Home Blog Page 329

Masar iyo Kenya oo Door ka qaadanayo Xaaladda Soomaaliya.

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo midnimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in labada madaxweyne ay si weyn uga doodeen arrimaha amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, ayna isku raaceen in la sii wado wada-shaqaynta ku aaddan sidii loo taageeri lahaa dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka oo dhan.

Madaxweyne Sisi ayaa ka hadlay muhiimadda ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Suudaan, isagoo xusay dadaalka Masar ee lagu dhimayo masiibada bani’aadantinimo ee halkaas ka taagan.

Madaxweyne Sisi ayaa mar kale muujiyay mowqifka Masar ee ka dhanka ah tallaabooyinka Itoobiya ee saameyn kara xuquuqda biyaha ee dalkiisa, halka Madaxweyne Ruto uu ku baaqay wada-shaqeyn iyo isfaham dhex mara dalalka ku yaalla webiga Nile.

Labada Madaxweyne ayaa ugu dambeyntii ku celiyay sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo wadatashiga siyaasadeed, iskaashiga amniga iyo wadajirta gobolka, si loo gaaro nabad waarta iyo horumar guud oo ka dhaca Geeska Afrika.

Dalalka Kenya iyo Masar ayaa ka mid ah wadamada si weyn taageerada u siiya Soomaaliya.

Saraakiil Sar Sare oo Turki ah oo ku dhintay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Georgia

0

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Diyaarad xamuul oo militari oo nooca C-130 ah oo lagu waday inay dib ugu laabato Turkiga, ayaa ku burburtay xadka Georgia iyo Azerbaijan.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa ku dhawaaqday, in diyaaradda ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.

Hay’adda duulimaadka ee Georgia ayaa sheegtay in diyaarad militari oo Turki ah ay ka luntay raadaarka “iyadoo aan bixin wax digniin ah.”

Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa sidoo kale sheegtay, in la helay burburka diyaaradda xamuulka ee militri ee burburtay, waxaana sababta burburka diyaaradda lagu ogaan doonaa baaritaan qoto dheer oo ay sameeyeen kooxda baaritaannada shilalka.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa tacsi u diray dadkla ku waxyeeloobay shirkaas.

Madaxweyne Geelle oo billaabay ololaha Doorashada dhacaysa 2026.

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sii billaabay ololaha Doorashada dalkiisa ee lagu ballansan yahay in ay dhacdo bisha 4aad April ee sanadka soo socda 2026 isaga oo markiisii 6aad tartamaya.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa safar socod ah ku maraya qaybo kala duwan oo katirsan Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu billaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin, xubnaha bulshada rayidka ah iyo xubno xilal kala duwan horay usoo qabtay.

Geelle oo dhowaan loo fasaxay in uu xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jubuuti u tartami karo markiisii lixaad isla markaana meesha laga saaray qodobadii dastuuriga ah ee xadidayay muddada uu isasoo sharixi karo ayaa haysta fursad uu markale ku guulan karo.

Xubnaha Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in ay kursiga isku sii dhajineyso, waxa ay sheegeen in sababta keentay dastuur furista loo sameeyay ay tahay sii joojitaanka kursiga dalkaas ugu sarreeya ee Madaxweynaha.

UK oo raacday Amarka E-Visa ee Soomaaliya.

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Dowladda UK ayaa la-talinteeda safarka ee rasmiga ah waafajisay sharciga dal-ku-galka (e-visa) ee dowladda federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo xoojinaysa gacan ku haynta ay Muqdisho ku leedahay xuduudaha dalka.

Tilmaamaha cusub ee UK, oo la cusbooneysiiyay maalintii Talaadada, ayaa xaqiijinaya in dhammaan dadka safarka ah ay hadda waajib ku tahay inay maraan habraaca e-visa-ha federaalka. Isbeddelkan ayaa si toos ah u burinaya siyaasaddii gaarka ahayd ee Somaliland, wuxuuna rakaabka ku qasbayaa inay u hoggaansamaan amarka dowladda dhexe.

Hagidda Wasaaradda Arrimaha Dibedda UK ayaa hadda ah mid cad. Wuxuu qoraalkeedu dhigayaa: “Waa inaad haysataa e-visa si aad u gasho Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.” Tani waxay xaqiijinaysaa in rakaabka ku wajahan Muqdisho ay waajib ku tahay inay dal-ku-galka federaalka ah soo dalbadaan inta aysan soo bixin.

Talada la cusbooneysiiyay waxay iftiiminaysaa caqabada hadda haysata dadka u safraya Hargeysa.

Wasaaradda arrimaha dibedda UK waxay ka digtay in shirkadaha diyaaraduhu ay u badan tahay inay rakaabka weydiiyaan e-visa-ha federaalka si ay diyaaradda ugu oggolaadaan. Hase yeeshee, waxay sidoo kale xustay in maamulka Somaliland ay diidi doonaan fiisahaas federaalka ah marka ay yimaadaan garoonka. Taas beddelkeeda, Hargeysa waxay rakaabka ku qasbi doontaa inay garoonka ku “iibsadaan fiiso imaanshaha ah.”

Wasaaradda waxay sidoo kale uga digtay dadka u safraya qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah “inay sidoo kale u baahan karaan warqad casuumaad ah.” Warqaddaas la’aanteed, “waxaa laga yaabaa inaan laguu oggolaan inaad dalka gasho.”

Tallaabadan ay qaadday UK waxay daba socotaa go’aan siyaasadeed oo adag oo ay qaadatay dowladda federaalka Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa nidaamkeeda e-visa-ha daahfurtay 1-dii bishii Sebtembar.

Sidoo kale, Hay’adda Duulista Hawada Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa 31-kii Oktoobar, waxay dhammaan shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ku amartay in aanay Hargeysa geyn karin rakaab aan wadan e-visa-ha federaalka.

SCAA waxay siyaasaddan ku sheegtay mid la xiriirta “xakameynta xuduudaha iyo amniga qaranka.” Waxay sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ugu hanjabtay “ganaaxyo maaliyadeed” ama “in laga joojiyo hawlaha duulimaadka” haddii aysan amarka u hoggaansamin.

Shirkadaha diyaaradaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansamaan shuruucda SCAA si ay u isticmaalaan hawada Soomaaliya, taasoo ku qasbaysa in aanay haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay e-visa-ha federaalka ku hubiyaan goobta diiwaan-gelinta (check-in).

“Somaliland wax saameyn ah kuma laha arrintan maadaama Soomaaliya ay maamusho hawada,” ayuu yiri Ahmed Abdi, oo ah falanqeeye ku sugan Muqdisho. Wuxuu intaas ku daray in khasaaraha dhabta ah ee is-mari-waagan uu si toos ah ugu dhacayo qurba-joogta Somaliland.

“Go’aanka UK, iyo diidmada Somaliland, waxay sababayaan in Somaliland ay qurba-joogteeda ku qasabto inay bixiyaan laba lacagood,” ayuu yiri Ahmed Abdi. Wuxuu xusay in arrintani ay “dhaawacayso sumcaddeeda isla markaana ay dhibaataynayso dadkeeda.”

Hadalka cusub ee UK wuxuu leeyahay miisaan culus. Wuxuu si rasmi ah fariin ugu dirayaa shirkadaha diyaaradaha oo ah in e-visa-ha federaalku uu yahay barta kowaad ee hubinta dalka lagu galo.

In la isku xiro raacitaanka diyaaradda iyo haysashada fiisaha federaalka—xitaa duullimaadyada Hargeysa—waxay xaqiijinaysaa in Muqdisho ay maamusho iridda laga soo galo dhammaan safarrada hawada caalamiga ah ee dalka.

Inay UK la jaanqaaddo nidaamka e-visa-ha federaalka waxay sii xoojinaysaa mowqifka Muqdisho. Haddii aysan mas’uuliyiinta Somaliland helin xal kale oo ay kaga baxaan, dadkooda safarka ah ayaa sii wadi doona inay dusha ku ritaan kharashka nidaamkan “fiisaha labanlaabka ah”.

Maleeshiyo wejigada xeran oo weeraray qoysas Falastiiniyiin ah.

Arbaco 12, Nov 2025 {HMC} Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in afar qof la xiray ka dib markii tobnaan qof oo wejiga soo qarsaday ay weerareen xaafado ay deggan yihiin qoysas Falastiiniyiin ah oo ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

Iska hor imaad ayaa dhex maray iyaga iyo dadka deegaanka, waxaana loo diray ciidamada Israel si ay u dejiyaan qalalaasaha.

FESOJ Wraps Up Capacity-Building Training for Emerging Journalists in Kismayo.

0

Tuesday 11, Nov 2025 {HMC} The Federation of Somali Journalists (FESOJ) has concluded a 2 – day training workshop with young newly employed journalists on professional skills in Kismayo city, Jubbaland State.

 

In opening remarks, Farah Omar Nur, Secretary General of FESOJ pointed out the significance of the training is to improve the capacity of the young journalists especially in the ethics of journalism which is required to be practically adopted.

 

Twenty journalists, including female journalists, mainly young newly employed that have been selected from different media outlets in Kismayo city were the main participants of the two – day training workshop that was held at Hotel Maamuus from 5th to 6th November 2025.

 

During the 2-day training proceedings, the participants were presented with the main topics dealing with Journalism ethics, gender sensitive reporting, conflict sensitive reporting, how to make the various types of interviews, news and the value of the listeners, use of social media, – roles and critiques and combating disinformation.

 

Furthermore, during the sessions, both the facilitators and the trainees has jointly conducted discussions on new stories previously prepared and presented by the reporter and checked whether the standards for news preparation were followed or not.

 

The young journalists participating the training program have indicated the training has provided them lessons on the ways to follow when making news and reports, and in general working on the bases of ethics of journalism.

 

Furthermore, Prof. Omar Abdi from the Somali National University, Journalism Department, also delivered remarks during the closing session. He emphasized the importance of journalists continuously strengthening their professional skills and pursuing higher education to ensure the delivery of quality information and services to the community.

 

On his part, Farah Omar, Secretary General of FESOJ, noted that the training will have a significant impact on the professional growth of journalists in Kismayo, particularly those who have joined the media sector in recent years.

 

In conclusion, “The Federation of Somali Journalists (FESOJ) plays a vital role in building the capacity of journalists operating in Kismayo. I encourage all participating journalists to apply the knowledge you have gained in order to enhance the quality of your work.” The Minister of Information of the Jubbaland Administration, Abdifatah Mohamed Mukhtar, who officially closed the training pointed out.

 

In addition, FESOJ has concluded one – day training program with six trusted persons from three media houses held today on Friday, November 7, 2025 in Kismayo city, Jubbaland State.

 

The key purpose of the training program was to improve the trusted persons’ journalist’s awareness and understanding of labour rights and the importance of trade union, and to train the newly elected trusted person in their tasks to address the labour rights issues at the workplaces as well.

 

During the sessions, Ahmed Ali Mohamed, Head of FESOJ Training Department facilitating the session highlighted the significance of using written employment contracts between the journalists and the media managers and close cooperation between the working journalists and the management.

 

Furthermore, Halima Da’uud Mohamed, a member of the Trusted Persons Committee from Mogadishu, paid a visit to the Radio Kismayo and Puntland TV offices in Kismayo, Jubbaland State, to assess the overall labor conditions of the journalists working in these stations.

 

The training workshop for the young journalists and trusted persons is part of a series of capacity building program activities funded by the EU, supported by Free Press Unlimited (FPU) and implemented by FESOJ in cooperation with VIKES.

 

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- CXD oo soo faragaliyay xiisada Sh_Hoose iyo AS oo waayay rag iyo gaadiid.

0

Talaado 11,Nov 2025 {HMC} FALANQEYN:- CXD oo soo faragaliyay xiisada Sh_Hoose iyo AS oo waayay rag iyo gaadiid.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa lagu xaliyay tabashadii shaqaalaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho.?

0

Talaado 11,Nov 2025 {HMC} Maxaa lagu xaliyay tabashadii shaqaalaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} DEG-DEG:- Maxkamadda Ciidamada oo gaartay Degmadda Wala-weyn, Amarana soo Saartay.

0

Talaado 11,Nov 2025 {HMC} DEG-DEG:- Maxkamadda Ciidamada oo gaartay Degmadda Wala-weyn, Amarana soo Saartay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 11-11 -2025.

0

Talaado 11,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY