Home Blog Page 346

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 04-11 -2025.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Nin Soomaali ah oo seddex haween ah ku dilay Dalka Jarmalka.

0

Talaado 04 Nov 2025 {HMC} Nin Soomaali ah oo seddex haween ah toorey ku dilay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria, Jarmalka, laguma celin karo dalkiisa waxaana uu si joogto ah ugu sii jiri doonaa xarunta dadka maskaxda laga daweeyo ee Jarmalka.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Munich ayaa bogga wararka ee BR24 u sheegay in aan la sii deyn karin si loo masaafuriyo , iyadoo loo ilaalinayo ammaanka guud ee bulshada.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii khabiir caafimaad maskaxeed uu soo jeediyay in haddii ninkan la masaafuriyo, ay jirto halis weyn oo uu mar kale Jarmalka ugu soo laaban karo, taasoo u sahlaysa inuu geysto falal kale oo dambiyo culus ah.

Xeer-ilaaliyayaasha ayaa intaas ku daray in ninka Soomaaliga ah laga yaabo in haddii uu dalkiisa lagu celiyo, si xor ah loo sii daayo, taas oo u suuragelin karta inuu dib ugu soo laabto Jarmalka.

Horay, Xafiiska Gobolka Bavaria ee Qaxootiga iyo Masaafurinta ayaa xaqiijiyay inuu baarayo suurtagalnimada masaafurintiisa, balse taas waxaa looga baahnaa oggolaanshaha xafiiska xeer-ilaaliyaha.

Hadda, ninkan Soomaali ah ayaa lagu sii hayn doonaa qaybta dadka maskaxda laga daweeyo ee isbitaalka Lohr, oo ku taalla 30km waqooyi-galbeed ka xigta Würzburg.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha Munich ayaa sheegay in uu weli khatar ku yahay bulshada.

Qareenkiisa, Hanjo Schrepfer, ayaa wakaaladda wararka ee dpa u sheegay: “Waxaan u arkaa go’aanka xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud mid sax ah, waxaana aaminsanahay in go’aankan garsoorka ah uu yahay mid ku habboon.”

25-kii Juun 2021, ninkan oo markaas 24 jir ahaa, magaciisana lagu sheegay Cabdiraxmaan Jibriil, ayaa mindi ku weeraray dukaanka kuyaala magaalada Würzburg oo ay ku nol yihiin ku dhawaad 130,000 qof), kadibna bilaabay inuu dadka si aan kala sooc lahayn u weeraro.

Wuxuu dilay seddex haween ah oo da’doodu ahayd 25, 49 iyo 82 jir, wuxuuna dhaawacay ugu yaraan sagaal qof oo kale.

Mid kamid ah haweenkaas ayaa ku dhimatay iyada oo difaaceysa gabadheeda 11 jir ah oo ninka uu isku dayay inuu mindiyeeyo. Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu ku qeylinayay “Allahu Akbar” xilliga uu weerarka waday.

Ninkan ayaa la sheegay inuu Jarmalka kasoo galay Talyaaniga bishii May 2015, xilligii ugu sarreeyay ee qulqulka qaxootiga ee Jarmalka.

Wuxuu dalbaday magangelyo. Inkastoo codsigiisa la diiday, haddana wuxuu helay ilaalin ku-meelgaar ah, taasoo u oggolaatay inuu si sharci ah ugu sii nagaado Jarmalka.

Xigasho Hiiraan Online

Trump oo ku dhaqaaqay tallaabo cusub uu meesha uga saarayo warbaahinta madaxa bannaan.

0

Talaado 04 Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Trump ayaa ku dhaqaaqay tallaabo cusub uu meesha uga saarayo warbaahinta madaxa bannaan , isagoo hadda adeegsanaya shaqsiyaadka midigta fog ee sida xagjirka ah u taageerra, iyadoo hadda Laura Loomer, oo ah haweenay midigta xagjirka ah oo taageerta Trump , lagu daray kooxda loo oggolyahay inay ka soo warramaan dhacdooyinka waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, kaddib markii dhawaan warbaahintii ka soo warrami jiray ay shaqada u joojiyeen sabab la xiriirta shuruuc lagu tafatirayo wararkooda oo Pentagon-ka uu soo saaray.

Dhowr qof oo dadka warbaahinta bulshada ka taageerri jiray Trump ayaa hadda lagu beddelay halka ay ka baxeen warbaahinta , waxaana dadka aan horey saxaafadda ugu jirin sida, Laura Loomer la siiyay aqoonsi saxaafadeed, mana jirto wax saxaafad ah oo aan ahayn inay baraha bulshada taageerradeeda Trump ku soo gudbin jirtay oo ay lahayd, sida uu sheegay wargeyska Washington Post.

Mareykanka ka hor Trump , dalal badan ayuu cunaqabateyn u saaray inay xakameynayaan saxaafadda , balse hadda Trump ayaa qaaday wax aan horey dal kale looga sameyn oo aan xakameyn ku saabsaneyn ee shaqo joojin uu geliyay saxaafadda madaxa bannaan , oo lagu beddelayo shaqsiyaad baraha bulshada oo aan sheegeyn wax isaga ka dhan ah..!

Iiraan oo shaashad weyn ku soo muujisay sawirada dhowr hoggaamiye oo isku haleeyay Beenta Mareykanka.

0

Talaado 04 2025 {HMC} Bartamaha caasimadda Iiraan ee Tahran ayaa shaashad weyn lagu soo muujiyay sawirka dhowr hoggaamiye oo la dhex geliyay taallada xorriyada Mareykanka.

iyadoo la sheegay hoggaamiyeyaashan inay isku haleeyeen ballanqaadka beenta ah ee Mareykanka oo markii dambe galaaftay xukunkooda, waxaana ka mid ah sawirrada la soo bandhigay; madaxweynaha Ukraine , Zelensky, madaxweynihii hore ee Liibiya, Qadaafi , boqorkii u dambeeyay ee Iiraan, Shah Reza Pahlavi iyo Saadam Xuseen.

Waxaa kaloo baahiyay farriimo kale oo lagu sheegay inaysan Iiraan waligeed ku kalsoonaan doonin Mareykanka.

Dowlada Ciraaq oo Mareykanka ku amartay in uu iskaga Baxay Dalkeeda.

0

Talaado 04 2025 {HMC} Ciraaq ayaa ku xirtay si hubka looga dhigo kooxaha ay Iiraan taageerto ee ku sugan gudaha Ciraaq, in marka hore loo baahanyahay inay ciidanka Mareykanka isaga baxaan dhammaan dhulka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Maxamed Suudaani oo go’aankan soo saaray wuxuu yiri ; “ Kooxaha hubeysan waxay aaminsanyihiin Mareykanka inuu yahay gumeyste dhulkooda ku soo duulay, mana suragelayso Mareykanka oo ku sugan Ciraaq inay hubka dhigaan.”

RW Xamsa”Jidka Buulo-xuubeey oo dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir

Talaado 4 Nov 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey, oo gaaraya ku dhawaad 2-KM, ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.

“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adegyada bulshada, ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

 

Madaxweyne DFS oo ka qeyb galay Caleema saarka Madaxweyne Samia Suluhu Xasan

Talaado 4 Nov 2025 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dodoma ee dalka Tanzania kaga qeyb galay xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Samia Suluxu Xasan.

Munaasabadda lagu Caleemo saarayay Samia Suluxu Xasan waxaa sidoo kale ka qeyb galay madax kale oo ka socotay Afrikaan ah, Ururrada gobolka iyo marti sharaf oo lagu casuumay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xaflada ka jeediyay khudbad muhiim aheyd ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga gobolka ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Madaxweyne Xasan dhigiisa dalka Tanzania Samia Suluxu Xasan ku amaanay hanaankeeda hoggaamineed, wuxuuna cadeeyay iney Soomaaliya ka go’an tahay horumarinta Nabadda iyo iskaashiga guud ee gobolka.

“Guusha ay gaartay waxay ka tarjumaysaa kalsoonida iyo kalsoonida shacabka Tansaaniya, Soomaaliya waxa ay rajaynaysaa in aan sii xoojinno xiriirka walaaltinimo iyo horumarinta nabadda iyo barwaaqada gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sabtigii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Guddiga doorashada dalka Tanzania ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay codad gaaraya 97.66 boqolkiiba doorashadii dhacday.

Ugu dambeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in mudada uu joogo dalkaasi Tanzania inuu halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeesho madaxda kala duwan ee ka qeyb gashay xaflada lagu Caleemo saarayay haweeneyda mar labaad dib loogu doortay madaxweynaha dalkaas Samia Suluhu Xasan.

Omar Fateh oo u tartamaya inuu noqdo Soomaaligii ugu horreeyay ee duq ka noqdo Minneapolis

Talaado 4 Nov 2025 {HMC} Dadka magaalada Minneapolis ayaa dooranaya duqa magaalada, taas oo laga yaabo in Omar Fateh oo ah senatar Soomaali–Mareykan ah, ka dhigto duqii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee magaaladan hoggaamiya.

Doorashadan waxaa ku tartamaya 15 musharax, waxaana lagu go’aaminayaa halka ku kala jiraan qiimaynta musharaxiinta, iyadoo Fateh uu la tartamayo Jacob Frey, oo ah duqa haatan xilka haya oo laba jeer lasoo doortay.

Cumar Fateh, oo 35 jir ah, wuxuu taariikh sameeyay 2020 markuu noqday Senatarkii ugu horreeyay ee Soomaali–Mareykan ah ee Minnesota. Ololihiisu wuxuu diiradda saaraya qiimaha nolosha, sida xasilinta kirada guryaha, iyo in kor loo qaado mushaaraadka shaqaalaha.

Ololaha Fateh ayaa xoog yeeshay bishii Luulyo, markii uu helay taageerada xisbiga DFL, balse taageeradaas ayaa dib looga noqday sababo la xiriira cillado farsamo oo ku yimid nidaamka codbixinta. Go’aankaas ayaa caro dhaliyay, taageerayaashiisuna waxay ku eedeeyeen xisbiga inuu cadaadis uga yimid kooxaha doonaya in la ilaaliyo Frey. Fateh wuxuu ku tilmaamay arrintaas dagaal u dhexeeya dadka hoose iyo dadka maalqabeenka ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa Fateh u bixisay “Mamdani of the Midwest”, iyagoo barbardhigay Zohran Mamdani, siyaasiga Muslimka ah ee u taagan duqa New York City. Labadooduba waxay wadaagaan aragtiyo ku saleysan caddaaladda bulsho, in la helo guryo la awoodi karo, iyo dib-u-habaynta ammaanka bulshada.

Dhanka kale, Frey, oo 44 jir ah, wuxuu ku faanayaa in uu soo celiyay deganaanshaha magaalada Minneapolis, isagoo soo bandhigay hoos u dhaca dilalka ka dhici jiray magaalada , iyo fulinta heshiisyada maxkamadeed ee dib-u-habaynta booliska.

Ka qaybgalka Soomaalida iyo Bariga Afrikaan ayaa door weyn ku yeelan kara natiijada, iyadoo xaafadaha Cedar-Riverside, Ventura Village, iyo Phillips la filayo inay muujiyaan ka-qaybgal sare. Fateh waxaa taageeraya Xildhibaan Ilhan Omar, ururo shaqaale, iyo xubno golaha deegaanka ah, wuxuuna ololihiisa xoogga saarayaa ganacsiyada Soomaalida iyo bulshada muhaajiriinta.

Tan iyo markii uu ololaha bilaabay, Fateh wuxuu wajahayaa hanjabaado Islaam naceyb ah iyo weerarro internet-ka ah, balse wuxuu sheegay inuusan ka baqayn. Dhanka kale, Frey waxaa taageeraya Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz iyo ururo ganacsi, kuwaas oo xoojinaya ololihiisa dhaqaale.

Haddii Omar Fateh guuleysto, wuxuu noqon doonaa Soomaaligii ugu horreeyay ee duq ka noqda magaalo weyn oo Mareykan ah, taas oo noqon doonta guul taariikhi ah oo muujinaysa koritaanka iyo saamaynta bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota.

 

 

Top Somali Olympic officials face legal action over olleged violations

Tuesday   4 Nov 2025 {HMC}  The Somali Ministry of Youth and Sports on Monday submitted a case to the Office of the Attorney General against several senior members of the Somali Olympic Committee (SOC) over alleged misconduct and violations.

The officials named in the case include SOC Chairman Ahmed Abdi Hassan (Wataac), Deputy Chairman Duran Ahmed Farah, Secretary-General Mohamed Abdow Haaji, and Assistant Secretary Farah Ali Moalin.

 

The ministry said the accused officials will face due legal process and that the results of the investigation along with subsequent actions will be communicated to the public transparently.

 

The move follows the ministry’s decision to suspend SOC Chairman Wataac and Secretary-General Haaji, citing preliminary findings of misconduct that allegedly undermined the integrity and governance of the national sports body.

In response, Chairman Ahmed Abdi Hassan (Wataac) criticized the minister’s decision, accusing him of overreach and conflict of interest. Speaking to local media, Wataac said the Somali Olympic Committee is an independent, self-elected institution that does not receive salaries from the government.

He alleged that tensions began after the ministry attempted to seize control of a sports center adjacent to the SOC headquarters, a move he said the committee opposed.

“When we refused to hand over the center, the minister issued an illegal letter terminating our positions,” Wataac claimed.

He further alleged that the ministry previously indicated its buildings center was “no longer needed” and suggested it had been allocated to businessmen with vested interests.

The dispute marks a deepening rift between the Ministry of Youth and Sports and the Somali Olympic Committee, potentially impacting preparations for upcoming regional and international sporting events.

Source Hiireaan ONline

Germany blocks deportation of Somali man in Würzburg triple stabbing

Tuesday   4 Nov 2025 {HMC} German authorities have ruled that a Somali man who fatally stabbed three women in a 2021 attack in Würzburg will not be deported, citing the risk that he could return to Germany and commit further violent crimes.
The Munich Public Prosecutor’s Office said the man, identified as Abdirahman Jibril, will remain indefinitely in a secure psychiatric facility. Prosecutors determined that deporting him would pose a “significant threat to public safety,” as he could be released in Somalia and reenter Germany without supervision.
The decision followed a psychiatric assessment that concluded Jibril continues to suffer from paranoid schizophrenia and remains a danger to society. The report found that his confinement could not be suspended or replaced with other measures such as international arrest warrants.

Jibril, believed to be in his mid-30s, attacked random passersby on June 25, 2021, at Würzburg’s Barbarossaplatz, killing three women aged 25, 49, and 82, and injuring at least nine others. One of the victims was fatally stabbed while shielding her 11-year-old daughter. Witnesses said the assailant shouted “Allahu Akbar” during the attack before being subdued by police gunfire.

The Würzburg Regional Court found Jibril not criminally responsible due to his mental illness and ordered his indefinite confinement under Section 63 of Germany’s Criminal Code. Since July 2022, he has been held at a psychiatric hospital in Lohr, about 30 kilometers northwest of Würzburg.
His defense lawyer, Hanjo Schrepfer, told the German Press Agency (dpa) that he supports the ruling. “The decision by the prosecutor’s office is appropriate and legally sound,” he said, adding that therapy remains limited because the patient still lacks insight into his condition.
Germany’s State Office for Refugees had earlier explored the possibility of deportation, but officials said the prosecutor’s office ultimately ruled it too dangerous.
Jibril arrived in Germany from Italy in 2015 during Europe’s peak migration wave and was granted temporary protection after his asylum application was denied.

 

Source Hiireaan ONline