Home Blog Page 3267

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaliya oo ka hadlin Colaada ka taagan Bariga dhexe.

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Dowlada Soomaliya oo ka hadlin Colaada ka taagan Bariga dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowlada soomaliya oo soo afjaray weerarkii ciid ciidka ee Gobolka shabeelada dhexe.

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Ciidamada Dowlada soomaliya oo soo afjaray weerarkii ciid ciidka ee Gobolka shabeelada dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Macawisleeyda Gobolka Hiiraan Oo Ciyaar Dhaqameeyd kusoo Bandhigay Duleedka B/Burde

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Macawisleeyda Gobolka Hiiraan Oo Ciyaar Dhaqameeyd kusoo Bandhigay Duleedka B/Burde

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mamulka Gobolka Bari Oo Kormeeray Kumanaan Xoolo ah oo loo diyaariyay Dalka Dibadiisa.

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Mamulka Gobolka Bari Oo Kormeeray Kumanaan Xoolo ah oo loo diyaariyay Dalka Dibadiisa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Taageero Heer caalami ah oo loo raadinayo dagaalka ciidamada Soomaaliya ee AS

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} —  Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda AS.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.

“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”

Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.

Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”

Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka AS, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS.

“Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri.

“Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.”

Arbacadii, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey hakinta bixitaanka ciidamada ATMIS, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in dowladda ay bilaha soo socda heli doonto ciidamo ku filan oo ay kula wareegto mas’uuliyadda.

Kamaal Daahir Guutaale, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay tababartay 9,700 askari tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay May 2022, ayna 3,000 oo dheeri ah ku tababartay Eritrea.

Waxa uu sheegay in weli ciidamo dheeraad ah lagu tababarayo dibedda.

Gutaale ayaa sheegay in dowladda ay ku kalsoon tahay in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda kadib hakadka 90-ka maalmood ah iyo bixitaanka xiga ee June 2024 oo dalka ay ka tagi doonaan 5,000 oo askari oo ATMIS ah.

“Waa arrin aan si dhab ah u qaadaneyno, haddana waa mas’uuliyaddeena inaan buuxino firaaqa,” ayuu yiri.

Guutaale waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhabarka u riteen labo shaqo oo kala ah — la-dagaalanka AS iyo qabsashada dhul ballaaran, halka sidoo kale la tababarayo ciidamo cusub.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus,” ayuu yiri.

Souef aya ka digay in la dhayalsado AS, oo uu sheegay inay sameyso tababar ballaaran, iskuna dayeyso inay awoodda qabsato.
Waxa uu sheegay in kooxda ay heleyso hub “ayna aad u qalabeysan tahay.”

“Maya, ma dhayalsaneyno AS, mana jirto cid dhayalsan karta AS,” ayuu yiri. “Hore ayaan kaala hadlay wixii dhacay laba maalmood ka hor – Xamas waa koox hubaysan, waxaadna aragteen waxyeellada ay ka gaysteen Israel, halka Israel ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu ciidanka abaabulan uguna qalabaysan dhanka sirdoonka”.

Souef ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sugayaan diyaarado helicopter ah oo ka imaanaya Burundi, oo ku xiran fasaxa dowladda Soomaaliya, si ay ugu daraan labadii diyaarad oo helicopter-ka ah oo ay horay uga heleen Uganda.

XIGASHO VOA SOMALI

Faah-faahino dheeraad ah oo ka Soo Baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} —  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee mara degmadaasi, gaar ahaan gagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo kuwa waddada marayay.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, ayada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad kale oo la dhigay qaar kamid ah sisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa inay dad usoo qabqabyeen qaraxa.

Ma jiro willaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxa iyo baaritaanada xigay ee ay ka sameeyeen degmada Dharkenley.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha degmadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay caasimada.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro.

{DHGAYESO} Warka Subaxnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 12/10/2023

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdi Raxmaan Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maxaad Ka Ogtahay qorshaha Falastiiniyiinta loogu rarayo dal kale Xili ay sii socdaan Duqeeymaha Qaza

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} —  Israel ayaa duqeyn xooggan ka fulinayso Gaza kadib weerarkii ay Xamaas ka fuliyeen goobo ay Israa’iiliyiintu ka degan yihiin hareeraha magaalada Gaza horraantii todobaadkan.

Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Sida ay UN-ka sheegayaan in ka badan 200,000 ayaa ku barakacay gudaha Gaza kuwaas oo 10% ka ah dadka ku nool Gaza oo gaaraya in ka badan labo milyan. Korontada, biyaha iyo cunnada ayaa gabaabsi ah, waxaana laga digayaa in ay ka dhabeeyaan sheegidda ah in ay lug ahaan kusoo weeraraan ay uga dari doonto xaaladda banii’aadnimo iyo waxyeellada rayidka.

Arrimahan dhacaya waxaa barbar socda dunida oo kala qeybsan, reer galbeedka oo leh Israeil waxaa ay ku jirtaa dagaal xaq ah, taasi oo sharciyad siinaysa wax walba oo ay ka sameeyaan iyo dalal bariga ah oo leh reer Gaza waxaay ay go’doon ahaayeen muddo dheer, in ay is difaacaana waa sharci. Laakin labadaasi ra’yi dhexdooda iyo Hamaaz oo ah jabhad hubeysan waxaa khatar galaya nolasha malaayiin rayid ah.

Khubarada Israel waxaa ay ku sheegeen in Tal aviv ay soo afjari doonto guud ahaan Hamaaz ayna gudaha u geli doonto magaalada Gaza, taasina waxaa ay keeneysaa in la isweydiiyo halka ay aadaan dadka halkaasi ku nool, waxaana soo ifbaxay in fursaddan ay tahay middii ay Israael sugaysay 60 sano ah oo ah in Falastiiniyiinta ay dal ka helaan bariga Webiga Urdun(Urdun) ama Sinaay(Masar).

Ra’yiga in Falastiiniyiinta loo raro Urdun: Urdun iyo Falastiin waxaa wada xukumayay boqorka Urdun wixii ka horeeyay sagaameeyadii qarnigii hore, iyada oo boqorka uu kala saaray laba maamul 1987, taasina ay u gogol xaartay mashruuca dowladda Farlastiin 1988.

Ariel Sharon ayaa fikraddan ma bilaabay 1882-dii isaga oo u sababeeyay in boqorka Urdun ka talin jiray labada daan ee webiga si toos ah inta u dhaxeysay 1950-1967, waxaa ayna firkadda ah in Falastiiniyiinta loo raadiyo dhul kale ay soo noqnoqotay muddo dheer.

Keliya qorshaha dhul ama dal kale oo ay deefaan loogu raaciyo dadka Falastiiniyiinta ah kuma koobna Urdun, ee waxaa marar badan lagala hadlay madaxda Masar, weliba ilaa saddex madaxweyne oo kala duwan.

Markii ugu horreysay Israel ayaa usoo jeediyay Masar in ay siiso ilaa 1,000 KM oo ka tirsan dhulka Siinaay, firkaddan oo ay hor dhigeen madaxweynihii hore Xusni Mubaarak, waa uu iska diiday.

 

Deg deg: Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka oo la kulmayo madaxweynaha Falstiin

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} — Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa jimcaha la kulmi doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, sida uu sheegay Xuseen Al-Sheekh, oo ah xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin (PLO).

Hoggaanka siyaasadeed ee Falastiin ayaa waxaa si weyn ugu kala qaybsan, xisbiga Fataax ee Maxamuud Cabbaas ee Daanta Galbeed iyo ururka Xamaas oo ay iska soo hor jeedaan ee maamula marinka Gaza.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Israa’iil, si uu taageero ugu muujiyo dalka iyo dadkaba, kadib weeraradii Xamaas ee Sabtida.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

Biden wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay carada dad ka reer israail, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

Ilaa 400,000 oo qof oo ka cararay Qasa iyadoo Israa’iil iyo Masar ay xireen meelaha laga baxo

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 340,000 oo qof oo ku nool Qasa ay khasab ku noqotay inay guryahooda ka cararan, iyadoo dhanka kalena ay israa’iil sii waddo inay garaacdo dhulkaas.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah weerarki dhiiggu ku daatay ee xamaas ay qaadday Sabtidii.

Israa’iil iyo masarba waxay xireen meelaha laga baxo, taas oo ka dhigan in aanay baxsan karin Falastiiniyiinta Qasa.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

Mr Biden wuxuu sheegay, inuu fahamsan yahay carada dadka reer israa’iil, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.