Home Blog Page 3260

{DAAWO MUQAALKA} shacabka muqdisho oo ka hadlay Lix sano kadib waxa ay ka xasuustaan 14 October Ex Zoobe

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} shacabka muqdisho oo ka hadlay Lix sano kadib waxa ay ka xasuustaan 14 October Ex Zoobe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka dhacay Muqdisho

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Waxaracade ee degmada Heliwaa.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9, waxaana qaraxaasi oo ahaa mid xooggan uu gaariga ku qabsaday, xilli ay marayeen Xaafadda Waxaracade.

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku dhimatay qaraxa, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan, waxaana gaariga la tilmaamay inuu gaarigaasi qeybo kamid ah gaaray burbur.

Labada askari ee dhintay ayaa waxaa la soo gaarsiiyey Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da, halka kuwii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka Madiino, si xaaladooda halkaas loogu dabiibo, sidoo qaraxa ayaa waxaa ka badbaaday Eey-da wax urisa ee ka tirsan Ciidanka K9.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9.

Muuse Biixi oo Puntland ku eedeeyay in ay isku ballaarineyso ‘Dhulka Somaliland

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay dooneyso inay dhul Somaliland kaga qabsato hab beelaysan, kadib markii saaka Biixi uu khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada Maamulkiisa, wuxuuna intaas kusii daray in Somaliland aysan ogolaan doonin in taako kamid ah dhulkeed lagu soo xadgudbo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa waxaa digniin u diray maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo sheegay in ay doonayso in ay dhul Somaliland kaga qaadato hab qabiilaysan.

Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu yiri Biixi Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in loo midoobo dagaalka rogaal-celinta ah oo sida uu tilmaamay lagu difaacayo xuduudihii gumeysigu u sameeyay Somaliland.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ksuoo beegsaday, ka gadaal markii Madaxweynaha Puntland, oo shalay ka hadlay masiirka gobolada SSC, uu sheegay in ay ku qancayaan wixii reer SSC dan u arkaan, waxa uuna Somaliland ugu baaqay in anay dagaal danbe qaadin.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Booliska Jubbaland oo soo saaray miinooyin ay AS geliyeen inta u dhaxeysa deegaanada Buula-gaduud iyo Janaay Cabdalle.

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Ciidamada Booliska Jubbaland oo soo saaray miinooyin ay AS geliyeen inta u dhaxeysa deegaanada Buula-gaduud iyo Janaay Cabdalle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Yabooh ” Dowlada waxaa ka go’aan afjaridda AS oo bulshadeena ku reebtay uur ku taaladii 14-October”

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Gudoomiye Yabooh ” Dowlada waxaa ka go’aan afjaridda AS oo bulshadeena ku reebtay uur ku taaladii 14-October”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn – 14 – 10 – 2023

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdisamad Cilmi iyo Shukri Baryare 

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Muuse Biixi oo xaalad dagaal galiyay Soomaaliland fariina u diray Puntland

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Madaxweyne Muuse Biixi oo xaalad dagaal galiyay Soomaaliland fariina u diray Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DEGDEG: Mucaaradka Puntland oo Jawaab ka Bixiyay Hadalkii Madaxweyne Deni ee ku aadana Dooroshada

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} DEGDEG: Mucaaradka Puntland oo Jawaab ka Bixiyay Hadalkii Madaxweyne Deni ee ku aadana Dooroshada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Waa kuma Nageeye Cali Khaliif, maxay se dowladda Soomaliya ka tiri?

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Waa kuma Nageeye Cali Khaliif, maxay se dowladda Soomaliya ka tiri?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Lix sano kadib waa sidee nolosha ka jirta Isgoyska 14 October Ex Soobe

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Lix sano kadib waa sidee nolosha ka jirta Isgoyska 14 October Ex Soobe

 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA