Home Blog Page 317

FAAH FAAHIN Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka taagnaa xaalad ku saabsan gabadh yar oo la sheegay in la dilay habeen hore taasoo ay ka caroodeen bulshada ku nool magaalada gaarahaan dhanka maamulka Puntland.

Gabadha yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saabiriin Saleebaan Cabdulle , waxaana la sheegay in si arxan darro ah loo jir dilay.

Taliyaha howlgelinta booliska gobolka Mudug Kabtan Carab Dhuubane oo faah-faahin ka bixinayay dhacdadaan ayaa sheegay in dhacdadaan loo qabtay laba qof isla markaana qof ka mid ah uu qirtay dambiga loo haysto ee ah dilka gabadha yar.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in cadaaladda la mar-siin doono tuhmanayaasha haddii dembiga lagu helo.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Bariga Afrika ee 2025-2026.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka Bulshada bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta shirka uu socday waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Inta shirka uu socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026, waxaana guud ahaan shirweynaha 20-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ku uu saabsanaa horumarinta iskaashiga, maamulka, iyo hagaajinta habraacyada baarlamaannada gobolka iyadoo la kaashanayo madaxda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.

Ruushka oo soo bandhigay robot-yo hubeysan oo ka qeyb galaayo Dagalada.

0

Jimco, 14, Nov 2025 (HMC) Dowladda Ruushka ayaa markii u horreysay soo bandhigay robot-yo hubeysan oo loo diyaarinayo inay dagaallada ka qeybgalaan.

Arrintan uu sameeyay ruushka ayaa markiiba walaac xoogan laga muujiyay, xili uu dagaal kula jiro Dalka yugreen.

Kenya’s miraa sector hit by 17% export slump to Somalia in first half of 2025

Friday November 14, 2025 (HMC) Kenya’s miraa exports to Somalia fell 16.9 percent in the first half of 2025, dropping to 1.7 million kilograms from 2.1 million kilos a year earlier, as rising competition from Ethiopian producers and restrictions in Somalia disrupted shipments, according to the Agriculture and Food Authority.

AFA data shows that February recorded the lowest exports at 199,860 kilograms, while May posted the highest volume at 356,427 kilograms. Exporters say the trade has grown more unpredictable as Ethiopia strengthens its hold in key Somali markets, cutting into Kenya’s long-standing dominance in the region.

The downturn has renewed concerns about Kenya’s heavy reliance on Somalia as its primary miraa market. The sector has faced sustained volatility due to shifting policies in Mogadishu, fluctuating demand, and the growing appeal of Ethiopian suppliers offering competitive prices and faster supply chains.

In response, Kenya has intensified efforts to diversify its export destinations. In July 2025, Djibouti formally opened its market to Kenyan miraa after a series of bilateral missions in late 2024. The agreement requires Kenyan traders to comply with Djibouti’s permit system and product standards. AFA Director General Dr. Bruno Linyira hailed the deal as “a crucial milestone” for expanding the country’s export footprint.

Kenya’s dependence on Somalia has posed risks in recent years. The country only resumed miraa exports to Somalia in 2022 after Mogadishu lifted a two-year ban imposed during a diplomatic dispute under former President Mohamed Abdullahi Farmaajo. Although trade later normalized, exporters warn that the sector remains vulnerable to political shifts and regional competition.

Source Hiiraan Online

Muxu yahay Warka Ay beenisay Galmudug Oo Kusaabsan Dowladda Federaalka ?

vJimco, November 14, 2025 (HMC) Galmudug ayaa beenisay eedeymo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku tababarto koonfurta magaalada Gaalkacyo si loogu adeegsado qalqal galinta amniga Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in hadalladaasi aanay sal iyo raad toona lahayn, ayna wax u dhimayaan xiriirka iyo kalsoonida maamulada deriska ah.

Waxay Puntland ugu baaqeen inay soo bandhigto caddeymo ku saaabsan in ciidamo ka soo jeeda Puntland lagu tababarayo Koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale, waxay sheegeen in eedeyntani ay tahay gef ka dhan ah maamulkooda, kuna baaqay in laga bixiyo raali-gelin.

“Haddii ay wax tabasho ahi jirto, waxaan rabnaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland inuu caddeymo keeno. Waan diyaar u nahay inaan kaxayno, si uu noo soo tuso xeryooyinka lagu tababaro ciidanka lagu burburinayo Puntland.” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Sheikh Axmed oo katirsan baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade), ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Galmudug loo maro qorshayaal wax u dhimaya xasilloonida Puntland. Wuxuu ku adkeystay in ay jiraan xeryo ciidan oo ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo lagu diyaarinayo maleeshiyaad loo adeegsanayo amniga Puntland.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu dhowaan sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku tababarto deegaano ka baxsan Puntland, balse ay yihiin ciidan qaran oo aan wax xiriir ah la lahayn dano gaar ah oo Puntland ka dhan ah.

{DAAWO MUQAALKA} Banaan bax looga soo horjeedo Dilka dumarka oo ka dhacay Galkacyo.

0

Jimca 14,Nov 2025 {HMC Banaan bax looga soo horjeedo Dilka dumarka oo ka dhacay Galkacyo.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 14-11-2025

0

Jimca 14,Nov 2025 {HMC}  Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 14-11-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Laftagareen urges Immediate end to deadly clan clashes in Wala-weyn

Friday November 14, 2025 (HMC)  Southwest State President Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen called Friday for an immediate halt to the deadly clan clashes in Wala-weyn, warning that a week of violence in the Lower Shabelle district has left multiple people dead, destroyed homes and further destabilized an already fragile region.

The fighting, involving rival local clans, has intensified since last week and has deepened the hardship of communities already struggling with drought, humanitarian needs and persistent insecurity linked to  AS.

Laftagareen condemned the burning of homes and the loss of life, calling the violence “unacceptable” and stressing that the state “cannot afford renewed clan warfare” as it faces overlapping crises.

“I am sending a message of peace to the people of Wala-weyn and nearby areas after the tragic incidents of the past seven days,” he said in a statement.
The president urged traditional elders, religious leaders, youth and women to take an active role in stopping the clashes and to support security forces working to stabilize the district. He said community leaders must act quickly to ease tensions and work toward a sustainable resolution.

Wala-weyn, a key population center in Lower Shabelle, has seen outbreaks of clan conflict, often driven by land disputes, political grievances and competition over local resources. Regional officials say security agencies are coordinating with local leaders to prevent further escalation and restore calm.

Source Hiiraan Online

Somaliland Central Bank denies Premier Bank role in Somalia’s E-Visa payment system

Friday November 14, 2025 (HMC) The Central Bank of Somaliland has clarified that Premier Bank Somaliland played no part in the Somali federal government’s E-Visa payment collection system.

In a statement issued Thursday, the bank said the E-Visa agreement “was entered into entirely in Mogadishu” and has no connection to Somaliland’s financial system.

The Central Bank stressed that Premier Bank’s Somaliland branch operates strictly under Somaliland’s financial laws and is not part of Somalia’s payment gateway for E-Visa processing.
“The Central Bank of the Republic of Somaliland informs the public that the E-Visa service agreement for Somalia was entered into within Somalia, and Premier Bank Somaliland had no role in that process,” the statement read. The bank added that it is closely monitoring local financial institutions to prevent Somaliland’s financial system from being linked to any services or agreements that fall outside its legal framework.

The bank also warned the public and media against spreading unverified information that could damage the credibility of Somaliland’s financial institutions, saying that anyone involved in illegal financial activities would be held accountable.

The Central Bank reaffirmed its commitment to safeguarding the independence and stability of Somaliland’s financial system and encouraged the public to maintain confidence in its institutions.

Mukhtaar Mohamud, Chairman of the Economic Committee in the Somaliland House of Elders, told Bulsho TV that Premier Bank is a private company and cannot be held responsible if its Mogadishu branch handles Somali E-Visa payments.

“I heard Ismail speaking about this recently. Banking is a private business—this is a political issue,” he said. “Our banks such as Dahabshiil, Dar es Salaam, Premier—operate in all Somali-populated areas. We are in conflict with a federal government, not with private banks.”

He accused WorldRemit founder Ahmed Ismail of taking advantage of the current political tensions and warned businessmen against politicizing commercial institutions.

“A bank is a container for money. A branch in Mogadishu cannot refuse if money is deposited,” he said.

Premier Bank Somaliland also defended itself after Ahmed Ismail said earlier this month that the federal E-Visa system was linked to Premier Bank. The bank said it is fully registered under Somaliland law and provides services only within Somaliland, including its payment gateway system.

Business Manager Hussein Hassan Hussein said Premier Bank had no involvement in Somalia’s E-Visa arrangements and noted that Ismail Ahmed “has no evidence” for his allegations.

Somalia launched its mandatory electronic visa and travel authorization system on September 1, 2025, calling it a major step toward improving security screening and financial transparency. All foreign travelers must now apply for a visa online before entering the country.

However, Somaliland and Puntland rejected the system, with Somaliland insisting that only documents issued by its own immigration authority are valid in its territory, while Puntland said the federal E-Visa is “illegal” and that regional governments maintain authority over airport and border procedures.

Source HIIRAan Online

Maxay Tahay Baaqa Nabadeed u Diray Laftagareen.?

Jimco, November 14, 2025 (HMC)  – Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa u diray baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku socda bulshada ku dagaallamaysa degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay rabshadaha toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay Wala-weyn kuwa “aan la aqbali karin”, isaga oo ku adkeystay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo wadajirka bulshada.

“Waxaan farriin nabadeed u dirayaa dadka Wala-weyn iyo deegaannada ku dhow, kaddib dhacdooyinkii murugada lahaa ee dhacay toddobadii maalmood ee u dambeeyay,” ayuu Laftagareen yiri.

Laftagareen ayaa cambaareeyay gubista guryaha, khasaarihii naf iyo maalba lahaa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in shacabka Koonfur Galbeed aysan marna aqbali doonin dagaal beeleed iyadoo weli ay socdaan xaalado adag oo ay ka mid yihiin abaarta, caqabadaha bani’aadannimo iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dagaallada maalmihii u dambeeyay ka dhacay Wala-weyn ayaa u dhexeeyay beelo deegaanka ah, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo sii adkeeyay nolosha bulshada deegaanka.

Laftagareen wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada iyo haweenka in ay ka shaqeeyaan soo afjaridda colaadda, isla markaana ay taageeraan dedaalka nabadeynta ee maamulka iyo hay’adaha ammaanka.