Home Blog Page 3188

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad ka taqaanaa ninka aan la aqoon ee ay Israa’iil ugu cabsida badan tahay?

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC}  Tan iyo markii uu billowday dagaalka Xoogga Falastiinyiinta iyo Israa’iil u dhaxeeya, 31 maalin ka hor, magaca ugu badan ee ay Falastiiniyiinta, dadka Carabta ah iyo bulshooyinka kale ee taageera qadiyadda reer Falsatiin ay ku celceliyaan ayaa ah “Abu Cubeyda,” oo ah afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, ee garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Beelo isku heysto dhul ku yaala Sh/Hoose oo Warbaahinta La Hadlay .

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC}  Beelo isku heysto dhul ku yaala Sh/Hoose oo Warbaahinta La Hadlay .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa maanta ka socda Guriceel ka dib dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee xalay ka dhacay.

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC} Maxaa maanta ka socda Guriceel ka dib dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee xalay ka dhacay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada dowladda oo goordhow deegaano kala wareegay AS.

0

Talaado, November-7- 2023-{HMC}  Ciidamada dowladda oo goordhow deegaano kala wareegay AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowlada Soomalia oo maanta gargaar geyneysa Gobolka Gedo.

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA loosoo gaabiyo ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay gargaar gaarsiineysaa Dadka ku dhibaateysan Gobolka Gedo ee saameynta taban ku reebay Daadadka Roobka Dayrta & Fatahaadda Webiga.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in gargaarkaan uu yahay mid hordhac ah oo si kaalmadaan ay u noqoto mid yareysa xaaladaha halista ah ee ka jira deegaannada fatahaaddu ka dhacday.

Xubno katirsan Maamulka Gobolka Gedo ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka ka barakacay Degmooyinka Luuq iyo Baardheere aanay heysan Hoy ay degeen & cunno iyada oo ay usii dheer tahay in weli roobka uu da’ayo.

Waxa ay Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Jubbaland ka dalbadeen in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo qoysaskaan si looga hortago dhibaatooyin kale ay sababi karaan cunno la’aanta, Biyo aan nadiif ahayn oo ay cabbaan ama xannuuno kale oo ay ka qaadaaan fatahaadda.

Qaramada Midoobay oo Qasa ku tilmaamtay “qabuuraha carruurta”

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  Muddo bil ah ayaa maanta ka soo wareegatay markii ururka Xamaas ay weerar ku qaadeen Israel, 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa ka digay in Qasa ay noqotay ‘qabuuraha carruurta’, iyadoo Israel ay weli waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Qasa.

Waxaa uu sidookale sheegay, in dhibaato bini’adantinimo ay ka taagantahay Qasa.

Goor sii horreysay ayaa danjiraha faransiiska ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku baaqay heshiis bani’aadminimo oo ka dhaca Qasa.

Saffiirka, Nicolas De Riviere, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto xababd joojin. Laakin saaxiibada faransiiska, maraykanka iyo UK waxay sheegeen in xabbad joojinta ay faa’iido u leedahay xamas oo kaliya.

Youtuber caan ah oo cambaareyn kala kulmay ceelal uu sheegay inuu ka qodayo Soomaaliya

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC}  YouTuber-ka caanka ah ee Mareykanka u dhashay isla markaana samafalka ka shaqeeya ayaa ammaan iyo cambaareynba la kulmay kaddib markii uu sheegay inuu 100 ceel ka qoday Afrika.

Muuqaal uu soo duubay, oo ay daawadeen in ka badan 48 milyan oo qof tan iyo Sabtidii oo uu soo baxay, ayuu Mr Beast ku shaaciyay ceelasha uu ka qodayo 52 ceel oo ku yaalla Kenya iyo 48 kale oo uu ka qodayo Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Cameroon.

Dhowr qof ayaa ku taageeray Mr Beast caawinta bulshooyinka reer-miyiga ah, halka ay dowladaha Afrikaanka ah ku cambaareeyeen leexsashada lacagaha loogu talogalay mashaariicda noocan ah.

Mr Beast, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Jimmy Donaldson, ayaa waxaa bartiisa ku xiran 207 milyan oo qof, waana qofka ay dadka ugu badan ku xiran yihiin.

Waan ogahay inay tahay wax yaab leh in YouTuber uu waxan oo dhan sameeyo, balse waa inuu qof isu xil saaraa. Haddii uusan qof kale jirinna, annaga ayaa sameyneyna. Waxay dhab ahaantii beddeleysaa nolosha bulshooyinka halka aan ka dhisnay,” ayuu yiri Mr Beast.

Balse qaar ka mid ah dadka Afrikaanka ah ayaa cambaareeyay, iyagoo sheegay in muuqaalkiisa uu muujinayo takoor lagu sameynayo Afrika oo laga dhigayo qaarad burbursan.

Qaar kale ayaa walaac ka muujiyay saameynta deegaan ee ka dhalan karta ceelasha, iyagoo sheegay inay sababi karto in biyaha dhulka hoose ay guraan.

Mr Beast ayaa difaacay ficilkiisa samafalnimada, isagoo sheegay inuu mar walba bartiisa u adeegsna doono caawinta dadka iyo inuu dadka kale ku dhiirrigeliyo inay sidaa si la mid ah sameeyaan.

Sidee ayuu lacagaha badan uga sameeyaa Youtube-ka?

Jimmy Donaldson, qofka ay dunida online-ku u taqaanno Mr Beast, waa YouTuber-ka ugu wayn ee dunida maanta, waxaanu caannimadaas ka sameeyay hanti gaadhaysa malaayiin doollar.

25-sano jirkan, ayaa dhowaanahan u muuqday mid kasoo fadhiisanaya muuqaal-samaynta wuxuuna u weecanayay dhinaca cunto karinta iyo ganacsiga uu gaarka u leeyahay oo uu ugu magac daray, Mr Beast Burger.

Ganacsigiisa cunta karinta ayaa qabsaday ciwaannada warbaahinta bishii August kaddib markii uu dacweeyay shirkadda u qaabilsan cunto karinta oo uu ku dhaleeceeyay in cuntada ay u samaysay taageerayaashiisu aanay ahayn middii ku habbooneyd.

Bishii Noofambar 2022, shirkadda Forbes waxay ku qiyaastay hantida uu Jimmy Donaldson (Mr Beast) ka sameeyey bartiisa Yuutube-ka lacag gaadhaysa $54 milyan oo dollar oo u dhiganta ÂŁ42.5 milyan oo Gini sanad gudihii, waana isku darka dakhliga xayeysiinta muuqaallada ku jira akoonkiisa iyo xayeysiinta gaar ah ee uu u sameeyo shirkadaha waaweyn.

Mr Jimmy waxa kale uu leeyahay dhowr kanaal oo ay ku xidhan yihiin tobanaan milyan oo macaamiil ah oo ay ku jiraan mid samafal ah iyo mid lagu soo gudbiyo muuqaallada ciyaaraha.

Ma cadda cadadkaa dhabta ah ee uu kanaaladan kale ka sameeyo, balse Donaldson ayaa waxaa uu caan ku noqday qorshihiisa ganacsi ee ah in uu dib ugu celiyo kanaalkiisa dhaqaalaha kasoo gala, waxaana soo saarista qaar kamid ah muuqaallada uu sameeyo ee uu soo geliyo Youtub-kiisa uu ku bixiyaa lacago malaayiin dollar ah. Waxa uu ku sheegay wareysi lala yeeshay bishii June in uu dib ugu maalgeliyo Kanaalkiisa “dinaar kasta oo aan sameeyo waxaan dib ugu celiya Youtub-ka “. Ayuu yidhi.

Muuqaalka Squid Game In Real Life ayaa ah kan ugu daawashada badan muuqaallada ku jira kanaalkiisa waxaana daawaday 472 milyan oo ruux, waxaana dib u habeeyay shirkadda Netflix, taas oo sababtay in uu ku guuleysto $ 456,000 oo abaalmarin ah.

Marka laga yimaado muuqaallada, Donaldson wuxuu caan ku yahay samafalka, iyo sidoo kale bandhigyada ganacsiga. Waxa uu leeyahay hay’ad samafal oo shati leh oo u shaqaysa sidii bangi cunto si ay u quudiso bulshooyinka Maraykanka ee saboolka ah, waxaana uu sidoo kale uruuriyay tobanaan milyan oo dollar si wax looga qabto isbadalka cimiladda.

Waxa uu sidoo kale bilaabay noocyo kala duwan oo ah cuntada fudud, ganacsigiisa kale ee cuntada fudud ee Feastables, ayaa uu ku sheegay in si joogto ah looga iibin doono gudaha UK.

ISHA BBC

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Soo saaray Digniin Fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

0

Talado, November-7- 2023-{HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa soo saaray Digniino la xariiro qatarta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeellle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow ayaa dadka ku nool gobolka Hiiraan ugu baaqay in la muujiyo taxadir dheeraad ah.

Gudoomiye Sufuroow ayaa si gaar ah ugu digay dadka dagan Hareeraha wabiga Shabeelle iyo meelaha biyo mareenada ah, kuwaas oo ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu baxaan xiligan.

Sidoo Kale Gudoomiye Cabdullaahi Sufuroow ayaa sheegay in dadka ku nool Xaafada Magaalada Baladweyne intooda badan ay ka barakaceeyn saameeynta roobka, iyada oo aanan la gaarin fatahaada Wabiga Shabeelle.

Maamulka ayuu sheegay in uu diyaariyay Gaadiid iyo Ciidamo lagu daabulo dadka Magaalada ku haray , hadii fatahaado ay dhacaan. Ugu dambeeyn waxaa ay sheegay in xiligan ay jirto Qatar aad uxoogan.

Boqolaal qoys ayaa 48 saac ee ugu dambeeyay iskaga barakacay xaafadaha Magaalada Baladweyne , Cabsi ka qabaan fatahaada wabiga shabeelle, dadkan ayaa intooda badan dagay deegaanka ceeljaale ee duleedka Magaalada.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Caasho oo shir gudoomisay Shirka Isku xirka Howlaha la xiriiro El Nino ee Hirshabeelle.

Jowhar; 7 nev 2023 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada ee El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa maanta shir gudoomisay Shirka iskubuuclaha ahaa Isku xirka Howlaha la xiriiro El Nino ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Fatahaada ee El Niño ahna Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Maareeynata iyo Musiibooyinka Dowladda Hirshabeelle Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayaa furtay shirka ayadoo ka hadashay xalaadihii roobka ka da’ay deegaanada Hirshabell

gaar ahaan magaalooyinka beledweyn iyo Jowhar iyo saameynta uu geystay.
Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe , Hay,adaha Gargaarka ka shaqeeyo sidoo kale kulan fogaan arag ah (Zoom meeting) waxaa ugu qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Hay,adaha Gargaarka qeybo kamid ah.
Ujeedada ugu muhiimsan ee kulankan ayaa ahayd sidii wax looga qaban lahaa loona yaren lahaa daadadka roobabka wata iyo wabiga Shabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaa diyaarinta iyo qorshayaasha wax ka qabashada si wadajir ah.

Ugu danbeyntii, waxaa shirka soo xertay Gudoomiyaha Guddiga Marwo Caasho Khaliif Maxamed ayadoo aad ugu hadashay sidii dhibaatooyinka ay geysteen daadadkii ku dhuftay Jowhar iyo Beledweyn loogu gurman lagaa loona yaren lahaa daadadka la filan karo iney waqti walbo dhacaan.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 07/11/2023

0

Talado Nofembar 07, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO