Home Blog Page 3236

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, kaas oo lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ku waabariistay jugta qaraxa, waxaana kadib xigay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaaba weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inta badab waxaa deegaankan cirifka ku yaalla weeraro culus kusoo qaaday AS ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda AS oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan AS

0

Jimco , October -20- 2023-{HMC}  Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka Galmudug iyo ciidamada deegaanka ee howlgallada ka wada deegaanno katirsan gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha kooxda Al Shabaab.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Aadan Maxamed ayaa lagu qabtay deegaanka Qoriley ee koofurta Gobolka Mudug, waxaana sargaalkan la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha laga qaado shacabka degan Bacaaweyn.

 

 

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay in ninkan ciidamada huwanta ah ay soo qabteen isaga oo dhuumaaleysi ku jiray, waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkan xilligii la qabanayay uu qorsheenayay in ciidanka isku soo dhiibo.

 

Saraakiil iyo dagaalyahanno kale katirsanaa kooxda Al Shabaab kuna sugnaa qeybo kamid ah gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe isku soo dhiibay ciidanka huwanta ah, waxaa sidoo kale jira kuwa kale oo howlgallo lagu soo qabtay.

Inta badan Ardaydii Fasalka 12aad ee Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku dhaceen imtixaankii sannadkan

0

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay Natiijada Imtixaanka fasalka 12aad oo dhawaan ardayda degaanku ay galeen ayaa sheegtay in boqolkiiba 99 tiro ka badan ay ardaydu ku dhaceen imtixaankaas ama ay keeneen natiijo ka hooseysa natiijadii loogu gudbayay Jaamacadaha.

Cabdilaahi Cabdi Wasiirka Waxbarashada ee degaanka Soomaalida oo la hadlay Warbaahinta degaanka ayaa sheegay in natiijada sannadkan ardayda fasalka 12aad ay keeneen ay aad u hooseyso, isagoo xusay in sannadkan imtixaanka lagu galayay Jaamacadaha dalka Itoobiya.

Wasiir Cabdilaahi Cabdi waxa kale oo uu sheegay in ka degaan ahaan ay Imtixaanka fasalka 12aad ee sannadkan ay u fadhiisteen 21,787 Arday, oo isugu jirtay Ardayda Cilmi degaan iyo kuwa Sayniska, waxaana baastay ama keenay natiijadii loogu gudbayay Jaamacadaha Arday gaaraysa boqolkiiba 0.3% oo u dhiganta 74 Arday oo kaliya.

Marka la eego guud ahaan dalka Itoobiya sannadkan waxaa imtixaanka Fasalka 12aad u fadhiistay Arday gaaraysa 84,5099 waxaana gudbay oo baasay 27,267 Arday oo u dhiganta boqolkiiba 3.2%. taas oo ka dhigan in natiijada hooseysa ay sannadkan ka jirtay guud ahaan dalka Itoobiya.

Dowladdu inkastoo ay arrintan u sababaysay dadaal yari dhanka Ardayda ah iyo inay ardaydu is dhigteen oo ay sahashadeen imtixaanka oo qaab cusub loo qaaday sannadkan, haddana dad badan ayaa ka biyo diiday hadalkaas dowladda kasoo yeeray, iyagoo xusay in dhinaca kale ay ceeb ku tahay dowladda in badi ardaydaasi ay gudbi waayaan oo dowladdu aysan dadaal badan horey ugu soo bixin.

“Natiijadu ma ahayn mid nafarax galisa, laakiin waa mid xaqiiq ah oo ay tahay inaan qaadano”, ayuu kusoo gunaanaday Wasiirka Waxbarashadu ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdilaahi Cabdi.

tan oo kale wali Horey uma dhicin in ardayda degaanka Soomaalida ee fasalka 12aad ay heli waayaan natiijadii lagu baasayay, inkastoo dowladdu ay waxbadan ka badashay Waxbarashadii degaanka, sidoo kalena ay ka hortagtay Qishkii iyo qaababkii hore ee imtixaanka loogali jiray, haddana natiijada sannadkan soo baxday waa mid dad badani wax iska waydiinayaan.

Ciyaartoy Muhiim Ah Oo Usoo Noqday Kooxda Barcelona

0

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Kooxda Barcelona ayaa wxaa ay dib u heshay afar ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah oo dib ugu soo laabtay xilli ay kusoo fool leeyihiin kulamo adag oo ay ku jirto ciyaarta Real Madrid ee Sabtida toddobaadka dambe.

 

Ciyaar yahay Xavi Hernandez oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey, in kooxdiisu ay dib usoo dhoweysay afar ciyaartoy oo kasoo laabtay dhaawacyo ay ku maqnaayeen, isla markaana taam u yihiin ciyaarta Athletic Bilbao ee Axadda iyo kulamada xiga.

 

 

Talaabadan ayaa aad uga farxiyey taageereyaasha, ayaa waxa uu Xavi Hernandez ku sheegay, in labada ciyaartoy ee kaga dhaawacmay xulka ee Lamine Yamal iyo Alejandro Balde ay kasoo doogeen dhaawacyadii ay qabeen, sidoo kalena Ronald Araujo iyo Ilkay Gundogan ay taam u yihiin kooxda oo ay mar kale dheeli doonaan.

 

 

Wali waxaa ka maqan kooxda kubada Cagta Barcelona Pedri, Raphinha, Robert Lewandowski, Frenkie de Jong iyo Jules Kounde, kuwaas oo uu Xavi Hernandez ka gaabsaday in uu xaqiijiyo in ay taam u noqon karayaan kulanka Real Madrid ee toddobaadka dambe.

 

 

“Waxa jira dareen wanaagsan. Waxa aan rajaynayaa in Pedri uu iman karayo ciyaarta El Clasico. Wuxuu doonayaa in uu ciyaaro, sababtoo ah waa hoggaamiye, laakiin wali wuu dhaawacan yahay, annaga ayaa soo sheegi doona haddii uu diyaar noqdo.”

Dowladda Sucuudiga Oo Magdhow Ka Dalbaday Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA.

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga doonayaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa £6.5 milyan oo Gini kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo qalliin lagaga samayn doono jilibka, isla markaana garoomada ka maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda.

 

 

Kooxda kubadda cagta Al-Hilal ayaa xaqiijisay in Neymar uu dhaawacu ka gaadhay jilibka oo ay qasab tahay in lagu sameeyo qalliin sababi doona in aanu mar dambe u ciyaarin inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan socda, waxaanay kooxdan reer Sucuudi doonaysaa in FIFA ay siiso magdhow.

 

 

Laacibkan oo garoonka laga dhax-qaaday ciyaartii Brazil ay guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Uruguay ku garaacday 2-0 Salaasadii, ayaa waxa uu kooxdiisa Al-Hilal mushahar uga qaataa toddobaadkii lacag lagu sheegay £2.5 milyan oo Gini.

 

 

Sida uu dhigayo sharcigu, FIFA ayaa bixinaysa mushaharka ciyaartoyga ku dhaawacma ciyaaraha caalamiga ah inta u dhaxaysa 28 maalmood illaa sannad, laakiin waa in lacagta ay bixinayso aanay ka badnaanin £6.5 milyan oo Gini.

 

 

Neymar oo heshiis laba sannadood ah oo uu u saxeexay Al-Hilal ku qaadanaya mushahar dhan £314 milyan oo Gini, ayaa muddo dheer maqnaanaya, waxaana ay taasi khasaare weyn ku tahay kooxda Sucuudiga oo lacag sidaa u badan siin doonta ciyaartoy dhaawac u jiifa.

 

Ciyaar yahan Caan ah Oo Dacwad Ka Gudbiyey Wasiir Ku Tilmaamay Argagixisada

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Ciyaaryahan Karim Benzema ayaa ka fikiraya in uu dacwad rasmi ah ka gudbiyo wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gerald Darmanin oo talaadadii waraysi uu bixiyey ku eedeeyey in uu yahay argagixiso xidhiidh la leh ururka Ikhwaanul Muslimiin ee waddanka Masar, kaas oo dalal badan oo adduunyada ah ay u aqoonsadeen inuu yahay urur argagixiso.

 

 

 

Benzema ayaa dhibbane u noqday faquuq ay ku sameeyaan siyaasiyiinta mayalka adag ee Faransiiska oo ku beegsanaya in uu yahay ciyaartoy Muslim ah oo kasoo jeeda Algeria, ayaa waxay hadda ku qaadeen weerar markii uu ka hadlay xasuuqa ay Yuhuuddu ku hayso shacabka Falasiin.

 

 

 

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien, xiddiga hore ee Real Madrid ayaa waxa uu ka fiirsanayaa dacwad uu ka gudbinayo wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska oo lagu amgacaabo Gerald Darmanin oo ah nin aan garsanin difaaca Yuhuudda iyo nacaybka uu u qabo Muslimiinta.

 

 

 

Waxa uu Horay Ciyaar yahayn Benzema u dacweeyey labada xildhibaan ee cunsuriyiinta ah ee Nadine Morano iyo Frank Tapiro oo fagaareyaal ka sheegay in Benzema uu qaybta faafinta dacaayadaha u qaabbilsan yahay kooxda ‘Xamaas’, isaga oo kaliya ku haysta in uu ka hadaly xasuuqa Yuhuuddu ku hayso carruurta iyo hooyooyinka Falastiin.

 

 

Benzema ayaa ka hadkaysan waayey duqaymaha ay Yuhuuddu ku hayso Qasan oo cusbitaal halkaas ku yaalla ay gantaallo la dhaceen toddobaadkan, kuna dileen ku dhowaad 1,000 qof.

11 kun oo Qof ayaa laga helay Cudurka HIV/AIDS-Gudaha Soomaaliya

0

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Axmed Maxamed Jimcaale  Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney si aad ah u sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo Cudurka HIV/AIDS-ka.

 

Wuxuu sheegay guddoomiye Jimcaale in lixdii bilood ee la soo dhaafay laga helay xanuunka HIV/AIDS-ka dad gaaraya 11 kun oo qofood, taasi oo muujineysa inuu si aad ah ugu faafayo xanuunkaan gudaha Soomaaliya.

 

“Tirada dadka cusub ee lixdii billood u dambeysay laga helay xanuunkan waxay gaaraysa 11,000 oo ruux, dallad ayaa u sameynay oo muddo ayay shaqeynaysay, Dadka ismuujiyay ee dallada ku mideysan waa kun iyo toddoba boqol iyo xoogga, waxaa ka badan inta aan ismuujin ee ka shiixaya ee bulshada dhexdeeda ku jira” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha in haatan Muqdisho ay ka wadaan wacyigelinta tababaro ku saabsan halista uu leeyahay Cudurkaan, islamarkaana ay dadaal badan ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee la xiriira xanuunkan.

 

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaba xanuunkaan ee is muujiyay ay ka tiro badan yihiin kuwa qaba Cudurkaan ee aanan is muujin ee hadana la nool xanuunkaan.

 

guddoomiye Axmed ayuu Yiri“Waxaa daawooyinka si joogta ah u qaata 4,419 qof oo ah dadka ku mideysan dalada an sameynay, waxaana taasi muujineysa halista ah inuu sii faafayo xanuunkaan maadama ay badan kuwa aanan is muujin ee aan daawoyinka qaadan”

 

Gabagabadii wuxuu codsaday guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka in madaxda sare ee dalka ay ku garab istaagaan guddigooda taageeero dhaqaale, si ay wax badan uga qabtaan khatarta Cudurkaan ee sida weyn ugu sii faafaya Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in La taageero horumarka Maamulka SSC Khaatumo

0

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Abuukar Cismaan Baalle Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay  oo warbixin ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahayeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo xaalada SSC Khaatumo.

 

 

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu horeyn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer, isagoona tusaale u soo qaatay in dalka uu sameeyay isbadalo iyo horumar la taaban karo.

 

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu kulankaas ka sheegay in xaalad deganaasho ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalada dheeraadka ah oo ay sameeyeen maamulka SSC Khaatumo.

 

 

Abuukar Baalle Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo dhaweeyay aqoonsiga dowladda Fedaraalka ee dhismaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, isagoona ku booriyay UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan horumarkan si loo waafajiyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Qaramada Modoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaal wadajir ah ay Soomaaliya uga gudubeyso khatarta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan gali doonto nabad iyo barwaaqo waarta.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

0

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah AS sida lagu baahiyay qoraal lagu daabacay Warbaahinta afka Dowladda ku hadasho.


Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay AS deegaanada Maamulada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

 

Tan iyo markii uu bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Dagaalka ka dhanka ah al shabaab waxa uu daganaa Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug taas uu uu ku shaagay in uu xoojinaayo Dagaalka lagu la jiro Al shabaab.

 

Algeria suspends football matches over Gaza conflict


Ben Miller
Friday October 20, 2023

Algeria’s football federation announced on Wednesday that it was suspending all football competitions and matches “in solidarity with the Palestinian people” during the Israel-Gaza conflict.

The governing body had previously agreed to host the Palestine national team’s forthcoming football matches following a request from the Palestinian FA.

Algeria international Riyad Mahrez, who won the Premier League title five times before joining Saudi Arabian club Al-Ahli from Manchester City in July, shared a photo on social media of himself holding the Palestinian flag on the pitch after his country’s 5-1 home friendly win over Cape Verde last Thursday.

 

Teammates Said Benrahma, of West Ham United, and Ahmed Touba, of Istanbul Basaksehir, joined Mahrez to hold the flag in a picture he captioned: “We want peace.”

 

Mahrez and Algeria shared a 1-1 draw in Abu Dhabi on Monday with Egypt, whose captain, Liverpool forward Mohamed Salah, called on “world leaders to come together to prevent further slaughter of innocent souls” on Tuesday.