Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Musharixiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday gudaha magaalada Garoowe.
{DAAWO MUIQAALKA} Wabiga shabeelle oo ku fatahay Qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Baladweyne
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Wabiga shabeelle oo ku fahay Qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Baladweyne
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUIQAALKA} RW Xamse Dhib badan ayuu geystay roobkii da’ay Waddooyin badanna wey xiranyihiin caafimaad daro
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Muxuu shalay Qaza ka yiri Madaxweynaha Jabuuti shirkii Riyaad?
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay xalaada Qaza isaga oo ka qeybgalaya shirka madaxda afrika iyo Sacudi Carabiya.
Madaxweyne geele ayaa yiri: “maarinka Qaza waxa ka jirta xaalaad adag oo ay wajaahayaan dadka reer Falastiin, in ka badan 2.5 milyaan oo qof ayaa lagu qaasbay in laga baara kiciyo dhulkoodi iyo guryahoodii kadib marki loo adeegsaday weraaro dhanka cirka ah oo aan loo meel dayin”.
Madaxweyne geelle ayaa sheegay in lagu tuntay xuquuqdii dadka reer Falastiin “sido kale waxaa meel looga dhacay haquuqda bili’adaantinimada, waxaa laga jaray dadka shacabka ah cuntaadi iyo biyihi iyo dawoyinka sido kale waxa la gooyay isgaarsintii iyo dhamaan adeegyadi muhiimka ahaa” ayuu yiri.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Afrika ahaan ay masuuliyad gooni ahi ka saaran tahay dadka reer Falastiin, isaga oo ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay in jawaab adag alag bixiyo arrinkan.
Wararkii u dambeeyay iyo hadallada hogaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta ee Sucuudiga ku kulansan
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Dhowr hogaamiye ayaa hadda ka hadlay shirka wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka OIC ee ka dhacaya caasimadda Sacuudiga.
Hoos waxaan kosoo koobaynaa wixii illaa hadda la sheegay:
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in “siyaasadaha ciqaabta wadajirka ah” ee Qaza ay yihiin wax aan la aqbali karin oo “aan lagu qeexi karin is-difaac ama sheegashooyinka kale”.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay tahay in la qabto shir caalami ah oo nabadeed si xal waara loo gaaro oo u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu ku cadaadiyo Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Qaza. Wuxuu sheegay in Falastiiniyiinta ay wajahayaan “dagaal xasuuq ah oo aan la qiyaasi karin”.
Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgallada militari, lana sii daayo maxaabiista.
ISHA BBC
Safiirka UK ee Soomaaliya oo ballan-qaad u sameeyay reer Baydhaba
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Nithavrianakis oo gaaray magaalada Baydhaba.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Baydhaba.
Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirada qorshaynta, cadaaladda, gargaarka iyo howlaha guud, ayada oo la’isaga wareystay saameynta ka dhalatay fatahaadda.
Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaaday diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la filayo inuu dhawaan ka billowday Koonfur Galbeed.
Danjiraha dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa adkeeyay in socdaalkiisa Baydhaba uu la xiriiro sidii dowladdiisa ay kaalin ugu qaadan lahayd ugurmashada dadka uu saameynta ku yeelatay tatahaadda biyaha iyo sidii ay u taageeri lahayeen dadaalka maamulka Koonfur galbeed ee daadejinta adeegyada dowladda.
Uk ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada siiya Soomaaliya, isla-markaana ka caawiyaan dhanka dhaqaalaha tababarada ciidamada iyo mashaarciida horumarineed.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha uu sida daran u saameeyeen daadadka ka dhashat roobabkii ka da’ay Muqdisho, waxaana ugu sii daray magaalada Baydhabo oo ay ka barakaceen qoysas badan, kadib markii ay ku rogmadeen biyo aad u fara badan.
shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo mogdisho ka furmay iyo RW Xamsa daahfuray
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.
“Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.
Musharixiinta Mucaaradka Puntland oo war Cusub kaso saaray dagaalkii Garoowe
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Musharixiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan shaqaaqadii ugu dambeysay ee ka dhacday gudaha magaalada Garoowe.
Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay cambaareynayaan dagaalkii u dambeeyey ee todobaadkii hore ka dhacay caasimada oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
“Dalladu waxay ka xun tahay isla markaana cambaaraynaysaa falkii ka dhacay barxadda caasimada Garoowe 07/11/2023, kaas oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha mucaaradka Puntland.
Sidoo kale mucaaradka ayaa dagaalkaas ku eedeeyay madaxweynaha Saciid Deni oo ay sheegeen inuu fidno ka abuurayo Puntland oo haatan wajahaysa xaalad hubanti la’aan ah.
“Cawaaqib xumadii ka dhalatay dhacdadaas waxaa leh madaxweynaha xilkiisa ku dhammaadka yahay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo ay farriin u direen ciidamada ammaanka oo ay ugu baaqeen in aysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee maamulkaas, ayna ku ekaadaan howlaha amniga.
Intaas kadib midowga musharixiinta mucaaradka Puntland ayaa dalbaday in xal loo helo xiisadda ka taagan Puntland, waxayna ugu baaqeen waxgaradka inay doorkooda qaataan.
“Dalladu waxay ugu baaqeynaa dhaqanka, culimada, nabadoonada, cuqaasha iyo waxgaradka kale inay u istaagaan ka hortega fidnimada uu hurinaayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay” ayuu lagu soo gabagabeeyay qoraalka.
Puntland ayaa haatan wajahaysa xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo Deni.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {11/11/2023}
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya :shugri baryare maxamuud iyo abdi yare
Farsamadii :Cabdi maajid abdirxman adan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Wabiga Shabeelle oo Bilaabay in Baladweyne uu ku fataho iyo Maamulka oo digniin Cusub soo saaray
Sabti Nofembar 11, 2023 {HMC} Wabiga Shabeelle ayaa ka bilaabay Xaafada Magaalada Baladweyne 24kii saac ee ugu dambeeyay in uu karkaarada Jabsado madaama uu keenay biyo aad u farabadan oo ka yimid dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Meelaha uu wabiga karkaarada ka jabsaday waxaa Kamid ah, Deegaanka hoodleey, Beerta reer muudaalle, Kaliga dhaxjabis iyo Hiliada Bilis-diid oo dhamaantooda Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoos-yimaado ah.
Baladweyne waxaa soo gaaray Biyahii guurtida aha ee Mudooyinkii dambo aad dadka reer Baladweyne looga digayay waana sababta keentay in uu wabiga karkaarada Jabsado 24 saac uu ugu dambeeyay.
Cabdullaahi qoofiyoow oo kamid ah dadka isxilqaamka ku waday dadaalada wax looga qabanayo Fatahaada ayaa sheegay in xalay biyo badan uu keenay wabiga shabeelle kaasi oo ugu dambeeyn goobahii laga shaqeeynayay xalay biyaha kasoo baxeeyn.
Cabdullaahi oo kamid ah gudiga Fatahaada Gobolka Hiiraan ayaa dadka reer Baladweyne ugu baaqay inta magalaada ku hartay in ay taxadir dheeraad ah muujiyaan madaama biyahii ay soo galeeyn xaafado kamid ah Magaalada.
Maamulka Dowlada Hoose ee Baladweyne ayaa sheegay in dhaman Cabiradii loogu tala-galay wabiga Shabeelle ay buuxsameeyn oo xadkii loogu tala-galay uu dhaafo, hada waxii ka dambeeyane la sugayo in wabiga uu karkaarada Jabsado.
Duqa Magaalada Baladweyne ayaa sheegtay in dadka reer Hiiraan sanadkan ay qaateeyn wacyigalinadii Faraha badnaa ee lasiiyay, taasi oo sababtay in biyaha oo Magaalada soo gaarin dadka ay barakceeyn intooda badan.



