Home Blog Page 334

Dowladda UK oo ciidamo iyo qalab u diray Belgium si ay uga hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka

0

Talaado 10, Nov 2025 {HMC}  Ciidamada dalka Belgium-ka ayaa taageero ka codsaday UK horraantii toddobaadkan, sida uu BBC-da u sheegay, madaxa ciidamada difaaca, Richard Knighton.

Gegida dayuuradaha ee Brussels ayaa si ku meel gaar ah loo xiray habeenimadii Khamiista, ka dib markii lagu arkay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano (UAVs) meel u dhow magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu arkay goobo kale oo ay ka mid tahay Saldhig ciidan.

Isagoo la hadlayay barnaamijka telefishinka BBC-da ee ay daadihisay Laura Kuenssberg Axaddii, madaxa ciidamada difaaca Knighton ayaa sheegay, in UK ay siineyso taageero militari oo ay uga jawaabeyso codsiga Belgium, qalab iyo shaqaaluhuna ay ku soo wajahan yihiin.

Fiidnimadii Axadda, warar ka soo baxay Belgium ayaa sheegay, in saddex diyaaradood oo kale la arkay iyagoo dul heehaabaya warshadda tamarta Nukliyeerka ee Doel.

Afhayeen u hadlay shirkadda tamarta Engie ENGIE.PA ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax carqalad ah oo ku yimid shaqada warshadda.

Duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Liege ee Grace-Hollogne ayaa si ku meel gaar ah loo hakiyay, sababo la xiriira muuqaallo diyaarado kale oo lagu arkay hawada.

Xigasho BBC

Khilaaf ka dhashay Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa Dalka Suuriya

0

Talaado 10, Nov 2025 {HMC} Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay baraha bulshada, kaddib markii la shaaciyay in la joojiyay dabaaldegyada iyo fasaxyada la xiriira dhacdooyinka taariikhiga ah, kuwo cusubna lagusoo daray.

Go’aankaasi waxa uu baabi’iyay laba fasax ama munaasabdood oo loo asteeyay sannad-guuradii dagaalkii Oktoobar 1973-kii, iyo sannad-guuradii kasoo wareegtay markii ay mas’uuliyiintii Cusmaaniyiintu dileen tiro dhaqdhaqaaqeyaal ah sannadkii 1916kii.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxa ku jiray in lagu daro labo fasax oo cusub oo la xiriira kacdoonka Suuriya, halka liiska fasaxyada aysan ku jirin maalmaha fasaxyada ee la xiriira Kurdiyiinta.

 

Taliska xoogga oo ka warbixiyay eedeysanayaal loo qabtay dhacadadii foosha xumeyd ee ka dhacday Wanlaweyn

0

Talaado 10, Nov  2025 {HMC} Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha ciidanka Dhulka  ayaa sheegay in eedeeysanayaal ku eedeeysan dhacdadii dilka iyo gubista ahayd ee ka dhacday aagga Walaweyn in eedeysanayaal gacanta lagusoo dhigay isla markaasian lagu wareejiyay laamaha caddaalada.

“ Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed waxa uu aad uga xun yahay falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed laguna gubay taariikhdu markii ay ahayd 7/11/2025” ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Falkaasi uu ka dhacay deegaanka Dundumaayee degamada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose

Taliyaha ayaa sheegay in falkaasi aanu ahayn mid ku banaan diinteena iyo dhaqankeena midna.

Taliyuhu wax uu sheegay in lasoo qabtay seddex edeysane oo lagu tuhmayo in ay geeysteen falkaasi foosha xumaa

“Seddexdaasi eedeysane waxa isla maantay lagu wareejiyay maxkamadda ciidanka qalabka Sida” ayuu yiri taliyuhu.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoosee Ibraahim Aden Najax oo warfideeynka la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin “ dhacdooyinkii ugubka ahaa ee ka dhacay gobolka Sh/hoose”

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn Loogu soo dhaweeyay dalka Aljeeriya.

0

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa galabta gaaray Caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu u soo diray Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Abdelmadjid Tebboune iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Aljeeriya soo-dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.


DHAMMAAD

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Shaqaalaha Rayidka DFS.

0

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya (NCSC).

Kulanka wasiirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Aamina Xuseen Cali, Wasiiru-Dowlaha, Mudane Caynanshe Yuusuf Xuseen, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan.

Dhanka Guddiga, waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan.

Wasiirka ayaa dhageystay warbixin guud oo ay soo jeediyeen xubnaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, taas oo ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka dowladda, hawlaha u qabsoomay, iyo dadaallada uu guddigu wado ee lagu xaqiijinayo nidaam shaqaalaysiin hufan oo qaranka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa horumarinta cududda shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha, maareynta waqtiga shaqada, iyo soo xaadirista joogtada ah.

Guddigu wuxuu soo bandhigay caqabadaha ku hor gudban hawlaha socda iyo sida ay Wasaaradda isaga kaashan lahaayeen xalinta caqabadahaas.

Ugu dambayntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa uga mahadceliyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed, isagoo iclaamiyay in la qabto kulamo kale oo lagu dardar-gelinayo hawlaha guddiga.

Guddoomiye Sacdiyo oo booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya Islamabad ee dalka Pakistan.

0

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, iyo wafdi xildhibaano ah ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Islamabad, caasimadda dalka Pakistan.

Masuuliyiinta safaaradda waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo saraakiisha kale ee safaaradda, kuwaas oo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad uga warbixiyay hawlaha safaaradda iyo taageerada ay u fidiso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa masuuliyiinta safaaradda uga mahadcelisay soo dhawaynta diirran, isla markaana ku amaantay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

Muxuu Ruushka ugu daabulayaa hubkiisa dalka Venezuela.?

0

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Ruushka waxaa lagu arkay inuu si aan caadi ahayn uga falcelinayo xaaladda Venezuela, isagoo markan u dhaqmaya si ka duwan dagaalladii iyo khilaafkii uu horey uga aamusay. Vladimir Putin wuxuu si cad u muujiyay in Moscow aysan oggolaan doonin in la rido dawladda uu hoggaamiyo Nicolas Maduro, taas oo ah mowqif siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo ka duwan habkii uu Ruushku ula dhaqmay dalal kale oo xulafadiisii hore ahaa.

Markii hore, Putin marna ma difaacin saaxiibbadii hore ee la weeraray ,balse markan, wuxuu si rasmi ah u diray hub casri ah, oo ay ku jiraan gantaallo iyo nidaamyo difaac oo horumarsan, isagoo Maduro u sheegay in warshadaha Ruushka ay diyaar u yihiin in ay soo saaraan hub kasta oo uu dalkiisa u baahan yahay.

Taas macnaheedu waa in Ruushku u arko Venezuela inay tahay khad cas oo uu Mareykanka ku joojinayo faragelinta uu ku sameeyo Latin America.

Laakiin maxay Venezuela uga duwan tahay dalalkii hore ee la iska daayay?

Arrintu ma aha saaxiibtinimo siyaasadeed oo kaliya. Ruushku wuxuu u arkaa Venezuela inay tahay khadka koowaad ee dagaalka dhaqaale ee caalamiga ah. Haddii Mareykanka weeraro Venezuela, Maduro wuxuu u baahan doonaa dhaqaale degdeg ah si uu isu difaaco.

Dakhligaa kaliya wuxuu ka imaan karaa hal meel ,waa suuqa shidaalka. Taas macnaheedu waa in Venezuela ay ku khasbanaan doonto inay suuqa caalamka ku shubto saliiddeeda si ay u hesho lacag degdeg ah.

Marka taasi dhacdo, waxaa bilaaban doona musiibo dhaqaale oo taabanaysa Ruushka, sababtoo ah Venezuela waxay leedahay keydka saliidda ugu weyn dunida.

Haddii saliid badan hal mar suuqa lagu shubo, qiimaha foostada saliidda wuxuu hoos ugu dhici karaa ilaa $30, halka uu hadda ku dhow yahay $60.

Qiimo dhacaas wuxuu noqonayaa hoos u dhac halis ah oo ku dhaca dhaqaalaha Ruushka, maadaama uu ku tiirsan yahay iibka shidaalka si uu u daboolo miisaaniyadda dowladda.

Waxaa kale oo xaalad la mid ah ay ku dhici doontaa Sacuudiga, oo dhaqaalaha dalku sidoo kale ku tiirsan yahay saliidda.

Labadan quwadood Ruushka iyo Sacuudiga waxay arki doonaan miisaaniyadahooda oo burburaysa iyo suuqyadooda tamarta oo lunta haddii Venezuela suuqa kusoo daayo shidaal jaban oo tiro badan.

Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u arkayaa difaaca Venezuela inuusan ahayn arrin saaxiibtinimo, balse xeelad istiraatiiji ah oo lagu badbaadinayo dhaqaalihiisa iyo saameyntiisa caalamka.

Putin ma difaacayo Maduro oo keliya ,wuxuu difaacayaa qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha Ruushka, iyo awoodda Moscow ee ay ku joogteyso saamaynteeda dunida.

Dhanka kale, Putin wuu fahamsan yahay waxa Mareykanku doonayo. Washington waxay u aragtaa Venezuela fure muhiim u ah xakameynta dhaqaalaha caalamka. Haddii Mareykanku gacanta ku dhigo Venezuela ama uu meesha ka saaro xukunka hadda jira, wuxuu helayaa awood uu ku maamulo suuqyada shidaalka adduunka ,awood u saamaxaysa inuu cadaadis saaro Ruushka, Sacuudiga iyo xulafadiisa kale ee Khaliijka, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsan tahay dakhliga shidaalka.

Sidaas darteed, dagaalka Venezuela ma aha kaliya mid siyaasadeed ,waa dagaal shidaal, dhaqaale iyo heybsi caalami ah.

Putin wuxuu ogyahay in haddii Venezuela gacanta u gasho Mareykanka, uu lumin doono mid ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee uu ku dhisnaa nidaamka dhaqaale ee Ruushka.

Puntland oo ku eedeysay Qatar in ay ka dambeysay dilkii madaxii DP World ee dekedda Boosaaso.

0

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, oo magaalada Bosaso lagu dilay bishii March ee sanadkii 2019, isla markaana ay taageerto kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa mabaadi’dooda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in argagixisadii buuraha joogta iyo kuwa ku dhuumaalaysanaya saxaafadda in ay isku mid yihiin, isagoo intaas ku daray in la soo afjari doono dhammaan kooxaha faafiya mabaadi’da Daacish iyo Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar inay hoy siisay hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab ee buuraleyda Galgala, Sheekh Maxamed Siciid Atam, kaas oo hadda ku nool dalkaas.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Qatar ay qiratay kaalinteedii ka dambaysay dilkii maareeyihii DP World ee Boosaaso, isla markaana ay maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, oo uu wasiirku kutilmaamay kuwa dacaayado iyo been abuur ka sameeysa Puntland.

“Waxaas oo dhan waxay ka tarjumayaan ciil ay qabaan kuwa aan rabin in Puntland ka adkaato Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, isagoo ku adkeeyay in Puntland ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo cid kasta oo taageerta.

Lama oga sababta keentay xilligan in Puntland ay ku eedeyso Qatar inay ka dambeysay dilkii maareeyihii dekedda Boosaaso, iyadoo la ogyahay inay Alshabaab ka dambeeyeen ayna sheegteen dilkiisa.

Trump says US to boycott South Africa G20 summit over white ‘genocide’.

0

Monday 10, Nov 2025 {HMC} President Donald Trump has said no United States officials will attend this year’s Group of 20 (G20) summit in South Africa, citing the country’s treatment of white farmers.

Writing on his Truth Social platform on Friday, Trump said it was a “total disgrace that the G20 will be held in South Africa”.

“Afrikaners (People who are descended from Dutch settlers, and also French and German immigrants) are being killed and slaughtered, and their land and farms are being illegally confiscated,” Trump wrote, reiterating claims that have been rejected by authorities in South Africa.

“No US Government Official will attend as long as these Human Rights abuses continue. I look forward to hosting the 2026 G20 in Miami, Florida!” he added.

Since returning to the White House in January, Trump has repeatedly claimed that white South Africans are being persecuted in the Black-majority country, a claim rejected by South Africa’s government and top Afrikaner officials.

Trump had already said on Wednesday that he would not attend the summit – which will see the heads of states from the world’s leading and emerging economies gather in Johannesburg on November 22 and 23 – as he also called for South Africa to be thrown out of the G20.

US Vice President JD Vance had been expected to attend the meeting in place of the president. But a person familiar with Vance’s plans told The Associated Press news agency that he will no longer travel to South Africa.

Tensions first arose between the US and South Africa after President Cyril Ramaphosa introduced a new law in January seeking to address land ownership disparities, which have left three-quarters of privately owned land in the hands of the white minority more than three decades after the end of apartheid.

The new legislation makes it easier for the state to expropriate land, which Ramaphosa insists does not amount to confiscation, but creates a framework for fair redistribution by allowing authorities to take land without compensation in exceptional circumstances, such as when a site has been abandoned.

Shortly after the introduction of the Expropriation Act, Trump accused South Africa of “confiscating land, and treating certain classes of people VERY BADLY”.

“The United States won’t stand for it, we will act,” he said.

In May, Trump granted asylum to 59 white South Africans as part of a resettlement programme that Washington described as giving sanctuary after racial discrimination.

The same month, when Trump met with President Ramaphosa in the White House, he ambushed him with the claim that a “genocide” is taking place against white Afrikaners in his country.

Ramaphosa denied the allegations, telling Trump “if there was Afrikaner farmer genocide, I can bet you, these three gentlemen would not be here”, pointing to three white South African men present – professional golfers Ernie Els and Retief Goosen, and South Africa’s richest man, Johann Rupert.

South African historian Saul Dubow, professor of Commonwealth history at the University of Cambridge, previously told Al Jazeera that there is no merit to “Trump’s fantasy claims of white genocide”.

Dubow suggested that Trump may be more angry about South Africa’s genocide case filed against Israel in the International Court of Justice over its war on Gaza.

Nonetheless, the Trump administration has maintained its claim of widespread persecution. On October 30, the White House indicated that most new refugees admitted to the US will be white South Africans, as it slashed the number of people it will admit annually to just 7,500.

“The admissions numbers shall primarily be allocated among Afrikaners from South Africa pursuant to Executive Order 14204 and other victims of illegal or unjust discrimination in their respective homelands,” the White House said.

Madaxweynaha DFS oo u safray Aljeeriya

Talaado November 10, 2025 (HMC) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray Dalka Aljeeriya si uu ula kulmo dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune oo casumaad rasmi ah uu ka helay sida wararku sheegayaan.

Madaxtooyada Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin waxyaabaha uu daaran tahay safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo waxa ay kawada hadlayaan dhiggiisa Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Aljeeriya oo horay u wada kulmay ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga dhinaca Difaaca, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo adkaynta cilaaqaadka labadaan Dal xubnaha kawada ah Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u tagay dalal kala duwan oo Soomaaliya xubno ay kawada yihiin Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika & Qaramada Midoobay, waxa uu safarkaan u yahay kii ugu horreeyay uu ku tagayo Aljeeriya.