Home Blog Page 3253

Ciidanka Dowladda oo hawgallo ka sameeyey deegano ka tirsan gobolka Bokool

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayo ka billaabay degaanka Burujeed oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib weerarkii shalay alshabaab ay ku qaaden degaankaasi.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa isku fidiyay degaannada u dhow degaanka Burujeed, sigaar ah degaannada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu haya mid looga jawaabayo weerarkii Alshabaab ku qaadeen degaanka Burujeed, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay ka xoreyaan degaannada ay weerarada kasoo abaabulaan argagixisada.

Waxa ay shegeen sarakiisha in maalmaha soo socda ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada iyo degmooyinka kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Barkaan iyo degaannada kale.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ – 16 – 10 – 2023}

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdimajid Abdraxman iyo iqra Abdullahi

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 16 10 2023

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 16 10 2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay Ciidan gurmad ah oo maanta gaaray BURUJEED iyo xogta…

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Wararkii ugu dambeeyay Ciidan gurmad ah oo maanta gaaray BURUJEED iyo xogta…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DEG DEG”Jubbaland oo dil toogasho ah ku xukuntay Nin dilay Hooyadiis

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} DEG DEG”Jubbaland oo dil toogasho ah ku xukuntay Nin dilay Hooyadiis

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Hanaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa furay Hanaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Somalia

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Aqoon is-weydaarsiga hannaanka hiheynta dowladnimada casriga ah oo soconaya labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay wasiirrada iyo xubnaha kale ee ka qeyb galaya aqoon is-weydaarsiga ayaa kula dar-daarmay in ay ka faa’iideystaan, waxa uuna sheegay in loo jiheysto hannaan dowladnimo oo casri ah.

Xasan Sheekh ayaana sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay wado dedaalo badan ayna ku jirto dagaal, sidoo kale ka shaqeeneyso sidii loogu gudbi lahaa uguna shaqeyn laheyd dowladda hannaan casri ah oo la mid ah midka dowladaha horumaray.

Maxkamadda Kismaayo oo xukun Dil ah ku ridday Nin dilay Hooyadiis.

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Maxkamadda Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay xukun dil ah oo ay ku ridday Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 37 jir kaddib markii hooyadiis uu ku dilay Magaaladaas.

Maxkamaddu waxa ay shaacisay in xukunkaan uu dhacay 29kii Agoosto 2023 halka uu hooyadiis Marxuumad Xaliimo Maxamed Cumar uu Magaalada Kismaayo xarunta Gobolka Jubada Hoose ku dilay 11kii Juun 2023.

Xasan ayaa dilka Hooyadiis Xaliima Maxamed oo ahayd 61 jir u adeegsaday Mindi iyada oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Magaalada Kismaayo markii ay heleen xogta kiiskaan dilka la xiriira oo ugu dambeyn maxkamad loo gudbiyay galdacwadeedkiisa.

Xukunka Maxkamadda ayaa maray xeerarka kala duwan ee kiisaska la xiriira Dilalka iyada oo baaris caafimaad lagu sameeyay Xasan Cabdullaahi oo ah Ninka Kismaayo ku dilay Hooyadiis sida lagu shaaciyay warkaan.

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul wasaare Xamse ” Waxaa lagama maarmaan ah inaan diyaarino ciidan cududleh,

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC}Ra’iisul wasaare Xamse” Waxaa lagama maarmaan ah inaan diyaarino ciidan cududleh,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Cabdirisaaq Kuulow” 52 sanaa jiraa 8 sano ayaan AS dagaal kula jiraa,

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Cabdirisaaq Kuulow” 52 sanaa jiraa 8 sano ayaan AS dagaal kula jiraa, waana wadayaa dagaalkooda inta aan noolahay”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA