Sabti, November -4- 2023-{HMC} Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa la wareegtay xubno katirsan Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiilseyda si ay uga qayb-qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye) ayaa ku dhiirrageliyay Dadka deegaanka Xinlabi in ay qayb wayn ka qaataan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.
Cumar Guureeye ayaa bogaadiyay go’aankaan oo uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug ka socda isaga oo ugu baaqay Dadkaas Macawiisleyda ah in ay wax kusoo kordhiyaan dagaallada.
Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si ay u qabsato deegaannada weli gacanta Dowlad-Goboleedkaas ka maqan waxaana dhinac socda abaabul ciidan.
Qaar kamid ah Waxgaradka Magaalada Xinbali ayaa dhankooda sheegay in ay garab taagan yihiin howlgallada ka socda deegaanno hoostaga Magaaladaas iyaga oo intaas ku daray in ay xoojinayaan la shaqeynta ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta DG Galmudug.
Sabti, November -4- 2023-{HMC} Isreal ayaa wali sii wada tacadiyada ay ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, xilli ay tacadiyadaasi ay inta badan iska fiirsanayaan indhahana ka xirteen waddamada reer Galbeedka ee ku qaraaban jiray ilaalinta xaquuqda aadanaha.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn uga argagaxay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Isreal la beegsadeen gaadiidka ambalaasta oo dhaawacyo ka qaaday isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza.
“Sawirada maydadka oo daadsan dariiqa ku hor-yaala cisbitaalka waa kuwo qalbi jab leh, waxa ka dhacaya magaalada Gaza ma ahan wax indhaha u roon, dagaalka u dhaxeeya Isreal iyo Xamaas waa in la joojiyaa ” ayuu yiri Guterres.
Isreal ayaa shalay oo Jimco aheyd duqeysay kolonyo gaadiidka ambalaasta ah, kuwaa oo waday dhaawacyo la doonayay in lagu soo daweeyo dalka Masar, waxaana weerarkaasi ku dhintay 15-qof ay ku jiraan dad horey dhaawacyo culus u qabay.
Sabti, November -4- 2023-{HMC} Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa iska diiday soo jeedinta xabbad-joojin ku meel gaar ah oo lala galo Xamaas.
Iyadoo dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Israel (IDF) iyo Xamaas uu galayo todobaadkiisii shanaad, Netanyahu ayaa maanta magaalada Tel Aviv kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.
Labada nin ayaa ka wada hadlay, baaqyada Mareykanka ee ah in Israa’iil ay ogolaato joojinta bini’aadantinimo ee duqeymaha ay ku hayso Gaza si loogu ogolaado in si wax ku ool ah loo gaarsiiyo gargaarka. Laakiin Netanyahu ayaa sheegay in ilaa dhammaan la-haystayaasha la sii daayo, aan heshiis noocaas ah la samayn karin.
Dhanka kale, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegay inuu “aad uga naxay” qarax la sheegay inuu ka dhacay bannaanka isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza, Al-Shifa.
Sabti, November -4- 2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhibaatooyinka ka jira Gobolka Gedo kusoo koobay labo qodob oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaciyay in caqabadda ugu weyn ee u baahan in xal loo raadiyo ay tahay dhibaatada ka jirta dhinaca nabadgalyada maadaama dalka uu galay xaalad dagaal iyo howlgallo ka dhan ah ‘AS’.
Dhowr jeer ayuu sheegay in ay ciidamadu fuliyeen howlgallo looga soo horjeedo ‘AS’ waxaana uu xusay in ay dhaceen weerarro lagu qaaday qaybo kala duwan oo katirsan Gobolka Gedo balse dedaalkooda uu yahay adkeynta nabadgalyada.
Qodobka 2aad ee Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan Xusay waa arrimaha la xiriira daadadka Roobka Dayrta oo saameyn taban ku reebay Dadka ku nool Degmooyin katirsan Gobolka Gedo.
“Marka laga reebo xagga ammaanka oo nimanka Khawaariijta oo dhibaato ku hayaan & hadda oo roobab ka da’ay oo fatahaad muujiyeen oo Dad ay ku dhinteen Dadna ay ku hanti beeleen oo dabcan ummadda aan ugu baaqeyno in ay iska kaashato, labadaas dhibaato ayaa ka taagan Gobolka Gedo” Maxamuud Sayid Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dhanka kale sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta xoogga ay saareen maadaama muddo dheer gacanta Dowlad-Goboleedkaas uu ka maqnaa Gobolka Gedo.
Dib u heshiisiinta ayuu sheegay in ay xoogga saarayaan si bulshada looga turxaan-bixiyo tabashooyinka siyaasadeed ay kala qabto loona daadego dhismaha Golaha Deegaanka si loo saldhigo arrimaha Doorashooyinka waa sida uu hadalka u dhigay.
Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xamas ayaa isku diyaarisay dagaal dheer oo aan dhammaad laheyn oo ka dhaca Marinka Gaza, waxayna rumeysan tahay inay muddo fog iska caabin karto ciidamada duulaanka ah ee Yahuudda, si ay Israel ugu qasabto xabad-joojin, waxaa sidaas sheegay laba il-wareed oo ka tirsan hoggaanka kooxda.
Xamas, oo maamusha Gaza, ayaa keydsatay hub, gantaallo, cunto iyo sahay caafimaad oo hayn kara muddo fog, sida ay sheegeen il-wareedyo la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin.
Kooxda ayaa ku kalsoon in dagaal-yahannadeeda kumannaanka ah ay bilooyin ku badbaadi karaan magaalada iyo godadka ay ka qoteen, si ay u ciidamada Yahuudda ula galaan dagaal wata xeelad jabhadeyn ah, sida ay sheegeen il-wareedyada.
Xamas ayaa rumeysan in ugu dambeyn cadaadiska beesha caalamka ee ka dhanka ah Israel si ay usoo geba-gebeyso duullaankeeda sababo la xiriira khasaaraha shacabka ee sii kordhaya ay ku qasbi doonto inay galaan wada-xajood xabad-joojin.
Xamas ayaa dooneysa inay Israel ay ku qasabto inay sii dayso kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, ayada oo dhaafsaneysa 239 Israa’iiliyiin ah oo ay ku qabsatay weerarkii 7-dii October.
Kooxda ayaa u caddeysay Mareykanka iyo Israel, oo ay yeesheen wada-hadallo aan rasmi aheyn oo ay dhex-dhexaadineyso Qatar, inay dooneyso in lasii daayo maxaabiista si ay iyana usii dayso Yahuudda ay afduubatay.
Qorshaha muddada fog, Xamas ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo afjarto xannibaadda 17 sano jirsatay ee Israel ay ku hayso Gaza, islamarkaana la hakiyo deegameynta ay Israel isugu fidineyso dhulka Falastiin.
Waxay sidoo kale dooneysa in Israel ay ku qasabto inay ciidamadeeda joojiyaan awood sheegashada ay ka wadaan Masjidka Al-Aqsa.
Khamiistii, khubarada QM ayaa ku baaqay xabbad-joojin ka dhacda Gaza, ayaga oo sheegay in Falastiiniyiinta ay “halis xooggan ugu jiraan xasuuq.”
Israel ayaa tan iyo weerarkii 7-dii October, oo lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin, waxay Gaza u adeegsatay duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen 9,000 oo shacab ah, hase yeeshee weli wax la taaban karo kama soo hoyin duullaanka Gaza.
Sabti, November -4- 2023-{HMC} Xasan Nasrullah oo ah hogaamiyaha ururka Islaamiga ah ee Xisbullah ayaa khudbadiisii ugu horeysay ee uu kaga hadlayo dagaalka u dhaxeeya Xooggagga Falastiinyiinta iyo Israa’iil waxaa uu bogaadiyay weeraradii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil.
Khudbadiisii ugu horeysay ee uu meel fagaare ah ka jeediyo tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayada oo daawanayaan Kumaan qof oo ree Lubnaan ah, waxa uu ku sheegay in wadda kasta ay furnatahay , sida kaliya ee looga hortagi karo dagaal gobollka ka dhacana ay tahay in la joojiyo colaadda Gaza.
Hadalka Sheekh Xasan Nasrullah ma ahyen taageerayaashiisa oo keliya kuwa sugayay, balse waxaa si aad ah isha ugu hayay Israa’iil iyo Mareynkanka iyga oo sugayay wax uu ka dhaho xaaladda Gobalka .
Waxaa uu sheegay in kuwa ku dooday in Xisbullah ay ka gaabisay in gacan siiso xooggaga Falastiinyiinta ay arka waxa ka socada xaduuda Lubnan iyo Irsaa;iil .
“Kuwa ku andacoonaya in Xisbullah ay si degdeg ah u galaan dagaalka cadawga, waxa laga yaabaa inay u arkaan waxa ka socda xuduudda mid aad u yar, laakin haddii si dhab ah loo eego, waxaa la ogaan doonnaa inay tahay mid baaxad leh,” ayuu ku yiri khubadbadiisa Xassan Nasrullah Hogaamiyaha Kooxada Xisbullaha ee dalka Lubnaan .
Waxa uu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay isku dhacyada u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullaha lagu dilay 57 dagaalyahan oo ka tirsan Xisbullah.
Nasrallah waxa uu tilmaamay in weeraradii 7-dii October ee Xamaas ay ahaayeen “100% hawlgal qarsoodi ah oo ay si gaar ah u fuliyeen “xooggagga falastiiniyiin” oo xataa laga qariyay xulafada Xamaas.
Waxaa uu tilmaamay in weerarkii Xamaas uu banaanka soo dhigtay daciifnimada difaaca Israa’iil iyo sirdoonkii awoodda badanaa ee muddo 50 sano ah Israa’iil ay ku faani jirtay
Iran iyo saaxiibada kale ee Xamas ayuu sheegay in aysan xataa ogayn qorshaha weerarka lagu qaday Israa’iil.
Sannadihii u dambeeyey ayuu Nasrullah sheegay in shacabka ku nool Marinka Qaza iyo Daanta Galbeed, ay wajahayen dhibaatoyin badan iyo cadaadis xoogan taas oo sababtay dagaalka ‘Duufaanta Al aqsa’.
Nasrallah waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxaha iska caabintu meel kasta oo ay joogan ay xaq u leeyihiin difaaca sharaftooda iyo dadkooda, waxa uu sheegay in dagaalka hada ka socada Qaza uu saamayn ku yeelan doono mustaqbalka gobalka, taariikh cusubna u sameeyna doono Israa’iil.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay weerar Kooxaha xariirka laleh ay ku qaadeen saldhigyada ciidamadda Mareykanka ay ku leeyihiin Ciraaq iyo Suuriya .
Mareyknaka ayuu ku eedayay in uu qeybka yahay gumaadka shacabka reer Falastiin oo Israa’iil uu siinayo dhaqaale far badan.
Koonfurta Magaladda Bayruut ayaa waxaa isgu soo baxay kuman qof oo ku qaylinayay eryo ay ka mid yihiin , “Waan kula jirnaa Nasrallah”
Xisbullah ayaa kumannaan gantaallo ah ku riday Isaa’iil tan iyo markii uu bilooway weerarka Xamaas ay ku qaaday Israa’iil .
Xisbullaha ma laga yaabaa in ay dagaal la gasho Israa’iil?
Tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, Xisbullah waxa ay weerartay fariisimo ciidamadda Israa’iil ay ku lahyeen waqooyiga Israa’iil.
gantaalo ayay ku garaacen fariisimaha ciidanka Israa’iil,ayga oo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray bartilmaameedyo milatari.
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhankooda fuliyay duqeymo xagga cirka ah, waxaa kale oo madaafiic ay ku garaaceen fariisimaha Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Askar ka tirsan Ciidanka Israa’iil iyo xubno ka mid ah Xisbullah ayaa lagu dilay madaafiicada iyo duqeeynaha labada dhinac, waxaana Israa’iil ay kumanaan shacab ah ka daadgureysay xadka ay waaagaan.
Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan “feejignaan aad u sareysa” oo ku taal xadka waqooyiga ee Israa’iil.
Qaraxaan oo si weyn goordhaw looga maqlay jugtiisa inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay meel u dhaw Isgoyska Sayidka oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo amaanka Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay mid Ismiidaamin oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo beegsaday Maqaayad lagu magacaabo Baar Bulsho oo u dhaw Isgoyska Sayidka.
Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaan daqiiqado kooban ka hor ka dhacay Isgooyska Sayidka ee mgaalada Muqdisho.
It is a first in what Minneapolis Police Chief Brian O’Hara hopes is a “long line of many.”
Minneapolis Police Chief Brian O’Hara recently promoted Abdirahman Ali to the rank of Commander, overseeing the Internal Affairs division. Ali became the very first Somali-American officer to reach the rank of Commander at the Minneapolis Police Department (MPD). The department also believes his climb up the command staff likely makes him the highest-ranking Somali-American police official in the entire country.
“We are slowly regaining the public trust, and we are doing that one call at a time,” Commander Ali explained to FOX 9’s Paul Blume during a recent interview at Minneapolis City Hall. “I am overwhelmed and grateful for the opportunity.”
Ali did not arrive in the United States until he was eight years old, and now, nearly three decades later, he is a Minneapolis Police Commander. He currently reports directly to Deputy Chief of Community Trust and Engagement, Christopher Gaiters, with oversight of three units: Candidate Investigations, Force Investigations, and Internal Complaint Investigations.
Ali said he was inspired to pursue a career in law enforcement because of the positive interactions he had with MPD community liaison officers while growing up in the city.
His decade-plus career has taken Ali all across Minneapolis and throughout the department, from beat cop assignments on the north and south sides, to bike patrol and community engagement, all the while, building bridges and establishing trust with Minneapolis’ East African immigrant population.
In 2016, while wearing the badge, he traveled back to Somalia to work with law enforcement in his native land.
“Being a kid, not remembering anything from back home and then having an opportunity as a police officer to go back there and train some of the officers there, it was tremendous for me, and the community here,” Ali said.
“So, the residents of this city need to know this is the type of police officer that you have today,” added O’Hara.
O’Hara just made it official recently, promoting Ali to the rank of Commander in a major shakeup of department leadership and structure. While O’Hara said he cares about milestones and what a promotion might mean for a community that has had strained relations with the police department over the years; the chief insists his main focus is remaking MPD by making sure the right leaders are in place in the wake of George Floyd’s murder more than three years ago.
“I think in order for us to move on, I think we need people to come into these positions new and fresh with a new outlook and saying, ‘okay, it is time for us to get back to our purpose. It is time for us to remember why we took these jobs in the first place. And it is time for us as a department to move on together,'” O’Hara said.
“One of the reasons why I stayed in this department is because of the fact that I believe in this community, I believe in this department,” explained Ali. “And I think in order for you to be part of the transformation, you have to be willing to stand up and take leadership.”
Ali admitted he thought long and hard about whether he still wanted to do the job after the unrest of 2020. He says now, he is thrilled with his decision to keep his badge, adding he feels a lot of responsibility as the first Somali-American to earn this promotion to Commander.
He reports the department currently has 11 Somali-American officers on the force.
Mogadishu, 3 November 2023{HMC}– The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has intensified its joint military offensives with Somali Security Forces, continuing the robust fight against Al-Shabaab.
The ATMIS Force Commander, Lieutenant General Sam Okiding, at a press briefing on Wednesday said that following the technical pause in the phase two drawdown, ATMIS has reorganized its troops. He shared that ATMIS forces from the two Forward Operating Bases that were handed over, Biyo Cadale and Raga Ceel, remain actively engaged in Somalia. They now form an agile mobile unit undertaking joint offensives against Al-Shabaab. This is alongside the ongoing efforts of troops safeguarding major supply routes, population centers, and conducting routine patrols.
“Since the 90-day technical pause in the Phase two drawdown, our operations with Somali Security Forces have significantly intensified. Notably, we’ve successfully taken control of the Cali Fool-dheere Forest in the Middle Shabelle region, a critical Al-Shabaab stronghold,” said Lt. Gen. Okiding.
He acknowledged that the onset of rains has slightly delayed plans for further liberation efforts in joint offensives. Despite these natural challenges, ATMIS, in collaboration with its partners, had established a Taskforce to prepare for El-Nino and its aftermath. The rains have impacted some of ATMIS’s Forward Operating Bases, leading to flooding and operational delays.
“I was in Jowhar on Tuesday to meet with our troops and boost their morale for the upcoming joint offensives,” he said, affirming ATMIS’s dedication to maintaining security and stability in Somalia and building on the successes of its predecessor mission, AMISOM.
“Since starting on April 1, 2022, ATMIS has upheld AMISOM’s territorial gains. This includes supporting Somali Security forces in safeguarding land, air, and sea borders, as well as protecting population centers and key government installations in Mogadishu and the Federal Member States,” he noted.
The Force Commander expressed gratitude to the President of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, for his leadership and prioritisation of the offensives against Al-Shabaab. “The President’s leadership has been exemplary in this regard,” he concluded.