Home Blog Page 3205

Ciidanka Loo Xil Saaray Daminta Colaada Sh.Dhexe Oo Uruuriyay Hub Laga Qaaday Dhinacyada Dagaalamay

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Ciidanka daraawiishta booliiska iyo Nabad sugidda ee dowladdu u dirtay inay kala dhex galaan maleyshiyo beeleedyo ku dagaalamaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa gaaray deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolkaas.

Ciidamada ayaa gaaray deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyadii ku diriray deegaanadaas waxaana howlgallo ay sameeyeen hub ka dhigis ku sameeyeen qaar ka mid ah maleyshiyaadkii dagaalamay, iyadoo amar cad la dul dhigay sida uu xaqiijiyey taliyaha Ciidanka daraawiishta Sarreeye Guuto Cabdulahi Mire.

Maleeshiyaadkii ku dagaallamay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaana dowladda kala dhax dhigtay ciidamo katirsan nabad sugida iyo daraawiishta booliiska, waxa ayna ciidamada wadaan in hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyaadka hubeysan.

 

RW Xamsa Cabdi Barre Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen Culimada Somaliyeed

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo ah mid lagu difaacayo diinta.

“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka”.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka, ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 02-11-2023

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC}Wararka ugu waa weyn soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA}Maamulka G/Banaadir oo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan dhismaha Bacadlaha Xamar-weyne

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Maamulka G/Banaadir oo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan dhismaha Bacadlaha Xamar-weyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} R W Xamse Xamaas AS maahan waa urur dalkiisa xoreysanaya waana inaan si buuxda ugarab

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Ra’iisul wasaare Xamse Xamaas AS maahan waa urur dalkiisa xoreysanaya waana inaan si buuxda ugarab

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 2-11-2023}

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf Cali Caddow iyo Shukri Baryare

Farsamadii :Cabdikaafi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Uqeeybsanaha Ciidamada Macawiisleyda oo la kulmay Gudoomiyaha SODMA.

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay u qeybsanaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha ee macawislayda Mudane Cali Jayte Cismaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’addu u sii xoojin lahayd howlaha gargaarka ee la gaarsiinayo degaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo ka warqabka qoysaska ciidanka Macawisleyda ee naftooda u huraya nabadeynta waddanka.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa u ballan qaaday u qeybsamaha xafiiska Madaxweynaha JFS ee Macawisleyda, in ay hay’addu si dhow ugala shaqeyn doonto arrimaha samafalka ee uu dalbaday iyo sii laba jibaaridda u gurmashada dadka nugul ee la dhibaatoonaya saameynta abaaraha muddada dheer ah iyo fatahaadaha roobabka xooggan ee dalka ka da’aya.

Ciidanka Puntland oo caddeeyay mowqifkooda, kadib go’aannadii Isimada

Khamiis Nofembar 02, 2023 {HMC} Taliska ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ee Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland.

Taliska ayaa ugu horreyan soo dhaweeyay go’aannadii ay soo saareen Isimada Dhaqanka oo ku taliyay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, lana soo xulo 66-da xildhibaan, ayaga oo sheegay in aan laga gaarin doorasho qof iyo cod ah lagana rabo maamulka cusub.

“Taliska ciidanka kumaandooska Danab Puntland wuxuu soo dhaweynayaa go’aannada kasoo baxay shirkii Isimada Dhaqanka uga socday caasimada Garoowe, kuwaas oo ay u arkeen inay yihiin xalka kaliya ee looga baaqsan karo amni darro iyo fowdo ka dhacda dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray hoggaanka ciidanka Danab Puntland.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray inuu aqbalay go’aannada ay qaateen Isimadu, ayna u arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisadda ka taagan Puntland.

“Waxaan bulshada reer Puntland iyo daneeyeyaasha siyaasadda gobolka u caddeyneynaa inaan aqbalnay go’aannada Isimada, ayna yihiin Guddoon Isimo” ayaa lasii raaciyay.Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri ” Isimadu waxaa marjaca udub dhexaadka u ah dhismaha, nabadda, degenaanta iyo Ummadda reer Puntland.

Ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, waxayna ugu baaqeen inay taageeraan bayaanka kasoo baxay Isimadooda.

Ugu dmabeyn wuxuu talisku ka digay in Puntland la geliyo firaaq dastuuri ah, taas oo uu sheegay inay ka dhalan karto amni darro, fowdo iyo qalalaase siyaasadeed.

Waxaan uga digeynaa inay ka tanaasulaan cid kasta oo ku howlan sidii dalka loo gelin lahaa firaaq dastuuri ah, taas oo keeni karto qalalaase siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka Danab.

Cabsida laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle oo sii kordheysa

0

Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walaaca laga muujinaayo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle deegaano ka tirsan gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybo ka mid gudaha Soomaaliya.

Muqaalo laga soo duubay Wabiga Shabeelle ee deegaanka Iimeey Galbeed ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muujinaayay baaxada biyo aad u tiro badan oo uu wado Wabiga.

Qof ka mid ah dadka deegaankaas ayaa sheegay in biyaha Wabiga uu wado ay yihiin kuwa xoog badan, islamarkaana ay suurtagal tahay iney ku fatahaan deegaan kasto oo ay biyuhu horay fatahaado uga geysan jireen.

“xaaladu aad bay uga dawantahay sidii hore marka dadka wabishabelle jiinkiisa dagan ha gaadho fariintani waa biyo aad u xoog badan habeenimo ma ogii laakin Malin biyo kabadan kuwan ma marin inta dayrtan lagu jiro” ayuu yiri Axmed Shumburo oo ka mid ah dadka deegaanka Iimeey Galbeed.

Gudaha Soomaaliya meelaha haatan cabsida xoogan laga dareemayo waxaa ka mid ah magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, maadama uu wabiga dhexmara Baledweyne uu yahay mid heerka biyahiisa ay sareeyan, islamarkaana hadii biyo kale oo badan ay kusoo darsoomaan uu fatahaad sameyn doono.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {02-11-2023}

Khamiis, November -2- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Ali Addow

Farsamadii :Abdi Rahman Muse Osman

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO