Home Blog Page 3186

Barakacii ugu xoogana oo ka bilaawday Xaafadaha Baledweyne

0

Qoysaskii ugu badnaa ayaa ayaa dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay ka barakacay xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarnta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle oo dhexmara gudaha Baledweyne.

Xaafadaha Xaawo Taako, Bundaweyne iyo Kooshin ayaa ah xaafadaha ugu badan ee sida weyn looga barakacay, waxaana la arkayay qoysaskii dagana xaafadahaasi oo u barakacaya goobo kala duwan oo aysan gaari karin biyaha wabiga Shabeelle.

Dadka ayaa intooda badan u barakacaya Xaafada Ceel jaalle ee duleedka magaalada Baledweyne iyo goobaha kale ee taaga ah oo aysan biyaha gali karin ee ku yaala gudaha magaalada Baledweyne.

Cabsida barakacaan ayaa timid kadib markii ay si weyn u soo kordheen biyaha uu wado Wabiga, islamarkaana roobab xoogan oo mahiigaan ay ka da’ayeen saacadahii lasoo dhaafay magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhadhaw.

Shan bilood ayaa laga jooga fatahaadii uu sanadkaan gudahiisa wabiga Shabeelle ka sameeyay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana haatan markale dadka ku dhaqan xaafadaha Baledweyne ay ka barakacaan cabsi la xariirta inuu mar labaad ku fataho xaafadaha Baledweyne sanad gudahiisa.

{DAAWO MUIQAALKA} Ciidamada Deeganka oo ka hortegay Ajaaniib katirsan AS oo dooneeysay inay ka gudbaan Xeebta Mareeg.

0
Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} Ciidamada Deeganka oo ka hortegay Ajaaniib katirsan AS oo dooneeysay inay ka gudbaan Xeebta Mareeg.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUIQAALKA} G/Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo faah-faahiyey dhageysiga dacwadaha ee maanta bilawanaya.

0
Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} G/Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo faah-faahiyey dhageysiga dacwadaha ee maanta bilawanaya.

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} Saldhigyadda Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe oo wajahaya weeraro maalinle ah

0
Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} Saldhigyadda Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe oo wajahaya weeraro maalinle ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamada ku dagaalamaya Sudan oo ku heshiiyey in ay fududeeyaan gargaarka

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Ciidamada Sudan ee dagaalka kula jira ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ayaa go’aansaday in ay fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo iyo hirgelinta tillaabooyin lagu dhisayo kalsoonida, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha wadahadallada ee Jeddah ka socda.

Labada dhinac, oo dagaalamayey tan iyo bishii April, ayaa horey ugu heshiiyey, taas oo markii dambe sababtay in si degdeg ah u jabiyaan xabad joojin iyo ballan qaadyo ahaa fududeynta gargaarka iyo ilaalinta rayidka.

Dagaallada ka socda gobolka Darfur ee dalka Suudaan iyo magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa soo cusboonaaday tan iyo markii ay labada dhinac dib isugu soo laabteen wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen Sacuudiga, Mareykanka iyo urur goboleedka IGAD, bishii hore, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaare xooggan oo soo gaaray dad rayid ah.

Labada dhinac ayaa Talaadadii shalay midba midka kale ku eedeeyay dab xooggan oo ka kacay warshadda saliidda sifeysa ee Al-Jaili oo ku taalla duleedka magaalada Khartoum.

Qaxootiga iyo goobjoogayaasha gaaray Chad ayaa sidoo kale ku eedeeyay RSF inay dib u soo nooleeyeen rabshado dhiig badan ku daatay oo qowmiyadeed oo ka dhacay magaalada El Geneina ee galbeedka Darfur. RSF ayaa dagaalka halkaas ka dhacay ku tilmaantay mid aanooyin qabiil.

Dagaalka ayaa qarxay 15-kii April kadib todobaadyo ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa labada dhinac oo salka ku heysa qorshe la doonayo in ciidamada la isku dhafo taasoo qeyb ka ah ka guurista xukunka militariga loona guurayo dimoqraadiyad rayid ah.

Sargaal Ukraine ah oo ku geeriyooday bam gacmeed Hadiyad ahaan loogu geeyay

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa geeriyooday, kaddib markii ay ku qaraxday bam loogu geeyay hadiyad ahaan, xilli uu sargaalka u dabaaldegayay maalintiisa dhalashada.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov, oo 39 jir ah ahaana La taliyahii madaxa ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa ku geeriyooday qaraxa lasoo qariyay ee hadiyad ahaanta loogu geeyay sida warbaahinta ku warameen.

Sargaalkan oo u dabaaldegayay maalinta dhalashadiisa ayaa la sheegay in qaar kamid ah asxaabtiisa hadiyad ahaan ugu keeneen bam , waxaana la sheegay in wiilkisa uu furay baakada hadiyad ku jirtay sidaasna ugu qaraxday.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov ayaana ku dhintay qaraxa hadiyad loogu keenay, halka wiilkiisa oo 13-sanno jir ahna uu qaraxa kasoo gaaray dhaawac culus, waxa uuna falkan argagax badan galiyay milatariga dalka Ukraine uu muhiim u ahaa sargaalkan .

Wararkii ugu Dambeeyay Weerar sababay dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Gobolka Sanaag

0
Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} Wararka ka imnaayo Gobolka Sanaad ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay ilaa labo ruux oo shacab ah. Laba qof ee la dilay ayaa ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, Dalka Itoobiya waxaana ay ku noolaayeen Deegaanka Milxo ee Gobolka Sanaag ka dib khilaaf soo kala dhex galay rag Soomaali ah.
Sidoo kale Falkan waxa ku dhaawacmay laba ruux oo kale oo Soomaali iyo Oromo ah sida ay Sheegeyn dad goob-joogayaal ah.
Dadka Oromada ee ka yimaado Dalka Itoobiya ayaa la soo sheegayaa in ay muddooyinkii danbe ku badnayd deegaankan ku yaal gobolka Sanaag ee dahabka laga qoto.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA Iyo QM ku baaqday xabbad-joojin bini’aadantinimo

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay “xabaasha” boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta, iyadoo golaha ammaanku uu yahay mid aan waxba ka qaban karin.

“Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay,” ayuu ugu sheegay suxufiyiinta Qaramada Midoobay. “Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga.

“Tani waxay la macno tahay in la haystayaasha Gaza hadda lagu sii dayn doono shuruud la’aan,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya 240 rag, dumar iyo carruur ah oo ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarradoodii argagixiso ee Oktoobar 7 ee gudaha Israa’iil.

“Weligay kama daali doono in si degdeg ah loo soo daayoo dadka la heysto” ayuu raaciyay.

Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan.

“Mid ka mid ah rafcaannadan waa in aanay ku xidhnayn kan kale,” ayuu yidhi.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin xabbad-joojin bini’aadantinimo haddii aan la sii deyn dhammaan la haystayaasha.

Naadiya Maxamed: Gabadha Soomaaliyeed ee taariikhda cusub ka dhigtay Mareykanka

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC}  Naadiya Maxamed, ayaa ka guuleysatay doorashada duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxayna ka guuleysatay Dale A. Anderson, oo ah howlgab ka shaqeyn jiray bankiyada.

Naadiya oo 26 jir ah ayaa tatiijada horudhaca ahayd ee xalay la shaaciyay ku hoggaamineysay 58% halka ninkii la tartamayay uu heystay 41% codadka.

“Runtii aad iyo aad ayaan u faraxsanahay caawa, runtii guushan teyda keliya maaha ee waxaa ila qeybsanaya dadka igu garab siiyay,” ayay tiri Naadiya.

Waxay sheegtay in kooxdeeda ay aad u dadaashay isla markaana ay albaab ka albaab garaacayeen guryaha dadka magaalada.

“Waxaa igu dhiirrigeliyay dadka oo igu yiri isku sharrax. Waxaan rajeynayaa inaan dadka ka caawin karo waxyaabaha ay u baahan yihiin sida arrimaha guryaha.” Ayay tiri.

Waxay hore uga mid ahayd Golaha Deegaanka ee isla magaaladan oo ay ku biirtay sanadkii 2019.

Naadiya ayaa la rumeysan yahay inay noqoneyso gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Ameerikaan ah ee duq magaalo ka noqota magaalo ku taalla mareykanka. Waxay sidoo kale noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa magaaladan oo ay ku nool yihiin 49,000 qof oo caddaan u badan. Sidoo kale waxay noqoneysaa qofkii ugu da’da yaraa ee xilkan qabta.

Waxaase xusid mudan, in Deeqa Dhalac, oo ah duqa magaalada South Portland, Maine ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee dalkaasi ka noqotay duq magaalo. Golaha Deegaanka ayaa u doortay xilkan sanadkii 2021.

Minnesota waxay hoy u tahay bulshada Soomaalida ugu badan dalkaas. Sanadihii lasoo dhaafayna Soomaalida gobolka ayaa guulo la taaban karo ka gaarayay doorashooyinka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, ayaa taariikh dhigtay kaddig markii sanadkii 2018 ay ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka, waxayna sidoo kale noqotay xildhibaanaddii ugu horreysay ee Soomaali ah sanadkii 2016. Maanta, waxaa dalkaasi ka jira ilaa shan xildhibaan oo Soomaali ah.

Waxay Naadiya sheegtay in labada arrin ee ugu mihiimsan ee ay diiradda saareyso ay yihiin ammaanka iyo arrimaha guryaha, oo dadka ay kala shaqeyn doonto helidda guryo la awoodi karo.

Waa tuma Naadiya?

Faadumo Nuur Barqadle oo ah hooyada Naadiya oo BBC-da la hadshay ayaa sheegtay inay kedis ku noqotay guusha gabadheeda.

“Farxad darteed inaan bubo ayaan ku sigtay” ayay tiri.

Waxay sheegtay in Naadiya ay juhdi iyo dadaal badan gelisay doorashada, isla markaana ay tahay qof bulshada kasbata.

“Naadiya waa qof karti badan, furfuran, soo dhoweys badan, dadku isugu mid yihiin. Qof dadka caawiso oo ah qofka tusaalaha u ah ilmahayga,” ayay tiri.

Naadiya oo la dhalatay afar walaalo ah, waxay ku dhalatay dalka Kenya oo reerkoodu ay qaxootinnimo ku joogeen.

Waxay qoyskeedu St. Louis Park yimaadeen iyadoo 10 sano jir ah.

“Hooyadey waxay kasoo qaxday Soomaaliya, Kenya ayayna timid. Labada dalba maaheyn meel ilmo lagu korsan karo. Halkan ayay nagu korisay, waxyana dooneysay inaan nolol fiican iyo waxbarasho helno,” ayay tiri.

“Naadiya habeen iyo maalin ma seexaneyn. Waxay isku wadday howlo badan. Dad badan ayaa sidoo kale garab ku siiyay,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in Naadiya ay siyaasadda ku biirtay xilli hore ayna lasoo shaqeyneysay booliiska, sidaasna ay ugu dhalatay inay ku biirto siyaasadda.

Naadiya, keliya Soomaalida ma caawin, balse waxaa sidoo kale garab taagnaa duqii hore ee magaalada ay hadda ku guuleysatay, ee Jake Spano.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee warbahinta Hiiraanweyn 08/11/2023

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Yasiin Cali Axmed 

Farsamadii :Abdimajiid aweys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO