Talaado, November-7- 2023-{HMC} Maxay tahay abaalmarinta ay u tartamayso wasiir Khadiijo, Maxaase ka taqaanaa Dadka la tartamayo?
{DAAWO MUUQAALKA} 70% Bulshada way ka barakaceen Baladweyne”Gudoomiyha Gobalka Hiiraan Cabdullahi Sufuroow”
Talaado, November-7- 2023-{HMC} Gudoomiyha Gobalka Hiiraan Cabdullahi Sufuroow ” 70% Bulshada way ka barakaceen Baladweyne”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Taliska Booliska Guriceel oo Awaamiir culus soo rogay kadib dagaalkii xalay ka dhacay magaalada
Talado, November-7- 2023-{HMC} Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa soo saaray awaamiir lagu xoojinayo arrimaha nabadgelyada ee magaaladaasi kadib iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada.
Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa sheegay inaanan hadda ka dib wax hub ahi lagu dhex qaadan karin magaalada, ciidamada amniguna ay ka hawlgali doonaan.
Tani ayuu sheegay inay kaga gol leeyihiin in ay kaga hortaggaan maleeshiyada Al Shabaab iyo kuwa dilalka aanooyinka beelaha ka gaysanaya gobolka iyo deegaanada ku xeeran, si aysan gabaad uga dhigan magaalada.
Taliyaha ayaa sheegay in xilliyada qaarkood ay magaalada hub ku dhex qaataan Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan iyo welibana dad shacab ah, taasina aan hadda ka dib la aqbali doonin.
Waxa uu sheegay in la ogolyahay in ciidamada ay hubka ku dhex qaataan magaalada, haddii ay dareyskoodu wataan, balse ay mamnuuc tahay in iyagoo aan tuutahooda wadan ay hubka ku qaataan magaalada.
“Ciidanku wuxuu leeyahay sumad u gaar ah oo lagu kala yaqaano iyaga iyo shacabka, maadaama aan hawlgalo ballaaran sameynayno waxaan rabnaa astaanta ciidanka lagu yaqaano ee deegaanka nala degan inay astaantooda qaataan, astaantaas oo ah dareyska la idiinkugu talagalay,” ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa yiri “Cid kasta oo dhar shibil ah wadata ee hub sidata inaan ula tacaamulno, sida dadka shacabka ah loola tacaamulayo. Marka ciidanka waxaan leenahay naga la shaqeeya ammaanka, si uusan cadowga noogu soo dhuuman ama dhagarqabeyaasha aysan ku fakan, waxaad qaadataan dareyskiina.”
Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel Cismaan Cali Huudey ayaa Xoogaga Macawiisleyda ugu yeeray in marka ay magaalada imanayaan ay qoryahooda dhigtaan guryaha, uuna farayo inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin magaaladaasi, muddada ay joogaan.
“Waxaa jira ciidamo la yiraahdo Macawiisley oo sida runtii dad xaq u dirir ah, oo dowladda ka garab siiya dagaalka Khawaarijta. Waxaan rabnaa ayagana goobta jiidda ah markii ay ka soo baxaan ama fasax uu soo qaato inuu gurigiisa dhigto qoriga, waxaana mamnuuc ah inuu magaalada qori la soo aado. Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyaradaas markii aad soo gashaan magaalada inaad hubkiina xareysataan, oo aad ku xareysataan guryaha, markaad jiidda ku laabaneysaana aad hubkiina qaadataan. Waxaa mamnuuc ah inaad magaalada ku qaadataan qori, idinka oo dhar shacab ah sita,” ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan rabnaa marka, maadaama aan idiin sheegnay, haddaynu aragno idiinkoo qori wata, waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah, qorigana waan ka qaadaynaa, haddii Alle idmo.”
Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Booliska iyo Xoogaga Macawiisley ay xalay ku dagaalameen magaalada. Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba askari uu midkood uu ciidamada amniga ka tirsanaa, halka kan kalena uu Macawiisley ahaa. Sidoo kale illaa afar qof oo dad rayid ah ay ku jiraan ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay.
{DAAWO SAWIRADA} Waa kuma ninka aan la aqoonin oo ay Israa’iil sida weyn uga Baqeeyso?
Talaado, November-7- 2023-{HMC} Tan iyo markii uu billowday dagaalka Xoogga Falastiinyiinta iyo Israa’iil u dhaxeeya, 31 maalin ka hor, magaca ugu badan ee ay Falastiiniyiinta, dadka Carabta ah iyo bulshooyinka kale ee taageera qadiyadda reer Falsatiin ay ku celceliyaan ayaa ah “Abu Cubeyda,” oo ah afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, ee garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Ninkan wajigiisa aan la arag ayaa ka mid ah shakhsiyaadka caanka ah ee saameynta xooggan ku leh kooxda dhexdeeda, waxaa uu kasoo muuqday, baraha bulshada kooxda iyo warbaahinta kala duwan, ka dib markii toddobadii Oktoobar, Maxamed Al-Deif, oo ah taliyaha guud Al-Qassam, uu ku dhawaaqay billowga hawlgalka Daadka Al-Aqsa .
Waxaa uu soo duubaa muqaallo, isaga oo afka kusoo duubtay cimaamad gaduudan iyo koofi kana hadlay horumarka kooxda ay ka gaartay dagaalka.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza, Abu Cumeeyda ayay taageerayaasha Falastiiniyiinta ee Xamaas sheegeen in uu si xirfad leh wajahay xaaladda dagaalka .

Maxaan ka naqaan Abu Cubeyda, afhayeenka milatariga ee guutada al- Qasam?
“Abu Cubeyda” waxaa markii ugu horreysay magaciisu uu soo shaac baxay sanadkii 2002-dii, xilligaas uu ka mid ahaa saraakiil ka tirsan xoogagga Falastiinyiinta oo si joogta u qaban jiray shirar jaraa’id, oo looga hadlayo dagaal Israa’iil ay kula jiraan.
Waxaa ay tilmaameen dadka aqoonta u leh in uusan waligii wajigiisa furin taas ayaan la sheegay in uu kaga dayanayo hoggaamiyihii hore ee al-Qassam, Camaad Caaqil oo ay Israa’iil dishay sannadkii 1993-kii.
Ka bixitaankii Israa’iil ee Qaza sannadkii 2005, ayaa Abu Cubeyda waxaa si rasmi ah loogu magacaabay afhayeenka al-Qassam.
Sida lagu sheegay xogta yar ee Israa’iil ay ka hayso ninka waxaa uu ku dhashay magaalada Niciyaal oo ka tirsan gobolka Qaza, oo Israa’iil ay qabsatay 1948-kii.
Kahor dagaalkii 2014, ayuu Abu Cubeyda waxaa uu shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaza, gaar ahan kulliyadda (Asuulu diin ) waxaan buuggiisa qalin jabinta, ee uu qoray ciwaan ugu dhigay dhullka barakeeysan iyo dagaalka u dhaxeeysa Islaamka iyo Yuhuudda.
Waxaa Israa’iil ay sheegatay in uu hadda ku nool yahay magaalada Jabiil oo ku taal waqooyi-bari ee Marinka Qaza, dhowr jeer ayaa gurigiisa la duqeeyay, sanadihii 2008, 2012, 2014, iyo waliba dagaalka hadda socda.
Waxaa si weyn loo bartay dagaalkii 2014-kii, kadib markii uu ku dhawaaqay afduubka loo geystay askari Israa’iil ah oo lagu magacaabo Shaul Aron kadib isku dhacyo ka dhacay dhulka reer Falastiin .
Abu Cubeyda waxa uu horey akoon ugu lahaa Twitter-ka iyo Facebook, halkaas ayuuna ku qori jiray farriimaha dagaalka, basle markii danbe ayaa laga xiray ,waxaan uu hada isticmaalaa aaladda Telegram oo muqaalladiisa uu ku baahiyo.
Maxay Israa’iil ka tirsan ninka aan cidna aqoon?

Inkasta oo ninkani uu is qariyo, jirinna cida argtay, haddana Israa’iil waxay sheegtay inay garanayso xogtiisana ay hayso.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa yiri: “Ninka wejiga soo qarsaday, magaciisu waa Hudeeyfa Kalxuut, waxa uu ku dhuumaalaysanayaa koofiyaddan uu soo gashaday balse Israa’iil waa ay haysaa aqoonsigiisa oo dhammeeystiran, naaneystiisuna waa Abu Cubyeda.
Israa’iil waxaa ay baahisay sawir ay sheegtay in uu yahay kan saxda ah Abu Cubeyda,” afhayeenka milatariga ee guutada Al-Qassam, garabka hubaysan ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Billowgii dagaalka, kadib waxaa inta badan magac Abu Cubyeda uu noqday kan ugu badan ee ay isticmalaan dadka carabta iyo shacabka reer falastiin iyo guud ahan dadka taageera.
Xigasho BBC
FAAH FAAHIN Deegaano hor leh oo Lagala wareegay AS
Isniin, November-6- 2023-{HMC} Sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasho afka dawladda Soomaaliya ayaa baahisay in ciidamada Soomaaliya Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay maanta la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.
“Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas sida lagu baahiyay warbaahinta dawladdu.
The Awardees are more than honorees; they are the embodiment of Africa’s potential for environmental resilience, social progress, and economic prosperity.

Monday November 6, 2023-{HMC} H.E. Amb. Khadija Almakhzoumi, MP Honourable Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi is minister of Environment and Climate Change, Republic of Somalia.
Previously Somalia’s Ambassador to Pakistan, Iraq, and a political advisor to the Arab League, a senior political advisor to the Somali Ministry of Foreign Affairs, and a counsellor at the Somali embassy in Malaysia. As Minister of environment she has rapidly initiated and implemented innovative environmental policies, strategies, laws, and regulations with tangible impacts in disaster risk reduction, response, and community resilience all delivering and accelerating Africa’s sustainable development priorities.
Under her leadership Somalia recently launched the Great Green Wall initiative within the framework of the Somalia green initiative.

Hon Commissioner Mobolaji Ogunlende
A Visionary Leader Making a Difference
Mobolaji Ogunlende, an accomplished professional in the Oil and Gas sector, holds key positions in Nigeria and abroad. With degrees from prestigious institutions, including the University of Leicester and the University of Aberdeen, he’s known for his visionary leadership.
In 2016, Mobolaji founded the R.A.K Development Foundation, addressing 15 out of 17 Sustainable Development Goals. His humanitarian service has garnered international recognition.
As the Special Adviser on Special Duties and Intergovernmental Relations to the Lagos State Governor, Mobolaji has made a significant impact. He’s known for empowering others and has earned several accolades, including the Pan-African Exemplary Leadership Award of Excellence.
Beyond his professional achievements, Mobolaji’s philanthropic efforts are commendable. Notable projects include partnering with Victim Support Fund’s Covid-19 Emergency Intervention Fund and establishing the first-ever recycling plant in Badagry, Lagos State.
Mobolaji Ogunlende continues to shape a brighter future as the Honorable Commissioner for Youth and Social Development in Lagos State.
Mobolaji Ogunlende: Leading with Vision and Impact.

His Excellency Mohammed Umaru Bago Governor, Niger State
H.E Mohammed Umaru Bago, the Niger State Governor was selected under the platform of APC in 2023 general elections. The Minna-born politician is from the Masaba royal family of Bida and the Jantabo royal family of Lapai and he was born on 22nd February, 1974.
He represented Chachanga Federal Constituency as a three-time Member of House of Representatives of Nigeria. He contested for Speaker in the 9th National Assembly and he came second to become the Chairman House Committee on Cooperation and Integration in Africa.
Hon. Bago holds BSc in Political Science, PGD in Management, MBA in Economics, and MSc in Finance. He is a Distinguished Alumnus of Cambridge University, United Kingdom in 2014.
He is a Certified Management Specialist with Distinction in Time Management from the London Graduate School in 2020, and a recipient of Honorary Doctorate (Honoris Causa) and Fellow of Humanity and Political Economy, African School of Diplomacy and International Relations, Abuja in conjunction with ESTAM University of Benin in 2021.
Hon. Bago is married to Hajiya Fatima and they are blessed with children.

Mr. Harsen Nyambe- Director
Mr. Harsen Nyambe Director, Directorate of Sustainable Environment, and Blue Economy, African Union Commission, Addis Ababa Ethiopia. A Sustainable development and environmental resilience enthusiast with great track record in promoting policies critical to Africa’s socioeconomic development sectors such as agriculture, blue economy, disaster risk reduction, energy, biodiversity including forestry, health, infrastructure and actions core to Africa’s effort to save lives and property, secure livelihoods and build resilience to the effects of climate change and achieving sustainable development towards attaining agenda 2063 aspirations (The Africa we Want).
As director of the directorate, his leadership efforts have led to the successful organization of the First Africa Climate Summit held in Nairobi 2023, the Adoption of the African Union Climate Change and Resilient Development Strategy and Action Plan (2022-2032), African Union Green Recovery Action Plan, Integrated launch of African Strategy on Meteorology, Weather and Climate, The Great Green Wall Strategy and Action Plan (Draft), African Union Circular Economy Action Plan (Draft), enhancing Priorities around Nature based solutions – with a focus on Biodiversity, Domestication and operationalisation of the Africa Blue Economy Strategy, and the Establishment of the Africa Multi-Hazard Early Warning Situation Room among others.

Thandie Mwape Villadsen
Thandie Mwape Villadsen is a Zambian National with global experience in international and development affairs spanning 20 years in Africa, Asia, Europe and Americas with the United Nations and Red Cross Red Crescent Movement. She is the Regional Humanitarian Diplomacy Coordinator (Africa Region) for the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies and is a lead policy advisor on climate change, ecosystem management, and related fields in disaster risk reduction and compounding risks in Africa (food security, migration, conflict, water security).
Thandie has a strong track record in advocacy, particularly on ensuring community voices are brought into mainstream policy dialogues, advocacy on access to climate finance for impact in most vulnerable communities; brokering partnerships with water as a central theme – e.g., connecting long-term water dialogues to the humanitarian field; engaging local communities, women & youth in adaptation initiatives; leading research on responsible investments, and leading high level advocacy engaging governments, private sector, academia and community voices on integrated approaches to building resilience and sustainable development. Thandie has situated the humanitarian agenda with UNFCCC Africa Group of Negotiators and currently seconded to UNFCCC COP28 Presidency as Senior Specialist, Fragility to support the Relief, Recovery and Peace thematic.
Thandie has a passion to see societal change driven by local people at the fore front of climate change/environmental degradation impacts. She is also founding member of the UNEP-led Network of African Women Environmentalists (NAWE); and is an elected Member of the Board of Directors at the Alliance for Global Water Adaptation (AGWA).
Thandie holds two Master of Art degrees – MA Global Diplomacy with University of London/ SOAS; MA Leading Innovation and Change from York St John University in England. She has an advanced certificate in International Humanitarian Law with Harvard University and earlier trained as a Journalist at Evelyn Hone College in Zambia.

WAR DEG DEG AH: Maareeye ku Xigeenkii Tiyaatarka Qaranka oo Goordhaweyd Geeriyooday
Isniin, November-6- 2023-{HMC} Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya waxaa Goordhaweyd ku Geeriyooday Maareeye ku Xigeenkii Tiyaatarka Qaranka,Fanaankii Caanka ahaa Maxamed Xasan Baroow kana mid ahaa Hobalada Qaranka ee Waaberi.
Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Tiyaatarka Qaranka ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay Geerida Maxamed Xasan Baroow,
Maxamed Xasan Baroow ayaa bari samaadkii kamid noqday Hobalada Waaberi Heeso,iyo Suugaan kala duwan ayuuna ku lahaa Fanka Soomaaliyeed.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn{ 6/11/2023}
isniin Nofembar 06, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:abdi maajid Abdiahmaaan
Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO SAWIRADA} Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ah ee ay u tartamayso wasiir Khadiijo, Maxaase ka taqaanaa Dadka la tartamayo?
Isniin, November-6- 2023-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid ah musharraxiinta u tartamaya billadda Afrika ee Sustainability Outliers Award (ASO) oo ah abaalmarin lagu maamuuso dadka wax ka qabtay deegaanka iyo isbaddellka cimilada .
Tartankan oo ka dhici-doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa wasiir Khadiija Al-Makhzoumi kula tartamay saddex rag iyo hal dumar oo dhammaan Afrikaan ah.
Haddaba maxay tahay abaalmarintani?

Waa abaalmarin la siiyo shakhsiyaadka Afrikaanka iyo xarumaha sameeyay howlaha wax ku oolka ah ee lagu dardargaliyo korna loogu qaada ajendayaasha Horumarrada Waara ee Qaaradda.
Billadda oo ah mid lagu dhiirrigeliyo dadka Afrikaanka ah ee sameeya isbadellka iyo qorshayaasha waxtarka u leh bulshooyinka Afrika sida horumarinta, kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo mustaqbal waara u leh qaaradda Afrika.
Maxaan ka naqaannaa dadka kale ee billladda u sharraxan ?

Marka laga yimaado wasiir Al-Makhzoumi, ilaa afar qof oo kale oo u kala dhashay dalalka Zambian, Niger kuwaas oo qaarkooda ay horey abaalmarinno kale ugu guuleysteen .
Dadka loo soo xulay in abaalmarinta in ay u tartamaan waxaa ka mid ah Harsen Nyambe oo ah Madaxa Qaybta Guddiga Midowga Afrika ee Deegaanka, Isbeddelka Cimilada, Biyaha, Kala duwanaanta noolaha, Dhimista Khatarta Musiibada, waxaan uu leeeyahay 23 sano oo waayo-aragnimo.
Waxaa uu kasoo shaqeyay hay’ado kala duwan oo kuwa caalami ah,waxaan uu nqaday Maareeyaha Barnaamijka Sare ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Iyo Agaasime ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Beeraha, Biyaha iyo Kaymaha ee dalka Namibia.

Mobolaji Ogunlende, oo ah khabiir ku takhakhusay saliidda iyo isbaddellka deeganka, jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Nigeria ayaa sidoo kale ka mi ah dadka ku hamminaya in billada lagu abaalmariyo.
Waxaa uu horey ugu guuleeystay Abaalmarinta Hoggaaminta Tusaalaha Pan-Afrika, isaga oo sanadkii 2016 aasaasay urur ka shaqeeya hormarinta xalalka waara ee Afrika.

Guddoomiye hore oo laga soo doorto gobol ka mid ah dalka Niger laguna magacaabo Maxamed Umaru Bago, ayaa sidoo kale qeyb ka ah tartanka billadda loogu jiro.
Saddex jeer ayuu xubin ka noqday Golaha Wakiillada ee Nigeria. Waxa uu u tartamay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee 9-aad ee dalkaasi waxa uuna galay kaalinta 2-aad isaga oo noqday Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga iyo Is-dhexgalka Afrika.

Thandie Mwape Villadse u dhalatay dalka Zambi ah 20-kii sano lasoo dhaafayna ka shaqeeynaysay isbedalka iyo hormarinta Afrika, Aasiya, Yurub iyo Ameerika, una Dhaqdhaqaaqa arimaha Bani’aadamnimada ee gobolka ayaa qeyb ka dadka u loollamaya abaalmarinta .
Xigasho BBC
WAR DEG DEG AH :-Israsaasayn dad lagu laayey oo ka dhacday magaalada Guriceel
Isniin, November-6- 2023-{HMC} Wararka nagasoo gaaraya magaalada Guriceel ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey ilaa 4 kalena ay ku dhaawacmeen is rasaasayn la sheegay inay dhex martay ciidamada amniga iyo kooxo budhcad ah.
Iska hor imaadka ayaa ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah wuxuu dhex maray kooxdan lagu tilmaamay dabley hubaysan, kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawl gal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis.
Mid ka mid ah labada dhimasho ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah, inkasta oo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaraha, waxay wararku nagusoo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay.
Ciidamada amniga ayaa hadda wada hawl gal lagu baadi goobayo raggan.



