Home Blog Page 3196

Hirshabeelle oo ka hadashay dagaal maanta ka dhacay Jowhar

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa goordhaw faahfaahin ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ku qabsaday kolanyo gaadiid ah oo isaga galbineysay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mar qura uu ka war helay rasaas ku socota gaadiidkii uu la socday, taasoo uu sheegay iney kusoo fureen ciidamada Danab ee ilaaliya amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan, Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen,waxaan jawaab ka sugeynaa xukuumada federalka” ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan Xaaji.

Wuxuu sidoo kale guddoomiyaha dalbaday in si deg deg ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga soo jawaabto dhacdada maanta ciidanka Danab ay ku rasaaseeyeen.

Gabagabadii dagaalka maanta ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa ahaa mid daba socday dagaal Shalay gudaha magaalada Jowhar ku dhexmaray ciidanka Danab iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Danab.

Maxay ka wada-hadleen Blinken iyo wasiirada dalalka Carabta?

0

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israel kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.

Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin.

Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Blinken ayaa sidoo kale Sabtidii la kulmay ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najiib Miiqaati.

Ka hor booqashada Blinken, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israel ay qasab ku tahay in ay soo afjarto dagaalka ay ku waddo Gaza, halkaasi oo uu sheegay in ay ka geysanayso dambiyo dagaal oo ay duqaynayso dadka rayidka ah ayna go’doominayso.

Jimcihii, Blinken ayaa sheegay in ka hortagga dagaalka oo ka sii dara siina fida ay tahay mudnaanta koowaad ee safarkiisa ka dib markii uu Tel Aviv kula kulmay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golaha Wasiirrada Israel ee xilliga dagaalka.

Kulanka ka dib, Blinken waxa uu saxafiyiinta u sheegay tillaabooyin uu sheegay in ay tahay in la qaado si loo hubiyo in weerar la mid ah kii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar uusan mar dambe dhicin iyo in la xaqiijiyo “berri u wanaagsan” dadka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

“Waanu caddeynay in Israel oo ololeheeda ku doonaysa in ay ku burburiso Xamaas, haddana sida ay arrintaas u samaynayso ay muhiim tahay. Waa muhiim maxaayeelay waxaa jira waxyaabo xaq iyo sharci ah oo ay tahay in la sameeyo. Waa muhiim sababtoo ah in taas la qaban waayo waxa ay u wanaagsan tahay Xamaas iyo kooxaha kale ee argagixisada,” ayuu yiri.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa “iyo waajibka” Israel ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza. Ilaalinta dadka rayidka ee Falastiin waa muhiimada labaad ee safarkiisa, ayuu yiri.

Isagoo taasi ka jawaabaya ayuu Netanyahu yiri, “Waan ku sii wadeynaa dhammaan ciidamadeena, Israel-na waxa ay diidaysaa xabbad joojin ku meel gaar ah oo aysan ku jirin sii deynta la haystayaashayada.”

Ururka Xamaas oo uu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso ah ayaa afduubteen 230 qof, iyadoo 1,400 oo qof ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Israel.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

MW Muuse Biixi oo ka hadlay xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin weerar afka ahna ku qaaday waddamada Carbeed

0

Sabti, November -4- 2023-{HMC} Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa maanta si kulul uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka reer Falasteen, gaar ahaan duqeymaha ay ku hayso Gaza.

Muuse Biixi ayaa ayaa shaaca ka qaaday in laga aamusi karin xaaladda Falastiin, wuxuuna sheegay in burbur iyo baaba’ uu ka socda magaalada Gaza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dad ku dhow 9,500 ay dileen ciidamada Israel, kuwaas oo 70% ay yihiin carruur aan waxba galabsan, isaga oo arrintaas su’aallo ka keenay.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay waddada reer galbeedka inay indhaha ka daawanayaan Falastiin, qaarkoodna ay Israel ku garab istaageen dagaalka, sida Mareykanka iyo Uk.

“Madaxweynihii Maraykanka ayaa yimid oo is garab taagay, Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa yimid oo yidhi halkaa kaga wad, meeday cadaaladii, meeday wixii ay inoo sharaxayeen, saaka tiradu waxay maraysa 9,500 oo dhimasho ah, 70% ayaa caruur iyo dumar ah dadkaa dhintay” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa uu cambaareeyay bartilmaameedka ay Israel ku hayso goobaha caafimaadka ee Gazam oo iyagana lagu laayay dad badan oo shacab ah.

Dhanka kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday waddamada Carbeed oo uu sheegay inay xittaa ka hadli kari waayaan qaddiyada Falastiim halkii ay garab staagi lahaayeen.

“Waxa nasiib daro ah in inta waddamada awooda lahaa ee Carbeed ay ka hadli kari waayeen ay Koonfur Afrika oo aan Muslin ahayni, uu madaxweynahooda iyo baarlamaankooduba uu ka hadlay arrintaa oo uu diiday” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Horay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa isaguna si aan gambasho lahayn uga hadlay xasuuqa ay Israel ku hayso shacabka Falastiin, ayadoo hadalka ra’iisul wasaaraha ay qaateen warbaahinta Carbeed iyo midda Xamaas oo sii baahisay taageerada iyo garab istaagga uu uu muujiyay ra’iisu wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Bulashada Jowhar oo taageeray hadalkii Ra’iisul wasaaraha uu ku garab istaagay shacabka Falastiin.

0
sabdi, November-4- 2023-{HMC} Bulashada Jowhar oo taageeray hadalkii Ra’iisul wasaaraha uu ku garab istaagay shacabka Falastiin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin.

0
sabdi, November-4- 2023-{HMC} Madaxweyne Muuse Biixi oo si kulul uga hadlay xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dagaal u dhaxeeya Danab iyo ciidanka Madaxtooyada Hirshabeelle oo Jowhar ka socda

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Kumaandooska Danab iyo ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka u dhaxeeya labada ciidan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, kaasoo lasoo warinayo in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle oo war kooban kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in ciidanka Danab ay weerar ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo ciidanka Madaxtdayada Hirshabeelle u galbinayeen garoonka diyaaradaha Jowhar.

“Maleeshiyaadka danab ee fadhigoodu yahay Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiidka Ciidanka Gaarka ah ee Madaxtooyada oo Airportka u galbinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo safar shaqo ugu socday Magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan u dhaxeeya ciidanka Madaxtooyada Hirshabeelle iyo kuwa Danab ayaa daba socda dagaal shalay ku dhexmaray gudaha magaalada Jowhar, kaasoo uu ku dhintay askari ka tirsana ciidanka Danab iyo qof shacab ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac walow aanan la ogeyn inta ay dhan tahay, waxaana haatan laga dareemayo gudaha magaalada Jowhar xaalad kacsanaan ah, iyadoo wadooyinka ay soo buux dhaafiyeen ciidamo badan oo hubeysan oo ka amar qaata Hirshabeelle.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi” sannadka dambe dadweynaha ayaa soo doranaya gudomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir”.

0
sabdi, November-4- 2023-{HMC} Wasiir Fiqi” sannadka dambe dadweynaha ayaa soo doranaya gudomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 04-11-2023

0
sabdi, November-4- 2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 04-11-2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Beletweyne blast victims now fear floods

0


Saturday November 4, 2023

Abdullahi Elmi Nur, 70, a father of 10 children living in Beledweyne, Hiran, went around collecting sticks and pieces of clothes to construct a makeshift hut for his family to live in after their house was destroyed in an explosion.

He could not afford to move his family to a rental house, but the hut they are in gives little to no protection as the deyr rainfall continues.

His family is among 400 families in Beledweyne struggling to rebuild their homes and lives following an explosion in the city on 23 September.

“There are reports of possible rainfall, we are worried about river floods. I only know this place and that is why I remained here. We put our trust on God,” Abdullahi said.

Since 2013, he and his family had been living in their own three room iron-sheet house made of iron-sheet. Now they are forced to depend on their relatives for food and other help.

“We are now faced with uncertainty. I call up my relatives when I get confused, they send us whatever they can. Some send us money, some give us rice, that is how we survive,” he said.

Many of his neighbours migrated after the explosion turned their houses to rubble.

“It’s hard to build a house if we don’t get help. The people in the area would be of help but we’re all in the same boat, it’s hard to construct a house because we’re grappling with the bills. Sometimes even our young children don’t get food,” he said.

Abdullahi is a religious cleric and earns $100 a month reading the Koran for people. He used to earn a living with a donkey cart but gave that up due to competition from tuk-tuk taxis.

The explosion happened just 30 metres from their house, as a car loaded with explosives hit a police checkpoint. Three of his children were in the house and sustained injuries after being hit by falling debris.

His daughter in ninth grade had to drop out of school due to her injuries.

“Two [of my children] got head injuries and had to have stitches. The other got a piece of metal that pierced his ankle. We took them to hospital and they received some treatment. The girl with the leg injury is still limping and the affected area is now infected,” said Abdullahi.

Others affected by the explosion include Abdinasir Ahmed Jimale, a tuk-tuk taxi operator in Beledweyne, whose vehicle was damaged. He lost his $15 daily income and is still out of work.

He took his battered three-wheeler to the garage where they informed him repairs would cost $120.

He and his family of six children are living in a tent given them by his aunt set up on their plot of land in Koshin area in Beledweyne.

“I don’t have any job since the bajaj got hit. I had parked it near the area hit by the explosion,” said Abdinasir.

His two room brick house was also damaged and would cost about $1,000 to rebuild.

Worse still, Abdinasir’s mother was among the 18 people killed in the explosion. She had given him $3,500 to buy his tuk-tuk two years ago.

“It has affected me very much, because it’s more painful to lose my mother than even the house. You can understand someone who lost his house and mother, it’s hard to move on now,” said Abdinasir.

Beledweyne district commissioner, Omar Osman Alasow, said that as well as the shock of the explosion, they were challenged by the exodus of people leaving parts of the city due to heightened threats of river floods.

“It is painful that the people who lost their houses in the explosion are now living in fear of floods and the El Nino rainfall. We have shared the situation with the Hirshabelle state government and other concerned institutions. We have collected information on the people who died and those who lost their houses. We hope that we get a response,” he said.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 4/11/2023}

0

Sabti Nofembar 04, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: mustaf ali adoow iyo shugri baryare

Farsamadii :maxamed baryare iyo abdi maajid

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO