Home Blog Page 3233

Instagram oo Raali galin siisay dadka reer Falastiin

0

Axad , October -23- 2023-{HMC} Meta ayaa raaligelin ka bixisay inay ku dartay liiska “argagixisada” qaar ka mid ah isticmaalayaasha Instagram-ka oo isku tilmaamay inay yihiin Falastiiniyiin.

Meta waxa ay sheegtay in ay xalisay mushkilado “kuwaas oo muddo kooban sababtay fasiraado aan habooneyn oo laga bixiyay qaar kamida wax soosaarkeeda.

“Waxaan si dhab ah uga cudur daaranaynaa in tani dhacday,” ayay u sheegeen BBC-da.

Xaruntu waxa kale oo ay wajahday eedaymo ah in ay caburinayso qoraallada taageerada Falastiiniyiinta intii uu socdo iskahorimaadka Israa’iil iyo Gaza.

Isticmaalayaasha qaar ayaa sheegaya in “waxyaabaha qaar laga mamnuucay” sida in Instagram-ka lagu baahiyo qoraallada Falastiiniyiinta lagu garab istaagayo. Tanina waxa ay keentay in madashan ay dib ugu laabato si loo hubiyo in qoraallada aysan ka muuqan in aysan jecleysan dadka kale.

Isticmaalayaashu waxay sheeganayaan in qoraallada 24-saacadood ah ee ku saabsan sheekooyinka tixraacaya iskahorimaadku ay ka aragti yar yihiin kuwa kale ama aan sida muuqallada kale loo daawan, iyo in akoonadooda aan si fudud wax looga arki karin.

Shirkadda weyn ee tignoolajiyada ayaa qiratay in ay jirto cillad, hase yeeshee waxa ay sheegeen in arrimahaas aysan iyagu wax shaqo ah ku lahayn.

Jahwareerka kadhashay tijaabada

Tani waxay daba socotay qoraallada X, oo hore loogu yaqaannay Twitter, iyo TikTok oo uu qoray isticmaale Instagram kusoo gala @khanman1996 Axaddii kuwaas oo dhaliyay dareen la xiriira fasiraado qaldan oo ka dhashay luuqadda carabiga.

Waxa uu qoray in uu Falastiini yahay, waxa ku xigay calanka falastiiniyiinta iyo ereyga “alxamdulillah” oo af Carabi ah oo Ingiriisi ahaan u turjumaya isla “Alxamdullilah”.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay dadku gujiyeen “eeg turjumaada”, daawadayaasha waxaa la tusay tarjumaad Ingiriis ah oo ay ku qoran tahay: “Alxamdullilah, Falastiin waxay u dagaallamayaan xorriyaddooda”.

@khanman1996 waxa uu qoraaladiisa ku sheegay in uusan isagu ahayn Falastiini laftiisa balse uu tijaabiyay khaladka kadib markii cilladan uu u sheegay saaxiib Falastiini ah oo aan la magacaabin.

Waxa uu ku sheegay muuqaal la soo galiyay Instagram-ka kadib markii uu xalliyay arinta in ciladdu ay jirtay ugu yaraan saddex saacadood, isaga oo raaciyay “aniga shakhsi ahaan, xaqiiqda ah in in wax waliba ay isku bedeleen waallii”.

Cabashooyinka mamnuucidda

Mamnuucista waxyaabaha qaar waa marka adeegyada khadka tooska ah ay xaddidaan gaarista muuqaalka ama in ay si fudud ku arki karaan isticmaalayaasha kale, badanaa haddii ay ku dhacdo waxaa jira habraacyo.

Instagram-ka ayaa soo saartay qaab sahran dabayaaqadii 2022-kii kaas oo u oggolaanaya dadka isticmaala ay arkaan in wax xayiraad ah la saaray akoonkooda taasoo ka hortagi karta in qoraalladooda ay arkaan isticmaalayaasha kale.

Bella Hadid ayaa sheegtay in laga mamnuucay Instagram kadib markii ay soo dhigtay war ku saabsan iskahorimaadka Israa’ii iyo Gaza sanadkii hore.

Dhawaan, qoraa Pakistani ah oo lagu magacaabo Fatima Bhutto ayaa ku sheegtay barta Instagram-ka in laga mamnuucay qoraallada la xiriira Falastiin, iyada oo taageerayaasheeda ay u sheegeen inaysan arki karin ama ka heli karin sheekada ay usoo bandhigtay.

War qoraal ah oo la soo dhigay X Axadii, agaasimaha isgaarsiinta Meta Andy Stone ayaa waxa uu sheegay in madashu ay ogaatay in “si weyn” ay u yaryihiin dadka ay gaarayaan waxyaabaha qaar ee lagu baahiyo Instagram-ka isagoo sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyay

Ma ahan markii ugu horeysay

Eedeymihii hore ee Meta ee lagu xakameynayay waxyaabaha u janjeera Falastiin si weyn ayaa loo diiwaangeliyay.

Bishii May 2021-kii, hay’adda samafalka ee Human Rights Watch ayaa Instagram-ka ku eedeysay inuu meesha ka saaray muuqaallo, sawirro iyo faallooyin ku saabsan dhibaatada.

Shirkadda baraha bulshada ayaa sheegtay iyada oo ka jawaabeysa in qoraallada laga saaray “hadallada nacaybka ama calaamadaha qaar” oo ay beddeleen qalabkeeda casriga ah, laakiin waxay u horseeday Meta inay u xilsaarto dib u eegis madax bannaan oo lagu dhexdhexaadinayo waxyaabaha ku jira Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee 2021-kii.

Warbixinta ku dadaalidda xuquuqul insaanka ee shirkada latalinta ee Business for Social Responsibility (BSR) ayaa la daabacay Sebtembar 2022-kii.

Waxay ku soo gabagabaysay: “Falalka Meta waxay u muuqdaan inay saameyn xun ku yeesheen xuquuqda aadanaha iyo xuquuqda isticmaalayaasha Falastiiniyiinta ee xorriyadda hadalka, xorriyadda isu imaatinka, ka qaybgalka siyaasadda, si Flastiiniyiinta ay u wadaagaan awooddooda iyo fikrohooda”.

Khamiistii, Meta iyo TikTok waxa codsiyo rasmi ah u diray Komishanka Yurub si ay macluumaad dheeraad ah uga helaan tallaabooyinkooda lagu xaddidayo faafitaanka macluumaadka iyo waxyaabaha sharci darrada ah ee ka dhashay weerarrada Xamaas.

ISHA BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 21– 10 – 2023

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdisamad Cilmi Cabdi

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Janaraalka Mareykanka ee weerarka Qasa ku tilmaamay kii Muqdisho 1993

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka, David Petraeus, ayaa ka digay in weerar dhulka ah oo lagu qaado Marinka Gaza “uu la mid noqon karo kii Mareykanka ku qabsaday Muqdisho.”

Mar uu ka hadlayay barnaamijka Power Play ee POLITICO ayaa janaraalkan hore wuxuu sheegay in haddii dagaal-yahannada Xamaas ay yihiin kuwo hal abuur difaac leh markii ay weerarka ku qaadeen Israa’iil 7-dii October “markaas aad arki doonto kuwo is qarxiya, aad arki doonto walxaha qarxa, aad arki doonto weerar celin,”

Petraeus ayaa ka digay in weerar dhulka ah oo lagu qaaday godka uu socon doono sanado uuna ka dhici doono dagaal aad u ba’an.

Wuxuu dib usoo xusuustay dhacdadii 1993 markaasoo saddex diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee Black Hawk lagu soo riday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo dhalisay dagaal uu dhiig ku daato oo gudaha magaalada lagu dagaallamay iyadoo ciidamada Mareykanka ay ku adkaatay soo badbaadinta askartoo ka badbaaday burburka diyaaradaha.

Saddexda diyaarad dagaal ee Mareykanka ayaa waxaa soo riday ciidamadii iska caabbinta, waxaana ka dhashay dagaal gudaha magaaalada ka dhacay dhowr saacadood, wuxuuna ahaa mid ka mid ah dagaalladii uu dhiigga ugu badan ku daatay ee Mareykanku galo tan iyo Dagaalkii Vietnam.

Inkastoo Mareykanka uu ugu dambeyntii dagaalkaas ku guuleystay, haddana 18 Ameerikaan ah ayaa dhintay, 37 kale ayaana dhaawacantay, halka dhanka Soomaalida boqollaal laga dilay.

“Way igu adag tahay inaan qiyaaso mid ka adag tan, aniga ayuuna ahaa kan ciidamada geliyay howlgallo badan oo waaweyn oo magaalo ka dhacay,” ayuu yiri Petraeus. “Kuma guuleysaneysid iska caabbinta kooxaha kacdoonka muddo sanad ama labo gudahood. Waxay caadiyan qaataan 10 sano ama ka badan, sida aan ku aragnay Ciraaq, sida aan ku aragnay Afghanistan.”

Madaxii hore ee milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay u baahan tahay qorshe lagu soo celinayo adeegyada aasaasiga ah, dib loogu dhisay Gaza ayna dowlad ka dhaliso gobolka marka ay u aragto in dagaalka Xamaas ay kaga guuleysatay.

Patraeus, oo 70 jir ah, ayaa ka digay in Xamaas laga yaabo inay la timaaddo taatikooyin yaab leh oo halis ah iyo istaraatiijiyado.

Hadallada janaraalkan hore ayaa imaanaya kaddib markii ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay weerar dhulka ah ku qaadi doonaan Gaza, iyagoo guri ka guri uga baaraya kooxda Xamaas.

Ciidamada dhulka ee Israa’iil wxay isugu jiraan taangiyo, kumaandoos, diyaarado dagaal, helikobtarroo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic laga soo gano dhulka iyo badda.

Waxaa la siiyay ciidamadan tababar dheeraad ah oo ku aaddan sida looga howl galo deegaanno colaadeed sida Qasa, waxayna sii diyaarinayeen oo ay qorsheynayeen weerarkaas la filayo.

Waa kuma David Petraeus?

Gen David Petraeus, wuxuu ciidamada Mareykanka howlgab ka noqday bishii August ee sanadkii 2011, si uu madax uga noqdo hay’adda sirdoonka Mareykanka.

Wuxuu janaraalkan hore u ahaan jiray madaxa ciidamada Mareykanka ee ku jiray ciidamadii Nato ee Afghanistan.

Gen Petraeus ayaa noqday madaxa hay’adda CIA 6-dii September ee sanadkii 2011.

Balse horraantii bishii November ee sanadkii 2012 ayuu iska casilay xilkaas, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu gogol dhaaf sameeyay.

Janaraalkan hore ayaa qirtay arrintaas, isagoo sheegay inuu khaldamay.

Arrintan ayaa lagu ogaaday kaddib baaritaan ay sameysay FBI-da Mareykanka. Balse wax dacwad sharci ah laguma soo oogin.

Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Barack Obama ayuu u gudbiyay is casilaaddiisa.

“Kaddib markii aan xaaskeyga is qabnay 37 sano, qorshe xumo saa’id ah ayaa sameeyay anigoo gogol dhaaf sameeyay,” ayuu ku yiri warqad uu qoray.

David ayaa ciidamadii Mareykanka geliyay Ciraaq iyo Afghanistan, wuxuuna xilligaas ahaa askarigii ugu fiicnaa aadna loo ammaanayay.

Gen Petraeus ayaa lahaa khibrad aad u weyn oo la dagaallanka argagixisada ah.

Wuxuu dib u qaabeeyay istaraatiijiyadda ka hortagga kacdoonka ee Mareykanka, taasoo la iska illaabay kaddib Dagaalkii Vietnam.

Wuxuu ahaa nin uu qaab fekerkiisu aad u sarreeyo, waxayna dad badan aad uga xumaadeen in gogol dhaaf uu sameeyay keliya uu ninkan uga baxo ciidamada Mareykanka.

Xigasho BBC

Dowladda Sacuudiga oo dhaleeceeyay Xamaas,Israel iyo reer Galbeedka.

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Qudbad uu todobaadkan jeediyay Amiir Turki al-Faysal oo ah amiirka Sacuudiga kana hadlay rabshadaha hadda ka socda Bariga Dhexe ayaa si aan caadi ahayn u sheegay xubin sare oo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sacuudiga.

 

 

Amiir Turki, oo ah oday weyn oo si weyn looga ixtiraamo dacallada Sucuudiga, ayaa si cad u cambaareeyey Xamaas iyo Israa’iil labadaba weerarka ay ku hayaan dadka rayidka ah, ka dib markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil iyo duqeymihii Israa’iil ee Gaza. Ma jirin geesiyaal ayuu yiri, ee waxaa jiray kaliya dhibanayaal.

 

 

Taasi waa sababta ay Carabtu uga carootay duqeymaha cirka ee Israa’iil, in Amiir Turki, oo khudbad u jeedinayay dad Maraykan ah oo ku sugnaa Jaamacadda Rice ee magaalada Houston, wuxuu noqday cod Carab ah oo naadir ah oo dhaleeceeya Xamaas marka loo fiiro sida ay xaalada hadda jirta tahay.

 

 

Falalka kooxda, ayuu sheegay in uu ka hor imaanayo awaamiirta Islaamka ee ah in aan la dhibaateyn dadka rayidka ah. Inta badan dadka ay Xamaas dileen ama ay qafaasheen waxay ahaayeen rayid.

 

 

Amiir Turki, oo ahaa diblomaasi hore ayaa isaga oo si taxaddar leh, aad u fakaray, isla markaana ahaan jiray madaxa sirdoonka, ayaa isku dheelli tiray dhaleeceynta Xamaas iyo tan Israa’iil, oo uu ku eedeeyay “in ay si aan kala sooc lahayn u duqeynayaan shacabka Falastiiniyiinta ah ee aan waxba galabsan ee Gaza” iyo “xarigga aan loo meel dayin ee lagu hayo carruurta, haweenka iyo ragga Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed”.

 

Guddoomiye Aadan Maxamed Madoobe oo uu ambabaxay dalka Mareykanka

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gelinkii dambe u ambabaxay magalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay golaha shacabka.

Waxay kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Aadan Madoobe ayaa waxaa ku wehliya safarkiisa xubno ka tirsan golaha shacabka Somalia iyo masuuliyiin kale.

Inta ay joogaan dalka Mareykanka ayaa wafdiga Aadan Madoobe waxay sidoo kale kulamo la yeelan doonaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalkaas oo ay kaga warbixinayaan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo dedaalada ay wado dowlada ee dhinacyada amaanka, la dagaalanka Al-shabaab, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo arrimo kale.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya”dakhliga dowladda uu ku filnaaday bixinta mushahaaraadka joogtada ah”

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka hadlay halka uu marayo hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhalinta in daymaha laga cafiyo Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Al-shabaab looga dilay howlgalka sanadka qaatay

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalada qaatay mudada sanadka ah ee dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in howlgaladaasi kooxda Shabaab loogu geystay khasaare iyo jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday dhul aad u balaraan oo ay kooxdu maamuli jirtay mudo dhowr iyo tobanka sano ah.

Wuxuu tilmaamay in howlgalada sanad jirsaday lagu dilay ku dhawaad 2,000 oo ka mid ah askarta kooxda Al-shabaab oo ay 57 ka mid ah yihiin horjoogayaasha kooxdaas.

“Hawlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday waxaa lagu dilay kun iyo todobo boqol oo Maleeshiyaad ah (1,700) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa kuwaas oo ka mdi ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya 57 horjooge” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada lagu burburiyay 73 Saldhig oo ay
Kooxdu laheyd, hub iyo saanad ciidan oo u tira badan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 120 deegaan oo ay ku jiraan magaalooyin waa weyn laga xureeyay Al-Shabaab, kuwaas oo ku kala yaalla dhamaan deegaanada maamul goboleedyada dalka.

“Dhul ka badan illaa kun kiilo mitir ayaa sanad gudihiisa looga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaas dheer in 120 isugu jira deegaano iyo degmooyin laga saaray Al-Shabaab, welina waxaa socda baacisiga kooxda”ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka ayaa xusay in dagaalka ay dowladda la gashay Shabaab oo ahaa sadax jiho oo kala ahaa mid toos ah, mid maaliyadeed iyo midka baraha bulshada in dhamaan laga guul gaaray.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne ku xigaanka Hirshabeelle si adag u dhaliiyay dowladda Fedaraalka

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo maanta ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga afaraad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

 

 

Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay dhibaato iyo hagar daamo ku heyso maamulka Hirshabeelle, islamarkaana haatan waxii ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin in dowlada fedaraalka ay gacan bidxeeyso maamulka Hirshabeelle.

 

 

“Dowladda Fedaraalka waxay nagu hayso dhibaato iyo hagar daawo u gaar ah Hirshabeelle, wax badan ayaan arinta qarsanay, laakiin hada wixii ka dambeeya dowladda hagar daamada ay inagula dhaqmeyso ayaan kula dhaqmi doona” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sido kale sheegay in dowladda Fedaraalka maamulada kale iney ula dhaqanto si ka duwan sida ay Hirshabeelle ula dhaqanto, taasina aysan aheyn mid ay kula shaqeyn karaan dowladda fedaraalka.

 

 

“ma aqbali doono in maamulada nala mid ah ay si heer sare ula cilaaqaado dowladda, inagana qashin ay inoo soo dirto, waxaan leeyahay qashinka aad noo soo direysan naga daaya, hadii kale anagana qashin ayaan idin so direyna” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

 

 

Lama oga waxa ay salka ku hayso dhaliishaan adag uu hawada u mariyay dowlada Fedaraalka madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

1,289 qof oo rayid ah oo Lagu dilay Rabshadaha Somaaliya sanadkan.

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing oo hadal kooban ka jeedisay magaalada New York ayaa sheegtay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

“Sannadkii hore, waxaan aragnay kororka ugu badan ee khasaaraha rayidka ah, tan iyo 2017. Nasiib darro, xogta horudhaca ah waxay muujineysaa isbeddel la mid ah sanadkan 2023, iyada oo 1,289 dhimasho rayid ah la diiwaangeliyey illaa hadda,” ayay tiri.

Ergayga Qaramada Midoobay waxay sheegtay, ololihii milateri ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday bartamaha Soomaaliya inuu ku yimid dib u dhac, inkastoo ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyo beeleedyo markii hore u suuragashay inay dib u qabsadaan dhul muhiim ah.

Ergaygu waxay sidoo kale ka hadashay xaaladda bini’aadantinimo ee dalka, iyadoo ku tilmaamtay mid aad looga walaacsan yahay, iyadoo ku dhawaad afar milyan oo qof ay soo food saartay gaajo halka 1.2 milyan oo qof ay ku barakaceen.

Ergeyga Gaarka ah ayaa sidoo kale xusay horumarka laga gaaray dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in bisha December ay ku gaarto Qorshaha dayn cafinta, iyadoo xusay ansixinta Hindise-sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka ee arrintaas ku aaddan.

{DAAWO MUUQAALKA} Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay qarixii ka dhacay ceelsaha Biyaha

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay qarixii ka dhacay ceelsaha Biyaha

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA