Home Blog Page 316

Soomaaliya ma isku dheeli-tiri kartaa xiriirka Dalalka Aljeeriya iyo Morocco.?

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Aljeeriya ayaa dabayaaqadii sannadkii 2024 , waxay si aan horey loo arag u dhistay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya , labadii bilood ee u dambeysay 2024 , wafuud ka socota Aljeeriya ayaa booqday Muqdisho, waxaa xigtay booqasho rasmi ah oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ay ku tageen toddobaadkii hore dalka Aljeeriya , halkaa oo madaxweyne Xasan uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa, Cabdilmajiid Tabbuune.

Wadahadallada labada hoggaamiye , waxaa xigay heshiisyo iskaashi ah oo ay kala saxiixdeen wasiirrada labada dhinac , kuwaasoo la xiriira waxbarashada, beeraha, kalluumeysiga, tamarta, macdanta iyo iskaashiga amniga.

In ka badan boqol arday ayaa sidoo kale sannad walba laga billaabo 2026, waxaa loo diri doonaa dalka Aljeeriya si u helaan waxbarashada sare iyo tababbaro xirfadaha looga baahanyahay gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Aljeeriya , taariikhda oo dhan xiriirkooda wuxuu ahaa mid mugdi leh , waxay Aljeeriya taageertay Itoobiya inta uu socday dagaalkii 1977, waxaa xigay sannadkii 1982 oo Soomaaliya ay dharbaaxo ku dhufatay Aljeeriya , iyadoo la safatay mowqifkii Marocco ee ka soo horjeeday madax bannaanida Saxaraha Galbeed ee Sahrawi.

Aljeeriya ayaa mar kale soo laabatay waxayna bilowgii sannadkii 2024 mar kale la safatay Itoobiya , inta ay socotay dooddii is-afgaradkii badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland , markaa oo xataa Aljeeriya ay si cad u hor istaagtey iskuday ay Soomaaliya ku doonaysan in golaha ammaanka uu cambaareeyo is afgaradkaa, ma harin xilligaa Soomaaliya waxayna ka codeysay Aljeeriya ,iyadoo taageertay qaraarkii Mareykanka uu golaha ammaanka horgeeyay ee Saxaraha Galbeed ee Sahrawi loogu aqoonsaday is maamul ka tirsan Morocco.

Maxaa ku qasbaya Aljeeriya inay dhisto xiriir Soomaaliya?

Sida ay wax walba deg deg isugu beddelayaan oo uu ku dhismayo xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya, meel aan fogeyn waxaa sidoo kale si deg deg ah uga socda xiriir kale oo xooggeysanaya waa Itoobiya oo doonaysa inay iskaashi israraatiji ah la yeelato Morocco.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa soo baxay bartamihii sannadkii 2024, isagoo leh ; “ Carabta waxay la safatay Soomaaliya, meel kastana waxay ku difaacayaan Soomaaliya.”

Hadalkan, wuxuu beddelay jiyahada xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya , markaa oo ay Addis Ababa fahantay inay u baahantahay dal ay dano wadaag noqon karaan oo ku xiri kara Carabta illaa galbeedka , natiijadana waxay noqotay ; “Waa in Itoobiya ay dhistaa xiriirka Morocco.”

Morocco , waxay u baahantahay xiriirka Afrikadda kale oo xaruntoodu tahay Addis Ababa, sabab la xiriirka mowqifka inta badan dalalka Afrika ee ka soo horjeeda siyaasadda Morocco ee Saxaraha Galbeed ee Sahrawi, taa oo ay doonayso Morocco in meesha laga saaro , bundada isku xireysanaysa waa Addis Ababa , halka Itoobiya ay doonayso dal leh diblomaasiyadeed xooggan oo ku xireysa khaliijka iyo reer galbeedka.

Waxaa xigtay inuu Abiy u diray wafuud kale duwan Rabat , illaa markii dambe ay Itoobiya heshiis rasmi ah oo difaac ay la gashay Morocco oo isku diyaarinaysa inay martigeliso saldhigga howlgalka Mareykanka ee AFRICOM , taa oo xoojinaysa diblomaasiyadda Morocco.

Iskaashiga Itoobiya iyo Morocco , wuxuu ka caraysiiyay Aljeeriya oo ahayd dalkii dhex dhexaadiyay Itoobiya iyo Eletaria, markii la joojinayay dagaalka labada dal ee 2000, dalkii Iskaashiga iyo kalsoonida ay ka dhexsay marka uu u leexday dhinaca Morocco , waxay Aljeeriya ku dhaqaaqday inay dhisto xiriirka Masar oo ay dhoolatus milatari oo wadajir ah ay sameeyeen bartamihii sannadkan, halkan waxaa ku jirta farriin ah ; “ Haddii aad dhinacaa u leexateen waxaan u weecday cadowgaaga.” Kaddib , waxay hadda Aljeeriya dhiseysa xiriirka Soomaaliya.

Marka la eego khariidadda cusub ee gobolka, Soomaaliya waxay ku jirtaa meel aad u xasaasi ah.

Itoobiya waxay isku dayaysaa inay jebiso nidaamka badda Soomaaliya, iyadoo adeegsaneysa xiriirkeeda cusub ee Morocco.

Rabat waxay u adeegsanaysaa Addis Ababa sidii albaab ay ku go’doomiso Polisario iyo Aljeeriya, iyada oo u muujineysa dalalka Afrika inay u baahan yihiin iskaashi dhaqaale oo cusub.

Masar waxay dagaal jiritaan oo dhab ah kula jirtaa Itoobiya arrinta Niilka darteed, halka Aljeeriya ay u aragto in Itoobiya iyo Morocco ay wadaan khariidad siyaasadeed oo ku socota in ay wiiqaan danaha Waqooyiga Afrika.

Soomaaliya haddii ay ka aamusto, waxay noqon kartaa dal lagu tunto. Haddii ay xad-dhaaf u safato Aljeeriya, waxay khasaarin kartaa Morocco oo xiriir dhaqaale iyo Carabnimo leh.

Haddii ay u janjeerto Morocco, waxay dhaawici kartaa xiriirka Afrika ee uga muhiimsan:

Aljeeriya, Masar iyo dalalka Sahara ku wareegsan.

Sidaas darteed, waxa Soomaaliya hortaalla waa hawl aan fududayn,laakiin haddii si caqli ah loo maareeyo, waxay noqon kartaa fursad dhif ah.

Waxaanu ku jirnaa xilli Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto halgankeeda siyaasadeed ee Afrika iyo Carabta.

Aljeeriya waxay muujisay diyaar u ahaanshaha inay Soomaaliya la gasho iskaashi amni, dhaqaale iyo siyaasadeed oo qoto dheeri ah.

Tani waxay fursad u tahay Soomaaliya si ay u hesho xulafo awood leh oo taageera mowqifkeeda dhuleed iyo baddeed.

Dhanka kale, Morocco waa dal muhiim u ah Carabta, xiriir dhaqaale iyo madaniyadeedna leh.

Soomaaliya ma awooddo inay lumiso midkoodna,laakiin waxay awooddaa inay labadaba ku qasbato inay Soomaaliya u arkaan lama huraan cusub oo geostrategic ah.

Taasi waxay ku imaan kartaa hal waddo oo keliya: Soomaaliya waa inay noqotaa dal dhexdhexaad istaraatiji ah, aanan cadow ka dhigan midkood, balse si miyir leh u adeegsada danaha labada dhinac.

Aljeeriya waa in lagu kasbadaa iskaashi amni iyo dhaqaale; Morocco waa in lagu helo xiriir cusub oo ku saleysan maalgelin iyo iskaashi dhaqaale, balse aan ku dhisnayn arrimaha Saxaraha ama halis gelinaya midnimada Soomaaliya.

Haddii Soomaaliya si sax ah u ciyaarto shaxdan culus, waxay noqon kartaa dal ay labadooduba ku tiirsanaadaan.

Aljeeriya waxay Soomaaliya ka heli kartaa saaxiib gobolka Geeska Afrika oo ay ku kalsoon tahay; Morocco waxay ka heli kartaa waddo ay ku sii joogteyso xiriirka Carabta iyo Afrika iyadoo aan ku khasaarin midka Saxaraha.

Gunaanadku wuxuu yahay in Soomaaliya maanta hor taagan tahay imtixaan diblomaasiyadeed oo ay natiijadiisu go’aamin karto tobankan sano ee soo socda.

Haddii ay si qaldan u dhaqanto, waxay u nuglaan doontaa isbahaysiga Itoobiya-Morocco oo beegsanaya danaha Soomaaliya.

Haddii ay si sax ah u dhaqanto, waxay noqon kartaa dal kaliya oo awood u leh inuu ka faa’iideysto khilaafka Aljeeriya iyo Morocco, una rogo fursad siyaasadeed oo ay ku dhisto miisaankeeda cusub ee Afrika iyo Carabta.

W/Q Iman Jamac

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 14-11 -2025.

0

Jimca 14,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan oo qaabilay Caalimka Soomaaliyeed ee Shiikh C.rashiid Cali Suufi.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah la yeeshay qaariga Soomaaliyeed Sheekh Cabdirishiid Sheekh Cali Suufi oo booqasho sharafeed ku yimi Madaxtooyadda Qaranka.

Madaxweynaha iyo Sheekha ayaa iska xog wareystay xoojinta xaalada guud ee Dalka, kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, doorka culimada ee dhismaha nabadda, adkeynta midnimada ummadda iyo ilaalinta qiyamka diinta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan faafinta aqoonta diinta, la-dagaalanka xagjirnimada iyo xoojinta nabadgelyada.

Dhankiisa, Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan, isagoo ugu duceeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed horumar iyo nabad.

Dad badan oo ku dhintay shil ka dhacay dalka Sweden.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Dad badan ayaa ku dhintay qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bas ku dhacay goob baska laga raaco oo ku taal bartamaha Stockholm, sida booliska Sweden ay sheegeen.

Shilka ayaa ka dhacay agagaarka waddada Valhallavägen ee caasimadda Sweden, iyadoon ilaa iyo hadda faahfahain laga bixin waxa sababay

Afhayeenka booliska, Nadya Norton, ayaa sheegtay in darawalka baska la qabtay, baaritaan dil shil ahna la furay si waafaqsan nidaamka caadiga ah.

Ma cadda in ay rakaab saarnaayeen baska. Boolisku waxay sheegeen inaysan faallo ka bixinayn tirada, jinsiga ama da’da dadka waxyeelladu soo gaartay waqtigan.

Masar oo dekad cusub ka dhisanaysa Jabuuti iyo Itoobiya oo ka walaacsan.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Waxa jira warar sheegaya in Masar ay qorshaynayso in ay dekad ka dhisato dalka Jabuuti.

Labada dal ee Jabuuti iyo Masar ayaa sannadkii la soo dhaafay kala saxeexday heshiis ifhan oo u oggolaanaya Masaarida hirgelinta hawshaasi.

Tallaabadanay Masar qaadday ayaa timid xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed joogto ah.

Itoobiya ayaa inta badan ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti oo ay kala soo degto badeecadaheeda islamarkaana ka dhoofiso alaabaha.

Khurabaro ayaa BBC-da u sheegay in aanay weli caddayn sida ay Itoobiya u aragto tallaabdan ay Maasirdu qaadeen ee ah in ay dekad cusub ka dhisanayaan dalka Jabuuti, laakiin waxa ay timaamayaan in dhinca kale ay noqon karto tallaabo walaac amni ka dhalisa gobolka.

Sida uu sheegay wargeys ka oo baxa Itoobiya oo la yidhaahdo Capital, waxaa la filayaa in dhawaan la saxiixo heshiiska Masar ay ku dhisi doonto deked cusub oo ku taalla Jabuuti.

Sababo la xidhiidha xiisadda biyo-xidheenka ee Masar kala dhaxaysa dalka Itoobiya, waxa la sheegayaa in Qaahira ay xoojisay cilaaqaadkii ay la lahayd Eriteriya.

Waxay u muuqataa in Masar ay damacsan tahay in ay maalgashi weyn ku samayso Jabuuti, oo deris la ah Itoobiya.

Toddobaadyada soo socda, waxaa la filayaa in wufuud uu hoggaaminayo Raysalwsaare ku xigeenka Masar, Kamal al-Wazir uu booqasho ku tago dalka Jabuuti, halkaas oo la filayo in heshiiska lagu dhammaystiro.

Kahor booqashadooda, Agaasimaha Dekedaha Jabuuti, Abubakar Omaar Haadi, ayaa soo dhaweeyey xubno ka socday Masri ku socotay isla markaana la yeeshay wadahadallo.

Masar waxay qorsheyneysaa in ay dhisto xarun 20MW oo ku shaqeynaysa tamarta qorraxda ee dekedda SGTD, halkii laga isticmaali lahaa koronto ka timaadda shabakadda.

Yaa Awood badan milateri ee Itoobiya iyo Masa.?

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Warbixin la daabacay 2020-kii ayaa tilmaamaysa in marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar lagu qiimayn karo in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.

Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Abiy Ahmed, Raysalwsaaraha Itoobiya Xigashada Sawirka,Getty Images
Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Maxaa keenay in Saacaddan lagu iibinayo $1.3 Milyan oo Doolar.?

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Saacad laga helay jeebka maydka mid ka mid ah rakaabkii ugu taajirsanaa markabka Titanic ayaa la filayaa in lagu xaraasho 1 milyan ginni oo u dhiganta 1.3 milyan oo dolar.

Isidore Strauss iyo xaaskiisa Ida ayaa ka mid ahaa in ka badan 1,500 oo qof oo ku dhintay markabka oo ka yimid Southampton kuna sii jeeday New York, kaddib markii uu jiiray baraf 14-kii April, 1912-kii.

Maydkiisa ayaa laga soo saaray badweynta Atlantic maalmo kadib masiibadaas, waxaana hantidiisa ka mid ahaa saacad dahab ahayd oo dhan 18 karat oo uu sameeyay Jules Jorgensen, taas oo la xarashi doono 22-ka November.

Mr. Strauss waxa uu ahaa ganacsade Maraykan ah iyo siyaasi asal ahaan ka soo jeeda gobolka Bavarian, iyo milkiilaha dukaanka Macy ee New York.

Dowladda Shiinaha oo u hanjabay Japan.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Shiinaha ayaa uga digay Japan in ay la kulmi doonto jab culus haddii ay isku daydo in ay awood u adeegsato faragelinta muranka ka taagan yahay ee maqaamka Taiwan.

Hanjabaadda ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Shiinaha ayaa jawaab u ah hadallo uu jeediyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan.

Sanae Takaichi ayaa todobaadkii hore sheegay in weerar hubaysan oo lagu qaado jasiirada Taiwan ay keeni karto jawaab militari oo ka timaada Japan.

Xigasho BBC

Mareykanka oo ka walaacsanyahay in uu ka iibiyo diyaaradda F-35 Sacuudiga, kadib markii uu ka cabsooday Shiinaha.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Wargeyska New York Times , ayaa ku warramay inuu Mareykanka ka walaacsanyahay haddii uu diyaaradda F-35 ka iibiyo Sacuudiga , inay ka dhalan karto Shiinaha inuu helo xog ama farsamo ka mid ah tiknoolajiyada horumarsan ee diyaaraddan, maadaama xiriirka amniga ee Sacuudiga iyo Shiinaha uu sii xoogeysanayo.

Tani waxay u muuqataa bilowga cududaar lagu raadinayo sidii dib loogu dhigi lahaa diyaaradahan inay hesho Sacuudiga ama tallaabo lagu cadaadinayo boqortooyadda si loogu qasbo xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil, xilli gudaha Mareykanka ay ka wadaan loobbiga Israa’iil in diyaaradahan lagu wareejiyo Sacuudiga.

 

Milatariga Suudaan oo Maanta ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Kooxda RSF.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Hoggaamiyaha milatariga Dowladda Suudaan, Cabdifatax Burhaan ayaa maanta ku dhawaaqay inuu milatariga billaabayo duullaan ay dib ugu qabsanayaan galbeedka gobolka Darfur.

Go aankan ay maanta gaareen hogaanka Meleteriga dalka Suudaan ayaa yimid si meesha looga saaro xasuuqa iyo gumeysiga ay ka geysanayaan geysaneyso kooxda RSF.