Home Blog Page 347

Somali Prime Minister opens internet governance forum to advance digital transformation

Tuesday   4 Nov 2025 {HMC} Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre on Tuesday officially inaugurated the Somalia Internet Governance Forum 2025 (SIGF 2025) in Mogadishu, marking the third edition of the country’s national digital policy platform.

The forum highlights the government’s commitment to enhancing digital infrastructure, ensuring access to a secure and reliable internet, and fostering innovation in technology-driven public services.

 

In his opening remarks, Prime Minister Barre emphasized that the internet is “the backbone of national development,” adding that effective internet governance builds public trust, drives innovation, and safeguards citizens’ rights. He underscored the need for a multistakeholder approach to create inclusive digital policies that serve all segments of society.

 

The SIGF 2025 has emerged as a major platform uniting government agencies, technology firms, digital experts, and civil society stakeholders to align Somalia’s vision for internet governance and explore emerging opportunities in the digital economy.

According to official data, Somalia’s internet penetration stood at 10.9% in early 2024, with approximately 5.08 million users out of a population of 18.4 million. While mobile connections (44.7% penetration) remain the main source of internet access, connectivity remains uneven—urban areas enjoy higher access rates compared to rural regions.

Recent technological developments, including the introduction of Starlink satellite internet, are expected to boost nationwide connectivity, though affordability continues to be a major barrier for many households.

 

Source Hiireaan ONline

 

President Hassan Sheikh attends Samia Suluhu’s inauguration in Tanzania

Tuesday   4 Nov 2025 {HMC} — Somali President Hassan Sheikh Mohamud attended the inauguration ceremony of President Samia Suluhu Hassan in Dodoma, Tanzania, on Monday, joining other African heads of state, regional organizations, and invited guests.

During the ceremony, President Mohamud emphasized the importance of strengthening bilateral relations and regional cooperation between Somalia and Tanzania. He also conveyed his best wishes to President Samia and the Tanzanian people for continued peace, progress, and prosperity.

 

A day earlier, President Mohamud had congratulated President Samia Suluhu Hassan on her re-election, praising her leadership and reaffirming Somalia’s commitment to advancing regional peace and cooperation.

 

“Her victory reflects the trust and confidence of the Tanzanian people. Somalia looks forward to deepening our brotherly ties and advancing regional peace and prosperity,” Mohamud said in a statement released by Villa Somalia on Saturday.

Tanzania’s electoral commission announced that President Samia Suluhu Hassan secured 97.66 percent of the vote in last Wednesday’s election, which was marred by controversy after leading opposition candidates were barred from contesting.

According to Villa Somalia, President Mohamud is expected to hold bilateral discussions with President Samia on regional affairs and cooperation and will also meet with other African leaders attending the ceremony.

 

Source Hiireaan ONline

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 04-11-2025.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 04-11-2025.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaalida ku nool Maraykanka ay la kala safato musharrixiinta u tartamaysa Duqa Minneapolis

0

Talaado 4 November  2025 {HMC}Soomaalida ku nool Maraykanka ay la kala safato musharrixiinta u tartamaysa Duqa Minneapolis

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA}Banaanbax ka dhan ah Maamulka Hirshabelle oo Maalintii labaad ka socda Jowhar.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Banaanbax ka dhan ah Maamulka Hirshabelle oo Maalintii labaad ka socda Jowhar.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Faah faahin Qoys Somali ah oo lagu weeraray Dalka Kanada.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Faah faahin Qoys Somali ah oo lagu weeraray Dalka Kanada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Markab Ganacsi oo Marayey Xeebaha Soomaliya oo la weeraray.

0

Talaado 4 November  2025 {HMC} Markab Ganacsi oo Marayey Xeebaha Soomaliya oo la weeraray.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Wasiirka Cayaaraha XFS Awood ma u leeyahay in uu shaqada ka joojiyo GOS & in uu dacwad ka gudbiyo?

Talaado 4 Nov 2025 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 2dii Bishaan sheegay in uu shaqo ka joojin ku sameeyay Guddoomiyaha iyo xoghayaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee loosoo gaabiyo GOS kaddib markii Wasaaraddu ku eedeysay “hab-dhaqan ka hor imaanaya nidaamka, anshaxa iyo shuruucda maamulka ciyaaraha dalka”.

Arrintaan waxaa jawaab ka bixiyay Guddoomiye Axmed Cabdi Xasan wataac iyo Xoghaye Maxamed Cabdow Xaaji ayaa ka falceliyay eedaha loo jeediyay & go’aanka Wasaaradda Cayaaraha ay shaqada uga joojisay, waxa ay eed culus u gudbiyeen Wasiirka Cayaaraha Soomaaliya taas oo ah “in uu iibsaday dhulka ay ku shaqaynayeen”.
Intaas kaddib Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Cayaaraha & Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dacwad ka dhan ah xubnahaan loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wasaaradda ayaa tallaabadaan ku tilmaamtay mid lagu ilaalinayo nidaamka iyo sharciga Isboortiga dalka, waxa ay intaas ku dartay in ay heshay falal muujinaya Musuq, tahriib iyo ku takrifal awoodeed oo ka dhan ah Isboortiga Soomaalida sida hadalka loo dhigay.

Xubnaha Dacwadda laga gudbiyay ayaa lagu daray xubno kale sida Guddoomiye ku xigeenka GOS iyo Kaaliyaha Xoghayaha, waxa ay Wasaaradda Cayaaraha Soomaaliya uga dhegeneed Guddoomiyaha iyo xoghayaha guud ee Guddigaas.

Wasaaradda Cayaaraha Soomaaliya, awood ma u leedahay in ay shaqo ka joojin ku samayso Guddiga Olombikada Soomaaliyeed?

7 Wadan Oo ku baaqay in ciidamada Israa’iil si degdeg ah uga baxaan Qaza.

Talaado 4 Nov 2025 {HMC}  Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka oo kulan ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxay cambaareeyeen xadgudubka Israa’iil ee ku aaddan heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza, waxayna ku baaqeen in ciidamada Israa’iil ay si deg-deg ah uga baxaan Gaza.

Kulanka looga hadlayay arrimaha Qaza oo Isniintii ka dhacay Istanbul, ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka Turkiga, Pakistan, Indonesia, Qatar, Sacuudiga, Jordan iyo Imaaraadka Carabta oo martigelinaya shirka.

Waxaa in la xusuusta ah in Pakistan, oo ay weheliyaan toddobo waddan oo kale oo Carab ah iyo Islaamiyiin ah, ay si firfircoon uga qaybqaateen hindisaha nabadeed ee ka dhashay ‘heshiiska nabadda ee Gaza’ ee ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dlka Qadar.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa markii uu soo idlaaday kulanka lagu sheegay, in intii uu socday kulanka ay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Senator Isxaaq Daar oo ay weheliyaan wasiirro kale oo arrimaha dibadda Carabta iyo Islaamka ay ka wadahadleen, qaabka mustaqbalka loo gaari karo xabad-joojin waarta iyo nabad waarta oo ka dhacda Gaza.

Sida lagu sheegay bayaanka, madaxda ka qayb galaysa kulanka ayaa si wada jir ah ugu baaqay gargaar bini’aadantinimo oo deg deg ah oo la geeyo Falastiiniyiin, waxayna cambaareeyeen xadgudubyada xabad joojinta ee Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in dhammaan hoggaamiyeyaasha ay si wadajir ah ugu baaqeen Israa’iil in ay ka baxdo dhulka Falastiin ee ay haysato, waxayna carrabka ku adkeeyeen dib u dhiska Gaza.

Dagaalyahanno hubeysan Oo Weerar Markab ganacsi oo marayay xeebaha Soomaaliya

Talaado 4 Nov 2025 {HMC}  Dagaalyahanno hubeysan ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi oo marayay xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kadib markii ay isku dayeen in ay fuulaan, sida ay sheegeen ilo la socday arrimahaan.

Haddii la xaqiijiyo, tani waxay noqon doontaa weerarkii ugu horreeyay ee burcad-badeednimo ee Soomaaliya lagu qaado markab ganacsi tan iyo May 2024, taasoo kor u qaadaysa khataraha la xiriira tamarta muhiimka ah iyo alaabta loo dhoofiyo gobolka, sida ay sheegeen dadka arrimahaan u dhuun-daloola.

Markabku waxaa uu marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya markii afar nin oo hubeysan ay ka soo dhowadeen, iyagoo watay doon yar isla markaana rasaas ku furay, sida ay sheegeen kooxda Maareynta Khataraha Badda ee Vanguard.

“Shaqaaluhu waxay bixiyeen digniin, waxayna kordhiyeen xawaaraha, waxayna sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ka fogaansho ah. Kooxda ammaanka ee hubeysan ee saaran markabka waxay si wax ku ool ah uga jawaabtay isku dayga burcadda, taasoo ka hortagtay weerarka isla markaana ka badbaadisay waxyeello ama dhaawac.”

Vanguard iyo ilo wareed ka tirsan hay’adda amniga badda ayaa sheegay in markabka la beegsaday uu ahaa markab kiimiko sida oo ku safrayay calanka Jasiiradaha Cayman oo lagu magacaabo Stolt Sagaland.

Hawl-wadeenka markabka Stolt-Nielsen ayaa xaqiijiyay in weerar lagu soo qaaday Stolt,balse uu fashilmay.