Home Blog Page 3264

Qaramada Midoobay oo baareyso shakhsiyaadkii ku lugta lahaa xadgudubyadii dagaal ee ka dhacay Magaalada Laascaanood

0

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la qaado tallaabooyin dabagal ah oo ku saabsan la xisaabtanka shakhsiyaadka masuulka ka ah xad gudubyada dagaal ee ka dhanka ah arrimaha bini’aadantinimada ee ka dhacay intii ay socotay colaadda Laascaanood ee gobolka Sool.

Golaha ammaanka ayaa go’aankan qaatay, kaddib markii uu dhegaystay oo uu tixgaliyay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya, si waafaqsan farqadda 47 (c) (i) ee qaraarka 2662 (2022).

Qaraarka 1844RES/2008, ayaa wuxuu dhigayaa in cunuqabatayn maaliyadeed iyo kuwa safar ba lagusoo rogo shakhsiyaadka ku xusan warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga khubarada Soomaaliya.

Guddiga ayaa ku eedeeyay shaqsiyaadkan, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda, inay ku kaceen, falal la xiriira beegsiga dadka rayidka ah, xarumaha waxbarashada, isbitaallada, afduubka iyo barakicinta dadka rayidka ah, iyo sidoo kale inay horjoogsadeen gargaarka bini’aadantinimo.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, inay xaqiijiyaan gargaarka bini’aadantinimo, isla markaana loo ogolaado inay Laascaanood tagaan kooxaha ka hortagga walxaha qarxa, sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista iyo ururada ay khusayso.

{DHGAYESO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 10– 12 – 2023

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdimajiid Aweeys isaaq

Farsamadii :Cabdiraxmaan Macalin Muuse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Madaxweyne Xasan iyo Xamza oo bilaabay olole dhiig shubay Loogu shubay Ciidamadii Ku dhawacnay Dagaalka AS

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta bilaabay olole cusub oo la xiriira dagaalka kooxda AS.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay olalahaasi oo dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira AS.

Dhiigga loo shubayo ciidanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo dhigayo bangiga keydka, waxaana kulankaan maanta soo abaabuulay dhalinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka cirib-tirka kooxaha AS.

Dagaalka Shabaab ee dalka ka socda ayaa waxaa ku baxay saraakiil iyo askar, halka ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamada huwanta, wuxuuna ololahan door muhiim ah ka ciyaari doona badbaadinta dhaawaca ciidankeenna geesiyaasha.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay AS badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa waxa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda AS ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

FA-ga Ka Mamnuucay Calamadaha Falastiin iyo Yahuuda Garoonka Wembley

0

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} FA-ga ayaa ku dhawaaqay in calamada Israel iyo Falastiin laga mamnuuci doono garoonka Wembley Stadium kulamada soo socda ee ay England ku ciyaareyso garoonka.

Taas bedelkeeda waxaa maamuus loo sameyn doonaa dadka dhibanayaasha u noqday dagaalka socda ee ku waxyeeloobay dhanka yahuuda iyo Gaza marka ay England martigelineyso Australia maalinta Jimcaha.

FA-ga, ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay in ixtiraam loo muujin doono dhibanayaasha dagaalkakulanka England iyo Australia, waxayna xaqiijiyeen in aan wax calan ah oo Israel ama Falastiin ah laga ogolaan doonin dhismaha Wembley.

” Fiidnimada Jimcaha, waxaan xasuusan doonaa dhibanayaasha aan waxba galabsan ee dhacdooyinka ba’an ee Israel iyo Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay FA-ga.

“Ciyaartoyda England iyo Australia waxay xiran doonaan calamad madow inta uu socday kulanka garoonka Wembley, sidoo kale waxaa jiri doona waqti aamusnaan ah ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta.

“Kadib wada-hadallo aan la yeelanay dadka qeybihiisa kala duwan, waxaa la ogolaan doonaa kaliya calamada wadamada ciyaaraya ee kulamada soo socda ee Australia [13 Oct] iyo Italy [17 Oct].”

Taageerayaasha UK ayaa inta badan ah kuwa soo bandhigaya taageerada Falastiin gaar ahaan kooxaha ka dhisan Scotland, Ireland iyo Wales si la mid ah meelo ka mid ah England.

Waana sababta keentay in FA-ga ay diideen baaqii yahuuda ee ahaa in aargada Wembley laga dhigo midabada calanka yahuuda, laakiin FA-ga oo arkay taageerada Falastiin ayaa ka diiday codsigaas.

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta

0

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Barcelona ayaa kordhisay dedaalka ay ugu jirto sidii ay bisha January ula saxeexan lahayd xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Jorginho oo 31 jir ah. (Mirror)

Difaaca England ee Harry Maguire oo 30 jir ah, waxa uu ugu hanjabay kooxdiisa Manchester United, in aanu sii ahaan doonin ciyaartoy kursiga kaydka fadhiya, isla markaana uu la hadli doono maamulka iyo tababare Erik ten Hag. (Mail)

Real Madrid ayaa waxay heshiis cusub ka saxeexday xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga oo 2 jir ah iyo Khadka dhexe ee reer Uruguay ee Federico Vaverde oo 25 jir ah. Labadooduba waxay saxeexeen heshiisyo soconaya illaa sannadak 2028 oo lagu burburin karayo lacag dhan £1 bilyan oo Gini. (Cope)

Jesse Lingard oo ku sugan waddanka Sucuudiga waxa uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro kooxda Al-Ettifaq oo uu tababarka la qaadanayay, taas oo ciyaar saaxiibtinimo oo Arbacadii uu u saftay uu gool u dhaliyey. 30 jirka reer England ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Nottingham Forest. (Goal

Chelsea waxay ciyaartoyda bartilmaameedka u ah ku darsatay weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo 24 jir ah oo ay doonayso inay la saxeexato bisha January. (ESPN)

Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso oo 41 jir ah, waxa heshiiskiisa ku jira qodob dhigaya, in uu tegi karayo kooxaha Liverpool, Real Madrid iyo Bayern Munich haddii ay soo dalbadaan xagaaga dambe oo aan loo diidi karayn. (Bild)

West Ham, Brighton, Crystal Palace iyo Bournemouth ayaa ku tartamaya weeraryahanka kooxda Stuttgart ee Serhou Guirassy oo u dhashay waddanka Guinea. 27 jirkan ayaa hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta horyaalka Germany ee Bundesliga. (90 min)

Manchester United waxay go’aansaday in ay kordhiso qandaraaska difaaca reer England ee Aaron Wan-Bissaka oo 25 jir ah, iyo difaaca dhexe ee reer Sweden ee Victor Lindelof oo 29 jir ah, balse waa ay ka fiirsanayaan waxa ay ka yeelayaan Anthony Martial oo 27 jir ah. (ESPN)

Tababarihii hore ee Tottenham, Chelsea, Inter Milan iyo Juventus ee Antonio Conte ayaa iska diiday fursad uu ku nqoon lahaa tababaraha Napoli, waxaana uu doorbidayaa in uu sugo shaqo kale. 54 jirkan ayaa ay xidhiidh toos ah yeesheen madaxweynaha Napoli. (Fabrizio Romano)

Muxuu Ahaa Warka Ka Farxiyey Shacabka Dalka Turkiga Ee Kasoo Yeeray Kooxda Real Madrid?

0

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Garoonka tababarka Real Madrid waxa maanta ka jiray war ka farxiyey jamaahiirta kooxdaas iyo kuwa Turkiga oo iyagana ay u ahayd maalin ay la dhacsanaayeen waxa ay ka maqleen Real Madrid, waxaanay rajaynayaan in warkaas farxadda leh ay si buuxda uga arki doonaan garoomada usbuucyada soo socda.

Real Madrid ayaa soo bandhigtay sawirrada ciyaartoydeeda aan tegin xulalka ee tababarka ku qaadanaya garoonkeeda Valdebebas, waxaana kasoo dhax-muuqday xiddiga reer Turkey ee Arda Guler oo kasoo laabtay dhaawac.

Saxeexa cusub ee Real Madrid oo aan wali hal kulanna u safanin, ayaa markii uu usbuuc kaliya joogay Real Madrid xagaagii waxa soo gaadhay dhaawac uu muddo laba bilood ah u jiifay, laakiin markii uu kasoo noqday ee uu tababarka bilaabay ayaa iyadoo la filayo in uu qayb ka noqdo ciyaartii Las Palmas waxa haddana soo yeedhay warka sheegaya in uu dib u dhaawacmay.

Carlo Ancelotti oo waqtigaas la hadlay saxaafadda ayaa yidh: “Arda Guler waa taam, waxaanu qayb ka noqon doonaa kooxda.”, laakiin markii uu dhamaaday shirka jaraa’id ayaa kubbadihii ugu dambeeyey ee tababarka uu haddana muruqa kaga dhaawacmay Arda Guler.

Waxa kale oo tababarka Real Madrid kusoo noqday maanta difaaca reer Austria ee David Alaba oo kasoo noqday dhaawac uu ku seegay dhawrkii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Gabriel Jesus Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhax-maray Ederson Intii Ay Socotay Ciyaartii Arsenal Iyo Man City

0

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ka hadlay dagaalkii dhax-maray goolahayaha ay isku-waddanka yihiin ee Ederson intii ay socotay ciyaartii ay kooxdiisa Arsenal 1-0 ku garaacday Manchester City toddobaadkan horraantiisii, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ku koobnayd ciyaartaas oo kaliya.

Jesus oo ka tegay Man City xagaagii 2022 oo u wareegay Arsenal, ayaa waxa uu kusoo bilowday kulankii Axaddii uu Gabriel Martinelli go’aamiyey guusha waqtiga dambe, waxaase ay isku dhaceen Ederson oo ay is riix-riixeen intii ay ciyaartu socotay, iyaga oo isweydaarsaday kalmado cadho ka muuqatay.

Labadooduba waxay hadda ku sugan yihiin xulka qaranka dalkooda Brazil ee isku diyaarinaya kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaana Jesus oo ka hadlay dhacdadii Ederson uu yidhi: “Xidhiidh fiican ayaan la leeyahay, kaliya ma aha Ederson balse dhamaantood, waana iska caadi in garoonka ay waxaas oo kale ka dhacaan.

“Ederson ayaan inta badan waqtigayga la qaadan jiray xilligii aan joogay City, waananu isku faraxsanayn, wuu ogyahay sida aan uga helo, aniguna waan ogahay in uu iga helo, balse marka garoonka lagu jiro isagu waxa uu difaacayaa kooxdiisa, aniguna kooxdayda ayaan difaacayaa.

“Waxay ahayd waqti aanu guuleysanaynay, iyagana uma fududayn in la garaaco. Waxa aanu ahayn koxoda guuleysanaysa, aniga ayaa kubadda isku dayay in aan qabsado, si kastaba waanu isku dhacnay, waanu i riixay, balse ciyaarta kaddib wax walba caadi ayay noqdeen. Waanu wada-hadlaynay. Intaas ayay ku dhamaatay.”

{DAAWO MUQAALKA} Haweenka Guriceel oo xoolo nool iyo agab kale ugu deeqay CXD ee la dagalamayo AS

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Haweenka Guriceel oo xoolo nool iyo agab kale ugu deeqay CXD ee la dagalamayo AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Golaha Wasiirada Dhiig shubay Ciidamada Xooga Dalka Ee Dagaalka Kula jira AS

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Golaha Wasiirada Dhiig shubay Ciidamada Xooga Dalka Ee Dagaalka Kula jira AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Nuur Dheere :Dagaalka Anaga ayaa bilaawnay waxaana Balan qaadeynaa in aan dhameystirno

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Gudoomiye Nuur Dheere :Dagaalka Anaga ayaa bilaawnay waxaana Balan qaadeynaa in aan dhameystirno

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA