Home Blog Page 3192

ATMIS Officers complete Advanced Training to counter IED Threats in Jowhar

0

Jowhar, 6 November 2023–{HMC}- A select group of thirteen police officers from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have successfully concluded an intensive five-day training focused on the detecting and neutralising Improvised Explosive Devices (IEDs).

 

The training which ended on November 4, primarily addressed the challenges posed by IEDs along the Main Supply Routes during vehicle inspection operations. At the closing ceremony, An ATMIS Individual Police Officer (IPO) based in Jowhar, James Maada, highlighted the importance of the training: “IEDs are prevalent here. The training empowers us not just to safeguard ourselves but to also impart vital knowledge to our Somali counterparts.”

 

Facilitated by the United Nations Mine Action Service (UNMAS), the workshop was to enhance the skills of the officers in the use of cutting-edge technology, bolstering intelligence capabilities, fostering efficient information exchange, and implementing strategic counter-IED operations.

 

Another ATMIS IPO, Bernice Quantson, lauded UNMAS’s role in arranging the training and emphasised its significance: “This training is instrumental for our IPOs here in Jowhar. It has equipped us with critical knowledge and how to be cautious.”

 

The Acting Police Coordinating Officer for ATMIS in Sector Five, SP Jimton Aguta, emphasised the valuable skills imparted by the training. He encouraged the officers to apply their newly acquired knowledge to fortify security within their areas.

 

UNMAS is a key partner to ATMIS and has over the years worked consistently to strengthen the capacity of both ATMIS and Somali Security Forces to effectively identify and disarm IEDs. These efforts have been crucial in mitigating the impact of IEDs laid by Al-Shabaab militants, which have historically led to substantial civilian casualties and severe disruptions to movement of people and goods.

Buundada Degmada Baardheere oo laga cabsi qabo in ay go’do.

0

Isniin, November-6- 2023-{HMC} Buundada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa laga cabsi qabaa in ay go’do waxaana dareen feejignaan ah ka muujiyay dadka degmadaas oo muhiim u ah isu socodkeeda sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolkaas.

Fatahaadda Webiga Jubba ee mara Degmada Baardheere ayaa xaalad kale oo cabsi ah gelisay Dadka Degmadaas iyaga oo durba indhaha la raacaya marinkaan muhiimka u ah in ay uga gudbi karaan daanta kale si looga hortago halista ay wajahayaan.

Waxa ay Dadka Degmada Baardheere ay ka qaylo-dhaamiyeen in la sameeyo kahortag lagu badbaadinayo Buundadaan si aanay u dumin loona yareeyo welwelka ay ka qabaan saameynta ka dhalan karta waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baardheere ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo Doomaha qoriga lagu wado sabab la xiriirta halista ay kala kulmi karaan Daadadka rogmanaya ee ka dhashay fatahaadda Webiga iyo Roobabka Dayrta.

Doomaha matoorka leh ee awoodda u yeelan kara haddii halis ay la kulmaan in ay tagaan goobaha fog-fog ee ka badqaba halistaas ayaa keliya loo ogolaaday si loogu adeegsado howlihii ay hayeen doomahaas la joojiyay adeegsigooda.

Argagax xooggan oo ka dhashay Xamaas oo Gantaalo culus ku garaacday Isreal

0

Isniin, November-6- 2023-{HMC} Kooxda Xamaas ayaa tiro badan oo gantaalo ah ku garaacday magaalooyin kuyaalla Isreal, waxa ayna gantaalada argagax badan ku abureen Israa’iiliyiin badan oo kunool magaalooyinka laga maqlay dhawaqa gantaaladan.

War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku sheegeen in si weyn looga maqlay magaalooyin kuyaalla bartamaha Isreal dhawaqa gantaalo culus oo kooxda Xamaas kusoo tuureen dhinaca dhulka Isreal maamusho.

Dad badan oo Israa’iiliyiin ah oo maqlay dhawaqyada gantaalada iyo dhawaqa digniinta bixiya ayaa si weyn u argagaxay, waxa ayna dadka ku kala carareen goobo shub ah, si ay gabaad uga dhigtaan.

“Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka,” ayaa lagu yiro qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo oran jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga

Shacabka Isreal ayaa wali xasuusta weerarkii kooxda Xamaas ay gudaha Isreal ka geesteen 7-dii bishii hore ee October, weerarkaasi ayaa lagu dilay ku dhawada 1,500 qof oo Israa’iiliyin ah ,halka lagu afduuibtay in ka badan 200-qof oo kale.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {06-11-2023}

0

Isniin, November-6- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Barack Obama oo duray gabood-fallada duullaanka ciidamada Israel ee Gaza

0

Isniin, November-6- 2023-{HMC}  Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa duray gabood-fallada ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka la haysto uu ahaa mid laga naxo oo aan wax qiil ahi lahayn, isagoo dhanka kalena sheegay inaanan loo adkeysan karin in Israel ay xoog ku sii haysato dhulka Falastiin iyo dhibaatada ay u gaysaneyso shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa Xamaas ay sameysay waxa ay ahayd wax laga naxo, oo aan qiil loo heli karin. Waxa kale oo run ah in qabsashadii iyo waxa ku dhacaya Falastiiniyiinta ay yihiin wax aan loo adkeysan karin,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mareykanka.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan shaqo ku lahayn weerarkii Xamaas, haddana ku dhimanaya duulaanka Israel ee Marinka Gaza.

“Waxa run ah in ay jiraan dad hadda dhimanaya oo aan shaqo ku lahayn waxa ay Xamaas sameysay,” ayuu yiri Barack Obama.

Waxa kaloo uu sheegay in dunida ay muddo dheer ku guuldareysatay xal u helidda colaadda soo noqnoqotay ee Israel iyo Falastiiniyiinta, marka aad eegto sida labada dhinac ay ugu kala fogan yihiin arrinta taagan.

“Waxaa jirta taariikh dadka Yahuudda ah oo laga yaabo in shaqada laga ceyrinayay illaa awooweyaashaa illaa awooweyaashoodii kale ama adeerkaa ama eedadaa ay kuu sheegaan sheekooyin ku saabsan waalida naceybka ah ee Yahuudda,” ayuu yiri Barack Obama.

Obama ayaa sheegay inaanay arrintan xal u noqon karin wararka halka dhinac ee barraha bulshada la iska dhex marayo, isagoona dadka uga digay inaanay ku kadsoomin wararkaasi. Waxa uu ku baaqay in si qoto dheer loo fahmo colaadda labada dhinac, isagoona yiri “Qofna gacmihiisa nadiif ma ahan.”

Obama ayaa yiri “Waxaad iska dhigi kartaa inaad runta ku hadasho, waxaad ku hadli kartaa hal dhinac oo runta ah, xaaladaha qaarkood, waxaad isku dayi kartaa inaad ilaaliso akhlaaqdaadaa, laakiin taasi ma xallin doonto dhibaatada taagan.”

Obama ayaa sheegaya in dhinacyada la kala safan Falastiiniyiinta iyo Israel ay tahay in ay qiraan in xiisadooda ay tahay mid xasaasi ah, iyagoo ku dabaqaya cabashooyinka saxda ah ee dhinacyada.

“Waa inaad qirataa in dhammaanteen aan ku dhibtoonayno arrintan, illaa xad. Sidaas darteed, haddii aad rabto inaad xaliso dhibaatada waa inaad qaadataa runta oo dhan,” ayuu yiri Obama.

Obama ayaa intaasi ku daray “Haddii ay jirto wax fursad ah, si aan si wax ku ool ah wax uga qabano, waxay u baahnaan doontaa ogolaanshaha dhinacyada iyo ilaalinta waxa dusha sare ee laga yaabo inay u muuqdaan fekrado iska soo horjeeda.”

Hadalkiisan ayaa imaanaya, xilli dhawaan uu Israel uga digay hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee Gaza, taas oo kaga sii dari karta sida uu yiri colaadda gobolka.

Obama ayaa xilligii uu u tartamayay xafiiska waxa uu ku ololeynayay in uu xalin doono colaadda labada dhinac, balse aanu ku guuleysan.

Israa’iil oo sheegtay in laba qaybood u kala gooysay Qasa iyo Xamaas oo ka hadashay inta dhimashadu gaartay

0

Isniin, November-6- 2023-{HMC}  Israa’iil ayaa sheegtay in ay bilowday duqeyn ay ku qaadday waqooyiga Qasa, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in dhawaqa qaraxyo xooggan laga maqlayo aagagga ay milatariga Israa’iil weerareen.

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in magaalada Qasa ay “hareereeyeen” isla markaana ay laba u gala gooyeen.

Waxay intaas ku dareen in ciidamadu kaabiga ku hayaan xeebaha dhulka Falastiiniyiinta.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan weerarada iyo howgallada dhulka ah ee Marinka Qasa iyo aaggaga ku dhow oo dhan.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay mamausho ayaa sheegtay in dhimashada Falastiiniyiinta ay hadda gaaraysoku dhawaad10,000 oo qof.

{DAAWO MUUQAALKA} Xoghayaha guud ee FESOJ macalin Faarax Nuur oo ka hadlay dhibaatada loo geesta weriyasha

0

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Xoghayaha guud ee FESOJ macalin Faarax Nuur oo ka hadlay dhibaatada loo geesta weriyasha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {05-11-2023}

0

Axad, November-5- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn 5-11-2023

0

Axad, November-5- 2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Iqro Abdulhi Osman

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DAWO MUUQAALKA WARARKI UGU DAMBEYAY SOMALIA IYO CALAMKA

{DAAWO MUUQAALKA} Nabadoon Ciise Maxamuud”waxaan ballan qaadeynaa in aan fal dambe oo nuucaas ah uusan dhicin,

0

Axad, November-5- 2023-{HMC} Nabadoon Ciise Maxamuud”waxaan ballan qaadeynaa in aan fal dambe oo nuucaas ah uusan dhicin,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA