Home Blog Page 3238

Soomaaliya: Dad gaaraya 11 kun oo ruux oo laga helay Cudurka HIV/AIDS mudo lix bilood ah

0
Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday iney si aad ah u sii kordhayaan dadka uu soo ridanaayo Cudurka HIV/AIDS-ka.
Wuxuu sheegay guddoomiye Jimcaale in lixdii bilood ee la soo dhaafay laga helay xanuunka HIV/AIDS-ka dad gaaraya 11 kun oo qofood, taasi oo muujineysa inuu si aad ah ugu faafayo xanuunkaan gudaha Soomaaliya.

“Tirada dadka cusub ee lixdii billood u dambeysay laga helay xanuunkan waxay gaaraysa 11,000 oo ruux, dallad ayaa u sameynay oo muddo ayay shaqeynaysay, Dadka ismuujiyay ee dallada ku mideysan waa kun iyo toddoba boqol iyo xoogga, waxaa ka badan inta aan ismuujin ee ka shiixaya ee bulshada dhexdeeda ku jira” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaale.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha in haatan Muqdisho ay ka wadaan wacyigelinta tababaro ku saabsan halista uu leeyahay Cudurkaan, islamarkaana ay dadaal badan ugu jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada ee la xiriira xanuunkan.

Guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaba xanuunkaan ee is muujiyay ay ka tiro badan yihiin kuwa qaba Cudurkaan ee aanan is muujin ee hadana la nool xanuunkaan.

 “Waxaa daawooyinka si joogta ah u qaata 4,419 qof oo ah dadka ku mideysan dalada an sameynay, waxaana taasi muujineysa halista ah inuu sii faafayo xanuunkaan maadama ay badan kuwa aanan is muujin ee aan daawoyinka qaadan” ayuu yiri guddoomiye Axmed Maxamed Jimcaalle.

Gabagabadii wuxuu codsaday guddoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka in madaxda sare ee dalka ay ku garab istaagaan guddigooda taageeero dhaqaale, si ay wax badan uga qabtaan khatarta Cudurkaan ee sida weyn ugu sii faafaya Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Arimaha Doorashooyinka wadanka iyo Xaalada Siyaasadeed ee taagan,

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Madaxweynihii Hore ee Saamaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay Arimaha Doorashooyinka wadanka iyo Xaalada Siyaasadeed ee taagan,

Qoraalka Kooban uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa uqornaa sidaan;

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Barlamanka oo ugu baaqay bulshada inay ciidanka Qaranka ku garab istaagaan dagaalka

Jimco , October -20- 2023-{HMC}  Guddoomiyaha Barlamanka oo ugu baaqay bulshada inay ciidanka Qaranka ku garab istaagaan dagaalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maamulka Somaliland oo si kulul uga Hadlay Aqoonsiga Dowlada Saoomaalia ee SSC- Khaatumo

Jimco , October -20- 2023-{HMC} – Xukuumadda Somaliland ay si adag uga soo horjeesatay aqoonsiga ay shalay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa SSC loogu yeeray “maleeshiyada Somaliland diidka ah ee ku sugan magaaladda Laascaanood,” ayada oo aqoonsiga la siiyay maamulka KMG ah ay ku tilmaamtay mid khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.

“Tallaabadan (aqoonsiga DF bixisay) waa weerar ka dhan ah qaranimada iyo wada-jirka Somaliland iyo xuduudada uu dalkani leeyahay, waana arrin khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

Dowladda federaalka ayay ku eedeysay in ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Laascaanood tan iyo markii ay bilaabmeen.

“Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka.”

Somaliland ayaa sidoo kale qoraalka ku sheegtay in ay madax bannaani haysatay in ka badan 32 sano, ayna ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dowlad dimuqraadi ah.

“Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, ayaa lagu yidhi warkan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha dibadda.”

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.

“Somaliland wuxuu mawqifkeedu yahay in ay shacbiga Somaliland ku naaloodaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo, waxayna dowladdu sii wadi doonta dadaallada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidda Somaliland iyo abuuritaanka xidhiidh faa’iido u leh beesha caalamka.”

Bayaankan ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu baaqay dhinacyada ay arrintani khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay, sida lagu yiri qoraalka.

 

Soomaaliya oo QM ka dalbatay in laga qaado cunaqabateynta hubka, lana taageero horumarka SSC Khaatumo

0
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo warbixin ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahayeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo xaalada SSC Khaatumo.
Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu horeyn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer, isagoona tusaale u soo qaatay in dalka uu sameeyay isbadalo iyo horumar la taaban karo.
Wuxuu sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu kulankaas ka sheegay in xaalad deganaasho ay ka jirto magaalada Laascaanood ew Waqooyiga Soomaaliya, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalada dheeraadka ah oo ay sameeyeen maamulka SSC Khaatumo.
Abuukar Baalle ayaa sidoo kale soo dhaweeyay aqoonsiga dowladda Fedaraalka ee dhismaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, isagoona ku booriyay  UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan horumarkan si loo waafajiyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gabagabadii Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Modoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaal wadajir ah ay Soomaaliya uga gudubeyso khatarta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan gali doonto nabad iyo barwaaqo waarta.

Duulimaadkii garoonka diyaaradaha Magaalada Baledweyne oo maanta Xiran

0
Jimco , October -20- 2023-{HMC} Waxaa Saakay hakad ku jira dhamaan howlahii duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray, kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib roobaab xoogan oo dhowr saacadood oo xiriir ah Xalay ka da’ay gudaha iyo daafaha Baledweyne.
Roobabka Xalay ka da’ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhawdhaw ayaa sababay in garoonka diyaaradaha ay dhex fariistaan biyaha roobabka, taasi sababtay in dhamaan duulimaadyadii garoonka uu saakay hakad ku yimaado.

Boqolaal dad ah oo ku kala sugan Muqdisho iyo Baledweyne ayaa Xalay ku seexday iney u kala safraan labadaasi magaalo, hayeeshe saakay loo sheegay in garoonka uu yahay mid biyo dhex fadhiyaan, islamarkaana aysan jirin wax duulimaad ah oo kasoo dagaya, kana duulaya.

Sanad walba marka la gaaro xiliyada roobabka waxaa hubaal noqotay iney istaagto howlaha shaqo garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee garoonka diyaaradaha  Baledweyne waxa uu ka mid yayay garoomada ugu duulimaadyada badan gudaha Soomaaliya, waxaana kasoo xarooto si maalinle ah lacag lagu qiyaasay ugu yaraan 5 kun oo doolar oo canshuur ah, mana helin garoonka cid dayaca haysta ka saarta hadii ay noqon laheyd heer maamul goboleed iyo heer Fedaraal intaba.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale ayaa ku amaanay maamulka isbitaalka Erdogan sida hufan oo ay bulshada ugu adeegaan

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Gudoomiye Madaale ayaa ku amaanay maamulka isbitaalka Erdogan sida hufan oo ay bulshada ugu adeegaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad ka taqanaa Nolosha Furinta Dagaalka ?

Jimco , October -20- 2023-{HMC} Maxaad ka taqanaa Nolosha Furinta Dagaalka ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} W” Warfaafinta oo sheegay in dowladdu ilaalineyso xaqa dastuuriga ah ee xorriyadda Warbaahinta dalka

Jimco , October -20- 2023-{HMC} W” Warfaafinta oo sheegay in dowladdu ilaalineyso xaqa dastuuriga ah ee xorriyadda Warbaahinta dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA