Home Blog Page 3255

{DAAWO MUQAALKA} Dab xooggan oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka kacay suuqa Farjanno ee degmada Balad-xaawo.

Axad , October -15- 2023-{HMC} Dab xooggan oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka kacay suuqa Farjanno ee degmada Balad-xaawo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiisha ciidamada Macaawisley oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay degaanka Beerayabaal

Axad , October -15- 2023-{HMC} Saraakiisha ciidamada Macaawisley oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay degaanka Beerayabaal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada ku Sugan Degmada Wisil ayaa Loo Jeediyay Dardaaran iyo Wacdi ku Saabsan Jihaadka.

Axad , October -15- 2023-{HMC} Ciidamada ku Sugan Degmada Wisil ayaa Loo Jeediyay Dardaaran iyo Wacdi ku Saabsan Jihaadka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

War cusub oo goor dhow ka soo kordhay xariga Xoghaye Ibrahim Roobow Cali

0

Axad , October -15- 2023-{HMC} Waxaa goor dhow Xarunta dambi baarista booliska ee CID laga sii daayay Ibraahim Roobow Cali oo shalay ay xabsiga dhigeen ciidanka Booliska Somalia.

Ibraahim Roobow Cali oo la dhashay Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee DF Mukhtaar Roobow Cali ayaa sidoo kale ka mid ahaa gudigii arrimaha xajka ay u saartay Wasaarada.

Wararka ayaa sheegaya in si guud loo fasaxay oo aan damiin lagu sii deynin, sidoo kalane aysan jirin maxkamad la saaray oo dambi ku weysay.

Wararka qaar oo horey u soo baxay ayaa sheegayey in Ibraahim Roobow Cali loo xiray arrimo la xiriiro musuq ka dhashay sidii loo maamulay soo xulida shirkadihii Xajka ee Soomaalida hase ahaatee Booliska DF ayaan ka hadlin sababta loo xiray iyo sii deyntiisa intaba.

Ibraahim Roobow Cali ayaa Xogheyn u ah Guddiga Tartanka Adeegga Xajka sanadka 2024, kaasoo uu dhowaan magacaabay wasiirka Diinta iyo awqaafta Somalia.

 

{DAAWO MUQAALKA} Qiimeyn lagu sameeyey degaano laga saaray Al-shabaab oo la soo bandhigay

0

Axad , October -15- 2023-{HMC} Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay Kulan farsamo oo saabsanaa Amniga, Caddaaladda iyo Dowlad wanaagga, kaasoo ku salaysan qiimayn ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib U Heshiisiinta iyo Federaalayntu ka samaysay deegaannada laga xoreeyay al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran dhinac wado hawlgallada dalka looga xoraynayo Al-shabaab barnaamijka dib u dejinta dadkii ka baro kacay dagaalada iyo hirgalinta adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa, isla markaana ay horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta oo hada soo diyaarisay qiimayn lagu ogaan karo waxa hirgalay iyo inta dhiman.

Mudane Saalax ayaa xusay in hada dowladu qaybo ka mid ah adeegyadii bulshada gaarsiiyey deeganadii la xoreeyey, iyadoo qorshu yahay in deegaan kasta oo la xoreeyo loo dhamaystiro adeegyada muhiimka ah, isla markaana dadka deegaannka wacyi galin loo sameeyo.

Wasaaradaha Caddaalada iyo Amniga Gudaha, ayaa dhankooda soo bandhigay qorshaha ku aaddan dib u dejinta deegaannada la xoreeyey, gaar ahaan hannaankii looga hirgalin lahaa adeegyadii bulshada sida xarumihii Garsoorka iyo Saldhigyadii Booliska, si loo sugo Amniga iyo kala danbaynta.

Masuuliyiin katirsan Galmudug oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degaanka Barujeed

0

Guddoomiye ku xigeenkii degmada Guriceel, Shaafici Cabdi Jaamac, iyo taliyihii saldhigga Guriceel, Cismaan Huudeey, ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dagaalkii saakay Alshabaab ay kusoo qaadeen degaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud.

Ilo ku sugan degmada Guriceel ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in guddoomiye ku xigeenka iyo taliyaha ay kamid ahaayeen gurmadka ciidamadii Mucaawisleyda ahaa ee lagu weeraray saldhig ay ku sugnaayeen oo kuyaala Barujeed.

Lama xaqiijin karo inta uu le’eg yahay dhaawaca soo gaaray labada masuul, kuwaas oo haatan xaaladooda lagula tacaalayo magaalada Guriceel.

Xaaladda degaanka ayaa haatan deggen, waxaana gacanta ku haya ciidamada Mucaawisleyda iyo kuwa dowladda oo iskaashanaya.

Dowladda iyo maamulka Galmudug weli war rasmi ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay Barujeed, halkaas oo Alshabaab ay sheegeen inay dagaal kula wareegeen saakay waaberigii hore.

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda

Axad , October -15- 2023-{HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadad Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Bayaankan ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu xeer madaxweyne uu sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal .” ayaa lagu yiri bayaankan.

Ma cadda sababta xil ka qaadista Mahad-Allah, hase wuxuu toddobaadkii hore sameeyay isku dhaandheyn dhinaca agaasimeyaasha ah.

Israa’iil oo wadday u diyaar garowga duullaan dhulka ah oo ay ku galaan Gaza.

Ciidamada Israel ayaa Axadda maanta ah waday u diyaar garowga duulaan dhulka oo ay ku galaan Gaza kaasi oo ay sheegeen in ay ku doonayaan in ay ku burburiyaan Xamaas, oo asbuucii hore qaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda Israa’iil.

Siddeeddii maalmood ee u dambeeyay tan iyo markii dableyda Xamaas ay weerar aan la sii fileyn ku dishay in ka badan 1,300 oo qof oo Israa’iiliyiin ah, Israa’iil waxa ay kaga jawaabtay olole ba’an oo duqeymo ah ay la beegsatay Gaza oo ay ku dhinteen 2,300 oo qof.

Gebi ahaanba xaafadaha magaalada Gaza ayaa burbursan waxaana cisbitaallada buux dhaafiyey kumanaan kun oo dhaawac ah oo ku sugan deegaankan go’doonsan, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in xaaladdu ay ka sii darto.

Israa’iil ayaa ciidamo tiro badan dhoobtay hareeraha Marinka Gaza oo ay ku nool yihiin ilaa 2.4 milyan oo qof, waxaana uu ciidanku sheegay in duullaankoodu uu noqon doono weerar dhul, cir iyo badda ah.

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal culus oo ka dhacay beerayaal iyo Ciidanka oo la wareegay

Axad , October -15- 2023-{HMC} Dagaal culus oo ka dhacay beerayaal iyo Ciidanka oo la wareegay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiye Madaale” inta aan Xafiiska joognay 11 Waddo oo laami ah ayaan dhisnay”.

Axad , October -15- 2023-{HMC} Guddoomiye Madaale” inta aan Xafiiska joognay 11 Waddo oo laami ah ayaan dhisnay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA