Khamiis, November -2- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Ali Addow
Farsamadii :Abdi Rahman Muse Osman
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Khamiis, November -2- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Ali Addow
Farsamadii :Abdi Rahman Muse Osman
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Jordan ayaa u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil, iyada oo muujineysa halka ay ka taagan taha dagaalka Gaza, kaaso sababay dhimashada Falastiiniyiin badan, sidoo kalana sababay xaalad bani’aadanimo oo daran, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibadda ee Jordan.
Dhanka kale war uu soo saasaaray wasiirka arimaha dibadda ee Jordan ayuu ku sheegay in Safiirkii Israa’iil ee Jordan uusan ku soo noqon karin waddanka. Safiirka ayaa dhawaan isaga tagay Jordan.
Wasiirka ayaa sheegay in hadii safiirku soo noqdo ay micnaheeda tahay in Israa’iil ay joojineyso dagaalka ay ku wado Gaza, sidoo kalana ay joojineyso waxa uu ugu yeeray musiibo bani’aadanimo, taasoo Falastiiniyiinta u diiday inay helaan cunto, biyo, daawo, iyo xaqa ay u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan iyaga oo ku sugan caradooda.
Dhinaca kale. Weerarkii labaad ayaa lagu qaaday Jabalia kaasoo ku soo beegmaya wax ka yar 24 saac kadib markii tobanaan qof lagu dilay laguna dhaawacay halkaasi weerar cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel.
Weerarka lagu qaaday xeradan oo ah xaafad si aad ah loo soo buuxiyay oo ku taal waqooyiga Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof sida ay sheegeen maamulka Falastiin. Ilaa 150 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen.
Weerarka waxaa ku dhintay 19 xubnood oo isku qoys ah.
Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay ka dambeysay weerarka, iyadoo sheegtay in ay bartilmaameedsatay taliye sare oo Xamaas ah kaasoo joogitaankiisa ay diiday Xamaas.
Duqeyntan ayaa caro ka dhalisay guud ahaan dalalka Carabta, waxaana cambaareeyay hay’adaha samafalka.

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aanadii caawa ka soo baxay Isimada dhaqanka oo la xiriiray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka
Isimada ayaa soo saaray bayaan meesa ka saaray qorshaha Deni ee doorashada iyo go’aanadii ka soo baxay guddiga doorashooyinka.
“Waa in Xildhibaanada lagu soo xulaa nidaamkii hore lagu dooran jirey ee 66-da, doorashadana la qabtaa 8da Janaayo 2024” ayaa lagu yiri bayaanka Isimada.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu diiday bayaanka isimada ayaa u qornaa Sidaan

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC}-Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan.
War saxaafadeed ay maanta oo Arbaca ah soo saarta IMF ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan.
Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo doollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo.
IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda, ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nairobi bishii Sebtember, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar.
Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda IMF.
“Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.
“Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay.
Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan.
Wasiirka Fiqi oo si kulul kaga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolada Dalka
Arbaco, November -1- 2023 {HMC} Guutada Al-Qassam ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadooda ay u suurtagashay in ay burburiyaan 4 baabuur oo ay leeyihiin ciidamada Israa’iil oo wada gantaalaha “Al-Yassin 105”.
Waxa ay sheegeen in ay ka saareen ciidan kuwa dhulka ah oo ku sugnaa dhismo ku yaalla Beit Hanoun.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan la shaaciyay inta uu la’egyahay khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan Xamaas
Arbaco, November -1- 2023 {HMC} Ciidanka booliska Somaliland ayaa raadinaya qofkii lahaa taleefan ay sheegeen in uu baadi yahay.
Qoraal ay kusoo daabeceen barta ay ku leeyihiin Facebook ayey ku sheegeen in taleefanka lagusoo qabtay eedeysane ay ciidanku gacanta ku hayaan.
Qoraalka oo ah mid kooban ayaa ahaa sidan,”Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa waxa uu raadinayaa qofkii lahaa Mobile (iPhone 11Pro max ) ah oolagu qabtay eedaysaneBadri Xasan Gaas ina Sacda Axmed D/34 jira kaasi oo ciidanka boolisku kusooqabteen.Eedaysanihiina gacanta Ciidanka ayuu ku jira”.
Ciidanka ayaa sheegay in qofkii sheegta lahaanshaha moobilka laga doonayo caddaymo muujinaya in uu leeyahay, iyadoo loogu baaqay qofkii ay baadi ka maqantahay in uu xafiiska booqdo.
Arbaco, November-1- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdiraxmaan Macalin Muse
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Arbaco, November -1- 2023 {HMC} Muhammad Al-Ghalayini waa cilmi-baare dhanka sayniska ah waxa uu horraan ku noolaa magaalada Manchester ee waqooyiga England, wuxuuna tan iyo bilowgii dagaalka ku sugnaa Gaza isagoo booqday qoyskiisa.
Al-Ghalayni ayaa in uu Arbacadii booqday marinka Qaza ee xadka Masar, maadaama qaar ka mid ah qoyskiisa ay haystaan baasaboorka Urdun ah, waxaana loo sheegay in ay ku jiraan liiska dadka loo oggol yahay in ay ka baxaan marinka Qaza ee Masar.
Maxamed waxa uu sheegay in uu jiro sarkaal jooga isgoyskaas oo haystay liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka la ansixiyay, “laakin liiska kuma jirin British”, inkastoo jinsiyado kala duwan ay ka diiwaan gashan yihiin, sida Austrian. Urdun, Indonesian, iyo Australian, sida uu tilmaamay.
Laakiin Al-Ghalayni laftiisu waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Qaza, uusanna bixi doonin, waxa uu sheegay in uu rabo in uu caalamka u soo bandhigo waxa ka socda Qasa.
Arbaco, November -1- 2023 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askar kale looga dilay weerarro ka dhacay gudaha Qasa.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in 15 ka mid ah askartooda lagu dilay Gaza tan iyo talaadadii.
Waa kororka dhimashadii hore ee lagu sheegay 11-ka ah oo ay saraakiisha saaka shaaciyeen.