Home Blog Page 3261

{DAAWO MUQAALKA} Dadkii u shaqeeyay Dawladda Soomaaliya ee ku biiray AS

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Dadkii u shaqeeyay Dawladda Soomaaliya ee ku biiray AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiye Madaale“ Haddii 90 jir qorigiisii qaatay ee furinta kula dagaalamayo AS anaga maxaa nala gudboon?”

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Guddoomiye Madaale“ Haddii 90 jir qorigiisii qaatay ee furinta kula dagaalamayo AS anaga maxaa nala gudboon?”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Howdka ciid Ciidka ee laga saaray AS oo loo badalayo dhul Beereed.

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Howdka ciid Ciidka ee laga saaray AS oo loo badalayo dhul Beereed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Musiibooyinkii October ee Isgoyska Soobe iyo xusuusta Xaaladihii adkaa.

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Musiibooyinkii October ee Isgoyska Soobe iyo xusuusta Xaaladihii adkaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DF Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinta Nageeye oo AS u baxsaday.

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} DF Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinta Nageeye oo AS u baxsaday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} sadax Todobaad ka kadib Iskuul ku Burburay Qaraxii 23 Bishii hore ka dhacay Baladweyne oo dib loo Furay.

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} sadax Todobaad ka kadib Iskuul ku Burburay Qaraxii 23 Bishii hore ka dhacay Baladweyne oo dib loo Furay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka arrimaha guddaha ee XFS “Waxaa la jooga xiligii la kala saari lahaa AS iyo dadka caadiga ah”

0

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Wasiirka arrimaha guddaha ee XFS “Waxaa la jooga xiligii la kala saari lahaa AS iyo dadka caadiga ah”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Gudoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka, iyo ku-xigeenka guud ee Ergayga Qaramada midoobay Soomaaliy oo Gaaray Baladweyne

0

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo agaasimaha Guud ee wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle, ayaa Garoonka Diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo Dhaweeyey wafdi heer caalami Ah oo u hogaaminayo Gudoomiyaha Hay’adda Qaran ee mareeynta Masiibooyinka, qeybna uu ka Ahaa ku-xigeenka guud ee Ergayga Qaramada midoobay ee Somalia (George Conway)

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladaha guud ee Bini-adanimo ee Gobalka Hiiraan , iyo u Diyaar’garoowga xaaladaha Elnino ee sameeyn kara goobaha wabiyadda.

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaalada guud ee Magaaladda Beledweyen ayagoo warbixino ka Dhageeystay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dadaalada xiriirka ah ee la xiriira kobcinta iyo Dajinta qorshayaasha bini-adanimo si loo gaaro Hoowlaha maareynta fatahaadaha iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay .

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxuu dadaal xoogan ku bixinayaa sidii kor loogu soo qaadi Lahaa adeegyada bini-adanimo oo hoos u dhacay Si loo xaqiijiyo hormarka guud iyo garabistaagida Bulshada midaas oo yeereyneeyso daruufaha ka Dhashay cooladaha iyo fatahaadaha soo laab-laabtay ee Gobalka Hiiraan.

DHAMAAD

Israaiil oo wax ka yar 24saac ku dishay 256 ruux oo shacab ah waxaana kamid ah Dadkaas 20-Carruur.

0

Sabti , October -14- 2023-{HMC}  Waxaa sii kordhiya dhibaatooyinka xooggan ee Israaiil ka geysaneyso dhanka Magaalada Gaza iyada oo wax ka yar 24 saac duqeynta Yuhuudda ay ku dhinteen ugu yaraan 256 ruux oo 20 kamid ah Carruur halka ay dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 1,788 qof.

Wakaaladda Wararka u faafisa Falastiin ee WAFA ayaa soo bandhigtay caddeynta dhibaatooyinkaas dadka rayidka ah ee Israaiil u geysatay iyada oo weli ay socdaan weerarrada Yuhuuddu ka geysaneyso Magaalada Gaza.

Goobaha inta badan ay duqeynta Israaiil ku dhaceyso waa meelaha ay degen yihiin Dadka barakacayaasha ah, Goobaha Waxbarashada iyo marinnada la isaga kala gudbo sida ay xaqiijiyeen ilo la hadlay Teleefishinka Aljazeera oo aan xogtaan kasoo qaadanay.

Dhismaha ku dumay duqeynta xooggan ee Israaiil waxaa laga soo bixiyay dad qaarkood carruur ah oo waalidkii dhalay ku dhinteen duqeyntaas balse iyaga oo dhaawac ah loola cararay goobaha Caafimaadka si ay daryeel u helaan.

Dhanka kale, Duqeyn ay fuliyeen Militariga Israaiil oo ka dhacday Koofurta Dalka Lubnaan waxaa ku dhintay Suxufi sawir qaade u ahaa Wakaaladda Wararka Reuters halka ay dhaawacmeen ugu yaraan 6 kale oo howlahooda shaqo ku jiray.

Masuul ka Tirsan DF Soomaaliya oo war kasoo saartay Kiiska Abwaan NAGEEYE

0

Sabti , October -14- 2023-{HMC}  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay inuu aaday dhanka kooxda AS, arrintaas oo dhalisay hadal hayn aad u weyn.

Ninkan oo sidoo kale ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadda Ummadda, isla-markaana aad looga yaqaano dalka ayaa waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay iyo buug la sheegay in uu isaga qoray.

Waxaa sidoo kale la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah As  iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kiiska Abwaan Nageeye, wuxuuna sheegay inay la yaab ku noqotay inuu ninkaas ku biiray AS.

“Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma dadkaa wax dhageysan mise isagii ayaa haddda wixii soo daayay oo horaa looga duubay.”

Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in ninkan uu isku qarxin karay madax badan, maadaama uu galaangal ku dhex lahaa dowladda, balse uu Alle ka badbaadiyay dhagartiisa.

“Alxamdulilaah, haddii uusan isku keyn qarxin ilaahey fadligiisa ayay aheyd intuu isku rakibo oo meeshaan oo kale uu yiraahdo gabay ayaan tirinayaa oo isku kaaya qarxin” ayuu ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa eedda ninkan dhabarka u saaray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sheegay in xilligaas aad la’iskuugu milmay, sida uu hadalka u dhigay.

“Eeddaas dowladdan ma lahanee fursad baa la siiyay dadka inay is dhexgalaan, dowladdii horaana bixisay,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Dhanka kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan hay’adaha amniga oo u fakaday kooxda Al-Shabaab, isla-markaana arrintan ay muujineyso in si weyn la isku dhexgalay.

“Ciidanka Nabad Sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii hadde dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.