Home Blog Page 3254

Cabdifitaax Al-Siisi : “Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, ”.

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC}  Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa Israaiil ku eedeeyay in ay dhibaatooyin xooggan ka geysatay dhanka Gaza kaddib markii duqeyn iyo weerar aan loo kala soocin dadka ku sugan Magaaladaas ay geysatay.

Siisi ayaa tilmaamay in sida ay u jawaabtay Israaiil marka laga tusaale qaato weerarka uga yimid dhinaca Xamaas aanay ahayn sida ku habboon ee looga warceliyo marka xaaladdaan oo kale oo bannaanka usoo baxdo.

Kulan gaar ah uu la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayuu Madaxweynaha Masar ku sheegay in dib loo furayo marinka rafah ee Gaza si gargaar loo gaarsiiyo Falastiiniyiinta dhibaatooyinka kala kulmay Israaiil.

Masar ayaa horay u xirtay xuduudda ay la wadaagto Magaalada Gaza iyada oo fulineysa heshiiska ay la gashay Israaiil, taasi waxa ay sii adkeysay xaaladda ka taagan bariga dhexe oo dad badan ay waayeen biyo, cunto iyo meelo ay uga baxsadaan duqeynta Israaiil.

“Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta Masar Cabdifitaax Al-Siisi.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dulmeereysanaya waddamada carbeed ee heshiiska horay ula galay Israaiil kuwaas oo uu ku cadaadinayo in ay ka falceliyaan weerarkii lagu laayay Yuhuudda, Maxaabiista looga soo qabsaday isla markaana hubka looga soo furtay.

Waayeel muslimiinta neceb oo lix iyo labaatan jeer toorrey ku dhuftay lix jir Muslim ah oo ay qoyskiisu guri ka degenaayeen

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC}  Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa xiray nin waayeel ah oo ku eedeysay in uu toorrey ku weeraray wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis.

Ninkan oo lagu magacaabo Joseph Chuba, oo 71 jir ah, ayaa lix iyo labaatan jeer toorey ku dhuftay wiil yar oo Muslim ah iyo hooyadiis oo degenaa gurigiisa.

Wiilka yar ee lix jirka ah ayaa geeriyooday, halka hooyada 32 sano jir ah uu ku yaal dhaawac weyn oo halis ah.

Weerarka oo ka dhacay gobolka Illinois waxay boolisku ku tilmaameyn mid ku saleysan ‘Islaam naceyb’ iyada oo la xiriirshay dagaalka ka socda Qasa ee u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

ISHA BBC

{DAAWO MUQAALKA} As waxaan udhignay Cashir lama ilaawaan Ah ”Taliye Faarax kooshin

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} As waxaan udhignay Cashir lama ilaawaan Ah ”Taliye Faarax kooshin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sheekh Cabdulqaadir”AS waxaa xanuun ku haya nabada,hormarka iyo sida bulshada u fahmeen dhagartooda.

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Sheekh Cabdulqaadir”AS waxaa xanuun ku haya nabada,hormarka iyo sida bulshada u fahmeen dhagartooda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Faah faahinta dagaalkii shalay ka dhacay Barujeed ee Gobolka galgaduud

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Faah faahinta dagaalkii shalay ka dhacay Barujeed ee Gobolka galgaduud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn – 16 – 10 – 2023

0

Isniin, October -16- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

ciidankii tababarka u jiray Eritrea oo Dib Logu so ciliayay Dalka iyo banaanbaxyo xalay ka dhacay Muqdisho

0

Isniin , October -16- 2023-{HMC} Magaalada Muqdisho waxaa gabal-dhicii shalay ku soo bilowday diyaarado sida ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo ilaa xalay saqdii dhexe soo degaayey.

Ciidamada laga soo celinayo Eritrea qaarkood waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan shan sano, waxayna ciidamadaan soo mareen tababarrada ugu adag ee ciidan la siiyo, maadaama dowladda gacanta ku heysay ee Eritrea ay tahay mid ku ad-adag arrimaha ciidanka.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada laga soo daabulayo dalka Eritrea oo tababar adag ay ku soo mareen.

Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ilaa KM 4 waxaa xalay isugu soo baxay dadweyne aad u badan oo ku faraxsan dib u soo celinta ciidankii tababarka ugu maqnaa dadka Soomaaliyeed.

Markii laga soo tago ehellada, waxaa banaan-baxaan xalay soo camiray dad badan oo ku faraxsan soo noqoshada ciidankaan u soo tababartay dalkooda.

Waxaa la xiray jidadka muhiimka ah ee degmooyinka xiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si aan loo dhibaatey ciidamadaan cusub.

Ciidamadaan ayaa aad looga sugayey Soomaaliya, dalka ayaa ku jira waayo ay halgan adag lagula jiro AS, waxayna inta badan ciidamadaan ku biirayaan dagaalka ka socda gobollada dalka.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbahinta, waxaa maalin kasta Muqdisho imaa doona dowr diyaaradood oo sida ciidankaas, ilaa ay ka soo dhamaadaan ciidan ku dhow 8,000 oo dalka Eritrea tababar ku dhameystay.

Qatar Charity projects enhance food security in Somalia

0


Monday October 16, 2023

Qatar Charity (QC) projects have enhanced food security in Somalia, along with more than 50 countries around the world, a statement said Sunday.

QC also invests in agricultural programmes and initiatives that enhance food production and support small farmers, in line with this year’s slogan for World Food Day “Water is Life, Water is Food, Leave No One Behind.”

Somalia is one of the countries suffering from major drought and food shortages, and QC works to provide water and food to those affected through its various projects.
To improve the malnutrition situation in the drought-stricken city of Baidoa, southwest of Somalia, and to spare more than 8,000 people from the spectre of famine, QC provided agricultural equipment, seeds, and tools to enhance and develop the capabilities in the field of agriculture for residents to secure harvests in the rainy season.

To provide food security, QC provides cash transfers to those in need for a period of three months to enable them to obtain food supplies and improve their living situation.

As for the governorates of Galjudud and Bay, QC implemented a project to protect the property of rural families that benefited 6,000 people, providing them with agricultural equipment, seeds, and training to build their agricultural skills to qualify them to carry out the best agricultural practices. The two regions were chosen due to their damage from the desert locust disaster in 2020, which left dire effects in agricultural areas. Hundreds of hectares of seasonal agricultural crops were destroyed.

Agricultural equipment, such as seeds, fertilisers, and manual plowing tools, was distributed to 1,000 families in Galgadud and Bay governorates to secure rainy season harvests, and 150 farmers were trained to develop production.

The food security projects implemented in Somalia aim to contribute to reducing the dangers of locusts on agricultural and pastoral lands, preserving food stocks, and rehabilitating and building the capabilities of those affected, which will help them continue their activity and productivity, improve their living conditions, and contribute to providing food for them.

From the beginning of this year until July, QC implemented 50 water projects in Somalia’s Harshabelle and Galmudug. These included drilling 50 wells, including 39 shallow wells and 11 deep wells with the aim of meeting the needs of local communities for potable water.

QC provided several water projects in cooperation with the Somali ministry of energy and water following the signing of a joint memorandum of understanding to cooperate in drilling water wells, constructing water storage stations, maintaining old wells, and installing modern pumps on them powered by solar energy to contribute to helping those affected by drought and recurring floods.

 

{DAAWO MUQAALKA} 15 Gaari oo sida raashiinka nuucyadiisa kala Duwan oo la geeyey Degmada jawiil ee gobolka HIiraan

0

Axad , October -15- 2023-{HMC}  15 Gaari oo sida raashiinka nuucyadiisa kala Duwan oo la geeyey Degmada jawiil iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaliya oo maanta Booqday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sheekh Cabdi Casiis ” Waxan xanuunka iyo murugada la qeeybsaneeynaa Shacabka Falastiin ”.

0

Axad , October -15- 2023-{HMC}  Sheekh Cabdi Casiis ” Waxan xanuunka iyo murugada la qeeybsaneeynaa Shacabka Falastiin oo Todobaad ka Badan la Duqeeynayo”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA