Home Blog Page 340

{DAAWO SAWIRADA} Howlgal ay siwada jir ah u Fuliyeen Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Danab.

0

Khamiista 6, 2025 {HMC} Ciidanka halyeeyada dowladda Jubbaland gaar ahaan Guutada Birjeex iyo Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 162aad, ayaa howlgal gaar ah ka fuliyey deegaanka Xaliimo Cadey oo hoostagta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay in ka badan 37 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda A.S. halka tiro ku dhow 40 xubnood oo kale lagu naafeeyay kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal sare iyo maleeshiyaad caadi ah.Xubnaha la dilay waxaa kamid ahaa ilaa 7 horjooge sare waxaana ugu magac dheer:

1. Sheekh Axmed Abuu Yiinis (Afgarasho: Sharxul Xabiib) oo horey u ahaa Amiirkii Khawaarijta ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana hadda ahaa madaxa jabhadda maleeshiyaadka Khawaarijta ee gobolkaasi.

Kooxda A.S ayaa gabaad ka dhigtay duleedka deegaanka Xaliimo Cadey, iyagoo halkaas ka abaabuli jiray weerarada ay ku hayaan shacabka iyo ciidamada.

Ciidanka dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa adeegsaday hub culus oo madaafiic ah si ay uga saaraan kooxda Khawaarijta deegaanka, waxaana ay fuliyeen weerar qorsheysan oo dhabar-jab weyn ku noqday cadowga.

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Khamiista 6, 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda,

Madaxweynaha oo hambalyo u diray labada degmo ee Howlwadaag iyo War-Sheekh ee isugu soo haray dhammaadka Koobkan ayaa sheegay in la xaqiijiyey yoolkii isdhexgalka bulsho iyo adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee ay salka ku hayaan qabashada tartannada ciyaaraha, waxa uuna soo bandhigay sida isu-soobaxa kumannaanka kun ee Caasimadda ku daawanayey ciyaarta ay caddayn u tahay in si nabdoon ay codkooda u dhiiban karaan, markii la gaaro doorashada Goleyaasha deegaanka ee Caasimadda.

“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka Gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba, waxaad haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu hambaleeyey ciyaartooyda, macallimiinta, maamulka iyo taagereyaasha degmada Howlwadaag ee ku guulaystay Koobka, isaga oo bogaadiyey anshax wanaagga iyo hufnaanta tartan ee ay muujiyeen dhammaan ciyaartooyda, macallimiinta iyo taagerayaasha kooxaha oo idil.

{DAAWO SAWIRADA} FESOJ oo Kismaayo ku soo gaba-gabeeyay Tababar socday labo Maalmood.

0

Khamiista 6, 2025 {HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kusoo gaba-gabeeyay.

Tababar socday labo Maalmood Tababarkan oo ahaa mid si gaar ah loogu diyaariyay wariyeyaasha ku cusub warbaahinta oo ay ka qeyb galeen 20 Wariye oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha saxaafadda, gaar ahaan anshaxa saxafiga, hubinta xogta, iyo doorka warbaahinta ee horumarinta bulshada iyo tabinta colaadaha si taxadar leh.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Maamulka Jubbaland Abdifatah Mohamed Mukhtar oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ) uu kaalin weyn ka qaato tababaridda suxufiyiinta ka howlgala magaalada Kismaayo. Wasiirku wuxuu ku dhiirrigeliyay suxufiyiintii ka qeyb gashay tababarkan in ay ka faa’iideystaan aqoonta la siiyay si ay u horumariyaan shaqadooda.

Prof. Cumar Cabdi, oo ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta Saxaafadda oo isna gabagabadii hadlay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in suxufiyiintu kor u qaadaan aqoontooda warbaahineed, isla markaana ay gaaraan heer jaamacadeed si ay bulshada ugu soo celiyaan waxbarasho iyo adeeg tayo leh.

Faraax Cumar, Xoghayaha Guud ee FESOJ, ayaa ugu dambeyn tilmaamay in tababarkan uu wax weyn ka beddeli doono xirfadda suxufiyiinta Kismaayo, gaar ahaan kuwa sanadihii dambe kusoo biiray saxaafadda.

Dowladda Turkiga oo Suudaan u diray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo iyo Qubaro milatari.

0

Khamiista 6, 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo u diray Dowladda Suudaan,

Sidoo kale markii u horreysay uu Turkiga geeyay gudaha Dalka Suudaan khubaro milatari iyo hawl-wadeennadii ku takhasusay adeegsiga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loo xoojiyo awoodda dagaal ee ciidanka Suudaan,

Taageerada turkiga ayaa waxa ay imaaneysaa kaddib markii kooxda RSF ay la wareegeen deegaanno istaraatiji ah oo ku yaalla waqooyiga gobollada Darfur iyo Kordofan, sida uu Baahiyay Middle East Eye.

Abaaha dhalay Duqa Cusub New York oo Dhalasho ka helay Soomaaliya sanadkii 1969.

0

Khamiista 6, 2025 {HMC} Maxmuud Mamdani oo ah aabbaha dhalay duqa taariikhda ku sameeyay inuu noqday muslimkii u horreeyay ee duq ama guddoomiye ka noqda magaalada New York , oo si aqlabiyad leh shalay doorashada ugu guuleystay ayaa la xaqiijiyay inuu sannadkii 1969 helay warqada u oggolaanaysa inuu noqdo muwaadin Soomaali ah, wallow ay taasi suragal noqon wayday markii la afgamiyay dawladdii rayidka oo milatariga uu xukunka la wareegay.

Mamdani, ayaa la sheegay waqtigaa oo Mareykanka uu ku sugnaa inay tuugo ka xadday baasaboorkiisa oo Ugandheys ahaa, waxaana qasab noqotay inuu tago Kampala si baasaboor cusub u helo, markaa uma surageli karin, wuxuuna arrintiisa usoo bandhigay barofeesar Xuseen Maxamed Adam oo loo garan ogaa (Tanzania) , oo ay saaxiibo dhow ahaayeen kaa oo ka caawiyay in loo soo saaro warqada uu ku helayo baasaboorka Soomaaliga, wuxuu markaa Prof.

Dowladda Tanzania ka faa’iideysanayay xiriir qoys oo uu la lahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaa oo codsi Islaamnimo uu ugu waydiiyay in la caawiyo Mamdani, si dawladdu gacan uga siiso caqabadaha sharci ee uu wajahayo, sida ay baahisay BBC-da oo xiganaysa sheeko xasuus qor ah.

Kooxda degmada Howlwadaag oo ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir,

Khamiista 6, 2025 {HMC} Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee dhex martay kooxaha degmooyinka Howlwadaag iyo Warsheekh.

Kooxda degmada Howlwadaag ayaa ku guuleysatay koobka tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay dhiggeeda Warsheekh.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 06-11-2025.

0

Qamiis 6 November  2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 06-11-2025.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Omar Fateh oo War Cusub kasoo Saaray Doorashada Duqa Minneapolis

0

Qamiis 6 November  2025 {HMC} Omar Fateh oo War Cusub kasoo Saaray Doorashada Duqa Minneapolis

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Kooxo hubaysan oo goor dhow Gudaha u galay Markab Marayay ka xeebaha Soomaaliya

0

Khamiista 6, 2025 {HMC} Kooxo hubaysan oo wata hub culus iyo qoryaha (RPG) ayaa weeraray marka marayay xeebaha Soomaaliya, iyada oo wararka ay tabinayaan wakaaladaha wararka ay sheegayaan in kooxdu u daadatay markabka.

Xarunta howlglada ganacsiga badda ee ciidamada Milatariga Brritain ayaa soo saartay digniin weerar, iyaga oo uga digay maraakiibta ku sugan aaga uu weerarku ka dhacay.

Shirkadda gaarka loo leeyahay ee ammaanka Ambret ayaa sidoo kale sheegtay weerarku inuu socdo, lana beegsaday markabka oo ku soconayay calanka Malta kana soo safray Sikka, Hindiya, una socday Durban Koonfur Afrika.

Ambrey ayaa intaa ku dartay inay u muuqato weerarka ay gaysteen burcad badeed Soomaali ah oo la soo sheegayay inay aaggaasi ka howgalayeen maalmihii u dambeeyay, ayna qabsadeen dooni kaluumaysi oo Iiraan laga leeyahay si ay ugu adeegsadaan howlgaladooda.

Weerarka ayaa ka dhacay meel 560 mayl Koonfur Bari ka xigta xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Midowga Yurub oo markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib isku day weerar ka dhan ah Markab shidaal waday

0

Khamiista 6, 2025 {HMC} Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeedda ayaa markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kaddib markii koox looga shakisan yahay budhcad-badeednimo ay isku dayeen in ay bartilmaameedsadaan maraakiib ku sugan aaggaas, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii.

Dabley hubeysan ayaa weerartay markab ganacsi oo shidaal sida meel u dhow xeebta Muqdisho Isniintii, iyaga oo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay fuulaan. Waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee looga shakisan yahay budhcad-badeed Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 2024, sida ay sheegeen ilo badeed.

Weerarkan iyo dhacdooyin kale oo la mid ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo marin-badeedka muhiimka ah ee lagu daabulo tamarta iyo badeecadaha la geeyo suuqyada caalamka.

Markab kalluumeysi oo wata calanka Seychelles ayaa sidoo kale toddobaadkan waxaa u soo dhowaaday dooni xawaare sare leh, halka ilo amniga badda ahi sheegeen in markab kalluumeysi oo Iraani ah ay afduubeen dabley aan la aqoon.

Kooxda British-ka ah ee qiimeysa khataraha badda, Vanguard, ayaa sheegtay in ay aad u badan tahay in markabka kalluumeysiga la afduubtay loo isticmaalayo howlaha burcad badeednimada.

Hawlgalka badeed ee Midowga Yurub, Operation ATALANTA, ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda isla markaana ay markab dagaal u direen aagga, balse ay diideen faahfaahin dheeraad ah sababo amni dartood.

“Waxaa aad u badan in koox budhcad-badeed Soomaali ah ay ku sugan yihiin badda isla markaana ay ka howlgalayeen meel ka badan 300 mayl-badeed oo u jirta xeebaha Soomaaliya,” ayay tiri shirkadda amniga badda ee British-ka ah ee Ambrey Arbacadii.

Kooxaha budhcad-badeedda Soomaaliyeed ee ka howlgali jiray Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa guud ahaan aan firfircoonayn sanado badan.

Inkasta oo Xuutiyiintu oggolaadeen xabbad-joojin ku saabsan weerarrada ay la beegsanayaan maraakiibta lala xiriiriyo Mareykanka, haddana shirkado badan oo shixnadaha ah weli way ka cabsadaan inay dib ugu laabtaan marinnadaas badeed.