Home Blog Page 3234

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Daa’uud Aweys” Dagaalka tooska ah AS waxaa lagu xoreeyey dhul ka badan kun KM waxaana lagu dilay ..

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Wasiir Daa’uud Aweys” Dagaalka tooska ah AS waxaa lagu xoreeyey dhul ka badan kun KM waxaana lagu dilay .. 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 21 10 2023

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 21 10 2023

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Daadad xoogan oo Xalay kusoo rogmaday Baladweyne

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Daadad xoogan oo Xalay kusoo rogmaday Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Labo dhallinyaro ah oo baraha bulashada caan ka ahaa oo shil Gaari ku geeriyooday Magaalada Hargeyso

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Cabdicasiis Marshal iyo Khadar Qorshe oo ahaa dhallinyaro saaxiibo ah isla markaana caan ka ahaa barta Snap Chat, ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Hargaysa saaka subaxdii hore.

Geerida Marshaal iyo Qorshe ayaa aad uga nixisay dadwaynihii baraha bulashada kala socon jiray, iyada oo geeridooda ay dadku ku hadal hayaan goobaha ay bulshadu iskugu timaado.

Dhallinyaradan oo saaka daakiraadii subax marayay wadada wayn ee Hargaysa galbeedka uga baxda, ee xaafada Jigjigayar, ayuu baabuur ay wateen oo nooca raaxada aha uu ku dhacay baabuur xamuula, iyada oo 2 dhallinyaro ah oo kalena ay ku dhaawacmeen shilka.

“Gaadhiga wayni markii hore biro halkaasa ayuu soo jiidhay, iska xili dambena way ahayd markii uu gaadhigani gaadhiga ku dhacay, dhadona way jirtay, wax istoob ahna muu lahayn, gaadhiganina xawaare ayuu ku socday oo sidasu ugu dhacay, marka 2 inan ayaa ku dhintay” Goobjooge ayaa sida warbaahinta u sheegay.

25 September ayay ahayd markii Liibaan Daahir iyo Mustafe Saleebaan oo ahaa laba muuqaal duube oo caan ka ahaa gayiga Soomaalida isla markaana ka hawlgali jiray ustudyaha Waqal ee duuba heesaha ay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay degmada Sheekh, iyada oo geeridooda aad looga naxay.

Shilalka baabuurta ayaa sannadahan danbe sii kordhaya Somaliland, iyada oo shilal badan oo naxdin lihi ay ka dhaceen wadooyinka dib u hagaajinta lagu sameeyay oo inta badan ay baabuurtu xawaare sare ku marto.

{DAAWO SAWIRADA} FAAH FAAHIN Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Qarax weyn oo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Qaraxaan oo dhacay saakay aroortii ayaa lagu weeraray saldhig ciidanka Booliiska Milatariga ay ku lahaayeen gudaha Ceelasha biyaha, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay inay ku dileen 49 askari oo katirsanaa ciidankii ku sugnaa gudaha saldhigga la weeraray ee Ceelasha biyaha. Mase jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Alshabaab.

Sawirro lagasoo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya burbur xooggan oo ka dhashay qaraaxaan. Guryo ay leeyihiin dad shacab ah ayay waxyeelo kasoo gaartay.

Hay’adaha amniga ee dowladda weli kama hadlin qaraxaan, wuxuuna kusoo beegmay, iyadoo Alshabaab ay kordhiyeen qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala beegsanayo goobaha ciidanku ay ku sugan yihiin.

Mudug pastoralists train as electricians in Galkayo

0


Saturday October 21, 2023

Two years after fleeing the drought-depressed rural areas of Mudug, where his livestock were dying, Omar Mohamed Hussein is now a trained electrician in Galkayo, earning enough to support his family back at home.

 

Omar, 30, completed a free training course offered by Galkayo Vocational Training Centre in July and is now working as an independent electrician providing services in houses and offices in the city. Besides the income, he noted that he has become self-sufficient and gained confidence in himself.

“There is a difference between now and back then when I didn’t have skills. Now I’m not working in a company, I work alone so my income fluctuates. This month I’m hoping to earn up to $1,200,” he said.

 

Omar, his wife and son moved to Galkayo in 2021 from Ba’adweyne, 30 kilometres from Galkayo. Most of their livestock perished in the drought.

 

“When the drought struck, my family had 600-700 goats, but now only 80 have survived. We had 60 camels but now there are just 20 left,” Omar reflected. “This skill has transformed our lives, it’s a big thing for my parents who now get an income from their child whom they sent to the city.”

 

 

When he moved to Galkayo he worked at first on construction sites where the money was poor and irregular. He seized the opportunity of the free electrical training course. He worked hard and undertook small electrical jobs for friends and neighbours to practise his skills whilst training.

 

He has been able to pay off his debts and sends money regularly to his family in the village.

 

Another successful trainee from the same course is Ahmed Ali Adan, 25, who moved 210 kilometres from Jarriban to Galkayo three years ago. His family sent him to the city hoping he could earn a living instead of sitting in the drought-induced misery in their village.

 

But without any relatives or help in Galkayo and very little income, he could not pay rent and utilities. Then he heard about the nine-month electrical training course, signed on, and completed it in June.

 

Now he works independently on contracts in residential and commercial sites, earning about $500 a month. This supports his impoverished family of 15 people in rural Mudug.

 

 

“I used to struggle to buy a cup of tea and had to ask people to buy it for me. I couldn’t buy what I needed but now I can. I divide my income, some goes to my parents and I save the rest for myself,” he said.

 

The vice-chairman of Galkayo Vocational Training Centre, Mohamud Abdirahman Kilwe, said 30 students completed the training, mostly rural men who were struggling in the city. He noted that they helped some of the students get jobs after the training.

 

“Most of the Somali people are pastoralists, most of those who took advantage of these opportunities moved to the city or were displaced by drought forcing them to live in the city. They became motivated and active with their studies because their family members counting on them,” he said.

The centre is supported by diaspora well-wishers and the Puntland government. It offers other courses as well for men and women including computer studies, tailoring, henna art, and carpentry.

{DAAWO SAWIRADA} Gargaarki ugu horreeyay ee Qasa iyo dabbaal degyo ka billowday gudaha Masar

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Waxaa xilli hore la arkayay gawaari faaruq ah oo tuban xuduudka Rafax kuwaasi oo sugayay gargaarkii ay u daabuli lahaayeen Qasa, in lagu soo raro gargaarka saaka ka imaanaya Masar.

Wariyaheena Gaza Rushdi Abu Alouf, ayaa sheegaya in gargaarka oo ay ku jiraan dawooyin iyo cunto, balse aan shidaal ahayn lagu wareejinayo gawaarida yaryar ee Falastiiniyiinta si loogu qeybiyo dadka ku sugan hareeraha marinka Qasa.

Markii baabuurta xamuulka ah loo oggolaaday in laga soo galo albaabka Rafah ee ka soo gala Gaza, dadkii joogay dhinaca Masar ayaa bilaabay dabaaldeg.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn – 21– 10 – 2023

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhunimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Mustaf Cali Caddow IYO shugri baryare

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Kormeeray Goobo Xalay Daadad kusoo Rogmadeyn.

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeenka amniga Gobalka Aadan Odowaa xasan iyo Gudoomiyaha Degmadda Beledweyne mudane Cumar Cismaan Calasoow Gudoomiye ku-xigeenka arimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Ayaa si wadajir ah kormeer iyo gurmed Deg-deg ah ku tagay goobaha aay ku suganyihiin shacabka aay sameeyen roobabkii xooganaa iyo daadadkii xalay ku dhuftay magaalada beledweyne .

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cabdulaahi Axmed Maalin ayaa bulshada la wadaagay in Goobo loogu talagalay la dajin doono ayadoo lagu Bilaabayo daabulaad si shacabka looga saaro xaaladaha adag aay hadda wajahayaan midaas oo Hadii roob kale uu soo rogaal celiyo aay saameeyn Culus ka dhalan karto.

 

Maamulka heer gobal iyo heer degmo waxuu Dadaalada ugu dambeeyey ee gurmad loogu sameeynayo shacabka si aay u helaan dib u dajin Biyo nadiif ah iyo hooy,

Xamaas oo sii deysay maxaabiis ay ka afduubteen Israa’iil

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Judith Raanan iyo gabadheeda Natalie ayaa laga sii daayay Gaza sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Israa’iil.

Hooyadaan iyo gabadheeda ayaa intaan la afduuban ka hor booqasho ku tagay Nahal Oz kibbutz oo ay degan yihiin qaraabadooda, iyaga halkaas kula kulmay weerarkii Xamaas ee dhacay 7 dii bishaan October.

Qoyska labadaan ruux ayaa muujiyay sida ayugu faraxsan yihiin sii deyntooda.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli Xamaas ay soo bandhigtay dalab ah in Gaza laga qaado cuna qabateynta taas badalkeedana ay maxaabiis sii deynayso.