Home Blog Page 3232

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax & Xaawa Casir ee degmada Kaaraan

Axad , October -22- 2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka lagu horumarinayo bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa ugu baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh. Sida uu ka yiri khudbad uu ka jadeeyiyey dhagax dhigga waddadaan.

Muddooyinkaan dambe muuqa Muqdisho isbadal ayaa ku yimid iyada Maayar Madaale uu dhigax dhigay waddooyin mudan dhismaha kuwaas oo ay Bulshada Caasimadda baahin weyn u qabtay dhanka isusocodka.

Kulan looga hadlay Qorshaha Dagaalka xoreynta deeganada Koonfur Galbeed

Axad , October -22- 2023-{HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Soomaaliya Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kala hadlay waxgaradka, dubabka dhaqanka iyo Haweenka Gobolka Bakool qorshaha Qaran ee dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta deeganada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen ayaa la wadaagay Odeyaasha iyo Haweenka sida ay uga go’an tahay in Dalka laga xoreeyo Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nolasha iyo Horumarka Dadka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiirka Difaaca Dalka, Xildhibaano ka tirsan labadda Aqal ee BFS, Taliyaha xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Degmada Xudur ahna Duqa Magaalada.

Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa oo lagu laayay gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Axad , October -22- 2023-{HMC} Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku laayeen dad shacab ah meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolkaas.

Dadkaan shacabka ah ee Xalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Xaaji Cali ayaa ka koobna 5 ruux oo kala ahaa Macalin Dugsi Quraan iyo xertiisa, kuwaas oo la tilmaamay in maleeshiyaadka ay jidka u galeen, iyagoo kasoo baxay Subac, kuna sii jeeday guryahooda.

Allah u naxariiste Shanta ruux ee Xalay maleeshiyaadka hubeysan dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Macalin Mukhtar Macalin Maxamuud Yuusuf, Cumar Axmed Yuusuf, Mukhtaar Axmadey Macalin Maxamuud, Maxamed Maxamuud Cali Faradar iyo Abuukar Maxamed Maxamuud Cali Faradar, waxaana la xaqiijiyay in dilkooda uu salka ku haayo aano qabiil.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socday dagaalo iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo tira badan oo ay dad shacab ah deganaayeen.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanka Burka Diirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinaayay beelo walaalo ah oo wada dega degoomoyinka Cadale iyo Raage ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, hayeshee waxaa muuqata in heshiiskaasi uusan noqon mid miradhalay.

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo qorsheyaan ka sameeyay Koonfurta Mudug

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor guutada 18-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalka qorsheysan ayaa si gaara ciidanka waxay uga sameyeen dhulka Miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Shabeeloow iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Suulnuuge oo hoggaaminaayay ciidanka howlgalka qorsheysan fuliyay ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen saldhigyo Al-shabaab ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala nawaaxiga deegaanka Shabeeloow.

“Kooxda naf la caariga ee Khawaarijta ayaa iskaga cararay saldhigyo ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah ee aaga Caad iyo shabeeloow kadib markii ciidamadu ay sameeyeen howlgal nadiifin ah” ayuu yiri taliye Suulnuuge.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka wali ay ku daba jiraan firxadka xubanahii Al-shabaab ee isaga cararay Saldhigyadii ay ku dhuumaleysanayeen, islamarkaana uu howlgalka sii socon doono ilaa laga ciribtiro Kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug.

{DAAWO MUQAALKA} Sheek Maxamuud Cabdulle cariif oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedka Shabellaha dhexe

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa soo saaray baaq culus ku socda beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe.

Sheekh Maxamuud ayaa musiibo ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadkaan walaalaha ah, isagoo xusuusiyey carada Alle oo ay kala kulmi karaan daadinta dhiiggooda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Macallin dugsi qur’aan iyo xertiisa oo aano qabiil loogu dilay Shabeellaha Dhexe

0

Axad, October -22- 2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dad shacab ahaa lagu laayay agagaarka deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} 1,289 qof oo rayid ah oo Lagu dilay Rabshadaha Somaaliya sanadkan.

0

Axad, October -22- 2023-{HMC}  1,289 qof oo rayid ah oo Lagu dilay Rabshadaha Somaaliya sanadkan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha G.Hiiraan ayaa fahfaahiyay qasaraha ka dhashay robabkii xoogana ee ka Da’ay Baladweyne

0

Axad , October -22- 2023-{HMC}  Gudoomiyaha G.Hiiraan ayaa fahfaahiyay qasaraha ka dhashay robabkii xoogana ee ka Da’ay Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

DFS & Hir-Shabeelle oo Wado Howlgallo dib logu furayo waddooyin muhiim ah

0

Axad , October -22- 2023-{HMC} Howlgallo dib loogu furayo waddooyin muhiim u ah isu socodka deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka socda deegaanka Cali Fooldheere si Dadka ay u helaan marinnada fudud ay isaga kala gudbi karaan.

Shacabka ku sugan deegaanka Ciid-Ciidka Jimbilow ayaa sheegay in waddooyin muhiim u ahaa si ay u tagaan deegaannada kale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka xirnaayeen maalmihii u dambeeyay balse hadda laga billaabay howlo lagu dib loogu furayo.

Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa saldhigyo ka sameystay deegaanno dhowr ah si ay u ilaaliyaan isu socodka waddooyinka muhiimka ah.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in waqti badan ay isaga kala gudbayeen Deegaanno isku dhow maadaama ay xirnaayeen jidadka haatan laga billaabay howlgallada dib loogu furayo waddooyinkaas.

Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay xoogga saartay howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee ka socda deegaannada dhaca Jiinka Webiga oo ay isugu tageen ‘AS’ si halkaasi looga qabsadana la kordhiyay ciidamada hareereeyay waa sida hadalka loo dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn – 22– 10 – 2023

0

Sabti , October -21- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya:Cabdmaajid Cabdiraxmaan 

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO