Home Blog Page 348

Maxey tahay Xogta uu Madaxweyne Erdogan ka helay Xamaas ee uu la wadaagay Wadamada Islaamka.?

0

Talaado 4 Nov 2025 {HMC}  Madaxweyne dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Xamaas ay “go’aan ku gaartay” inay u hoggaansanto xabbad-joojinta Qasa, isaga oo intaa ku daray in ay lama huraan tahay in wadamada Islaamku ay door hoggaamineed ka qaataan dib-u-dhiska dhulka Falastiiniyiinta.

Erdogan oo la hadlayey ergayada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee ku kulmay magaalada Istanbul si ay uga qaybgalaan shir sanadeedka COMCEC ee iskaashiga dhaqaale ayaa yiri: “Xamaas waxay u muuqataa inay si buuxda ugu go’an tahay inay u hoggaansanto heshiiska.”

Wuxuu sidoo kale yiri: “Xamaas waxay muujineysaa go’aan ah inay dhowrto heshiiska. Laakiin, dhanka kale, dhammaanteen waan ognahay in rikoodhka Israa’iil ee arrintan la xiriira uu aad u liito.”

Hadalladiisa ayaa yimid iyadoo Turkigu isu diyaarinayo inuu martigeliyo wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Qadar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Pakistan iyo Indonesia, si ay uga wadahadlaan dib-u-dhiska Qasa, iyadoo welwel laga qabo xabbad-joojinta jilicsan ee 10-kii Oktoobar la gaaray .

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay: “Waxaan aaminsanahay in qorshaha dib-u-dhiska ee ay diyaariyeen Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka la hirgeliyo isla markiiba,” isaga oo tixraacaya qorshe bishii Maarso la soo bandhigay si dib loogu dhiso dhulka Falastiiniyiinta ee burburay.

Wuxuu intaas ku daray: “Waa lama huraan in Ururka Iskaashiga Islaamka uu door hoggaamineed ka soo kabashada Qasa.”

XIGASHO BBC

Mareykanka oo markii u horreysay shaaca ka qaaday suragalnimada in la xiro hawada Mareykanka

0

Isniin 3 Nov 2025 {HMC} Wasaaradda gaadiidka Dalka Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday suragalnimada in la xiro hawada Mareykanka, sabab la xiriirta mushaar la’aanta ay wajahayaan shaqaalaha adeegga hawada oo ay ku jiraan kuwa maamulla garoommada diyaaradaha iyo duuliyeyaasha diyaaradaha, kaddib markii lacagta lagu maalgeliyo hay’adaha dawladda Mareykanka ay go’day, taa oo ka dhalatay markii xisbiga Jamhuuriga ee Trump uusan heshiis la gaarin xisbiga mucaaradka ee Dimoqraadiga oo ku saabsan sida golaha sharci dejinta ay u ansixiyaan sharciga kharashaadka, sida ay werisey Al Jazeera.

Si fudud , haddii shaqaalaha adeegga maamulka hawada ama duuliyeyaasha khibrada leh ay shaqada joojiyaan wasaaradda gaadiidka Mareykanka, waxay qaadanaysaa go’aan lagu xirayo hawada si aysan khatar u dhicin,mana jiri doonaan markaa duulimaadyo gudaha ah iyo kuwa caalami ah oo Mareykanka tagaya ama gobollada isaga safraya, xilli mar horaba maanta iyo shalay la soo sheegay in duulimaadyada qaar ay dib u dhaceen, maaddama adeegyada garoommada aysan si buuxda u socon.

Waa wax wanaagsan qofka doonaya xilli dhow inuu u safro Mareykanka , inuu u fiirsado xaaladan ama xataa safaro gudaha ah haddii aad galayso.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Soo Xiray Shirkii Taliyaasha Qeybaha Ciidanka Dhulka.

0

Isniin 3 Nov 2025 {HMC} Taliya Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa soo xiray shir Muqdisho ka socday oo ay iskugu yimaadeen dhamaan Taliyaasha Qeybaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka.

Shirkan ayaa socday muddo toban maalmood ah waxaana loogu yeeray dhammaan taliyaasha qeybaha ciidanka.

Shirka, oo uu soo qaban-qaabiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ujeeddadiisu ahayd aqoon-isweydaarsi, dhiirrigelin iyo daadajinta qorshayaasha hortabinta leh ee sanadka soo socda, kuwaas oo lagu xoojinayo howlaha shaqo ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka.

Intii uu socday shirka, taliyaasha qeybaha ayaa iska xog-waraystay xaaladaha amni, tababarada ciidamada, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo hannaanka shaqo ee ciidanka, si kor loogu qaado awoodda iyo isku-duubnida Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka.

Ugu dambeyn, shirka oo ahaa mid guul ku soo dhamaaday, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar, waxa uu taliyaasha qeybaha kula dardaarmay in ay adkeeyaan oo laba jibaaraan shaqada loo idmaday, isagoona ku amaanay dadaalkooda iyo go’aan qaadashadooda.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaasray Dalka Tansaaniya.

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Marwo Samia Suluhu Hassan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa Madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal, isaga oo u rajeeyay Madaxweynaha dib loo doortay in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer Qaran, heer gobol iyo heer Qaaradeed ee hor yaala.

Wasiir Fiqi oo kulan La qaatay UNOPS.

0

Isniin 3, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha Mashaariicda (UNOPS) ugu wareejiyay agab casri ah Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo awoodda iyo hufnaanta shaqo ee Wasaaradahan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qalabkan ICT-ga uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhismaha nidaamka danabaynta si kor loogu qaado daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa mahadceliyay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay wareejintan tallaabo muujineysa kalsooni iyo iskaashi lagu dhisayo Wasaarad Gaashaandhig oo casri ah, hufan, kana jawaabta baahiyaha qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob jooga ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro Agaasimaha Guude ee UNOPS iyo saraakiil sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 3-11-2025.

0

Isniin 3 November 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Saadaad “Hadii wasir Fiqi uu aflagaadeeyo Puntland iyo Somaliland Xilka ayaa ka qaadeynaa

0

Isniin 3 November  2025 {HMC} Xildhibaan Saadaad “Hadii wasir Fiqi uu aflagaadeeyo Puntland iyo Somaliland Xilka ayaa ka qaadeynaa

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Sareedo ”Maalinta 14 Oktoober oo kaliyah ma aha ee Dad Badan ayaa lagu laayey Muqdisho”

0

Isniin 3 November  2025 {HMC} Xildhibaan Sareedo ”Maalinta 14 Oktoober oo kaliyah ma aha ee Dad Badan ayaa lagu laayey Muqdisho”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaanadii Ayaaba ka baqaaya ka hadlida AS”Yaasiin Fareey

0

Isniin 3 November  2025 {HMC}” Xildhibaanadii Ayaaba ka baqaaya ka hadlida AS”Yaasiin Fareey

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Raaxeye ”Waxaan Cosanaa inaanan Hal maalin loo Asteeynin Dadkii lagu laayey Qaraxyada”

0

Isniin 3 November 2025 {HMC}Xildhibaan Raaxeye ”Waxaan Cosanaa inaanan Hal maalin loo Asteeynin Dadkii lagu laayey Qaraxyada”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA