Sabti 14 March 2026 {HMC} Falanqeynta caawa; Maxaa u Dambeeyay dagaalkii maanta ka dhacay Qansaxdheere?
{DAAWO MUQAALKA} Toogasho lagu fuliyey Askari Dil u geestay Ciyaariyahankii Kooxda Bariga Africa.
Sabti 14 March 2026 {HMC} Toogasho lagu fuliyey Askari Dil u geestay Ciyaariyahankii Kooxda Bariga Africa.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUQAALKA} War Deg Deg Ah: Mucaaradka Koonfur Galbeed oo dagaal kula wareegayQansaxdheere
Sabti 14 March 2026 {HMC} War Deg Deg Ah: Mucaaradka Koonfur Galbeed oo dagaal kula wareegayQansaxdheere
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay
Sabti 14 March 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.
Jabuuti oo ciidan oo uso diraysa Soomaaliya .
Sabti 14 March 2026 {HMC} Dowladda Jabuuti ayaa Guutada 13-aad ee “Hiil-Walaal” oo ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida u soo diraysa Soomaaliya, si ay uga qayb qaadato hawlgalka taageerada nabadda. Waxaa la filayaa in ciidamadan ay dalka soo gaaraan 16-ka Maarso.
Guutada 13aad ayaa beddeli doonta guutadii 12-aad ee hore uga howl-geli jirtay Soomaaliya, waxaana la filayaa inay ka qayb qaadato howlaha amniga iyo dadaallada xasilinta meelo kala duwan, gaar ahaan maamulka Hirshabeelle.
Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti, Jeneraal Zakariya Sheekh Ibraahim, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xerada tababarka “Cali Cowni” ee gobolka Carta, halkaas oo uu kula kulmay askarta guutada iyo saraakiishooda.
Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd qiimeynta heerka diyaargarowga ciidanka iyo sida ay ugu diyaar garoobeen hawsha la filayo inay ka fuliyaan Soomaaliya.
Jeneraal Zakariya ayaa ku boorriyay ciidamada inay muujiyaan anshax, midnimo iyo xirfad, isagoo xusay inay matalayaan dowladda Jabuuti isla markaana ay door muhiim ah ka qaadan doonaan taageeridda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ciidamada Jabuuti waxay ka mid yihiin kuwa gobolka ee ku jira hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana ay sanado badan ku sugnaayeen magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulo-Burde, iyagoo ka qayb qaata ilaalinta amniga, taageeridda xasiloonida iyo difaaca shacabka.
Dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.
Sabti 14 March 2026 {HMC} Dagaal ayaa maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo mucaarad ah oo isku magacaabay Ciidamada badbaadada Koofur Galbeed.
Taliyaha horkacaya Ciidamada Mucaaradka ee ka dagaallamay Qansaxdheere oo wareysi bixiyey ayaa sheegay in dagaalkooda uu salka ku hayo xuquuq ay sheegeen in muddo dheer ay ka maqan tahay.
Taliyaha ayaa xusay in ciidamadan ay muddo ku dhow 15 sano ay la’aayeen xuquuqdooda sida mushahaaraadkooda iyo garaamka Raashiinka ee ay xaq u lahaayeen, isagoo sidoo kale sheegay in degmada Qansaxdheere ay muddo ku jirtay go’doon, isla markaana askar ay uga dhinteen howlgalladii lagu xoreynayay deegaanka.
Sida uu sheegay, markii degmada la xorreeyay kadib wax dib-u-dhis ah laguma sameyn, ayna weli taagan tahay cabashada ciidamada.
Taliyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Koofur Galbeed Laftagareen in uu qabto doorasho si loo helo isbeddel siyaasadeed, isagoo intaas ku daray in dagaalkii saaka ka dhacay Qansaxdheere uu ku dhaawacmay hal qof oo uu ku tilmaamay inuu ka tirsanaa ciidamada taageersan maamulka Koonfur Galbeed balse aysan khasaare kale jirin oo xagooda soo gaartay
Xiisadda ayaa weli laga dareemayaa degmada Qansaxdheere. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koofur Galbeed oo ku saabsan dagaalka maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere.
{DAAWO MUQAALKA} Horjoogayaal ka tirsan AS oo lagu Dilay Duqeeymo Culus
Sabti 14 March 2026 {HMC} Horjoogayaal ka tirsan AS oo lagu Dilay Duqeeymo Culus
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Kumaanan Askari u Dirayo IIRAAN si loo sii Xoojiyo Dagaalka Socdda
Sabti 14 March 2026 {HMC} Mareeykanka oo Kumaanan Askari u Dirayo IIRAAN si loo sii Xoojiyo Dagaalka Socdda
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Culus oo ka socda Boosaaso.
Sabti 14 March 2026 {HMC} Dagaal Culus oo ka socda Boosaaso
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Ciidan badan oo Mareykan ah oo loo dirayo Bariga Dhexe.
Sabti 14 March 2026 {HMC} Ciidamo badan oo kuwa badda ah iyo maraakiib dagaal ayaa la filayaa in la geeyo Bariga Dhexe, sida ay labo sarkaal u xaqiijiyeen CBS News oo ah laanta Mareykanka ee BBC-da.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidankan xoojinta ay yihiin koox diyaarsan oo xoog badan iyo qaybteeda socdaalka badda, mid ka mid ah saraakiisha ayaa intaa ku daray in kooxdan uu hoggaamin doono markabka USS Tripoli ee fadhigiisu yahay Japan, kaasoo markabka weerarka ah.
Unugga uu hoggaamiyo USS Tripoli ayaa sida caadiga ah ka kooban ilaa 5,000 oo badmaaxayaal ah iyo kuwa badda oo loo qaybiyay dhowr maraakiib dagaal.
Dhaqdhaqaaqa shaqaalaha Mareykanka ayaa markii ugu horreysay waxaa soo wariyay Wall Street Journal, dibadda.
BBC-da ayaa la xiriirtay militariga Mareykanka iyo Pentagon-ka si ay faallooyin uga bixiyaan, in kasta oo dhaq-dhaqaaqa ciidamada mustaqbalka aan inta badan si cad loo xaqiijin.



