Axad, November-5- 2023-{HMC} Xoghayaha guud ee FESOJ macalin Faarax Nuur oo ka hadlay dhibaatada loo geesta weriyasha
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {05-11-2023}
Axad, November-5- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan
Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn 5-11-2023
Axad, November-5- 2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya Caalamka ee Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Iqro Abdulhi Osman
Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud
HOOS KA DAWO MUUQAALKA WARARKI UGU DAMBEYAY SOMALIA IYO CALAMKA
{DAAWO MUUQAALKA} Nabadoon Ciise Maxamuud”waxaan ballan qaadeynaa in aan fal dambe oo nuucaas ah uusan dhicin,
Axad, November-5- 2023-{HMC} Nabadoon Ciise Maxamuud”waxaan ballan qaadeynaa in aan fal dambe oo nuucaas ah uusan dhicin,
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Nabadoon Cabdi Xaashi “dadkii Dhuusamareeb dilka ka geystay waan soo qabaneynaa,,
Axad, November-5- 2023-{HMC} Nabadoon Cabdi Xaashi “dadkii Dhuusamareeb dilka ka geystay waan soo qabaneynaa,
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Digniin Cusub Soo saaray iyo Shacabka Baladweyne oo Barakac Bilaabay.
Axad, November-5- 2023-{HMC} Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Digniin Cusub Soo saaray iyo Shacabka Baladweyne oo Barakac Bilaabay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Wararkii Ugu Damebyay Dagaal Gaza ku dhexmaraya ciidanka Israel & Xamaas
Axad, November-5- 2023-{HMC} Dagaalo qaraar ayaa woqoayiga iyo bartamaha magaalada Gaza ku dhexmaraya ciidamada Yuhuuda iyo dagaalyahanada Xamaas ee iska caabinta adag wada
Israel ayaa dooneysa iney ka dhabeyso Mid ka mid ah hadafyada ugu waaweyn ee ay ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa oo lagu sheegay galitaankeeda qaybaha waqooyi iyo bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola.
Illaa shan aag ayuu dagaal qaraar ka socdaa, waxana ugu daran kan ka socda waqooyiga galbeed halkaas oo ay galeen tobannaan taangi iyo gawaarida qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan xeebta, waxayna gooyeen lix illaa todobo kilo mitir gudaha Qasa.
Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku nool.
Diyaaraddaha Israa’iil ayaa xoojiyay duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayaan hareerraha isbitaalka Qudus, halkaas oo hoy u ah kumannaan barakacayaal ah oo nabad u soo raadiyay, waxayna dad badan u arkaan in duqeynta cusub uu hadafkeedu yahay in markale ay u barakacaan dadkan dhinaca koonfurta oo aad uga fog degmada Qasa.
Xoogaga Xamaas ayaa sheegaya iney 24 gaari oo iskugu jira taangiyo iyo gaadiidka kale ee qaada ciidamada ka gubeen Israel, iyagoo soo bandhigay muuqaalo arrintaas cadeynaya, sidoo kale waxay sheegeen iney dagaalka ku dileen askar badan.
Duqaymo dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla bartamaha marinka Qaza ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa ku dhintay tobaneeyo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Duqeymahan ayaa ku soo aaday xilli Mareykanka uu ku boorinayo Israa’iil in ay joojiso duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayso Qaza iyo dhimashada sii kordheysa ee rayidka.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safray magaalada Ramallah ee daanta galbeed isagoo kulan aan hore loo shaacin kula yeeshay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas. Blinken ayaa Sabtidii kula kulmay wasiiradda arrimaha dibadda Carabta ee Urdun, ka dib markii uu wadahadallo uu Israel la yeeshay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo ku adkeystay inaysan jiri karin xabbad joojin ku meel gaar ah illaa dhammaan la sii daayo la haystayaasha ay haystaan Xamaas. Madaxweyne Joe Biden wuxuu soo jeediyay Sabtidii in horumar laga sameeyay joojinta bini’aadantinimada.
Dhimashada Falastiiniyiinta ee dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa gaartay 9,700, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ee Gaza. Daanta Galbeed ee la haysto, in ka badan 140 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay rabshado iyo weerarro ay Israa’iil qaadday.
Beesha Degta magaalada Dhuusamareeb oo qirasho yaab leh ka soo saartay dilka ragii Ganacsatada Ahaa
Axad, November-5- 2023-{HMC} Odayaasha dhaqanka ee beesha Yabardhowrakace ee Cayr oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray dilkii magaalada dhexdeeda loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan.
Ugu horeyn beesha Yabardhowrakace ayaa qiratay dilka labadii nin ee lagu dilay gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka bixiyeen raali gelin in fal noocaas ah uu ka dhacay gudaha magaalada oo caasimad u ah umadda reer Galmudug.
Sidoo kale waxay odayaasha beeshaas balan qaadeen inay soo qaba doonaan raggii dilay labada marxuum.
Bayaanka ka soo baxay odayaasha Yabardhowrakace ayaa raali gelin looga bixiyey in qirashada dilkaas, iyagoo sheegay inay xaqiijin wadeen.
Sidoo kale odayaasha beesha Yabardhowrakace ee Cayr – Habargidir ayaa balan qaaday in fal noocaas ah uusan ku soo laaba doonin caasimadda Galmudug.
Sidoo kale odayaasha oo ka tacsiyeeyey wixii dhacay ayaa sheegay in ganacsatada la dilay ay ku sifeeyeen “Kaa dhimay oo kugu dhimay.”
Habeeno ka hor ayaa goor fiid hore ah bartamaha magaalada Dhuusamareeb lagu dilay labo ganacsade oo ka soo jeeda beesha Saleebaan, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil, labada marxuum ayaa aad looga yaqaanay Dhuusamareeb.
Dilka labada ganacsade ayaa salka ku haaya aano qabiil oo u dhaxeysa Saleebaan iyo Ceyr oo ka wadadhashay Habargidir, waxayna si joogto ah isugu dilaan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.
DF oo si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi yaalla Golaha Ammaanka
Axad, November-5- 2023-{HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u tartameyso kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Kursiga ay dowladda shaacisay inay u tartameyso ayaa haddii ay Soomaaliya ku guulaysato waxay joogi doonta illaa sanadka 2026-ka.
Bayaan kooban oo kasoo baxay howl-galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo arrinkaan lagu shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya lagu aamini karo inay hormuud ka noqoto ajendaha iyo amniga Afrika.
“Soomaaliya waa lagu aamini kara in ay hormuud ka noqoto ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee UNSC iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah, xasilloon oo barwaaqo ah.”
Doorashada kursigaan oo qeyb ka ah shan kursi oo aan joogto ahayn, ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la qaban doona bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kursigaan ay Soomaaliya u tartamayso ayaa ah kursi Afrika u gaar ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doona waddan ku yaal Bariga Afrika.
Waddanka ku guulaysta ayaa waxa uu kamid noqon doona 10 waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka QM, muddo labo sano ah.
Damaca Soomaaliya ee kursigaan ayaa markii ugu horeysay banaanka yimid kadib markii ay Soomaaliya sheegtay inay ka tanaasushay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, oo ay ku guuleysatay guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania.
Soomaaliya ayaa dhiggeeda Tanzania heshiis kula gashay in kursiga yaala Golaha Ammaanka ay kala shaqeyso sidii ay Soomaaliya ku guulaysato.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas.
Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka yaala Qaramada Midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya.
Hadda waxaa kurigaas ku fadhisa Kenya, intii ay socotay doorashadaas Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo u tartameysay kursigaas, dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada olalaheeda raadinta kursigaas.
Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan.
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da’aya inta badan gobolada dalka.
”Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogg leh oo ka da’aya gobolada dalka, xog aan hayno dhimashu waa ilaa 10 qof” ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaare ku xigeenka dalka in dowladda Fedaraalka ay ku jirto dadaalo la xariira sidii gurmadyo loo gaarsiin lahaa dadka ay saaneeyeen dhibaatada fatahaadaha iyo roobabka ka dhashay..
Gabagabadii Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iney taageero iyo garab istaag u muujiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay daadadka iyo fatahaadaha ee xaaladaha deg deg ah ku jira.



