Qamiis 6 November 2025 {HMC} Dowlad dhalinyaradeeda ka Mamnuucday Sigaarka.
Qamiis 6 November 2025 {HMC} Dowlad dhalinyaradeeda ka Mamnuucday Sigaarka.
Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdirixmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Horumarinta Bulshada iyo La-Dagaallanka Gaajada ee Brazil, Mudane Wellington Dias, intii lagu guda jiray Shirweynaha 2-aad ee Horumarinta Bulshada ee ka socda Dooxa.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen dardargelinta dhimista saboolnimada, xoojinta nidaamka ilaalinta bulshada, iyo ballaarinta fursadaha haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka barakaca, iyadoo la raacayo yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029).
Sidoo kale, waxay isla qaateen in la xoojiyo is-weydaarsiga aqoonta, maalgashiga, iyo iskaashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay, si siyaasadaha loogu beddelo natiijooyin la cabbiri karo iyo shaqooyin waxtar leh
Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xaaladda xasilinta ee deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo heerka uu marayo qorshaha Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka, kaas oo haatan maraya meel gabagabo ah.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo AUSSOM, si loo sii adkeeyo dadaallada lagu adkeenayo nabad waarta iyo amni joogto ah. Danjire Diene ayaa sheegay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso qorshaha xasilinta, ilaalinta shacabka iyo dib u dhiska deegaannada la xoreeyay.
Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Laamaha amniga Magaalada Johannesburg ee Dalka Koofur Africa ayaa badbaadiyay muwaadin soomaaliyeed oo la afduubtay.
Laba qof ayaa lagu xiray magaalada Johannesburg kadib markii sida la sheegay ay afduubteen muwaadin Soomaali ah oo ay ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan R1 milyan.
Dhibbanaha la afduubtay ayaa lagu guuleystay in laga soo badbaadiyo kooxdii Afduubka u haystay oo ku sugneyd Soweto, mana jirto wax madax furasho ah oo la bixiyay.
Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay duqeyntii cirka ee 13-kii Sebteembar ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali.
Wasiirka gaashaandhigga, oo maanta hortagay Aqalka Sare, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay warbixinta dhacdada ka heshay dadka deegaanka kadib markii sawirrada gaariga caaqilka la duqeeyay lagu faafiyay baraha bulshada.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay baaritaan ku sameyneyso arrintaas kadib markii Senataro ka tirsan Aqalka Sare ay codsadeen in la caddeeyo cidda mas’uul ka ahayd weerarka iyo sababta loo beegsaday.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ‘maamulka deegaanka ee meesha duqeyntu ka dhacday uu yahay kan masuulka ka ah xogaha sirdoon ee lala wadaago saaxiibada caalamiga ah, taasoo soo jeedinaysa in xogta lagu beegsaday caaqilka laga yaabo in laga helay maamulka Puntland.
Taliska AFRICOM, oo hore u xaqiijiyay in uu fuliyay duqeynta balse aan magac sheegin, ayaa hore u sheegay in ay beegsadeen “qof ka ganacsada hubka Al-Shabaab.” BBC-da ayaa mar kale la xiriirtay taliska Maraykanka si ay u weydiiso haddii ay wadaan baaritaan dheeraad ah ama ay xog cusub la wadaageen dowladda Soomaaliya.
Duqeyntan ayaa muran badan dhalisay, iyadoo dadka deegaanka Ceelbuh ay sheegeen in la dilay nabadoon caan ahaa oo bulshada dhexdooda laga ixtiraami jiray, halka saraakiil dowladda ka tirsan ay ku tilmaameen nin xiriir la lahaa kooxaha hubeysan.
BBC-da ayaa sii wadaysa raadinta wixii faahfaahin ah oo cusub oo kasoo kororta weerarkan.
Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy.
Zelenskyy Madaxweynaha Wadanka Ukraine ayaa safiirka ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo, isagoo si weyn ugu mahadceliyay Soomaaliya, waxana uu bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.
Wadanka Ukraine oo ay Soomaaliya u magacaawday Safiirka Dalkaasi ayaa ah dal ay saameeyeen dagaalka uu kula jira Dowladda Ruushka.

Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashada duqa magaalada 2025, isagoo markii saddexaad helay, wuxuuna meesha ka saaray Cumar Fateh oo la tartamayey.
Siday wax u dhaceen: Frey waxa uu helay codadka ugu badan ee doorashada koowaad, saraakiisha doorashaduna waxa ay ku dhawaaqeen in uu guulaystay kadib markii ay tiriyeen codadka doorashada labaad iyo saddexaad. Waxa uu helay in ka badan 50% codadka guud halka Fateh uu helay 44.4%.
Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Isutagga Suxufiyiinta Soomaliyeed ee FESOJ ayaa maanta 20 Wariye oo gabdho iyo wiilal isugu jira tababar uga furay Magaalada Kismaayo
Tababarka oo laba maalin soconaya ayaa waxaa ka faa’idaysanaya Wariyeyaasha xirfadda saxaafada ku cusub oo sanadihii dambe ku soo biiray.
Saxafiyiinta oo ka kala socday xarumaha idaacadaha madaxa banaan iyo kuwa dowladda ee magaalada kismaayo ayaa Tababarkan oo labo maalin ah waxaa lagu barayaa xirfadaha tebinta wararka iyo warbaahinta guud ahaan.
Faraax Cumar, xoghayaha guud ee FESOJ ayaa tilmaamay in aqoon kororsigan uu noqonayo mid ay ka faa’iideystaan saxafiyiinta ku cusub saxaafadda oo sanadihii dambe ku soo biiray.
Arbaco 5, Nov 2025 {HMC} Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Aqalka Sare waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Gaashaandhigga, guulihii laga gaaray muddooyinkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo xaaladda amni ee dalka.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in Ciidamada Qaranku 12-kii bilood ee la soo dhaafay ay sameeyeen naf-hurnimo, geesinimo, iyo dulqaad ballaaran si ay u xaqiijiyaan amniga dalka iyada oo dagaalka ka dhanka ah argagixisada la geliyay naf iyo maal badan, waxaana la gaaray guulo la taaban karo oo lagu difaacay dadka laguna xoreeyay dhul ballaaran.
Wasiir Fiqi waxa uu tilmaamay in tan iyo bishii February la fuliyay 220 duqeyn oo lagu naafeeyay 868 ka tirsan argagixisada oo ay ku jiraan 52 horjooge oo Daacish iyo Al-Shabaab ah.
Taliyaha Ciidanka CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ka warbixiyay horumarka iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ee sanadihii u dambeeyey, isaga oo xusay in dib loo billaabay dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh difaaca dalka iyo sugidda amniga guud.
Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in lasii wadi doono dib-u-habeynta iyo tababarka joogtada ah, si loo dhiso ciidan xirfad leh oo ka jawaabi kara dhammaan caqabadaha amni ee dalka.
Mogadishu, Somalia, November 5, 2025: With the support of the Finnish Foundation for Media and Development (VIKES), the Federation of Somali Journalists (FESOJ) successfully commemorated the 2025 International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists (IDEI) on November 2, 2025, at the Peace Garden in Mogadishu. The event was held under the global theme “Chat GBV: Raising Awareness on AI-facilitated Gender-Based Violence Against Women Journalists.” It highlighted the growing challenges posed by technology-driven online abuse and reinforced the urgent need to protect women journalists and promote accountability for crimes committed against them.
In his opening remarks, Mr. Farah Omar Nur, FESOJ Secretary General, emphasized that the IDEI is not only a day of remembrance but a call to action. “This commemoration reminds us of the journalists who have lost their lives in pursuit of truth and justice. It is our duty to strengthen accountability mechanisms and ensure that impunity does not prevail,” he stated. He further urged Somali journalists to pursue justice through legal means and encouraged journalism students to uphold ethics and national media laws as they prepare to join the profession.
Mr. Ahmed Ali Mohamed, Head of FESOJ’s Training Department, delivered a presentation on the event’s theme, stressing the growing risks of AI-facilitated gender-based violence. He noted that raising awareness and building digital resilience among women journalists are crucial to safeguarding their safety online. He also called on media institutions and civil society to collaborate on advocacy and legislation that address digital harassment and gendered abuse in the media.
The event’s centerpiece was an all-female panel discussion moderated by Ms. Hana Mohamed Mohamud, featuring Ms. Duniya Mohamed from civil society, Ms. Sadia Nur Iid from Bilan Media, Ms. Farhia Mohamud Yusuf, writer and social activist, and Ms. Naima Said Salah, reporter. The discussion focused on the realities of online harassment faced by women journalists and the ways it undermines their professional integrity and mental well-being.
Panelist Ms. Sadia Nur Iid emphasized the importance of solidarity and empowerment among women in media, stating, “Women journalists must not be silenced by fear or intimidation. Our voices matter, and our presence in the media is a form of empowerment.” Ms. Duniya Mohamed echoed this sentiment, underscoring the importance of equipping women journalists with legal awareness and digital safety knowledge to ensure their protection and equal participation in the media sector.
The panel concluded with a shared call for stronger policies and accountability mechanisms to combat online gender-based violence. Panelists recommended introducing clear legal penalties for perpetrators, expanding digital safety training, and encouraging collaboration between the media, law enforcement, and the judiciary to strengthen protection for women journalists.
Veteran journalist Mr. Mohamed Mohamud Adde commended FESOJ’s focus on AI-facilitated violence, noting that awareness and empowerment are the first steps to ensuring the safety of women journalists. He encouraged women to remain vigilant and proactive in reporting online threats. Similarly, Mr. Mohamed Osman Makaraan, Director of Radio Hiranweyn, emphasized that the annual IDEI commemoration provides an important opportunity to reaffirm collective commitment to justice, freedom of expression, and media safety across Somalia.
The spokesman for Somalia’s Police Force, Major Abdifatah Aden expressed readiness to work closely with media organizations, including FESOJ, to tackle digital and AI-related threats. He encouraged journalists to document and share any unresolved cases of harassment or violence so that justice can be pursued.
Avv. Mohamed Abdirisak of Hiil Law Firm reiterated his organization’s continued partnership with FESOJ in supporting Somali journalists through legal assistance and representation. He urged journalists to seek professional legal advice whenever they face threats or violations, reaffirming that justice and protection are essential components of press freedom.
In his closing remarks, Mr. Abdullahi Hayir Duale, Director General of the Ministry of Information, Culture and Tourism, reaffirmed the government’s commitment to protecting journalists and ensuring freedom of expression. He noted that the Ministry has developed a social media management system incorporating Artificial Intelligence, which has been approved by the Cabinet to promote responsible online engagement and prevent misuse.
Mr. Duale highlighted that Somalia’s Constitution guarantees freedom of speech and media independence, describing journalists as vital partners in strengthening democracy and accountability. He further commended FESOJ’s continued role in promoting professionalism and safeguarding journalists’ rights nationwide.
The 2025 IDEI commemoration organized by FESOJ served as a powerful platform to amplify women’s voices, promote digital safety, and foster solidarity across the media sector. The event reaffirmed FESOJ’s unwavering commitment to empowering women journalists, defending press freedom, and ending impunity for crimes against journalists in Somalia.
