Home Blog Page 3235

Boqor reer sacuudi ah oo canaan kala dul dhacay reer galbeedka iyo Israa’iil

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Khudbad uu jeediyay boqorka sida wayn looga xushmeeyo gudaha Sacuudi Carabiya iyo qoyska reer boqor dhexdooda – Boqor Turki al-Faisal ayaa ahayd mid lama filaan ah.

Boqorka ayaa eedeyn u jeediyay Israa’iil iyo reer galbeedka intaba.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay weerarkii 7 dii October ay Xamaas ku qaadeen Israa’iil.

Israa’iil ayuu aad ugu cambaareeyay duqaynta ay ka wadaan gudaha Gaza, taas oo ay ku dhinteen kumaanaan Falastiiniyiin ah.

Dhanka kale warbaahinta reer galbeedka ayuu aad ugu dheeraaday isaga oo ka hadlay kalmadda ay adeegsadaan ee ah ‘dagaal aysan israa’iil bilaabin’. “Maxaa daandaasi ah ee ka badan in waxa ay Israa’iil ku sameysay Falastiiniyiinta rubuc qarni” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Dhamaan dadyowga ay ciidamdu xoogga ku haystaan waxay xaq u leeyihiin inay diidaan oo iska caabiyaan.”

Madaxweyne Joe Biden : “Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,”

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Waa arrin “muhiim u ah amniga qaranka ee Mareykanka” in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda, sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office.

Hadalka madaxweynaha ayaa ka dhigan inay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.

Biden ayaa sheegay ” in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”

“Xamaas iyo Putin waxay matalaan haliso kala duwan,” ayuu yiri Biden. isaga oo sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”

Waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo degdeg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100 bilyan sanadka soo socda.

Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Laascanood oo Howlgalo ay ka sameeyen Magaalada ku soo qabtey Khamri Badan

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Booliska Laascanood oo Howlgalo ay ka sameeyen Magaalada ku soo qabtey Khamri Badan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Daadad xoogan oo kusoo Rog maday Xaafadaha Magaalada Baladweyne iyo saameyn ka dhalatay.

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Daadad xoogan oo kusoo Rog maday Xaafadaha Magaalada Baladweyne iyo saameyn ka dhalatay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn – 21– 10 – 2023

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu Dambeeyay Daadad Xalay kusoo Rugmaday Baladweyn

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Roobab xoogan oo Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.

Roobabka ayaa socday ku dhawaad 6 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay daadad xoogan oo kusoo rogmaday xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ee magaalada Baledweyne.

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa Xalay saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan, waxaana dadkaasi gurmad biyaha looga samatabixiyay u sameeyay dhalinyarada magaalada Baledweyne.

Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday roobka ay waaweyn meel ay ka galaan Wabiga madaama kanaalka biya xireenka kiliga Dhagax jibis oo loogu tala galay biyaha daadka kasoo rogmada iney wabiga ku xareeyaan uu ahaa mid xirna, hayeeshee waqti dambe oo ay daadku dadku barakaciyeen lagu guuleystay in la furo irdaha kanaalka Dhagax jibis.

Si kastaba ha ahaatee daadkan ka dhashay roobabka Xalay waqtiga badan da’ay ayaa sii kordhinaya cabsida ay shacabka ku dhaqan magaalada Baledweyne ka qabaan inuu fatahaad ka geysto wabiga Shabeelle gudaha magaalada Baledweyne.

 

Garaad jaamac oo Somaliland faray in ay isaga baxdo Gobalka Awdal

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Garaad jaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ugaas
Cabdirasaaq Ugaas Rooble oo ah hoggaamiyaha jabhadda hubaysan ee
gobolka Awdal.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda
gobolka SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa sidoo kale fariin adag u diray
maamulka Muuse Biixi.

Ugaas Cabdirasaaq ayaa ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga
baxaan gobolka Awdal, isagoo carabka ku adkeeyay inay diidan yihiin halku-dhigyada gooni-u-goosad ah kuna baaqayo midnimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Garaad Gaamac waxa uu ka hadlay xasuuqii ay ciidamada
Muuse Biixi ka geysteen magaalada Laascaanood, wuxuuna ku baaqay in
dhibaatooyinkaas aanay ka dhicin magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

“Intaan dhibaata dhicin dadka guryahoodii uga baxa, Waa nasiib darro in
Isimada Awdal ay gaaari karin deegaanadoodii, taas oo ceeb ku ah dadka
indheergaradka ee Somaliland”.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay gudatay
waajibkeeda, isaga oo xaqiijiyay in aqoonsiga uu ku yimid halgan ay soo
galeen shacabka Deegaanada SSC-Khaatumo.

Maryan Mursal oo ku dhawaaqday inay fanka isaga baxday

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Fanaanadda caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise ayaa xalay ku dhawaaqday inay joojisay shaqadeedii fanaanimada.

Xilliga ay shaacisay hadalkaan ayay ku sugneyd munaasabad ka dhacaysay magaalada London ee caasimadda waddanka Ingiriiska – xafladda ayaa sioo kale abaal marin lagu gudoonsiiyay.

“Caawa Fankii ayaan joojiyay, ii soo duceeya in ilaaheey iga masaxo” ayay tiri, iyada oo dhinac taagan qoraaga Soomaaliyeed ee Siciid Saalax oo gudoonsiiyay abaal marinta.

Maryan waxay sheegtay in ilaaheey ay ka dalbaneyso inuu ka cafiyo danbigii ay ku jirtay ‘in kasta oo aan Soomaaliya wax u sheegayay’ ayay tiri.