Home Blog Page 3195

Qoyska AUN Sheekh Xasan Diirshe oo war cusub kasoo saaray dilka Aabahood

0

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Xasan Diirshe Cadde oo dhawaan aano qabiil loogu dilay Dhuusamareeb isaga iyo marxuum Saciid Tahliil Maxamed ayaa war cusub kasoo saaray dilkaas oo caro ka dhaliyay deegaanada Galmudug.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo, Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe ayaa shaaca ka qaaday in aysan aarsan doonin, isla-markaana aan lagu soo tarbiyeen daadinta dhiig qof muslim ah, wuxuuna Umaadda Soomaaliyeed ka codsaday inay u duceeyaan aabahood, maadaama gacan xaq darran ay dishay.

“Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaan annaga horta fikir noocaas ah marna qalbigeena kusoo dhicin inuu kusoo dhacana ilaahey ayaan ka magan geleynaa, waayo tarbiyada noocaas ah yacni in dad la dilo, la dhaco, la waxyeeleeyo aabaheyna ma sameynin, naguma soo tarbiyeen” ayuu waresyigaan kum yiri Sheekh Yaxye Sheekh Xasan Diirshe Cadde.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in go’aankan uu yahay mid ay qoys ahaan u gaareen, isla-markaana aysan dooneyn in dhibaatada ay sii socoto, si dhiig kale loo daadiyo.

“Aarsi ma jiro, dhiig muslin uma socono arinkaasi waa arrin aan wada qaadanay” ayuu mar kale yiri Sheekh Yaxye.

Waxaa kale oo uu uu intaasi kusii daray in go’aankan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waalidiinta, ayna ku bogaadiyeen arrinta ay soo jeediyeen, si loo dajiyo xaaladda.

“Fikirkan aan baahinay waa go’aan ay nala qabaan odayaasha, yacni arrinkaasu waa arrin markii horaba odayaashu afkooda ka maqleynay oo ay nagu dhiiragelinayeen” ayuu yiri.

Allaha u naxariistee dilka Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo lagudba kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa daba socday dagaal beeleed ka qarxay deegaanka Xananbuure ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, kaas oo ay hadda xalintiisa ku baxday Galmudug.

DFS oo war Kaso Saartay dagaal dhex maray Ciidanka Danab & Ilaalada Madaxtooyada Hir-Shabeelle.

0

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay dagaal Magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidamada Kumaandooska ee Gaarka u tababaran ee DANAB & Ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka billowday Magaaladaas.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Jowhar waxaa xubno katirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay billaabeen baaris ku saabsan sidii ay u ogaan lahaayeen xogta dagaalkaas.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Xoogga & Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida lagu faray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo baaraan si loola xisaabtamo cidda qaadaneysa mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jowhar.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {05-11-2023}

0

Axad, November-5- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Carabta oo dalbanaysa in xabad joojin laga sameeyo Qasa, iyo Maraykanka oo sheegaya in taasi ay caawinayso Xamaas.

0

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Xoghayaha Arimaha Dibbadda Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo Axada tagaya wadanka Turkiga isagoo riixaya dadaallo diblomaasiyadeed oo ku saabsan dagaalka Qasa.

Hoggaamiyayaasha gobolka ayuu kala shaqaynayaa waxa loogu yeeray dagaal joojin bini’aadanimo, innagoo maqalnay warka madaxweyne Biden oo Sabtidii laga soo xigtay in arintaa horumar laga sameeyay.

Wadamada Carabta ayaa dalbanaya xabad joojin degdeg ah, laakiin Maraykanka ayaa ka walaacsan in taasi Xamaas u ogolaanayso in ay dib isu urursato.

Dhinaca kale ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u sii galaya Marinka Qasa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in 1.5 milyan oo qof ay ku barakaceen Qasa, iyadoo 700,000 oo qof ay gabaad ka dhigteen xarumaha Qaramada Midoobay, waxayna ka digtay in ay buux dhaafi doonaan, waxana jira khatar caafimaad oo laga baqdin qabo in ay ka dhalato.

Sidoo kale waxay dhibaato ka taagan tahay marinka Rafax oo ah kan kaliya ee u furan Qasa ee ku xira Masar, waxayna warrarku sheegayaan in Xamaas aanay u ogoleyn dadka wata baasaboorrada ajnabiga ah in ay halkaas ka gudbaan, illaa dadka dhaawaca la gudbiyo.

Khasaaraha ciidamada Israel iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo kordhay

0

Axad, November-5- 2023-{HMC}  Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, islamarkaana ay gaartay 30 askari.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israel ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israel.

Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa isbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israel ay horaan Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Muuse biixi muxuu ka yiri Dagaalka ka socda Marinka Gaza.

sabdi, November-4- 2023-{HMC} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa maanta si kulul uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka reer Falasteen, gaar ahaan duqeymaha ay ku hayso Gaza.

Muuse Biixi ayaa ayaa shaaca ka qaaday in laga aamusi karin xaaladda Falastiin, wuxuuna sheegay in burbur iyo baaba’ uu ka socda magaalada Gaza.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {14-11-2023}

0

Sabti, November-4- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdisamad Cilmi Cabdi

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalaamka.

0

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Daawadayaal Halkaan waxaan idiinkugu soo Gudbineynaa Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalaamka

Warka waxaa soo jeedineysa Shukri Baryare Maxamuud

Farsamaddii Cabdi-samad Cilmi Cabdi.

Hirshabeelle oo ka hadashay dagaal maanta ka dhacay Jowhar

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa goordhaw faahfaahin ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ku qabsaday kolanyo gaadiid ah oo isaga galbineysay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mar qura uu ka war helay rasaas ku socota gaadiidkii uu la socday, taasoo uu sheegay iney kusoo fureen ciidamada Danab ee ilaaliya amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan, Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen,waxaan jawaab ka sugeynaa xukuumada federalka” ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan Xaaji.

Wuxuu sidoo kale guddoomiyaha dalbaday in si deg deg ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga soo jawaabto dhacdada maanta ciidanka Danab ay ku rasaaseeyeen.

Gabagabadii dagaalka maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa ahaa mid daba socday dagaal Shalay gudaha magaalada Jowhar ku dhexmaray ciidanka Danab iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Danab.

Maxay ka wada-hadleen Blinken iyo wasiirada dalalka Carabta?

0

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israel kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.

Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin.

Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Blinken ayaa sidoo kale Sabtidii la kulmay ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najiib Miiqaati.

Ka hor booqashada Blinken, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israel ay qasab ku tahay in ay soo afjarto dagaalka ay ku waddo Gaza, halkaasi oo uu sheegay in ay ka geysanayso dambiyo dagaal oo ay duqaynayso dadka rayidka ah ayna go’doominayso.

Jimcihii, Blinken ayaa sheegay in ka hortagga dagaalka oo ka sii dara siina fida ay tahay mudnaanta koowaad ee safarkiisa ka dib markii uu Tel Aviv kula kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golaha Wasiirrada Israel ee xilliga dagaalka.

Kulanka ka dib, Blinken waxa uu saxafiyiinta u sheegay tillaabooyin uu sheegay in ay tahay in la qaado si loo hubiyo in weerar la mid ah kii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar uusan mar dambe dhicin iyo in la xaqiijiyo “berri u wanaagsan” dadka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waanu caddeynay in Israel oo ololeheeda ku doonaysa in ay ku burburiso Xamaas, haddana sida ay arrintaas u samaynayso ay muhiim tahay. Waa muhiim maxaayeelay waxaa jira waxyaabo xaq iyo sharci ah oo ay tahay in la sameeyo. Waa muhiim sababtoo ah in taas la qaban waayo waxa ay u wanaagsan tahay Xamaas iyo kooxaha kale ee argagixisada,” ayuu yiri.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa “iyo waajibka” Israel ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza. Ilaalinta dadka rayidka ee Falastiin waa muhiimada labaad ee safarkiisa, ayuu yiri.

Isagoo taasi ka jawaabaya ayuu Netanyahu yiri, “Waan ku sii wadeynaa dhammaan ciidamadeena, Israel-na waxa ay diidaysaa xabbad joojin ku meel gaar ah oo aysan ku jirin sii deynta la haystayaashayada.”

Ururka Xamaas oo uu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso ah ayaa afduubteen 230 qof, iyadoo 1,400 oo qof ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Israel.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.