Home Blog Page 3292

Xog Sirdoon: Israa’iil ma sii ogeyd in weerar ku soo socdo?

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay uga sii digtay israa’iil in uu ku soo socdo dagaal xoog leh seddex maalmood ka hor intii aysan Xamaas xudduudda ka soo gudbin oo aysan weerarka ku qaadin sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddi hoosaad ka tirsan aqalka koongareeska Maraykanka.

Madaxa guddi hoosaadka aqalaka wakiillada Maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda Michael McCaul ayaa warfidiyeenka uga warramay digniintaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wararkaas ku tilmaamay “Been cad”.

Waxaa sidoo kale aad isha loogu hayaa sirdoonka Israa’iil sidii ay ugu guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarkii ugudhimashada badnaa ee mintidiin Falastiiniyiin ah ku qaadaan Israa’iil muddo 75 sano ah.

“Waxaan ognahay in Masar ay u digtay Israa’iil seddex maalmood ka hor in dhacdadaas oo kale ay dhici karto” ayuu ku yiri McCaul saxaafadda ka dib shir arrimaha sirdoonka ku saabsan oo albaabadu u xirnaayeen oo sharci dejiyeyaashu ay ka yeesheen xiisadda bariga dhexe sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

“Ma doonayo in aan aad ugu dheeraado xogta sirta ah, laakinse diginin ayaa la bixiyey” ayuu yiri mudanahaas ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Texas. “Waxay ila tahay in su’aashu noqonayso ilaa heerkee gaarsiisnayd” ayuu sii raaciyey.

McCaul wuxuu intaa ku daray in laga yaabo weerarka in la sii abaabulay muddo lagu qiyaasi karo sannad ka hor. “Ma hubno sida ay noo seegtay. Ma hubo sida ay Israa’iil u seegtay” ayuu ku yiri warfidiyeenka.

Xukuumadda Masar si rasmi ah ugama aysan hadlin in ay diginin siisay Israa’iil, laakinse warbaahinta dalkaas oo xiriir dhow la leh sirdoonka ayaa qaar ka mid ah waxay qorayeen akhbaartaas Arbacadii.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masaarida ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in Qaahira in “wax weyn” laga soo abaabulayo Qasa.

“Waxaan uga dignay in xaalad qarax ah ay soo socoto oo ay goor dhacayso, ayna weyn tahay , laakin way fududaysteen digniintaas” ayuu yiri sarkaalkaas oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Sarkaalkaas wuxuu sheegay in saraakiisha Israa’iil ay iska indha tireen Qasa oo taa beddelkeeda ay diiradda saareen daanta galbeed.

Sida uu sheegayo wargayska the Financial Times oo soo xiganaya laba sarkaal oo aan magacooda la sheegin oo arrinta si fiican ula socda, ma jirin sirdoon aad u adag oo la xiriira weerar gooni ah inuu dhici doono.

Arbacadii ayaa Mr Netanyahu wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Israa’iil ay heshay digniin gaar ah ka hor intii uusan weerarku dhicin “gabi ahaanba war been abuur ah”.

“warbixinta sheegaysa in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu goor hore farriin ka helay Masar waa mid gabi ahaanba been ah” ayaa lagu yiri qoraal baraha bulshada la soo dhigay. “. “Ma jirto Farriin goor hore Masar ka timid Masar, ra’iisul wasaarahana marnaba lama hadlin lamana kulmin madaxa sirdoonka Masar tan iyo markii xukuumadda la sameeyey, si toos ah ama si dadban”

Masar oo koontaroosha cidda soohdinteeda uga soo gudbaysa Qasa ayaa inta badan waxay kaalin dhexdhexaadineed ka qaadataa Israa’iil iyo iyo Xamaas

Yaakov Admirov oo ah la taliyihii hore ee amniga qaranka ee Netanyahu ayaa ku tilmaamay “guul darro weyn”. “Hawlgalkan wuxuu banaanka soo dhigay in awoodda sirdoonka Israa’iil aysan fiicnayn” ayuu yiri.

Wuxuu ka gaabsaday inuu sharraxo guul darrada, wuxuuna sheegay in ay tahay in cashar laga barto marka hawlgalka milateriga uu ku guulaysto hadafyadiisa muhiimka ah.

Warararkii u dambeeyey Khasaaraha Ka Dhashay dagaalka Israel iyo Falastiin oo kordhay

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Xisbullaah ayaa baahiyay muuqaal aan caadi aheyn kaasoo ay askar Yuhuud ah ku beegsanayaan Gantaal culus, xili gantaalka uu si halhaleel ah ugu dhacay askarta.

Dowlada Malesia, Xukuumad, Baarlamaan, Muxaafid iyo Mucaaradba ayaa maanta isku raacay in wado kasta loo maro sidii loogu gurman lahaa shacabka Falastiin iyo in Ciidamo loo diro halkaassi ay uga hortagaan gumaadka ay Israel ku wado shacabka Falastiin.

In ka badan Hal Malyan oo dhalinyaro Malesian ah ayaa sidoo kale isku dhaarsaday in Israel dhanka Tiknolijiyada ka weeraraan, malaayiintaan Maleesiyaanka oo u badan Hockers ayaa qorsheynayo iney beegsadaan Nadaamka Electronicga ee Israel.

Dhimashada Israel dagaalkan ka soo gaartay ayaa fiidkan gaartay 1,200 kuwaasoo 169 kamid ah yihiin Askar, waa sida ay sheegteen Israel.

Dhanka dhaawaca Wasaarada Caafimaada Israel waxay sheegtay inuu kor u dhaafay 3,000 oo qof kuwaasoo 345 kamid ah dhaawacyadooda halis yihiin halka 28 kalana quus laga joogo sii noolaanshahooda.

Wasaarada Caafimaadka Falastiin ayaa iyana sheegtay in geerida duqeymaha Israel ka wado Gaza ay gaartay 1,100 qof dhaawacuna sii cagacageynayo in ka badan 5000 kun, waxayna Wasaaradu intaas ku daratay in ciidamada Israel duqeeyeen xarunta bisha Cas ee Falastiin iyo goobo kale oo ay gabaad ka dhiganayeen shacab barakacay oo Falastiiniyiin ah.

Khubaro dhanka Milatariga ayaa sheegay in Gantaalka Difaaca Israel uusan aheyn mid kalsooni buuxda lagu qabo karo maadaama uu awood u leeyahay kaliya 65% gantaalada kusoo foosha leh inuu burburiyo, tani ayaana ka dhigan 100-kii Gantaal ee ay Xamaas rido in 35 kamid ah ku dhacayeen bartilmaameedyadii loogu talo galay.

Xamaas ayaa sheegtay iney maanta mar kale Israel magaalooyinkeeda ku weerartay illaa shan kun gantaal ayna gudaha Israel galisay dagaalyahano cusub,

Israel ayaa qiratay in guutooyinka Al-Qasaam wali ku sugan yihiin qeybo kamid ah Saldhigyadii iyo deegaanadii ay labadii maalin ugu horeysay qabsadeen. Arintaas ayaana meesha ka saareysay wararkii ay shalay baahiyeen ee ahaa iney dib ula wareegeem deegaanadii horay looga qabsaday.

Khabiirada dhanka Milatariga ee Israel ayaa isku raacay dhammaantooda in Howlgalkii Xamaas ee Duufaanta Al-Aqsaa uu ahaa howlgal 100% guuleystay, haatana aysan sahal aheyn in laga guuleysto ayagoona dhowr sababood arintaas u soo qaatay

 

Maamulka Puntland oo sharraxaad ka bixisay arrin buuq dhalisay

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Musadaq Saadiq ayaa soo saaray war xasaasi ah oo buuq xoogan ka dhex dhaliyay baraha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeneka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri Fudeed Siyasadeed , Qofka Siyaasiga ah waa in uu miisaamaa Hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa inuu ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii lagaarin”

Hadalkan ayaa waxaa dad badan ay u fasirteen inuu ugu jawaabayo hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo isna ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Puntland kadib markii uu shaaciyay in doorashada soo socota ee Puntland aysan ka dhici doonin deegaanada maamulkiisa.

Maxamed Musadaq Saadiq oo qoraal kale soo saaray ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedka hadalkiisa wuxuuna sheegay inuu la hadlayay mucaaradka Puntland ee shalay shirka ku qabsaday magaalada Garoowe, kuwaas oo ku goodiyay inay burbureyso Puntland, haddii doorashada soo socota lagu qaban waayo xilligeeda.

Dadka Soomaaliyeed Fududaa war waxaan ka hadlayey Mucaaradka Puntland oo shalay ka hadlay Garowe Gaar ahaan Siyaasiyiinta Doonaya Xilka Madaxweyne oo Khudbadahooda u ekaayeen dagaal ogayaal” ayuu ku yiro sharraxaddiisa dambe wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay mucaaradka inay si dajiyaan, maadaama ay weli doorashada ka harsan tahay saddex bil.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Firdhiye uu yahay mas’uul sare oo maamulka maamulka Khaatuma, isla-markaana arrintan ay u taalla reer Puntland oo dhan.

“Firdhiye ma aha Siyaasi oo xil hayn ee waa Masuul Maamula Khaatumo ,Siyaasi waxa ladhahaa waa Qof aan Xil hayn , waxyaalaha aan waqtigeeda lagaarina waa Doorashada sababtoo ah Dawlada Mandate Sadex bilood ah ayey haysataa ee Hala isdajiyo , Arinta Khatumo Waxa ay U taal waa Reer Puntland oo dhan waana arin lagu xalin karo Wadatashi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo adag, waxaana ugu sii darsantay arrinta SSC, maadaama go’aanka ay qaadatay uu sameynayo doorashadeeda.

 

Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo isku raacay musharaxa u taagan afhayeenka aqalka wakiillada

Khamiis , October -12- 2023-{HMC}  Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ayaa iska dhex doortay musharaxa u tartami doona jagada afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, ka dib markii toddobaadkii hore si lama filaana xilka looga qaaday afhayeenkii hore Kevin McCarthy.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa cod qarsoodi ah ku doortay xildhibaan Steve Scalise, waxaana xisbiga dhexdiisa kula tartamayey Jim Jordan oo haatan ah guddoomiyaha guddi hoosaadka guddida Garsoorka ee aqalka wakiillada.

Xildhibaan Steve Scalise ayaa hortegi doona fadhiga guud ee aqalka wakiillada Maraykanka, isaga oo xilkaas ku guulaysan doona haddii uu helo aqlabiyadda mudanayaasha golaha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa tiro aad u yar ku hoggaaminaya aqalka wakiillada, iyaga oo haysta 221 mudane, halka xisbiga Dimoqraadigu haysto 212 mudane.

Waa Kee Dalka reer galbeed ah ee ka hor yimid xasuuqa Israel ka wado Gaza?

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida bani aadamnimada ka baxsan ee ciidamada Israel u duqeynayaan shacabka Falastiin ee ku dhaqan magaalada Go’doonsan ee Gaza.

“Xaaladda Qaza waa mid aad u xun, mana aha in ciqaab wadareed lagu sameeyo in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza” ayuu yiri wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay si siman in loola dhaqmo shacabka Israel iyo Falastiin, isagoo xusay inuu ka walaacsan yahay xaalada sodohdiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa oo ku go’doosan degaanada ay weerartay Xamaas ee Israel.

“Waxa aan u baahanahay hoggaamiyeyaasha inay sameeyaan waa inay ula dhaqmaan nolosha Israel iyo nolosha Falastiin si siman. Sida aan uga walaacsanahay soddohdayda, waxaa jiri doona dad ka tirsan bulshada Yuhuudda ee Scotland oo ka welwelsan qoysaskooda Israa’iil,” ayuu yidhi.

Waxaa uu sheegay in Xamaas ay tahay koox yar oo aan qalmin in loo ciqaabo shacabka Falastiin oo dhan.

“Ciqaabta wadajirka ah ee ragga, haweenka iyo carruurta si fudud looma caddeeyo. Aqlabiyadda tirada badan wax shaqo ah kuma lahan Xamaas.”

Ka dib weerarkii Xamaas Israel ayaa duqeyn aan kala sooc laheyn ka wada Gaza, iyadoo ka jartay korontada, biyaha, cuntada, Korontada iyo waxyabaha kale ee daruuriga, waxaana duqeymaha Yuhuuda ku dhintay illaa hadda dad ka badan 1000 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan shan kun.

Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyey dalalka reer galbeedka ee Israel ku dhaleeceeya xad gudubka ay ku heyso shacabka Gaza, iyadoo madaxda reer galbeedka ay horey si buuxda taageero ugu muujiyeen Israel ka dib weerarkii Xamaas.

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Jubbaland oo soo bandhigay rag AS ula goostay gaari iyo hub ay leedahay Jubbaland.

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay rag Al shabaab ula goostay gaari iyo hub ay leedahay Maamulka Jubbaland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan oo is casilay kuna Biiray Hiiraan State

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}   Gudoomiye ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle ayaa Caawa is casilay kuna Biiray Hiiraan State.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKA 

{DHGAYESO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 10– 11 – 2023

Arbaco , October -10- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdiraxmaan Macalin Muuse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo gudaha u galay deegaanka Ciid ciidka Degmada Mahadaay

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay dhulka howdka ah ee degaanka Ciid ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ku jireen Maleyshiyaad ka tirsan Kooxda Al Shabaab kuwaas oo dagaal adag la galay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

 

Warbaahinta ku hadasho afka Dowladda ayaa lagu baahiyay sawiro lagu sheegaayo in laga so qaaday godadkii al Shabaab ay ku jireen in muda ah oo ay ka dagaalamaayeen.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xooga dalka soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidamada Xooga dalka  ayaa maanta kormeeray degaanka Ciidka oo dhawaan laga saaray godod ay ku jireen Kooxda Al Shabaab.

 

In kabadan 15 maalin waxaa ku dagaalamayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka Degaanka Ciid ciidka Dagmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada dhaxe.