Home Blog Page 331

Maxaa keenay in Israa’iil ay ka walaado diyaaradaha uu Sacuudigu ka iibsanaayo Mareykanka?

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujin doonaa isbeddelo waaweyn oo ku yimaadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, sidoo kalana wuxuu keeni karaa caqabado ku wajahan dhinaca milateriga Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan Sacuudiga waxaa lagu dari karaa shuruudo iyo xarrimo kale oo lagu hubinayo awoodda millateri ee Israa’iil ee gobolkaas.

Trump wuxuu doonayaa in uu dhammystiro qorshahan maaddaama uu fahamsan yahay hoggaanka Sacuudiga. Mubarak Al-Attiyah ayaa sheegay in Trump uu aamminsan yahay in hadafka Sacuudiga uu ka badan yahay ilaalinta xuduudaheeda.

Al-Attiyah ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Trump uu sidoo kale ogyahay in Sacuudiga oo ka duwan waddamda kale ee gobolku aanay lahayn ujeeddooyin kale oo ballaadhan.

Khubaradu waxay sheegayaan in Israa’iil aanay dooneyn in Maraykanku ka iibiyo Sacuudiga diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Sida ay warbaahinta Israa’il ku warrantay, heshiiskan wuxuu noqon karaa halis weyn oo amniga Israa’iil ka dhan ah mustaqbalka haddii xidhiidhkeeda dalalka kale ee Bariga Dhexe aanu ku socon sidii caadiga ahayd.

Laakiin marka laga hadlayo Sacuudiga, Mubarak Al-Attiyah waxa kale oo uu aamminsan yahay in aanay doonayn in ay bedesho siyaasaddeeda iyo masuuliyadeeda ku aaddan arrimaha dalalka Carabta waqtigan.

Arrinta ugu muhiimsan waa Falastiin, Sacuudiguna wuxuu aamminsan yahay in dal madax bannaan oo Falastiiniyiint8u leeyihiin la dhiso iyadoo la tixgelinayo xuduudihii 1967.

Tani waa shuruud aasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallo kasta ee ku aaddan mustaqbalka Bariga Dhexe.

Mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya oo La saxiixay.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qayb galay munaasabadda saxiixa mashruuca Dardargelinta Horumarka Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Soomaaliya, oo lagu hirgelinayo iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, iyo Qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsi ee dalka .

Mudane Jibriil, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tusaale muuqda oo muujinaya sida ay isku kaashan karaan, dhinacyada kala duwan ee dawladda, ganacsatada iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo gaaro hal ujeeddo oo ah horumar waara iyo fursado loo abuuro shacabka Soomaaliyeed.

“Mashruucan ma aha oo keliya barnaamij horumarineed; waa tusaale cad oo muujinaya sida hey’adaha dawliga ah, ganacsatada, iyo saaxiibbada caalamiga ah ay isu garab taagi karaan hal hadaf,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka.

Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka, ayaa carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga go’an tahay abuurista deegaan ganacsi oo furan, iyada oo dib-u-habeyn lagu samaynayo shuruucda, canshuuraha, iyo nidaamyada ganacsiga, si loo fududeeyo maalgashiga iyo hal-abuurka gudaha.

Mashruucan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya xoojinta deegaanka ganacsiga, shaqo-abuurka dhallinyarada, iyo horumarinta dhijitaalka. In ka badan 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa heli doona tababaro xirfadeed iyo dhijitaal ah, si ay u helaan shaqooyin ama u abuuraan ganacsiyo madax-bannaan, halka 500 ganacsi Soomaaliyeed – oo intooda badan ay hoggaaminayaan haween iyo dhallinyaro – ay si toos ah uga faa’iidaysan doonaan barnaamijka.

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista oo War ka soo saartay cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa ku guuleystay xalinta cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo keentay in shaqaalihii garoonka ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii si habsami leh.

Intii uu socday kulanka, wafdiga Wasaaradda ayaa si dhow u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo iyo maamulka garoonka.

Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, waxaa la isla gartay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa.

Tallaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah:

•Wasiirka ayaa faray shirkadda maamusha garoonka inay si degdeg ah wax uga qabato qodobadii ay shaqaaluhu tabashada ka muujiyeen.

•Waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, iyadoo lagu amray inayn mar dambe soo laaban cabashooyin la mid ah.

•Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ballanqaadday inay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqaalaha, si loo hubiyo ilaalinta xuquuqdooda iyo hufnaanta howlaha garoonka.

•Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaad iyo masuuliyad, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan shaqadooda si daacadnimo iyo waddaniyad leh.

Wuxuu xusay in Wasaaraddu ay mar walba ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha, si loo hubiyo in adeegyada duulimaadyada dalka ay u socdaan si nabad iyo nidaam leh.

Mogadishu’s Aden Adde Airport workers strike over dismissals, demand government intervention

Tuesday November 11, 2025(HMC) Operations at Aden Adde International Airport were disrupted Tuesday after workers went on strike to protest the recent dismissal of several employees by Favori LLC, the Turkish company managing Somalia’s main airport.

According to reports from inside the facility, at least 15 employees were laid off, sparking outrage among their colleagues. During the protest, striking workers displayed the names and identification cards of those dismissed, demanding their immediate reinstatement.

 

Dressed in their airport uniforms, the workers marched and chanted inside the terminal area, accusing the management of unfair labor practices.

 

“The decision to dismiss our colleagues was illegal and has affected the daily operations of the airport,” one worker told reporters.

The protesters called on the Federal Government of Somalia to step in and mediate the dispute, urging authorities to ensure that due process and workers’ rights are respected.

Neither Favori nor Aden Adde Airport’s management has issued an official statement regarding the layoffs or the strike.

The situation remained tense as of Tuesday afternoon, with striking workers refusing to return to their posts until their grievances are addressed. The protest has raised concerns about potential disruptions to flight operations at one of the busiest airports in the Horn of Africa.

Source Hiiraan Online

RW Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya.

0

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth.

Kulanka, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, ee dhinacyada amniga, maal¬gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jarmalka, taageerada ay siiso Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire, Groth ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, isla markaana ay ka go’an tahay dhankooda in ay sii xoojiyaan, si loo gaaro yoolasha la hiigsanayo.

Daacish oo weli xoolo nool ka helayo Buuraha Calmiskaad

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Ilo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ururka Daacish uu weli xoolo nool ka helo dad reer miyi ah oo ku nool dhulka buuraleyda ah ee ku teedsan Buuraha Calmiskaad, inkasta oo deegaanadaas hore looga xoreeyay kooxdaasi.

Arrintan ayaa loo arkaa mid dhabar jab weyn ku ah dadaallada lagu doonayo in gebi ahaanba looga sifeeyo Daacish togga Baallade, halkaas oo la rumeysan yahay in ay weli ku dhuumaaleysanayaan koox yar oo iska caabin adag kala hortagta ciidamada amniga Puntland.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in dadka reer guuraaga qaarkood ay dhaqaale ka helaan xoolaha ay si toos ah ugu iibiyaan Daacish, iyadoo hal neef lagu kala gato lacag ka badan laba ama saddex jibbaar qiimaha suuqa. Xilligan adag ee abaaruhu saameeyeen ayaa la sheegay in saboolnimada iyo baahida jirta ay dhiirrigelisay in qaar ka mid ah xoolo-dhaqatadu la macaamilaan kooxda Daacish.

Inkasta oo hay’adaha amniga Puntland horey uga digeen xiriirka lala yeesho Daacish, haddana dadaallada lagu doonayay in go’doon buuxa lagu saaro kooxdaasi wali si buuxda uma hirgelin. Goobihii dhowaan laga xoreeyay Daacish ayaa ciidamada amnigu ka heleen meelo ay Daacish ku qasheen dhowr neef oo ari ah, taasoo muujinaysa in Daacish ay weli ku tiirsan yihiin taageerada iyo macaamilka dadka deegaanka.

Dhawaan, maamulka Puntland ayaa soo saaray amar ah in laga guuro tuulada Tasjiic iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bari, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay hoy u yihiin dad xiriir la leh Daacish. Balse qorshahaas ayaa fashilmay, kadib markii dadka deegaanka sheegeen inaysan haysan meel kale oo ay u guuraan.

Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay, ciidamada Puntland ayaa la kulmay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay iska caabin ay kala kulmeen Daacish. Kooxda ayaa qoraal iyo sawirro ay baahiyeen ku sheegtay inay lix jeer fashiliyeen weerarro ciidanka Puntland ku doonayeen inay ku qabsadaan ceelka Baarakalaah, ayna dileen toban askari oo ka tirsan ciidamada amniga Puntland.

Midowga Yurub oo sheegay lasocdaan dhaqdhaqaaqa Burcad badeedda Soomaalida

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sheegay in uu la socdo dhaqdhaqaaqa Kooxahaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay isku dayay in ay afduubtaan Maraakiib marayay xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ka baxsan.

Midowga Yurub ayaa sheegay in maraakiibtooda ku sugan Biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya in ay dusha kala socdaan Maraakiibta & Doomaha Ganacsiga ee u nugul in ay afduuban karaan Kooxaha Burcad Badeedda sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ayaa meesha ka saaray in ay jirto awood buuxda oo Kooxaha Burcad badeeddu xiligaan u leeyihiin sidii ay duullaan joogta ah ugu qaadi lahaayeen Maraakiibta ay damacsan yihiin in ay afduubtaan.

Dhacdooyinkii koobnaa ee dhowaan dhacay ayay ku tilmaameen kuwo mar dhif ah dhici kara iyada oo kooxaha Burcad Badeedda ay ka feejigan yihiin tallaabada ay kala kulmi karaan maraakiibtooda ku sugan Badweynta Hindiya.

Hay’adda la socodka badaha ayaa sheegtay in aysan jirin halis cabsi badan abuuri karta oo laga qabo Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida xitaa iyaga oo gaystay labo weerar oo ay ku guuldaraysteen in ay ku qabsadaan maraakiibtaas.

Hindiya jawaab ka bixin doonto qaraxii ka dhacay Delhi

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Hindiya Amit Shah oo tagay goobta uu ka dhacay qaraxa galaaftay nolosha 9 qof isla markaana sababay dhaawaca 20 kale ayaa ku hanjabay in ay tallaab culus oo ka dhan ah ficilkaas ay qaadayaan.

Amit ayaa sheegay in weerarkaas loo adeegsanayo xeerka la dagaalka Waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ si ciqaab adag loo mariyo Dadkii abaabulay ama wax ka ogaa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hindiya.

 

 

Laamaha ammaanka ee Delhi ayuu faray in ay si degdeg ah usoo gudbiyaan natiijo lagu qanci karo oo dhan weliba laga soo hubiyay maadaama tallaabada jawaabta ah ee la qaadayo ay tahay mid aad u culus sida uu yiri.

“Waxa aan baaraynaa dhammaan suurtagalnimada weerarkaan, waxaana samayn doonnaa baaritaan dhameystiran oo dhinac kasta laga eegayo. Waxa aan u adeegsan doonnaa qodobka qeexaya la dagaalanka argagixisada, natiijooyinkana shacabka ayaan la wadaagi doonnaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Hindiya Amit Shah.

Weerarka ka dhacay Magaalada Delhi gaar ahaan Agagarka Red Fort waxa uu dadka dib u xusuusiyay weerar sidaas oo kale uga dhacay dhowr iyo toban sanno kahor oo lagu beegsaday ajaanib dalkaas joogtay.

Shaqada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo hakad u gashay.

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Shaqaale katirsan kuwa ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta shaqo joojin ka sameeyay garoonkaas kaddib markii ay sheegeen in qaar kamid ah dadkii ay wada shaqaynayeen ay erisay Shirkadda Favori.

Dibadbax kooban ayay ka dhigeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo farageliso waxa ay isku hayaan iyaga iyo shirkadda Favori.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, shaqaalaha la eryay ayaa Magacyadooda iyo nambarada aqoonsiga ay ku shaqeeyaan la shaaciyay, waxa ay tiradoodu gaaraysaa ilaa 15 qof sida ilahaas ay ku warrameen.

Muuqaallo laga soo duubay oo lasoo geliyay baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqday shaqaale xiran dharka gaarka u ah shirkadda Favori oo aanay wax shaqo ah hayn, tani waxa ay muujineysaa gadoodka ay sameeyeen.

Ma jiro war kasoo baxay maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho iyo shirkadda Favori oo muddo gacanta ku haysa maamulidda Garoonkaan maadaama shaqaalahaan ay ka cabanayaan.

Somali–Algerian Relations: Towards a Renewed Partnership in Security, Development, and Education

Tuesday November 11, 2025(HMC)The Federal Republic of Somalia and the People’s Democratic Republic of Algeria continue to strengthen their long-standing bilateral relations through the official visit of His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud to Algeria, at the invitation of President Abdelmadjid Tebboune. The visit marks an important step in enhancing joint cooperation in the fields of security, trade, and education, and in revitalizing diplomatic engagement between the two countries amid rapidly changing regional dynamics.

The visit reflects the commitment of both sides to deepen the fraternal ties that unite the Somali and Algerian peoples—two nations bound by a shared history of anti-colonial struggle and a strong sense of belonging to both the Arab and African spheres. It also crowns a series of renewed political engagements over recent years, during which Somalia has regained its regional standing and Algeria has reinforced its diplomatic presence across the African continent.

In the field of security, the talks between the two countries carry particular importance. Both sides aim to exchange expertise in counterterrorism and the fight against violent extremism, while strengthening the capacity of their security institutions to promote stability in both the Horn of Africa and the Sahel region. Algeria is recognized as a pioneer in security strategies and national reconciliation, offering valuable experience for Somalia, which continues to wage a comprehensive campaign against extremist groups.

Economically, new horizons are opening for joint investments, trade exchanges, and the activation of cooperation agreements between the two nations’ chambers of commerce. The visit is also expected to explore opportunities for establishing direct air and maritime routes to boost trade and facilitate the movement of people and goods between Mogadishu and Algiers.

In the education and cultural sectors, Somalia seeks to enhance cooperation with Algerian universities, enabling Somali students to pursue higher education in Algeria, particularly in fields such as medicine, engineering, and political science. Algeria is highly regarded in Somali circles for its continuous support of Arabic and Islamic education across Africa.

President Hassan Sheikh Mohamud’s visit to Algeria goes beyond protocol—it represents a turning point in Somali–Algerian relations and an opportunity to establish a strategic partnership based on shared interests and mutual growth in the areas of security, development, and education, serving the two brotherly nations and the broader African continent.

Source Sonna