Home Blog Page 330

Maxay tahay sababta Baarlamaanka Israa’iil loogu qaybiyey nac-naca.?

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC}  Baarlamaanka Israa’iil ayaa dhageystay akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka soo jeedinaya ciqaabta dilka ah dadka lagu helo argagixisanimada – sharcigan oo macnaheedu yahay in ciqaabta dilka loo adeegsan karo falastiiniyiinta lagu helo weeraro ka dhan ah Israa’iiliyiinta.

Wasiirka amniga ee midig-fog, Itamar Ben-Gvir – oo Jewish Power party uu sharcigan soo bandhigay – ayaa u dabbaaldegay isniintii isagoo nacnac u qaybiyey ka dib markii sharcigan laga hor akhriyey 120 xildhibaan ee baarlamaanka oo ay u codeeyeen 39 cod.

“Kadib marka sharciga la ansixiyo – argagixsada waxaa ay mari doonaan cadaab,” ayuu yiri.

Hindisahan waa in laba jeer oo kale loo codeeyaa ka hor inta uusan sharci noqon.

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday Heshiisyo Muhiim ah.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyo ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka, waxaana heshiiska ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu uga mahadceliyay dhiggiisa Aljeeriya yabooha deeq waxbarasho oo gaareysa 500 oo arday oo ay ka faa’ideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka u ah Soomaaliya, sida Beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo sheegay inuu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, islamarkaana Soomaaliya ay rajaynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan.

Guddiyada Miisaaniyadda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la qaateen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Guddiyada Miisaaniyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalintii saddexaad ku howlan ka soo tala bixinta warbixinta iyo xisaab xirka Miisaaniyadda 2024-ka, ayaa Maanta waxay kulan kale oo isla-xisaabtan ah la qaateen Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale, iyo xubno kale oo xafiiskaas ka tirsan.

Kulanka ayaa Hanti-dhowraha Guud lagu waydiiyay su’aalo iyo warbixinno dheeri ah oo ku saabsan arrimaha xisaab xirka Miisaaniyadda 2024-ka, hufnaanta baarista hay’adaha dowladda, iyo su’aalo kale oo muhiim ah, kuwaas oo si buuxda uga jawaabeen isaga iyo xubnihii kale ee la socday.

Intaas kadib, xubnaha Guddiyada Maaliyadda labada aqal ayaa dood iyo falanqayn dheer kadib isla-gartay in warbixinta xisaab xirka Miisaaniyadda 2024-ka lagu soo bandhigo akhrinta labaad ee Golayaasha, si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyayaasha Guddiyada Maaliyadda ee labada gole, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan.

Mid kamid ah Diyaaradaha militari Turkiga oo burburtay.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Diyaarad xamuulka qaada ah oo ay leeyihiin militarig Turkiga ayaa ku burburtay xuduudda u dhaxeysa Georgia iyo Azerbaijan Diyaaradan oo nooceedu yahay A C-130 oo ku soo socotay dalka Turkiga.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa shaacisay in diyaaradda ay saarnaayeen 20 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay inay socdaan dadaallada lagu baadigoobayo burburka diyaaradii ku burburtay xadka labada dal. Edogan waxa uu yiri “Waxaan rajaynaynaa in aan shilkan ka smatabixi doono , Illaahay ha u naxariisto shuhadadayada”.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa isna dhankiisa ka tacsiyeeyay geerida ku timid, isagoo yiri “Waxaan aad uga xunahay warka murugada leh ee askarta shahiiday”.

Wasaaradda Difaaca turkiga ayaa ku dhawaaqday in dadaallada baadigoobka iyo samatabbixinta ay bilaabeen iyadoo la kaashanayo Azerbaijan iyo mas’uuliyiinta Georgia.

Itoobiya oo xabsiga dhigtay in ka badan boqol qof oo lagu heysto xawilaadaha lacagaha.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in dhowr habeen iyo maalinba ay ku guda jireen howlgallo qarsoodi ah oo lagu baadhayay dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen falal musuqmaasuq ah iyo shirqoollo ka dhan ah hantida iyo maaliyadda dalkaasi.

Waxaa la sheegay in howlgalladan lagu fuliyey si qarsoodi ah, xog kasta oo muhiim ahna si sir ah loo ururinayay, si loola socdaan dadka falalkaas ka dambeeya.

War-saxaafadeed laga baahiyay telefishanka dawladda ee EBC ayaa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranku ay caddaysay in howlgalladaas ay kaashanayaan qaybaha maaliyadada, Booliska Federaalka, hay’adaha amniga ee gobollada iyo islamarkaana lala kaashaday shacabka si loo helo dadka lagu eedeeyay in ay arrimahan ku lug leeyihiin.

Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay in 112 muwaadiniin Itoobiyaan ah iyo kuwo shisheeye ah oo kala duwan lagu qabtay howlgalladan, kuwaas oo lagu samaynayo haysto baadhitaanno dheeraad ah.

“Lacagaha ku jira akoonnada bangiyada ee dadka falalka sharci-darrada ah ku lugta leh oo gaadhaya 519 ayaa la xannibay. Sidoo kale, dukumentiyo cadeyn u ah dambiyada ayaa la qabtay oo hadda gacanta ayay ku ugu jiraan saraakiisha amniga,” ayaa war-saxaafadeedku ku lagu yidhi, isagoo intaas ku daray in tallaabooyinkan ay ka mid yihiin dadaallada joogtada ah ee dowladda Itoobiya ku ilaalinayso hantida iyo maaliyadda dalka, lagagana hortagayo musuqmaasuaqa.

Wuxuu sheegay in ay dhaceen falal la xidhiidha xawilaadaha sharci darrada ah, dhaqidda lacagta, wax isdabamarinta sarrifka lacagaha qalaad, lunsashada canshuuraha iyo been abuurka lacagaha sharci darrada ah.

Xaawaladahan awgood ayaa Itoobiya ay sheegtay in waxyeello weyn ay soo gaadhay dhaqaalaha dalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in lacagahan lagu taageero argagixisada iyo kooxo kale. Si gaar ah, waxa uu u xusay ururrada caalamiga ah ee xawilaadda lacagaha sharci darrada ah, aaladaha loo adeegsado dirista lacagaha, kuwa lacagta dijitaalka ah iyo dillaaliinta.

Wuxuu sidoo kale sharraxay in ganacsatada ku lugta leh dirista lacagta dibadda iyo keenista dalka ay maamulayeen kharashaadka ganacsiga iyo dakhliga iyagoo adeegsanaya xawilaado sharci darro.

Wuxuu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono dadka ku lug leh falalkan sharci-darrada ah.

Dhallinyarada Itoobiya ayaa lagu amray in aanay lacag badan oo sarrif ah oo dibadda laga keenay dalka u gudbin iyagoo jebinaya sharciga bangiga dhexe, si aanay lacagtaas dalka u soo gelin.

Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in hay’adaha isticmaala lacagaha la isugu diro qaab aan sharci ahayn ay ka mid yihiin kuwa tallaabada laga qaaday.

Sidoo kale, milkiilayaasha hay’adaha gudaha dalka ee isticmaala barnaamijyada xawilaadaha sharciga baal marsan ah ayaa sla sheegay

Bangiga dhexe ee dalka Itoobiya ayaa caddeeyey in tallaabo laga qaadi doono dadka sharci-darrada ku isticmaala barnaamijyada cryptocurrency iyagoo jebinaya sharciga bangiga dhexe islamarkaana aan haysan wax rukhsad ah , si ay lacagahaasi u sarrifaan.

Waxaa la sheegay in hawlgalladaas sharci-darrada ah ay carqaladeeyeen mashaariicda waaweyn ee dawladda, waxayna abuureen cabasho ka dhan ah dawladda, taasi oo halis gelisay amniga dalka iyo dhaqaalaha qaranka, sidaas darteed tallaabo adag ayaa la qaadi doonaa ayaa war-saxaafadeedku uu intaas raaciyay.

Bangiga dhexe ee Itoobiya ayaa hore u sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh xawilaadda lacagaha sharci-darrada ah.

Sannadkan gudihiisa ayaa Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxa uu ku baaqay in afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka lagu sameeyo baaris. Bangiga ayaa sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan in ay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.

Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeynayo in ay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka hawlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.

Sida lagu sheegay qoraalka, “shirkadahan lacagaha xawila waxa ay ka uruuriyaan lacag jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Mareykanka, ka dibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale”.

Bangiga waxa uu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci darro ah iyo in ay maalgeliyaan howlo aan sharci aheyn”.

Doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la fiiriyo lacagaha qalaad ee soo gala dalka.

Xigasho BBC

President Hassan Sheikh Holds High-Level Talks with Algerian Counterpart in Algiers

November 11, 2025(HMC)  The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, who is on an official visit to Algeria, was warmly received today at the Al-Mouradia Presidential Palace by the President of the People’s Democratic Republic of Algeria, H.E. Abdelmadjid Tebboune.

The welcoming ceremony featured the national anthems of both nations and a guard of honor presented by Algerian military units. The two Heads of State later held a private meeting, followed by extensive bilateral talks attended by senior officials from both sides.

The discussions focused on strengthening cooperation between Somalia and Algeria in key areas including security, economy, education, health, culture, and diplomacy.

President Hassan Sheikh Mohamud expressed his gratitude to President Tebboune and the Algerian people for their warm hospitality, noting that the visit reflects the growing and historic ties between the two brotherly nations.

For his part, President Abdelmadjid Tebboune commended the Somali government for its ongoing efforts toward peace, stability, and reconstruction, reaffirming Algeria’s commitment to deepening its partnership and solidarity with Somalia.

Source Sonna

           

Deputy Prime Minister Attends Launch of Somalia’s Economic and Social Acceleration Project

November 11, 2025(HMC)  The Second Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Jibril Abdirashid Haji Abdi, attended the signing ceremony of the Somalia Economic and Social Acceleration Project, a joint initiative between the Federal Government of Somalia, the United Nations Development Programme (UNDP), and several Somali private sector companies.

Deputy Prime Minister Jibril hailed the project as a clear example of effective collaboration between government institutions, the business community, and international partners to achieve sustainable development and create opportunities for the Somali people.

“This project is more than just a development programme—it is a living example of how government entities, private businesses, and global partners can stand together behind a shared vision,” he said.

He reaffirmed the government’s commitment under the DanQaran administration to fostering an open and enabling business environment through reforms in taxation, trade regulations, and investment policies to promote innovation and local entrepreneurship.

The project will focus on strengthening the business climate, youth employment, and digital development. Over 1,000 young Somalis will receive vocational and digital skills training to enhance their employability or start their own businesses, while 500 Somali enterprises—many led by women and youth—will directly benefit from the programme.

Source Sonna

      

Prime Minister Hamza Meets German Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

Tuesday November 11, 2025(HMC)  The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre, today received the Ambassador of the Federal Republic of Germany to Somalia, Sebastian Groth, in his office.

The meeting focused on enhancing bilateral cooperation in the areas of security, investment, and economic development.

Prime Minister Hamza thanked the Government of Germany for its continued support to the Somali people and government. Ambassador Groth reaffirmed Germany’s commitment to deepening the longstanding friendship and partnership between the two nations in pursuit of shared goals.

Source Sonna

   

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliy oo Qasriga Madaxtooyada Aljeriya Siweyn Loogu soo dhaweeyay.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Almuradiya, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.

Munaasabadda soo dhoweynta ah ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada dalkaas ay salaan sharaf siiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo intaas kaddib kulan gaar ah la qaatay Dhiggiisa Mudane Cabdulmajiid Altabbuun.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in booqashadani ay astaan u tahay kobaca xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku xaqiijinayso xasillinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Aljeeriya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya walaalahooda Soomaaliya.


DHAMMAAD

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Balad qaad Cusub u Sameeysay.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sareeyo oo lagu xoojinayay hirgelinta NDC-yada (Nationally Determined Contributions), iyadoo la kaashanayo nidaamka Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku tilmaamay in Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, aysan u arkin tallaabooyinka lagu wajahayo cimilada inay yihiin ikhtiyaar, balse ay yihiin isbedel nololeed lagama maarmaan ah oo dalka u horseedaya adkeysi iyo horumar waara.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay NDC 3.0 u beddesho natiijooyin la taaban karo, iyadoo la xoojinayo iskaashiga, la kordhinayo maalgelinta cimilada, isla markaana la hirgelinayo qorshayaal ay si toos ah uga faa’iideysanayaan beeraleyda, kalluumaysatada, xoolo-dhaqatada iyo dhalinyarada, kuwaas oo ah laf-dhabarta adkeysiga cimilo.

Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa ballanqaadka cusub ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan taageerada dalalka xilliga fulinta ee NDC-yada, taas oo si buuxda ugu jaan go’an yoolalka horumar waara iyo adkeysiga mustaqbalka.