Home Blog Page 318

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo sheegtay in taageeradii beesha Calamka Ay dhibaato Ugeysay DHaqaalaha .

Jimco, November 14, 2025 (HMC) Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa wareysi uu siiyay CNBC Carabiya ku sheegay in Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo oo dhinaca dhaqaalaha ah sanadihii ugu dambeeyay, inkastoo ay jiraan caqabado cusub oo ka dhashay hoos u dhaca ku yimid caawimada horumarineed ee ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha waaweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu diiwaangeliyay koboc dhan 4% sanadka 2024, hase yeeshee saadaasha sanadkan 2025 ay hoos ugu dhacday ku dhowaad 1%, arrin uu ku sababeeyay yaraanta taageerada dibadda, taas oo saameyn ku yeelatay xawliga kobaca dhaqaalaha.

Biixi Iimaan Cige waxa uu xusay in dowladda federaalku ay ku howlan tahay xoojinta maamulka maaliyadda, dib-u-habeyn cashuureed iyo mid hay’adeed, si loo kordhiyo dakhliga gudaha oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta maalgelinta muddada fog.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dalka uu sameeyay horumar ballaaran oo ku saabsan dijitalaynta iyo otomaatiga nidaamyada cashuuraha, taas oo keentay in dakhliga gudaha uu kor u kaco in ka badan 80% saddexdii sano ee la soo dhaafay, inkastoo laga bilaabay saldhig dakhli oo hooseeyay.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in miisaaniyadda qaranku uu kordhay 24% sannadihii 2024 iyo 2025, balse weli ay jirto baahi weyn oo loo qabo maalgelin caalami ah, iyadoo dakhliga gudaha uu si tartiib tartiib ah u kordhayo sanad kasta.

Dowladda, ayuu yiri, waxay xoogga saaraysaa ballaarinta kharashaadka bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

Waxa uu tilmaamay in dakhliga gudaha ee waxbarashada la geliyo uu ka kacay 3% oo noqday 10% saddex sano gudahood, taas oo muujinaysa awood kordhaysa oo dowladda u leedahay maalgelinta mudnaanta horumarineed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya ay qaadatay hab taageero oo bartilmaameed leh, halkii ay ka isticmaali lahayd gargaarka guud ee aan la kala soocin.

{DAAWO MUQAALKA} Mid ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn u taageera Xasuuqa RSF oo lasoo bandhigay.?

0

Jimca 14,Nov 2025 {HMC}  Mid ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn u taageera Xasuuqa RSF oo lasoo bandhigay.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} MW Farmaajo oo kulamo ka wada Muqdisho.

0

Jimca 14,Nov 2025 {HMC} MW Farmaajo oo kulamo ka wada Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Cudurka dilaaga ah oo ka dilaacay Itoobiyo iyo calaamdaha lagu garto.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, Qandhada wadata dhiigbaxa fayrasku ama (Haemorrhagi Fever) waa magac guud oo loo bixiyo noocyada kala duwan ee cudurrada fayraska. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah qandhada jaalaha ah, qandhada dengue, iyo Ebola.

Qandhada Crimean–Congo iyo xumad Rift Valley ayaa sidoo kale isku nooc yihiin, sida lagu sheegay macluumaadka lagu daabacay bogga Ururka Caafimaadka Adduunka.

Qandhada dhiigbaxa wadata waa cudur inta badan saameeya hab-dhiska xididdada dhiigga ee jirka oo wax u dhimaya awoodda uu jirku isku hagaajin karo. Waa xanuun halis galin kara noolasha qofka.

War-saxaafadeed ay shalay soo saareen wasaaradda caafimaadka iyo machadka caafimaadka dadweynaha ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xanuunka dhiig baxa ee ka dilaacay magaalada Jinka ayna “baaris ku socdo”.

Waa maxay calaamadaha cudurka?

Wasaaradda caafimaadka iyo machadka caafimaadka dadweynuhu waxay calaamada cudurkan ku tilmaameen “dhiig ka soo baxaya afka, sanka iyo qaybaha kale ee jirka”. “Qandho, qarqaryo, iyo matag” ayaa sidoo kale lagu sheegay calaamadaha uu wato.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda waxa ay ku dartay murqo xanuun degdeg ah, madax-xanuun, iyo shoog la xiriira dhiig-baxa oo ah calaamado dheeraad ah.

Xogta ururku waxay sidoo kale muujinaysaa in cudurku uu carqaladayn karo shaqada caadiga ah ee xubnaha jirka uuna xibnaha qaar ka dhigi karo howlgab. Calaamadaha ugu horreeya ee cudurku waa qandho, madax-xanuun, daal, murqo xanuun, iyo miyir beel.

XIGASHO BBC

Faah faahinta iska hor imaad sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Baladweyne.

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Faah Faahin dheeraad ah ayaa Kasoo baxeeyso iska Hor imaad Kooban oo ka dhacay Maqayaada Goodir ee Magaalada Baladweyne oo ay ka socotay Caleemasaarka Nabadoonka Cusub ee Dige Nabadoon Cabdirashiid Ilkacase

 

Inta la Xaqiijiyay 1 Qof ayaa ku dhintay ilaa 4 Kalena waa ay ku dhacmacmeeyn. Waxaana dhamaan dadkan ay yahiin Shacab

 

Muranka Gacan ka Hadalka ah ayaa Ka dhashay Xaflada Caleema-saarka Nabadoonka Cusub, iyaga Qaar Kamid ah Odoyaasha Dhaqanka Ay diideyn Qabashada Xafladan

 

Dadka dhawaca ah ayaa Lagu Baxnaaniyaa Xaaladooda Caafimaad isbitaalo ku yaala Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Allaha unaxariistee Kursiga Nabadoonka Dige Waxaa ku fadhiyay Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo Muqdiaho ku Geeriyooday. Waxaana Waxii ka dambeeyay socday Sidee loo dooran Lahaa Nabadoon Cusub

 

Maamulla Gobolka Hiiraan iyo Laamaha Amaanka Baladweyne ayaana Wali ka Hadlin dhacdada Manta dhacday

Waxii Kasoo kordho Hiiraanweyn.

An Ethiopian plane was shot down in Eritrea.

0

Thursday, Nov 13, 2025 {HMC} Reports from Eritrea say an Ethiopian drone has been shot down in the southeastern region, near the port of Assab.

The incident comes amid heightened tensions between the two countries over Ethiopia’s efforts to gain access to the Red Sea.

The reports add that the drone was on a surveillance mission near the border town of Bure the site of the 1998–2000 border war between the two countries, which left more than 100,000 people dead.

Eritrea has also been reported to have installed drone jamming equipment in key locations this year, as tensions continue to escalate. Neither government has commented on the incident so far.

WAR DEG DEG AH: Diyaarad Itoobiya leedahay oo lagu soo riday dalka Eritrea.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Warbixino ka imaanaya dalka Eritrea ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye lahayn oo Itoobiya leedahay lagu soo riday gobolka koonfur-bari, meel u dhow dekedda Assab.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo xiisad xoog leh ay ka dhex taagan tahay labada dal, taas oo ka dhalatay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin badeed oo ay kaga gasho Badda Cas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaaraddaasi ay ku jirtay howlgal kormeer ah meel u dhow magaalada xadka ku taalla ee Bure — oo ahayd goobtii uu ka dhacay dagaalkii xuduudda ee u dhexeeyay labada dal sanadihii 1998–2000, dagaal kaas oo sababay dhimashada in ka badan boqol kun oo qof.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay in Eritrea ay sanadkan meelo muhiim ah ka rakibtay qalab carqaladeeya isgaarsiinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo xiisaduhu sii xoogaysanayaan. Labada dowladood midna kama aysan hadlin arrintan ilaa hadda.

Farmaajo oo faahfaahin ka bixiyay sababta uu dalka ugu soo laabtay.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay tagiddiisa Muqdisho.

Bayaan uu soo saaray Mr Farmaajo ayaa lagu sheegay in inta uu ku sugan yahay Muqdisho “uu sii xoojinayaa dadaallada heer Qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn”.

Madaxwaynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sida bayaanka ku xusan uu kulammo wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalka la qaadan doona hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Turkiga oo beeniyay wararka la xiriirinaya ‘Weerarkii Argagixiso’ ee Caasimada Hindiya Delhi.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC}  Turkiga ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta Hinidiya oo sheegayay in ‘weerarkii argagixisada’ ee Delhi lala xiriiriyay Turkiga. Agaasinka Isgaarsiinta ee Turkiga ee ka hortagga wararka been abuurka ah ayaa yiri , “Wararka ay soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta Hindiya ayaa lagu sheegay in Turkigu uu xiriir la leeyahay dhacdooyiinka argagixisanimo ee Hindiya, isla markaana uu taageero saad ah siiyay, waa mid aan jirin.”

“Tani waa qayb ka mid ah ololaha warar been abuul ah oo ula kac ah oo loogu talagalay in lagu dhaawaco xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.”

Turkiga ayaa sheegay in uu gabi ahaanba diidan yahay nooc kasta oo argagixisanimo, meel kasta iyo cid kasta oo geystaba, waxaana ay safka hore kaga jiraan la dagaalanka argagixisada iyagoo kaashanaya beesha caalamka.

Turkiga waxa uu sheegay in sheegashada noocaasi ay tahay ‘gebi ahaanba mid been abuur ah oo aan jirin ’.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay Delhi Isniintii, kaas oo ay dawladda Hindiya ku tilmaantay “Weerar Argagixiso”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminayo gaaray Magaaladda Kampala.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.

waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u joogta dalkaasi Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare iyo Diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mudada uu halkaasi joogo waxa uu ka qeyb geli doonaa shirka guddoomiyaasha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.