Sabti , October -14- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdimaajid Cabdiraxman Aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
Sabti , October -14- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdimaajid Cabdiraxman Aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
Sabti , October -14- 2023-{HMC} Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in Puntland u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, taasi oo waqtigaan suurta-galnimadeeda shaki galiyeen mucaaradka, ayna ka horyimaadeen.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka uu ka shaqeyn doono guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC.
“Anigoo ah madaxweynihii waxaan ku dhowaaqaya in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan,” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay.
Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsadag Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bayaan ay shirkaas kasoo saareen isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen.
Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin.
Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.”
Sabti , October -14- 2023-{HMC} Sheekh Axmed Ismaaciil Xasan Yaasiin. Waxa uu ahaa aasaasihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo urur siyaasadeed kale.
Yaasiin waxa kale oo uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka. Xamaas ayaa caan ka dhex noqotay bulshada falastiiniyiinta ka dib markii ay dhiseen isbitaalo, nidaam waxbarasho, maktabado iyo adeegyo kale, balse waxa ay sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda tiro weeraro ismiidaamin ah oo lala beegsaday Israa’iil, taasoo keentay in dowladaha reer galbeedka ay ku tilmaamaan urur argagixiso.
Yaasiin, oo ahaa naafo indhaha aan safiican waxba uga arag, ayaa waxa uu kursiga curyaanka saarnaa tan iyo markii uu shil galay isaga oo 12 jir ah, waxaana duqayn ku dilay duuliye Israa’iili ah oo watay diyaarad helicopter ah sannadkii 2004-tii.
Dilkiisa oo ah weerar galaaftay nolosha dad gaaraya sagaal qof, ayaa soo dedejiyay dhaleeceyn badan oo Israa’iil lagala dul dhacay. Dad badan oo indha-indheeya arrimaha Falastiiin ayaa soo jeediyay in falkaasi uu si xun u saameyn doono geeddi-socodka nabadda. 200,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka soo qaybgalay aaskiisa.
Axmed Yaasiin waxa uu ku dhashay al-Jura, oo ah tuulo yar oo u dhaw magaalada Ashkelon, xilligii uu Ingiriisku xukumayay Falastiin.
Taariikhda dhalashadiisa si dhab ah looma oga, balse baasaboorkiisa Falastiin waxaa ku qornayd inuu dhashay 1 Janaayo 1929 kii, inkasta oo uu sheeganayay inuu dhab ahaantii dhashay 1938 dii.
Aabihii Cabdullaahi Yaasiin, wuxuu dhintay isagoo saddex jir ah, waagaas kadib waxa xaafaddii uu degganaa loogu yaqaanay Axmed Sacda oo ah magaca hooyadiis, Sacda al-Habeel, kaas oo loogu yeedhi jiray sababtoo ah aabihii waxa uu dhintay isaga oo yar.
Yaasiin waxaa la dhashay afar wiil iyo laba gabdhood. Isaga iyo qoyskiisa oo dhan waxay u qaxeen Gaza, gaar ahaan xerada al-Shati ka dib markii tuuladiisii ay qabsadeen Ciidamada Israel intii lagu jiray Dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948 dii.
Sanadkii 1958 kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd, labaatan jir markii uu gaaray ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa.
Sanadkii 1965 kii ayay xabsiga u taxaabeen nabadsugida Masar iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo bil ah.
Sanadkii 1967 kii markii ay Israa’iil wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasa ku jiro, ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil ee dhulkoodii boobay, isagoo isla markaana ururin jirey kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xiran yahay wuxuuna markii dambe madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa.
Dhaqdhaqaaqyadiisaasi waxay ka cadhaysiiyeen Israa’iil, taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982 kii la xidho, laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985 kii ayaa lagu sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa’iil iyo Jabhadda Shacbiga Xoraynta Falastiin “Hoggaanka Guud”.
Sanadkii 1987 kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama Israa’iil, ururkaas oo loo bixiyay “Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah” oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho “Xamaas”.
Wuxuu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta, kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu noqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas.
ISHA BBC
Jimco , October -13- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdi Raxmaan Macalin Muse
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq
Jimco , October -13- 2023-{HMC} Maxamed AL-Zawari wuxuu inta badan ku noolaa dalal kala duwan intii aanu noqon Ingineer aan caadi ahayn. Noloshiisa waxay u dhexeysay xarig iyo cadaadis, ilaa la dilay 2016-kii.
Axadii, Xamaas waxay u magac dartay diyaaradihii is-miidaaminta ahaa ee ay adeegsatay intii uu socday dagaalkii ay Israa’iil kula jirtay Marinka Gaza iyo nawaaxigeeda “Al-Zawari”.
Ma aha markii ugu horreysay ee dhaqdhaqaaqu doorto in magaca Al-Zawari loo bixiyo hubka daaha laga qaaday.
Bishii May ee sanadkii 2021kii, waxay Xamaas ku dhawaaqday diyaarado aan duuliye lahayn oo loogu magac daray injineerkan u dhashay Tunuusiya.

Waa kuma Maxamed Al-Zawari, muxuuse yahay xiriirka kala dhaxeeyay Xamaas?
Maxamed AL-Zawari wuxuu ku dhashay Magaalada Isfax ee Tunisia dabayaaqadii 1967dii. Wuxuu ka soo jeeda qoys xaga diinta ku xeeldheer, wuxuu bartay diinta iyo Iskoolo maadiya intabada.
Yaraantiisu wuxuu ku biiray dhaqdhaqaaq diimeedka la yiraahdo Al-Naxda oo afkaar ahaan raacsanaa Ururka Muslim Brotherhood.
Dhaqdhaqaaqiisii ardaynimo ee xarakadu waxay keentay in la xidho dhawr jeer intii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Tunisia, Zine El Abidine Ben Ali, Al-Zawari wuxuu xubin ka ahaa hoggaanka ururka guud ee ururka ardayda Tuniisiya ee magaalada Isfax.
Sanadkii 1991 wuxuu Al-Zawari u baxsaday Liibiya, halkaas oo ku qaatay lix bilood ka dibna wuxuu uga safray dalka Siiriya oo uu mudo dheer ku sugnaa. Wuxuuna ku guursaday haweenay Siiriyan ah.
Al-Zawari waxa uu lix sano qaxoontinimo ku joogay dalka Suudaan, ka dibna waxa uu u wareegay Sucuudiga oo uu joogay muddo bil ah, ka hor inta aanu dib ugu noqon Suuriya oo uu ka soo shaqeeyay shirkad dayactir ah.

Al-Zawari waxa uu ku biiray Al-Qassam, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, sannadkii 2006-dii, si uu u bilaabo shaqada mashruuca samaynta diyaarad Drone ah, isaga oo kaashanaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Ciraaq.
Diyaaradii ugu horeysay oo uu hindisay ayaa lagu magacaabi jiray “SM”, waxaana loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, iyo magaca sarkaalka Ciraaq laftiisa.
Dagaalkii 2008-dii Israa’iil ku qaaday Qasa, Al-Zawari waxa uu dhammaystiray 30 diyaaradood oo aan duuliye lahayn isaga oo kaashanaya koox khaas ah oo ka tirsan Al-Qassam.
Intii u dhaxaysay sanadihii 2012 iyo 2013, Al-Zawari waxa uu sagaal bilood ku qaatay Marinka Qasa, isaga oo halkaas ku dhammaystay mashruuciisii, waxaanu kormeeray diyaaradii “Ababil 1” ee ciidamada Al-Qassam ay u isticmaaleen dagaalkii Xamaas la gashay Israa’iil xagaagii 2014-kii.
Al-Zawari oo ay wehliyaan koox Injineero ah oo ka tirsan Al-Qassam ayaa booqasho ku tagay dalka Iran, waxaana ay la kulmeen khubaro ku takhasusay sameynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Wuxuu dib ugu soo laabtay Tunisia ka dib dhicitaankii kaligii taliyihii Ben Ali oo ku baxay kacdoomo dadweyne oo ka dhacay dalkaasi 2011-kii, halkaas oo uu ka qalin jabiyay Dugsiga Qaranka ee Injineerada ee Isfax 2013.
Mashruuciisii qalin-jabinta ayaa ahaa ikhtiraacida diyaarad aan duuliye lahayn, markii danba waxa uu bare jaamacadeed ka soo noqday Dugsigii Injineerada Qaranka ee Isfax. Sidoo kale, waxa uu aasaasay Naadiga Duulimaadka Model ee Koonfurta isaga iyo tiro ardaydiisa ah iyo qaar ka mid ah duuliyayaasha shaqada ka fadhiistay.

Khaarijintii Al-Zawari
Al-Zawari ayaa lagu dilay rasaas oodda looga qaaday isagoo ku sugan gurigiisa hortiisa oo ku yaal magaalada Isfax, galabnimadii Oktoobar 15, 2016. Xamaas ayaa dilkiisa shirqoolka ku eedeysay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.
Intii aan la dilin waxaa cadayd inuu diyaarinayey shahaaddada saddexaad jaamacada isagoo doonayey inuu hindiso gujisyo lagu hago meelaha fog fog.
Howlgalka lagu qaarajiyey Maxamed Al-Zawari waxa la ogaaday inay fuliyeen rag u dhashay dalka Bosnia. balse Boosniya waa ay diiday in tuhmanaha dilka Al-Zawari lagu wareejiyo Tunuusiya.
Xigasho BBC

Friday October 13, 2023
The United Nations (UN) has allocated 15 million U.S. dollars to help mitigate the effects of the much anticipated El Nino rains in Somalia, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said.
The flood response funds target high-risk areas in Hirshabelle and Jubaland states, which have historically experienced the worst impact of floods and are currently projected to have the highest caseloads at risk of riverine flooding, OCHA said in its latest humanitarian report released Tuesday evening.
“Of particular concern is the likely impact of flash flooding in urban areas hosting internally displaced people. Partners estimate that over half of the displacement settlements are in low-lying flood-prone areas,” OCHA said, adding that an additional funding appeal has been made to support life-saving interventions.
On the positive side, OCHA said, the rains are expected to lead to improved availability of pasture and water and increased access to dairy milk, which will enable families to partially meet their minimum food needs.
According to the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations, more than 1.2 million people living in riverine areas are at high risk of flooding and 1.5 million hectares of land could be inundated if the rains perform as forecasted.
OCHA said humanitarian partners are working closely with the authorities at national and sub-national levels on preparedness and response to mitigate the worst impacts of the El Nino-induced flooding, expected during the Deyr (October-December) rainy season.
Emergency El Nino task forces, comprising sub-national clusters, and national and international humanitarian partners, have been established in Hirshabelle, Jubaland and Southwest states to coordinate the response, OCHA said.
Jimco , October -13- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf Ali Cadoow
Farsamadii :Cabdi Raxmaan Macalin Muse
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Xamaas ayaa sheegtay in duqeynta Israa’iil ay ku dishay 13 ka mid ah la haystayaasha Yuhuuda oo ay ku jiraan ajaanib.
Ma aysan sheegin dalalka ay u dhasheen ajaaniibta, iyadoo sheegtay in la dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo Maamulka Yuhuuda.
Israa’iil ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn ku garaacday Qaza tan iyo dhamaadkii todobaadkii hore oo dagaalyahannada Xamaas ay gudaha u galeen koonfurta dalkaasi ayna ku xasuuqeen boqolaal qof oo ay ku jiraan carruur guryahooda ku sugan iyo dhallinyaro ku sugneyd bandhig faneed. Xamaas ayaa sidoo kale qafaashay ilaa 150 qof oo la geeyey Qaza.
Milatariga Israel ayaa u sheegay ilaa 1 milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza maanta inay ka baxaan waqooyiga magaaladaas sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.
Q.Midoobey waxay ka digtay in dad badan oo si wadar ah u qaxaya ay musiibo noqon doonto, Xamaas oo todobaadkan weerar naxdin iyo argagax leh ku qaaday Israa’iil ayaa ku gacan sayrtay amarka Israiil waxayna dadka ugu baaqday inay guryahooda joogaan, taasoo sii kordhinaysa argagaxa baahsan.
Amarka daad-gureynta, oo ay ku jirto magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah, ayaa jahawareer ka dhex abuuray dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka ee horay uga cararay duqeymaha Israa’iil, waxayna la tacaalayaan go’doomin guud iyo dhul dhan oo koronto ah.
“Cunto iska ilow, koronto iska ilow, shidaalna iska ilow. Welwelka kaliya ee hadda jira waa haddii aad aad noolaan doonto, iyo halkii aad gabaad ka dhigan laheyd “ayuu yiri Nebal Farsakh, oo ah afhayeenka Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ee magaalada Gaza.
Dagaalkan oo socday muddo todobaad ah ayaa waxaa horay u galaaftay nolosha in ka badan 2,800 oo qof oo labada dhinac ah, waxaana xiisado colaadeed ay ka dhaceen gobolka oo dhan.
Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Milatariga Israel ayaa u sheegay ilaa 1 milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza maanta inay ka baxaan waqooyiga magaaladaas sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.
Q.Midoobey waxay ka digtay in dad badan oo si wadar ah u qaxaya ay musiibo noqon doonto, Xamaas oo todobaadkan weerar naxdin iyo argagax leh ku qaaday Israa’iil ayaa ku gacan sayrtay amarka Israiil waxayna dadka ugu baaqday inay guryahooda joogaan, taasoo sii kordhinaysa argagaxa baahsan.
Amarka daad-gureynta, oo ay ku jirto magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah, ayaa jahawareer ka dhex abuuray dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka ee horay uga cararay duqeymaha Israa’iil, waxayna la tacaalayaan go’doomin guud iyo dhul dhan oo koronto ah.
“Cunto iska ilow, koronto iska ilow, shidaalna iska ilow. Welwelka kaliya ee hadda jira waa haddii aad aad noolaan doonto, iyo halkii aad gabaad ka dhigan laheyd “ayuu yiri Nebal Farsakh, oo ah afhayeenka Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ee magaalada Gaza.
Dagaalkan oo socday muddo todobaad ah ayaa waxaa horay u galaaftay nolosha in ka badan 2,800 oo qof oo labada dhinac ah, waxaana xiisado colaadeed ay ka dhaceen gobolka oo dhan.
Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka socda shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Qatar, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta.
Shirkaan oo noqonaya kii afaraad ee noociisa ah ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda ka taagan Soomaaliya.
Dhinacyada ayaa si gaar u dul istaagaya arrimaha amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadannimada iyo istaraatiijiyadaha lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhalata gudaha Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa shirkaan ayaa shaaciyay “in shirka si weyn looga hadlayo dhimista ATMIS-ka iyo dadaallada la-dagaalanka argagixisada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
“Iyada oo ay ka soo qeyb-galeen Qatar, UAE, UK, Turkey iyo USA, waxaa magaalada Ankara lagu qabtay shirkii 4-aad ee Quint Soomaaliya. Hawlgallada/Istaraatiijiyadda la-dagaalanka argagaxisada, kala-guurka ATMIS, xasilinta, iyo shir-weynaha soo socda ee horumarinta laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa ugu sarreeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.
Xuseen ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimadda uu kulankaan u leeyahay dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka, oo qiray inay garab taagan yihiin.
“Quint-ku wuxuu sii ahaanayaa mid faa’iido leh oo aan looga maarmi karin dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada muhiimka ah ee amniga caalamiga ah.”
Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdicasiis Bin-Saalax ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero sidii loo aqoonsan lahaa dadaallada ay dowladdu ugu jirto wax ka qabashada arrimaha ammaanka.
“Qatar waxay diyaar u tahay in ay taageerto qorshe kasta oo wada xaajood ah oo lagu horumarinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Bin-Saalax oo adkeeyay taageerada Qatar ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhbut Bin-Nahyan ayaa markale ku celiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay Somaliya ka taageerto amaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa horay u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, wuxuuna Imaaraadka xilligaan door muuqda ka qaata dhismaha ciidanka, gaar ahaan tababarada iyo kharashaadka ku baxa, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda AS.