Home Blog Page 345

Wadadamada Soomaaliya iyo UK oo bilaabay ajende caalami ah

Arbaco 5, Nov 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u daah-furay ajende caalami ah oo lagu ballaarinayo barnaamij lagu magacaabay ilaalinta bulshada {social protection} ee dalalka nugul iyo kuwa ay colaadaha saameeyeen

 

Ajendahan oo lagu soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirka Guddiga Heerka Sare ee Ilaalinta Bulshada ee Dalalka Nugul iyo Kuwa Dagaalladu Saameeyeen, ayaa loogu magac daray “Ajandaha loogu talagalay Nabadda, Xasilloonida, iyo Adkaysiga

 

Daahfurka waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Rt Hon Baroness Chapman of Darlington oo ka socday Dowladda Ingiriiska, iyo raysal wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, oo metelayay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Ajendahan cusub wuxuu diiradda saarayaa sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada taageerada bulshada ee ka jira dalalka ay saameeyeen dagaallada, saboolnimada iyo isbeddellada cimiladu, si loo dhiso nabad waarta, xasillooni iyo adkaysi bulsho

 

War lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska {FCDO} ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay mid kamid ah dalalka tusaale u noqonaya hirgelinta nidaamyo taageera bulshada ee dhisaya kalsoonida shacabka iyo dowladdooda

 

Baroness Chapman iyo Wasiir Saalax Axmed Jaamac waxay sheegeen in maalgelinta barnaamijyada ilaalinta bulshada ay tahay maalgashi lagu dhisayo nabad, degganaansho iyo karaamo, isla markaana ay horseed u noqon karto soo kabasho waarta.

Mamdani oo ku guuleystay duqa New York.

Arbaco 5, Nov 2025 {HMC} Zohran Mamdani oo 34 jir ah ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay duqa magaalada New York waana duqii ugu da’da yaraa ee soo mara magaalada.

Trump ayaa ku hanjabay inuu jari doono dhaqaalaha federaalka ee magaalada York haddii Mamdani uu ku guuleysto doorashada, isagoo taageeray Andrew Cuomo oo si madax banaan u tartamayo.

Mamdani waxa uu sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo magaalada ka noqda duq magaalo iyo sidoo kale qofkii ugu horeeyay ee xilkaas qabto oo ka soo jeeda Koonfurta Aasiya kuna dhashay qaaradda Afrika.

Soomaaliya oo kobaca dhaqaalaha kaga hormartay dalal badan oo ay ku jirto Qatar.

Arbaco 5, Nov 2025 {HMC} Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa shaacisay saadaasha kobaca dhaqaalaha dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika ee sanadka 2025, iyadoo Soomaaliya loo rajeeyay koror dhaqaale oo gaaraya 3 boqolkiiba.

Saadaasha IMF ayaa tilmaamaysa in dhaqaalaha Soomaaliya uu si tartiib ah u kobcayo, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhanka amniga iyo sicir-bararka caalamiga ah.

Hay’addu waxay sheegtay in xasilloonida siyaasadeed ee sii kordheysa, hagaajinta maamulka maaliyadda, iyo dib u habeynta nidaamka cashuuraha ay ka mid yihiin sababaha horseeday in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho.

Marka loo eego dalalka kale ee caalamka, Soomaaliya waxay ka sarreysaa wadamo ay ka mid yihiin Qatar, Pakistan, Jordan, Kuwait iyo Iran, halka dhaqaalaha Yemen uu hoos u sii dhacay..

IMF waxay sidoo kale sheegtay in taageerada beesha caalamka, maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ballaarinta adeegyada dijitaalka ah gaar ahaan kuwa bangiyada iyo lacagaha mobilada ay door ka qaateen kororka dhaqaalaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dhowaan laga cafiyey deyntii caalamiga ahayd ee muddada dheer lagu lahaa, taas oo abuurtay fursad ay dowladdu awood ugu yeelato dib u dhiska Hay’addaha Dowliga iyo maalgashiga.

Guud ahaan, saadaasha IMF waxay muujisay in sanadka 2025 uu jiri doono koror dhaqaale oo caalami ah, iyadoo dalal kala duwan ka soo muuqan doonaan horumarkaasi.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika oo Muqdisho kula kulmay La Taliyaha Amniga Qaranka.

0

Arbaco  5, Nov 2025 {HMC} Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, La Taliyaha Amniga Qaranka.

Kulanka oo ka qabsoomay Taliska Guud ee AUSSOM ayaa bixiyay fursad ay labada masuul isku waydaarsadaan aragtida ku saabsan xoojinta iskaashiga, sare u qaadista hawlgalllada militari ee wadajirka ah ee socdo kana dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta dadaallada xasilinta, helidda lacag lagu maalgeliyo AUSSOM iyo isku duwista dejinta qorshaysan ee ciidanka Masar ee ku biiraya AUSSOM.

Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta geeddisocodka nabadda iyo amniga ee ay Soomaaliya hoggaaminayso iyo adkaynta wada shaqeynta si loo hirgeliyo waajibaadka AUSSOM.

SOMA marks International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists.

0

Press Statement: International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists (IDEI)
Organized by the Somali Media Association (SOMA) and sponsored by International Media Support (IMS).

Mogadishu, Somalia, November 4, 2025: The Somali Media Association (SOMA) successfully commemorated the International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists (IDEI) on November 2, 2025, in Mogadishu, Somalia. The event brought together journalists, media leaders, government officials, and civil society representatives to highlight the importance of justice for crimes against journalists and reaffirm the collective call for accountability and press freedom in Somalia.

This year’s commemoration was held under the global theme “Justice . Safety. Accountability”, providing a platform to discuss the persistent challenges Somali journalists face, including threats, violence, and a culture of impunity that undermines freedom of expression.

Speakers emphasized the need to strengthen legal and institutional mechanisms to protect journalists, ensure fair investigations, and hold perpetrators accountable. Testimonies from journalists who experienced threats and violence highlighted both the risks involved in reporting and the resilience of media professionals committed to truth and justice. The event was officially opened by SOMA Secretary General, Mohamed Abduwahab, who shared findings from SOMA’s 2025 media monitoring report:

“Our monitoring shows that journalists in Somalia continue to face intimidation not only from extremist groups but also from security agencies meant to protect them. Impunity remains a serious challenge, and we must work collectively to ensure justice and accountability for all media practitioners.”

According to SOMA’s report, 123 cases of violations against journalists were recorded across Somalia in 2025:

61 journalists were arrested without a warrant.

10 journalists were tortured or beaten during reporting or detention;

30 journalists were suspended or denied access to work for political reasons;

22 journalists were directly threatened, often by armed officers.

The regional distribution of these incidents was as follows:
Mogadishu (76),
Somaliland (32),
Garowe (2),
Dhuusamareeb (2),
Laascaanood (3),
Gaalkacyo (4),
Cadaado (2), and
Afgooye (2).

Only three of the 123 cases reached court — one in Mogadishu and two in Somaliland — illustrating the widespread impunity facing Somali journalists. Among the victims, 10 were women, many of whom experienced gender-based violence and public humiliation. During the panel discussion, Mr. Muse Moallim Mohamed, former Chief of the Benadir Regional Court, stressed the importance of judicial accountability:

“The court primarily handles civil cases, and judges must ensure that individuals appear before the court within 48 hours of arrest. If this procedure is not followed, the responsible prosecutor must be held accountable. Justice delayed is justice denied.”

Mr. Abdifitah Adan, Spokesperson of the Somali Police Force, highlighted recent improvements:

Journalists previously faced serious threats, killings, and arbitrary arrests by both extremists and government authorities. Today, the situation has improved. We are committed to creating a safe working environment, ending unlawful detention and mistreatment, and raising awareness among police and security officers on journalists’ rights. Dialogue and cooperation with media leaders are essential to sustaining this progress.”

Shafi Ibrahim, the Head of the Department of Journalism and Communication at Mogadishu University, added: “Educating journalists is key to building a safer, accountable media environment. Institutions must equip them with knowledge, ethical standards, and legal awareness to operate safely and independently.

Journalists require a safe environment in which to report freely. Impunity undermines our work and the public’s right to know. Dialogue between media and authorities is essential for justice and safety.” Shamsa Ibrahim, Director of the Women Media Network (WMN), emphasized gender-specific risks:

“Women journalists face double threats — for being journalists and for being women. Gender-sensitive safety measures and accountability mechanisms are urgently needed to protect women in journalism.”

Sumaya Abulkadir, a female journalist: “As a woman reporter, I often face threats and harassment. Events like this give us a platform to share experiences and push for protection and accountability.”

Mr. Abdirahman Ali, a male journalist: Journalists require a safe environment in which to report freely. Impunity undermines our work and the public’s right to know. Dialogue between media and authorities is essential for justice and safety.”

In conclusion, through the IDEI 2025 commemoration, SOMA reaffirmed its unwavering commitment to justice, safety, and accountability for all journalists in Somalia. The Association calls on government institutions, security agencies, media houses, and international partners to take concrete and sustained actions to investigate and prosecute crimes against journalists.

Protecting media professionals is not only essential for their safety but also for upholding the public’s right to information and strengthening Somalia’s democracy.

[DHAGEYSO WARKA] Warka Habeenimo Ee Radio Hiiraanweyn. 04-11-2025

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo- Abdimaajid Abdirahman Aadan

Farsamadii. Yaasiin Ali Ahemed

{DAAWO MUQAALKA} Nin Soomaali ah oo seddex haween ah ku dilay Dalka Jarmalka.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Nin Soomaali ah oo seddex haween ah ku dilay Dalka Jarmalka.

{DAAWO MUQAALKA} Falanqeyn:- Dilalka dumarka ee ka taagan Galgaduud iyo Galmudug oo qaaday talaabo.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Falanqeyn:- Dilalka dumarka ee ka taagan Galgaduud iyo Galmudug oo qaaday talaabo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Sidee Loola Xisaabtami karaa Kuwa dhibaateeyo Saxafiyiinta Dood Adag oo ay qabatay SOMA.

0

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo dowlad goboleedyada ka joojisay bixinta Fiisaha dal ku jooga.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} DFS oo dowlad goboleedyada ka joojisay bixinta Fiisaha dal ku jooga.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA