Home Blog Page 3251

{DAAWO MUQAALKA} Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa qabtay Kulanka u hiilinta Falastiin

0

Talado , October -17- 2023-{HMC} Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa qabtay Kulanka u hiilinta Falastiin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Abaartii ugu darnayd muddo qarni ah oo ku dhufatay Brazil

0

Talado, October -17- 2023-{HMC}  Mas’uuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegay inay dalkaas soo foodsaartay abaar aad u daran, taas oo keentay inuu qalalo ama biyihiisii yaraadaan, webiga caanka ah ee Amazon ee dhexmara dalkaas.

Hay’adda difaaca madaniga ah ee gobolka Amazon ayaa sheegtay in abaartani ay saamaysay in ka badan 481,000 oo qof.

Masuuliyiinta dalka Brazil ayaa sheegaya in biyo yaraantan soo foodsaartay webiga Amazon inay tahay tii ugu xumayd ee soo marta muddo ka badan 100 sannadood.

Waxaa hakad galay gadiidka badda oo adeegsan jiray webiga Amazon, iyada oo ay istaagtay sahaydii loo marsiin jiray dhinaca badda, tuulooyinka yaryar ee ku yaalla meelaha durugsan.

Sidoo kale heerkulka oo aad u sarreeya ayaa sababay inay dhintaan xayawaano badan oo ku noolaa webiga.

Arrintan ayaa timi, ka dib muddo bilo ah oo aan la helin roobabkii halkaas ka di’i jiray.

 

Reuters

WAR DEG DEG AH: Qarax ismiidaamin ah oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa goordhow isku qarxiyay Maqaayadda Blue SKY oo ku taalla meel udhaw Taalada Xaawo Taako ee degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Si rasmi ah looma Oga Qasaaraha ka dhashay Balse waxaa jiro qasaaro dhimasho iyo dhawac sida ay hiiraanweyn u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa aheyd goob mashquul badan oo dadka siweyn ugu fiidsadaan xiliga habeenkii ah,wxaana ay ka ag dhow Kontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ah meel aad loo ilaaliyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn{ – 16 – 10 – 2023}

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdisamad Cilmi Cabdi

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Xasan Sheekh oo ka hadlay muddo xileedkiisa iyo hiigsiga Soomaaliya ee 2060.

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Madaxweyne Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka khibrad iyo aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo maanta ka qabsoomay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedkiisa iyo hiigsiga Soomaaliya ee 2060.

Shirkann oo uu sidoo kale goobjoog ahaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay haysato waqti kooban marka loo eego muddo xileedka 4 sanno ee loo doortay, isaga oo sheegay in waqtigu yahay mid gaaban, balse loo baahan yahay in wax badan la qabto.

“Afar Sano, sanad iyo bar waa baxay, sanadka u dambeeya waan garaneynaa maxaa noo haray? sanad iyo bar kale” ayuu yiri madaxweyne.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “War orodkeena waa gaaban yahay, waa soconaa, balse waa dalaaneynaa,”

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hiigsiga Soomaaliya ee ku aadan 2060, isaga oo sheegay in sanadkaan ay u doorteen in Soomaaliya ay xilligaas u dabaal dagi doono hal qarni oo dowladnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda ay tahay in sanadka 2060 ay Soomaaliya noqoto dal isku filan, sidoo kalena horumarsan.

“Sanadkan waxaan ka shaqeynownaa Vision la yiraahdo 2060, Soomaaliya noocee ah oo sidee u eg ayaan rabnaa 2060 marka la gaaro, waxaan u dooranay maalintaas waxaan u dabaal dageynaa qarni 100 sanno inaan dowladnahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray dhammaan xubnaha golaha wasiirada inay ka qayb qaataan fulinta qorshahan, si loo gaaro mustabaqlka ay hiigsaneyso Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo xilka qaadis ku sameeyay mid kamid ah Wasiiradiisa

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Galmudug Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray wasiiru dowlaha Wasaadaradaas Liibaan Cabdi Maxamed inuu si kumeel gaar ah usii wado howlaha Wasaaradda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay inuu madaxweyne Qoor qoor xilka ka xayuubiyo wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdirisaaq Maxamed, mana jirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka wasiirka xilka qaadista lagu sameeyay.

Todobaadyo ka hor ayey ahayd markii uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uu xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha gudaha maamulkaas, Cabdi Waayeel, taas oo dhalisay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana khilaafkaas ugu dambeyn xaliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligaas ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiweli Gaas oo Saciid Dani ugu digay in PUNTLAND ay lamid noqoto SOMALILAND

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee Puntland, gaar ahaan muranka ka taagan doorashada maamulkaasi.

Gaas ayaa ka digay in Puntland lamid noqoto Somaliland, isaga oo tusaale usoo qaatay xaaladda ka jirta maamulkaas ee ka dhalata muddo kororsiga madaxweyne Biixi.

Ninkan oo sidoo kale horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashadaPuntland, isaga oo sheegay inay tahay arrin laga haboon yahay.

“Hadii ay dhaafto waxa ay noqoneysaa sunno xun oo la jideeyo oo hadhow Saciid Cabdullaahi Deni kan kasii dambeeya ay isticmaalayaan, sida hadda Somaliland ka taagan oo ah in qof uu iska fadhiyo inta waqti ku darsado” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ugu baaqay in doorashada dhexda soo dhigo, kadibna uu ku qabto xilligeeda.

“Aniga taladeyda waxaa weeye in doorashadaasi la qabto oo waqtigeedii lagu qabto oo ah sideeda January” ayuu mar kale ku yiri wareysiga laga qaaday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Garoowe uu ka taagan yahay is mari waa u dhexeeyo xukuumadda Deni iyo mucaaradka Puntland oo dhaq-dhaqaaq ka wada Garoowe.

C/Raxmaan C/Shakuur ” Lama Dheyalsan Karo Farriimaha Is Daba-Joogga Ah Ee Ka Imaanaya Madaxda Dawladda Itoobiya”

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan u qaabilsan arrimaha gargaarka C/raxmaan C/sjakuur Warsame ayaa walaac xooggan ka muujiyay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed eek u wajahnaa arrinta deked uu u helo dalkiisa.

Mr. Warsame oo sidoo kale ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa madaxda sare ee dalka u diray fariin ah ineysan yareysan hadalka Abiye oo si dhab ah loo qaato, dowladdana ay il-gaara ku heyso damacaasi.

“Lama dheyalsan karo farriimaha is daba-joogga ah ee ka imaanaya madaxda dawladda Itoobiya ee ku aaddan xaq u lahaanshaha in ay Itoobiya hesho meel ay Badda Cas ka gaarto” ayuu ku yiri Warsame qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in ay xeebaha Saylac kamid yihiin goobaha ay kala dooranayaan ee ay tahay in ay Badda Cas ka gaaran.

Waa Kuma Xiddiga Kooxda Arsenal Ee Qirtay Inuu Ku Riyoodo Real Madrid?

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si badheedh ah u sheegay in kooxda uu jeclaan lahaa in uu u ciyaaro ee uu ku riyoodo ay tahay Real Madrid oo uu sidoo kale dul-istaagay garoonkeeda Santiago Bernabeu ee dibu-dhiska lagu sameeyey.

Inkasta oo aanu wali ka hor tegin Real Madrid, haddana laacibkan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in uu helo fursad u suurtogelinaysa in uu tago Real Madrid, taas oo kooxdiisa Arsenal ku keeni karta niyad-jab.

Weeraryahanka Arsenal ee Eddie Nketiah ayaa waraysi uu siiyeyska FouFourTwo, waxa lagu weydiiyey kooxda uu jeclaan lahaa in uu u ciyaaro, waxaanu markiiba lasoo booday Real Madrid, inkasta oo naadigiisa Gunners uu xilli-ciyaareedkan u dhaliyey laba gool, mid kalena caawiyey 11 ciyaarood oo uu u saftay

24 jirkan ayaa waxa uu sheegay, in ka ciyaarista tartanka Champions League iyo ku guuleysigiisu ay u yihiin wax uu jeclaan lahaa, iyadoo xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyey uu kasoo muuqanayo tartankan oo ay kooxdiisa Arsenal kasoo qayb-gashay toddoba sannadood oo ay ka maqnayd kaddib.

Waxa kale oo uu sheegay in uu jeclaan lahaa in kooxdiisa Arsenal ka hor tagto Real Madrid si uu ugu soo dheelo garoonka Santiago Bernabeu, waxaanu yidhi: “Anigu waliay kuma aanan ciyaarin garoonka Santiago Bernabeu, waxay ii noqon lahayd khibrad.”

{DAAWO MUQAALKA} Gaadiidleeyda Gobolka Hiiraan oo xal ka gaaray Khilaaf dhaxdooda ka jiray, Gudoomiye Cusubne Doortay

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Gaadiidleeyda Gobolka Hiiraan oo xal ka gaaray Khilaaf dhaxdooda ka jiray, Gudoomiye Cusubne Doortay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA