Home Blog Page 333

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Odawaa””Sh_Hoose waa naga go’an in AS Laga waayo””

0

Isniin 10,Nov 2025 {HMC} Taliye Odawaa””Sh_Hoose waa naga go’an in AS Laga waayo””

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Amarka dadka lagu laayay ee Sh/hoose waxaa bixiyay Xildhibaan Jeesoow” Ugaas Cali Xaashi.

0

Isniin 10,Nov 2025 {HMC} Amarka dadka lagu laayay ee Sh/hoose waxaa bixiyay Xildhibaan Jeesoow” Ugaas Cali Xaashi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 10-11 -2025.

0

Isniin 10,Nov 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Xooga Dalka talaabo Ayuu ka qaadayaa kuwa dilalka ka geystay Sh-Hoose”Taliye Khaalid”

0

Isniin 10,Nov 2025 {HMC} Ciidanka Xooga Dalka talaabo Ayuu ka qaadayaa kuwa dilalka ka geystay Sh-Hoose”Taliye Khaalid”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay Wadamada Dadkooda u safraan Dalka Hindiya.

Talaado 10, Nov 2025 {HMC} dadka Soomaaliyeed ayaa kaalinta koowaad ka galay  Wadamada ugu badan ee muwaadiniintooda u safraan dalka Hindiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda Dalxiiska ee waddanka Hindiya.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in safarrada ay dadka Soomaaliyeed u tageen Hindiya ay kordheen 144% marka la barbar dhigo sanadkii 2019, taasoo ka dhigaysa Soomaaliya dalkii ugu horreeyay ee kororka saddex-lambar ah (triple-digit growth) sameeya muddadaas.

Tirakooblkan waxay muujinayaan in tirada Soomaalida u safartay Hindiya ay ka kordheen 5,044 qof sanadkii 2019 una sare martay 12,320 qof sanadkii 2024. Inkasta oo tiradu ay yara hoos u dhacday marka la eego 16,607 qof oo tagay Hindiya sanadkii 2023, haddana Soomaaliya ayaa weli haysata heerka dadka ugu badan ee u safra India.

Wadamada kale sida Cambodia, Kazakhstan iyo Vietnam ayaa iyaguna koror kala duwan sameeyay, balse midkoodna ma gaarin heerka ay Soomaaliya ka gaartay. Cambodia ayaa diiwaangelisay 81% koror, Kazakhstan 72%, halka Vietnam ay gaartay 61%.

Soomaaliya ayaa sidaas ku noqotay tusaale cusub oo muujinaya isbeddel ku yimid jihada safarrada caalamiga ah ee u socda Hindiya, iyadoo la ogsoon yahay in sanad walba kumanaan dad ah ay dalka India u aadaan safaro caafimaad, maaddaama Soomaaliya aysan lahayd isbitaalo caalami ah oo lagula tacaalo cudurada uu kamidka yahay Kansarka oo aad ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya.

Puntland accuses Qatar of being behind the assassination of DP World chief at Bosaso port.

0

Tuesday 10, Nov 2025 {HMC} Puntland has accused the Qatari government of being behind the assassination of the DP World manager in Bosaso port, Paul Farmosa, who was killed in Bosaso in March 2019, and of supporting terrorist groups and media outlets that spread their ideology.

The Puntland Information Minister said that the terrorists in the mountains and those hiding in the media are the same, adding that all groups that spread the ideology of ISIS and Al-Shabaab will be eliminated.

The minister accused the Qatari government of providing shelter to the former Al-Shabaab leader in the Galgala mountains, Sheikh Mohamed Said Atam, who now lives in the country.

He also noted that Qatar has admitted its role in the assassination of the DP World manager in Bosaso, and that it funds the Middle East Eye media outlet, which the minister accused of spreading propaganda and falsehoods about Puntland.

Shirka qorshaynta Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo La soo gabagabeeyay.

0

Talaado 10, Nov 2025 {HMC} Shirka qorshaynta carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay Xarunta Tababarka Nabadda iyo Gargaarka Bani’aadamka (Humanitarian Peace Support Training Centre), Nairobi, Dalka Kenya.

Shirkan ayaa lagu qorshayn doonaa wajiga koowaad ee carbiska howlgallada wadajirka ah waxa uuna socon doona muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo 10-ka ilaa 13-ka Noofembar 2025.

Waftiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Gaashaanle sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Taliska tababarka & Doktorinka XDS (oo ah madaxa waftiga), ayaa ka kooban saraakiil ka socda Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda UK oo ciidamo iyo qalab u diray Belgium si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka

0

Talaado 10, Nov 2025 {HMC}  Ciidamada dalka Belgium-ka ayaa taageero ka codsaday UK horraantii toddobaadkan, sida uu BBC-da u sheegay, madaxa ciidamada difaaca, Richard Knighton.

Gegida dayuuradaha ee Brussels ayaa si ku meel gaar ah loo xiray habeenimadii Khamiista, ka dib markii lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano (UAVs) meel u dhow magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu arkay goobo kale oo ay ka mid tahay Saldhig ciidan.

Isagoo la hadlayay barnaamijka telefishinka BBC-da ee ay daadihisay Laura Kuenssberg Axaddii, madaxa ciidamada difaaca Knighton ayaa sheegay, in UK ay siineyso taageero militari oo ay uga jawaabeyso codsiga Belgium, qalab iyo shaqaaluhuna ay ku soo wajahan yihiin.

Fiidnimadii Axadda, warar ka soo baxay Belgium ayaa sheegay, in saddex diyaaradood oo kale la arkay iyagoo dul heehaabaya warshadda tamarta Nukliyeerka ee Doel.

Afhayeen u hadlay shirkadda tamarta Engie ENGIE.PA ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax carqalad ah oo ku yimid shaqada warshadda.

Duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Liege ee Grace-Hollogne ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay, sababo la xiriira muuqaallo diyaarado kale oo lagu arkay hawada.

Xigasho BBC

Khilaaf ka dhashay Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa Dalka Suuriya

0

Talaado 10, Nov 2025 {HMC} Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay baraha bulshada, kaddib markii la shaaciyay in la joojiyay dabaaldegyada iyo fasaxyada la xiriira dhacdooyinka taariikhiga ah, kuwo cusubna lagusoo daray.

Go’aankaasi waxa uu baabi’iyay laba fasax ama munaasabdood oo loo asteeyay sannad-guuradii dagaalkii Oktoobar 1973-kii, iyo sannad-guuradii kasoo wareegtay markii ay mas’uuliyiintii Cusmaaniyiintu dileen tiro dhaqdhaqaaqeyaal ah sannadkii 1916kii.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxa ku jiray in lagu daro labo fasax oo cusub oo la xiriira kacdoonka Suuriya, halka liiska fasaxyada aysan ku jirin maalmaha fasaxyada ee la xiriira Kurdiyiinta.

 

Taliska xoogga oo ka warbixiyay eedeysanayaal loo qabtay dhacadadii foosha xumeyd ee ka dhacday Wanlaweyn

0

Talaado 10, Nov  2025 {HMC} Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha ciidanka Dhulka  ayaa sheegay in eedeeysanayaal ku eedeeysan dhacdadii dilka iyo gubista ahayd ee ka dhacday aagga Walaweyn in eedeysanayaal gacanta lagusoo dhigay isla markaasian lagu wareejiyay laamaha caddaalada.

“ Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed waxa uu aad uga xun yahay falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed laguna gubay taariikhdu markii ay ahayd 7/11/2025” ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Falkaasi uu ka dhacay deegaanka Dundumaayee degamada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose

Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi aanu ahayn mid ku banaan diinteena iyo dhaqankeena midna.

Taliyuhu wax uu sheegay in lasoo qabtay seddex edeysane oo lagu tuhmayo in ay geeysteen falkaasi foosha xumaa

“Seddexdaasi eedeysane waxa isla maantay lagu wareejiyay maxkamadda ciidanka qalabka Sida” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoosee Ibraahim Aden Najax oo warfideeynka la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin “ dhacdooyinkii ugubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sh/hoose”