Home Blog Page 3187

Muqdisho oo Kala wareeg iyo xiriir sameyso oo xal loo helay

0

Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC}  Kalmadaha kala wareeg iyo xiriir sameyso waxay kamid ahaayeen kalmadaha aadka uga noqday magaalada Muqdisho gaar ahaan marka la joogo goobaha hubinta gaadiidka dadweynaha, ay ku amri jireen ciidamada ammaanka.

Muddo ay culeysyo amni ka jireen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ugu dambeyntii waxaa hadda muuqata in isbeddel weyn ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada NISA ee ku sugan Kantaroolada caasimada ayaa hadda mid mid u baara gaadiidka, ayada oo aan lagu xujeynayn xiriir sameyso, balse hadda baaritaan dabadeed iyo hubin muwaadinka kadib waxay deg deg iskaga gudbaan degmooyinka caasimada oo idil.

Dadweynaha Muqdisho oo ka fal-celiyay isbeddelka ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha ayaa si weyn usoo dhoweeyay.

“Wax badan ayaa isbeddelay, kala wareegii iyo wixii waa dhamaadeen Alxamdulilaah Nabadsugidda haddii aysan aheyn qofka maskiinka ah waa la xujeyn jiray, hadda xujo majirto gaariga ma wadata waa lagu baara hore ayaa lagu fasaxa waana lagu hubinaa,” ayuu yiri mid kamid ah dadweynaha Muqdisho ee ku shaqeysta gaadiidka yar yar.

Baraha hubinta gaadiidka waxay bilihii u dambeysay waxay gacan ka geysteen ammaanka caasimada, waxayna fashiliyeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonayeen inay magaalada gudaha usoo galiyeen, taasi oo wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada kala duwan ee hadda caasimada ka howl-gala iyo shacabka mgaalada oo iskaashaday ayaa kow ka ah waxyaabaha xilligaam suurta-galiyay xasilloonida ka jirta caasimada iyo isbeddelada amni ee laga dareeyo magaalada Muqdisho.

{DAAWO MUIQAALKA} DF oo shaacisay Dadka dhintay, iyo kuwa ku barakacay daadadka ka dhashayy roobabkii da’ay.

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC}  DF oo shaacisay Dadka dhintay, iyo kuwa ku barakacay daadadka ka dhashayy roobabkii da’ay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUIQAALKA} Dhalinyarada Ciyaaraha Degmada Buulo-barde oo helay Garoon nuuciisa ay baahi weyn u qabeen.

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC} Dhalinyarada Ciyaaraha Degmada Buulo-barde oo helay Garoon nuuciisa ay baahi weyn u qabeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka habeenimo ee warbahinta Hiiraanweyn 07/11/2023

0

Talaado Nofembar 07, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Abdi Axmed Xuseen

Farsamadii :Abdimajiid aweys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABENIMO

{DAAWO MUIQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka 7-11-2023

0

Talaado Nofembar 07, 2023 {HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka

Warka waxaa soo jeedinaya:Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY 

{DAAWO MUIQAALKA} Taliyaha Booliska waxa ay diyaar garow ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga goobaha

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC}  Taliyaha Booliska waxa ay diyaar garow ugu jiraan sidii ay ula wareegi lahaayeen amniga goobaha la qorsheynayo in ay ka baxayaan ciidamada ATMIS”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

25 qof oo Donayay in AS ku biiraan oo u Gacan Galay Ciidmada Nisa

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka warbixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay illaa 28 qof oo 25 kamid ah ay oo doonayeen inay ku biiraan xubnaha kooxda As, isla-markaana gacanta lagu dhigay xilli ay ku socdaalaayeen meel u dhow magaalada Afgooye.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay ku jiraan wiilal ay da’dooda yar tahay, loona waday inay ka barbar dagaalamaan kooxda AS.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in isna gacanta lagu dhigay darawalkii gaariga ku waday ragga la qabtay, balse ma shaacin hay’adda halka ay kusii jeedeen.

“28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan xubnaha As” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska hay’adda NISA.

Dhammaan dadka lasoo qabtay oo hadda ku jira gacanta Nabad-Sugidda, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha caasimada iyo magaalooyinka u dhow, si loo xaqiijiyo amniga.

Soo qabashada raggan ayaa sidoo kale ku aadeysa, xilli haatan As ay ku socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, dagaalladan ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Israel oo lagu Edeyay in ay caqabad ku noqotay sii deynta Maxaabiis cusub

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Qassam Brigades garabka hubaysan ee Xamaas, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sii daayaan 12 maxbuus oo lagu qabtay Gaza, laakiin xaaladda dhulka weerarrada cirka iyo dhulka ee Israa’iil ay caqabad ku noqdeen in la dhammaystiro”.

Israa’iil waxay sheegtay in 241 qof ay Xamaas maxbuus ahaan u qabsadeen markii ay weerarradooda qaadeen 7-dii Oktoobar. Afar ayaa la sii daayay illaa hadda – laba Israa’iili ah iyo laba Maraykan ah.

Qoraal lagu daabacay kanaalka Telegram ee Guutada Qassam ayaa lagu sheegay inay diyaar u tahay inay sii deyso “12 maxbuus oo Gaza ku jira kuwaasoo haysta dhalashooyinka ajnabiga ah laakiin aysan jirin meel ay mariyaan.

Dhinaca kale, Ciidanka Israa’iil ayaa isbitaalka carruurta ee al-Rantisi siiyay amar ah in ay ka guuraan sababtoo ah waxay doonayaan in ay duqeeyaan xarunta sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Ilaa 70 carruur ah ayaa lagu dawaynayaa halkaas 1,000 qof oo qaxooti ahna waxay magangelyo ka raadsadeen xarunta.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa bilaabaya booqasho shan maalmood ah oo uu ku tagayo bariga dhexe si uu ugala hadlo xadgudubyada ka dhacay dagaalka Israel ee Gaza.

Ku Dhawaad 40 Werar oo lagu qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa la weeraray 38 jeer tan iyo markii mowjadaha weerarradu ay bilowdeen 17-kii October, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay Pentagon-ka horaantii Talaadada.

Inta badan kuwan ayaa ahaa weerarro gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana la rumeysan yahay in ay fuliyeen kooxo xiriir la leh Iran, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka Brig General Pat Ryder. Iran waxay taageertaa Xamaas-ta Qaza iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ka dhisan.

Ugu yaraan 45 askari oo Maraykan ah ayaa ku dhaawacmay weerarradaas, oo ay ku jiraan 24 ka mid ah kuwaas oo la sheegay in ay soo gaadheen dhaawacyo maskaxeed oo argagaxa ka dhashay.

Maraykanku hadda wuxuu leeyahay afar yool oo waaweyn oo Bariga Dhexe ah, ayuu Ryder ku daray.

Waxayna tahay: in la ilaaliyo ciidamada Maraykanka iyo dadka rayidka ah ee gobolka; siinta “caawin amni oo muhiim ah” difaaca Israel ee ka dhanka ah Xamaas, caawin Israa’iil si loo sii daayo la haystayaasha, oo ay xoojiso “mawqifkeeda awoodda” ee gobolka si looga hortago in colaaddu ay ka sii darto Qaza.

 

Bulshada Rayidka Puntland oo war culus ka soo saartay rabshadihii maanta ka dhacay Garowe

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) ayaa war ka soo saartay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa sheegtay in laga baaqsan karay wixii dhacay.

“Waxaa foolxumo iyo masuuliyad darro weyn ah in muwaadiniinta reer Puntland u dhintaan si micno darro ah, iyadoo laga baaqsan karo falalka liddiga ku ah amniga iyo badqabka muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay daladda.

Daladda ayaa ka digtay in Garowe uu ka dhaco xadgudub kale, iyadoo dalbatay in waxyaabaha dhacaya ee amniga la helo cid masuuliyadooda qaada.

“Falkii maanta ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe wuxuu ahaa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna Dallada Bulshada Rayidka ka digaysaa ku xad gudubka xuquuqda iyo sharafta dadweynaha, iyadoo waajib ay tahay in lala xisaabtamo falalka gurracan cidda masuuliyadeeda leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka daladda ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wax kasta oo xaalad amni darro abuuri karta taasoo ay ugu weyntahay isticmaalka awoodda, hadalada xanafta leh iyo si xun u adeegsiga barasha bulshada.”

Ugu dambayn, daladda PUNSAA ayaa ka tacsiyeysay muwaadinadii ku geeriyootay dhacdada maanta, iyadoo Caafimaad degdeg ah u rajaysay intii ku dhaawacantay.

Iska hor imaadkan oo maanta ka dhacay bartamaha caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa uu ka dhashay israsaasayn dhex-martay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaridka kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in ciidamada maamulka oo gelbinaya Kabtan Ayuub oo YouTuber ah oo ka yimid dibadda lagu weeraray barxadda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sida ay ogaatay Warbahinta, iska hor-imaadkan ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka maamulka, ee la sheegay inay galbinayeen ninka YouTuber-ka ah.