Home Blog Page 326

Booliiska Gobolka Banaadir oo ka shiray adkeynta Amniga.

Khamiis  13, Nov 2025 {HMC}Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo ay ka qeyb-galeen taliyaasha saldhigyada, unugyada amniga iyo saraakiil sare oo ka howl-gala caasimadda Muqdisho.

Shirkan oo ka dhacay xarunta taliska guud ee Booliska gobolka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga magaalada Muqdisho iyo diyaar garowga doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in la qabto dhammaadka bishan November.

Taliyaha ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay saraakiisha saldhigyada kala duwan ee degmooyinka, kuwaas oo faahfaahiyay xaaladda amni ee goobaha ay ka taliyaan, howlaha la xiriira sugidda nabadgelyada, iyo caqabadaha taagan.

Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in Booliska Gobolka Banaadir ay si buuxda uga go’an tahay inay sugaan amniga goobaha codbixinta iyo xarumaha doorashada, si ay shacabka u helaan jawi nabdoon oo ay ku doortaan wakiilladooda deegaanka.

Isagoo sii hadlayay, Taliyaha ayaa ku booriyay saraakiisha iyo ciidamada in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, gaar ahaan dadka nugul sida haweenka, dhalinyarada iyo dadka naafada ah.

Taliyaha Qaybta Guud ayaa carrabka ku adkeeyay in ammaanka Muqdisho uu ku xiran yahay wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada, isagoo xusay in xogta shacabka ay muhiim u tahay ka hortagga falalka amni-darrada.

Doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in la qabto 30-ka November 2025, iyadoo ay weli socdaan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhinacyada maamulka, amniga iyo farsamada.

Mareykanka Oo billaabeysa bixinta mushaaradka iyo howlaha hakadka galay

Khamiis  13, Nov 2025 {HMC}Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dib loogu furayo howlaha hay’adaha dowladda oo hakad ku jiray muddo 43 maalmood ah.

Hakadkan ayaa bilowday kadib markii Madaxweyne Trump iyo Baarlamaanka ay isku khilaafeen miisaaniyadda dhismaha derbiga uu doonayay in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.

Khilaafkan ayaa sababay in ay istaagaan kharashaadka ay heli jireen hay’ado ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Sharcigan cusub ayaa la ansixiyay kadib markii Aqalka Wakiillada iyo Senate-ku ay u codeeyeen in la bixiyo kharashaadka dowladda si howlaha dib loogu bilaabo.

Trump oo ka hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in dowladdu ay hadda dib u bilaabayso shaqooyinkii caadiga ahaa, isagoo qirtay in dad badani dhibaato ka soo gaartay hakadkaas dheer.

Mudadii dowladda ay xirneyd, adeegyo badan ayaa istaagay, waxaana shaqo la’aan iyo mushahar la’aan noqday ku dhowaad 1.4 milyan shaqaale dowladeed.

Sidoo kale, dadka saboolka ah oo ku tiirsanaa kaalmooyinka cuntada ayaa saameyn weyn ku yeelatay, halka duulimaadyada gudaha dalka ay marar badan dib u dhaceen.

Madaxweynaha DFS oo booqday warshado masjidka ugu wayn Aljeeriya

Khamiis  13, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa booqday warshado wax soo saar oo ku yaalla gudaha dalka Aljeeriya, isagoo dhageystay warbixinno la xiriira horumarka ay gaareen.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tagey Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ee dalkaasi oo hadda looga faa’iideysto wax soo saarka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay culimada dalkaas.

Culumada ayaa Madaxweynaha la wadaagay xasuus reeb ku saabsan taariikhda ka dhaxeysa labada ee faafinta diinta islmaanka, iyagoo muujiyey taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Aljeeriya ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaalaha, iyo iskaashiga amni ee labada dal, iyadoo labada dowladood ay wada saxiixdaan heshiisyo la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga.

Shiinaha oo sheegay inuu ku taageerayo horumarinta garoomada DFS Soomaaliya

Khamiis  13, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada gaadiidka, duulista hawada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa la iska wareystay fursadaha maalgashi ee ka jira garoomada diyaaradaha dalka iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga labada dowladood.

Wasiir Maxamed Faarax ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in diyaar u yihiin sidii loo sii ballaarin lalahaa.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha, Wang Yu, ayaa sheegay in dalkiisa ka go’an tahay kordhinta taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada shaqaalaha, qalabaynta iyo mashaariicda horumarineed ee la xiriira Gadiidka iyo duulista hawada.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iy diblumaasiyadda.

42 Qof oo lagu la yahay Xeebaha Dalka Liibiya

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} 42 qof oo ay ku jiraan 8 Soomaali ah ayaa lagu la’yahay xeebaha waqooyi-galbeed dalka Liibiya , kaddib markii ay rogmatay doontii ay la socdeen,sida ay waxyar ka hor werisey wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM).

Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo maanta kormeeray garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne.

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Mareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa maanta Safar Kormeer shaqo ku tagay garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne, Waxaana safarkiisa shaqo ku wehlinayay Maareeye kuxigeenka Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ahna Agaasimaha Qaybta Maaxida Hawada Md.

Ayuub Abdullahi Ibraahim Iyo Injineero ku xeeldheer arrimaha kormeeridda dhismayaasha Garoomadda.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada ee Maamulka Galmudug Md. Abdinur Macalin Mohamud ayaa Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wafdiga uu hogaaminayay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan, Maareeye Ahmed oo ku gudajira kormeerka shaqo ayaa bogaadiyay dhismaha Garoonka Magaalada Dhuusamareeb oo wajigiisii koowaad uu soo dhamaaday, Kaas oo laga qabtay shaqo aad u balaaran, iyada oo HDRS ay qiimaynaysay in dhismaha Garoonka Magaalada Dhuusamareeb uu waafaqsanyahay hanaanka iyo shuruucda dhismooyinka Garoomadda, Kormeerka uu Maareeyaha ku tagay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb ayaa noqonaya midkii labaad inta uu socdo dhismaha Garoonka caasimadda Maamulka Galmudug.

Sidoo Kale Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Mo’allin Hassan ayaa Safar kale oo kormeer shaqo ah ku tagay Garoonka Magaalada Baladwayne, Waxaana ku soo dhaweeyay Garoonka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Md. Mohamed Hussein Mohamed Arab.

Maareeyaha ayaa u kuurgalay dayactirka iyo Horumarinta balaaran ee ka socda Garoonka Magaaladda Baladwayne, Waxa uuna bogaadiyay Maamulka Garoonka Magaalada Baladwayne Shaqadada aadka u wanaagsan oo ay qabteen.

Ugu dambayn, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Ayaaa Maamulada Garoomadda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baladwayne ku amaanay shaqada Wanaagsan iyo Horumarka lataabankaro ay ka qabteen Garoomadaas.

Ruushka oo qabsaday Magaalada Pokrovsk oo aheyd difaaca ugu adkaa ciidanka Ukraine.

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Ruushka ayaa dagaal adag oo muddo bilooyin ah qaatay kadib, waxay 24 saac ee u dambeysay billaabeen inay gudaha u galaan magaalada Pokrovsk oo ahayd difaaca ugu adag ee ciidanka Ukraine ay kaga sugnaayeen jihada bari iyo gobolka Donetsk, taa oo siinaysa ciidanka Ruushka guul muhiim ah oo istaraatiji ah , balse askarta Ruushka ayaa laga arkayay inaysan u fududeyn soo gelitaanka magaaladan oo u muuqata si dhammeystiran inay u burburtay, waxay adeegsanayeen mootooyin iyo gaadiid burbur badan ka muuqday, halka dagaalka ciidanka Ruushka uu muujinayo in laga tixraacay kooxaha loogu yeero ururrada Islaamiyiintaa ee inta badan adeegsada mootooyinka iyo agabka fudud, taa oo Ruushka uu hoos ugu dhigayo kharaashadka dagaalka uga baxaysa.

Saraakiil Ruush ah ayaa bartamihii sannadkii 2024 , waxay Moscow kula kulmeen xubno ka tirsan ururka Falastiiniyiinta Xamaas, iyagoo wax ka waydiiyay sida ay ugu suragashay inay diyaariyaan weerarkii 7 Oktoobar , adeegsiga qalabka fudud iyo sida ay ku jebiyeen nidaamyada la socodka xadduudaha iyo difaaca, balse markaa saraakiishii Xamaas ma sheegin wax badan , iyagoo ku andacooday in weerarka laga diyaariyay gudaha Qasa oo habkaa aysan waxba kala socon , sida aan ka akhriyay warbixin uu baahiyay wargeyska Al-Araby Al-Jadid.

Halka aad dib uga dhageysan kartid telefishinka RT madaxweyne Putin oo sheegaya ; “ Waxaan ku qasbanahay dugsiyada tababbarka milatariga inan ku soo darno istaraatijiyad dagaal oo la mid ah weerarka ay Xamaas qaaday , sida loo fuliyay iyo haddii weerarkaa oo kale Ruushka uu la kulmi sida la isaga difaaci karo… dhabtii weerarkaa wuxuu u dhacay hab aan horey looga diiwaangelin dugsiyada milatariga.”

Kenya oo dadaal badan ku bixinaysa kursi uu horay iska casilay garsooraha Soomaali ah.

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Dowladda Kenya ayaa dadaal badan ku bixinaysa kursiga uu dhawaan iska casilay garsooraha Soomaaliga ah, Cabdulqawi Axmed Yuusuf ee maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICJ, iyadoo Kenya ay booskaa oo maanta golaha guud ee Qaramada Midoobay ay cod u qaadayaan u doonayso inay buuxiso haweenay garsoore ah oo lagu magacaabo Phoebe Nyawade Okowa.

Sierra Leone, Nigeria iyo Ghana ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka u tartamaya jagadan oo u baahan inay u codeeyaan golaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka.
Fiiro gaar ah;

Kenya , markii ay ku guul-darraysatay oo Soomaaliya uga adkaatay dacwadii badda ee lagu qaaday ICJ, waxay muhiimad u arkeysay inaysan ka maqnaan kuraasta sharciyada caalamiga ah, ma cadda hadda doonista badan ee kursigan ay ku bixinayso inay dooddo sharci ku raadinayso.

Dowladda Venezuela diyaarisay qorshe dagaal oo ay uga hortageeyso duullaan Mareykanka.

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay inay dawladda Venezuela diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan uu Mareykanka ku qaado dalkaa , iyadoo gobollada Venezuela lagu daadiyay guutooyin ciidamo ah oo u diyaarsan dagaalka dhuumalaysiga ee ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, si ay isaga caabiyaan haddii Mareykanku go’aansado inuu Venezuela dagaal ku qaado.

Saraakiisha amniga ee Venezuela, waxay u arkeen inaysan lahayn awood milatari oo si toos ah uga hortaggi karaan dagaalka Mareykanka , taa beddelkeeda waxay doonayaan inay meel kasta dagaallo aan toos ahayn uga furaan haddii ciidanka Mareykanka ay gudaha usoo galaan dhulka Venezuela oo ay ku jirto in la carqaladeeyo xasilloonida , si aysan Mareykanka ugu suragelin inuu nidaam taacabsan ka dhiso Venezuela.

Faah faahin Askari lagu dilay Baladweyne.

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Faah Faahin Dheeraad ah oo laga helayo Dil Duhurnimadii Maanta ka Dhacay Deegaanka Ceel jaalle ee Magaalada Baladweyne

Askari ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad sugida iyo Qaranka Soomaaliyeed ee Nisa ayaa Maanta Dilay Askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Millatariga Soomaliyaa Kaasi oo ku sugnaa Deegaanka Ceel jaalle ee Duleedka Baladweyne,

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in Labada Askari uu Muran soo kala Dhaxgalay sidaasina uu Dilkua ku Dhacay

Laamaha Amaanka Magaalada Baladweyne illaa iyo Haatan wax war ah kama soo saarin Dilkan ka Dhacay Baladweyne,

Baladweyne ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ay inta Badan ka Dhacan Falalka Amni Darada ah taasi oo soo laalaabatay Xal Rasimi ahne aanan loo helin.