoining taxiways at Baidoa’s airport was so poor that, for many years, aircraft taking off from and landing at the airport’s runways, especially fixed-wing aircraft, were at risk of an accident. This led to fewer flights to and from Baidoa.

All of this meant plenty of worry for Dr. Fowziyo Omar Mohamud, the medical coordinator for Isha Hospital in Baidoa.

“It has been difficult to transport fragile medical equipment such as ultrasound equipment and some drug substances, lab re-agents and opioid drugs on the road due to the fear of affecting the quality of the load,” the doctor says about her efforts to obtain medical supplies.

Severely damaged

Formerly known as Baidoa Airport, the aerodrome has been renamed the Shati-Gaduud International Airport. It was built during the government of former President Mohamed Siad Barre in 1972.

The country’s descent into civil war in the 1990s, and subsequent security challenges in South West State, meant that the airport was not maintained for almost three decades.

“Due to the absence of regular maintenance, the runway got severely damaged. Even the UN had to stop fixed-wing flights to and from Baidoa on safety grounds for years,” says Mohammad Shameem, an Air Operations Officer serving in Baidoa with the United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

“A limited number of commercial airlines continued and, although they had to fly with reduced loads, it was still a serious risk to life and property,” he adds. “It became imperative to rehabilitate the runway to continue safe flight operations.”

Due to the financial and technical requirements for repairing the runways, the Southwest State authorities were unable to deal with the rehabilitation project fully on their own – which led to the United Nations getting involved.

UNSOS steps in

In partnership with Southwest State’s administration, the UN Support Office for Somalia (UNSOS) took up the challenge of getting the runway of Shati-Gaduud International Airport up to scratch.

UNSOS is tasked with providing support to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and Somali security forces in creating space for political reconciliation, state formation and extension of government authority across Somalia. It leapt to the new challenge.

Starting in January 2021, the 15-month project’s overall aim was to rehabilitate around two kilometres of the airport’s runway and taxiways. This involved an extensive re-setting of the asphalt and increasing the width of the taxiways so that it could safely bear the weight of larger aircraft.

Completing the project was not straightforward due to delays in obtaining some materials, security challenges and the COVID-19 pandemic. It ended up starting in March 2021 and the main part of the project was completed in June 2022.

Throughout the repair process, there was little negative impact on the existing flow of people and goods to and from Baidoa via the airport.

“The UN did the engineering assessment, planned and developed the rehabilitation programme, and the (then?) completed the whole project without closing the runway for a single day for fixed-wing operations,” notes Mr. Shameem.

“Following the completion of the rehabilitation, the runway has become suitable for large aircraft – even up to one as large as C-130 Hercules,” he continues. “So now, the safety concerns stemming from the condition of the runways have been eliminated.”

The C-130 is one of the world’s biggest propeller cargo aircraft, able to carry a maximum payload of around 19,000 kilograms and measuring almost 30 metres in length and 40 metres in wingspan.

Immediate impact

The impact of the rehabilitation has been immediate and noticeable, allowing for increased traffic from regular airport users such as international partners like the United Nations, and commercial operators. The increase in the number of people and goods has also meant economic benefits for SouthWest State.

Currently, there are around 30 commercial flights to Baidoa each week, with 20 of these being from Mogadishu.

An average of 1,500 to 2,000 people use the airport on a weekly basis now; this is up from an average of 1,000 people per week before the rehabilitation project. That figure is expected to rise in time to come as larger aircraft make use of the new tarmacs.

“We were on the verge of shutting down this airport, but fortunately it was reconstructed by the United Nations. It had been very rough and dangerous for lives and property. After rehabilitation, aircraft can now enjoy safe flights with unlimited loads,” says Salat Mohamed Mukhtar, the manager of Shati-Gaduud Airport.

“Imagine – today we catered for four humanitarian flights, three commercial flights and two UN flights,” he adds. “It has significantly increased our revenue from flight services, enhanced transportation of commodities and improved the region’s economic infrastructure.”

Away from the commercial and transportation benefits, the rehabilitated runway and taxiways also contribute to broader peacebuilding efforts.

“By improving the connection between Baidoa and Mogadishu, it has indirectly contributed to maintaining – and possibly strengthening – the relationship between the centre, in this Mogadishu, and the periphery, that is, the country’s Federal Member States,” notes the Head of Office for the UN’s operations in Southwest State, Arnaud Laloum.

Meanwhile, for Dr. Mohamud, her worries over the hospital receiving much-needed medicine and equipment have eased.

“All this has changed with the rehabilitation of the airstrip,” she says.

The Shabelle River flooded in the Beledweyne neighborhood

0

Saturday November 11, 2023 {HMC}  The Shabelle River, which runs through Beledweyne townships, has started to overflow its banks in some Beledweyne townships.

Some parts of Koshin and Hawa Taako neighborhoods were flooded by the river this afternoon, especially the branches of Raderka, Kutiimbo, Kangjibis and Shaah Daam.

In the neighborhoods where the Shabelle river flooded today, there has been a strong displacement in the past few days by the people who live in those neighborhoods, who were afraid of the flooding that the river did today.

There is also a strong fear that the river will flood some parts of Bundaweyn and Howlwadaag in the coming hours.

The flood that has just started in the river is coming, as most of the people living in the neighborhoods of Beledweyne have been displaced from their homes in the past few days, most of them have been displaced to Eeljale neighborhood where Beledweyne is located.