Home Blog Page 351

Taliska Ciidanka Danab ee Puntland oo xaqiijiyay in la jaray mushahaarkii

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Taliska Ciidanka Danab ee Puntland ayaa sheegay in maamulka hadda jooga uu joojiyay dhammaan xuquuqdoodii iyo mushaarkii ay ku lahaayeen, isla markaana ciidankooda lagu hayo hanjabaad joogto ah

 

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska Danab ayaa lagu sheegay in ciidanka Danab ay yihiin ciidanka u geeriyooday una dhaawacmay difaaca Puntland, haddana weli ay heegan u yihiin ilaalinta amniga shacabka iyo dalkooda

 

Ciidanka Danab waxay sheegeen inay shaqadooda sii wadi doonaan, inkastoo ay muujiyeen in ay ka walaacsan yihiin xaaladda haatan ka jirta Puntland

 

Waxay so dhoweeyeen dhalinyarada cusub ee aqoonyahannada ah ee kuso biiray ciidanka booliska, iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan, si loo xoojiyo amniga caasimadda

 

Ciidanka Danab oo uu hoggaamiyo sarkaal lagu magacaabo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, waxay ahaayeen ciidamadii horey uga horyimid doorashooyinka qof iyo cod, islamarkaasna ku lug lahaa dagaalkii ka dhacay magaalada Garowe sanadkii 2023, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof

 

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar ku saabsan in maamulka Puntland uu mushaaraadkii ka goosay ciidanka Danab iyo ciidamo kale oo Puntland uga howlgalayay Sool iyo Cayn

Waa kuma Cumar Faatax, Soomaaliga u tartamaya duqa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Xisbiga Dimuquraadiga dalka Mareykanka laantiisa gobolka Minnesota ayaa taageeray ololihii Cumar Faatax ee gobolkaas ee uu u tartamayey duqa magaalada Minneapolis

 

Xisbiga ayaa ka baaqsaday in uu taageero duqa xilka haya Jacob Frey, oo sidoo kale ah Dimuqraaddi

 

Gobolka Minnesota ayaa waxaa ku badan Soomaalida islamarkaana xilal kala duwan ayay muddooyinkii u dambeeyay ka qabteen gobolkaasi

 

Qoraal uu soo dhigay X, ayuu Cumar ku sheegay inay sharaf u tahay inuu noqdo musharraxa la ansixiyay ee duqa magaalada Minneapolis

             Waa kuma Cumar Faatax? 

Cumar Faatax, oo 35 jir ah, waa Dimuqraaddi, hadda waxa uu mar labaad u tartamayaa inuu noqdo Senator-ka gobolka Minnesota ee degmada 62aad isagoo u tartamaya inuu noqdo duqa xiga ee Minneapolis

 

Ninkan oo ku dhashay Washington, D.C, waxa uu sheegay in uu yahay wiil ay dhaleen waaliddiin soo galooti ah oo ka yimid Soomaaliya, dhawaanna uu noqon doono aabbe

 

Waxa uu shahaadada ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason, waxaana uu hore uga soo shaqeeyay khabiir ku takhasusay bulshada Minneapolis, iskuduwaha mashaariicda ee Waaxda Gaadiidka ee gobolka iyo falanqeeyaha ganacsiga ee Jaamacadda Minnesota

 

Markii loo doortay Senator-ka gobolka 2020, Faatax wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo Soomaali Mareykan ah oo ku biira Senate-ka Minnesota. Hore wuxuu sanadkii 2018-kii olole guul-darro ah u galay kursiga senate-ka dowlad-goboleedka, isagoo lumiyay tartankii Dimuqraaddiga oo ay ku guuleysatay wakiilkii hore ee gobolka Hodan Xasan

 

Isaga oo u tartamaya duqa magaalada, Cumar waxa uu u aqoonsan yahay hantiwadaag dimuqraaddi ah kaas oo ka mid ah siyaasadaha kale, wacad ku maray in uu wanaajin doono ilaalinta rideshare ee darawallada Uber iyo Lyft, la dagaallanka rabshadaha booliiska iyo kordhinta sahayda guryaha la awoodi karo

 

Waxa uu ballan qaaday in uu kor u qaadi doono mushaharka ugu yar ee magaalada oo ahaa $15.97 oo uu gaarsiinayo ilaa $20 marka la gaaro 2028. Mushaharka ugu yar ee Minnesota waa $11.13 hadda

 

Waxa uu sidoo kale wacad ku maray inuu is hortaagayo maamulka hadda talada haya ee Donald Trump, oo ay ku jirto inaan loo oggolaan doonin booliiska magaalada inay la shaqeeyaan Hay’adda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE).

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira in Xabsiga la dhigay Abu Lu’lu dilaaga RSF ee falka arxan darrada ah sameeyay?

Isniin 3 November  2025 {HMC} Maxaa ka jira in Xabsiga la dhigay Abu Lu’lu dilaaga RSF ee falka arxan darrada ah sameeyay?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweynahii hore soomaaliya Shariif Sheekh Axmed “35 sano kadib qofka ku fakiraayo inuu isagu bedasho Dastuurka

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka khilaafka kala dhexeeya ee ka taagan dhanka Dastuurka iyo doorashooyinka

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu burburinayo Dastuurka heshiiska lagu wada yahay, si uu u meel marsado danihiisa gaarka ah

 

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in hanaanka kaliya ee wax looga badali karo Dastuurka uu yahay heshiis bulsho, waxuuna xusay ineysan suuragal aheyn in la badalo Dastuurka heshiiska lagu wada yahay

 

“Xasan waa walaalkey waa soo wada shaqeynay, laakin xumaan kuma taageerayo in la fahma la rabaa munkar ka weyn ma jiro Ummad Dastuur ay ku heshiisay in la tuuro, haddii wax laga badalaayo heshiis ayaa looga bedalaa” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

 

Wuxuu sidoo kale sheegay Shariif Sheekh Axmed in dalka uu u baahan yahay badbaado, islamarkaana qof walba oo Soomaali ah looga baahan yahay inuu u istaago sidii loo hormarin lahaa dowladnimada

 

“35 sano kadib qofka ku fakiraayo inuu isagu bedasho Dastuurka ee haddane adiga ku yiraahdo aamus waa lunsan yahay, dalka in la badbaadiyo, ummaddaana la mideeyo waa wax qof walba oo Soomaali ah laga rabo” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed

 

Hadalkaan kasoo yeeray Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda culus oo ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka oo ay isku hayaan dowladda Fedaraalka, siyaasoyiinta Mucaaradka ah iyo madaxda maamulada Jubbland iyo Puntland.

{DAAWO MUQAALKA} Xubin ka tirsan Kooxda AS oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda

isniin 3 November  2025 {HMC} Xubin ka tirsan Kooxda AS oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaano Kasoo jeeda Somaliland Mooshinka ka keenay Adeega E-Visa

isniin 3 November  2025 {HMC} Xildhibaano Kasoo jeeda Somaliland Mooshinka ka keenay Adeega E-Visa

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Maxaa laga filayaa shirka arrimaha Gaza ee Istanbul Ka Dhacaya?

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Imaaraadka Carabta, Indonesia, Qatar, Pakistan, Saudi Arabia iyo Urdun ayaa maanta ku kulmaya magaalada Istanbul si ay u qiimeeyaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gaza

 

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaa sidoo kale inta uu shirku socdo looga hadli doonaa halka ay marayso xabbad joojinta iyo xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka

 

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo arrimaha dibadda ee Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa ku baaqi doona in si degdeg ah loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo sugo ammaanka iyo maamulka Gaza ee Falastiiniyiinta, waa waxyaabaha laga filayo kulanka manta

 

Waxaa la sheegay in Fidan ay ku nuuxnuuxsan doonto “muhiimadda ay leedahay tallaabo isku dubaridan oo ay qaadaan dalalka Muslimka ah si xabbad-joojintu ay u noqoto mid nabad ah oo waarta.”

 

Wadamada ka qeyb galaya kulanka ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii uu socday shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee bishii September ka dhacay magaalada New York.

Madaxweynaha Suuriya oo booqasho Taariq ah ku tagaya Washington

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump u qaabilsan bariga dhexe ahna safiirka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa sheegay in madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed Sharaa la filayo inuu dhawaan booqdo magaalada Washington

 

Booqashadu waxay ku beegan tahay “ku dhawaad ​​10-ka November,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad

 

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweyne Suuriya uu ku tago caasimadda Mareykanka

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Assad Hassan Shaybani, ayaa Axadii, November 2-deedii, xaqiijiyay in Sharaa uu booqan doono Aqalka Cad horraanta bisha November si uu ugala hadlo dib u dhiska Suuriya

 

Tom Barrack ayaa sabtidii u sheegay saxafiyinta, in inta lagu jiro booqashada ay rajeynayaan in Suuriya ay ku biirto isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah ISIS

 

Ilo Suuriyaan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in booqashada la filayo inay dhacdo labada toddobaad ee soo socda gudahood

 

Shara oo xukunka la wareegtay 8-dii bishii December ee la soo dhaafay, hogaamiyahan ayaa safaro kala duwan ku tagay dalka dibaddiisa

 

Mid ka mid ah booqashadii ugu horreysay ee Shara waxay ahayd Ankara 4-tii Febraayo, ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan

 

Trump ayaa magaalada Riyaad kula kulmay Sharaa 14-kii May, waxaana ku wehliyay dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, sidoo kale Madaxweyne Erdogan ayaa kulanka uga qeyb galay khadka taleefanka

 

Maalin ka hor ayuu Trump ku dhawaaqay in uu cunaqabateynta ka qaaday Suuriya, waxaana uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay Erdogan iyo bin Salmaan ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah howshan

 

Hogaamiyaha Suuriya ayaa sidoo kale magaalada Moscow kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin 15kii Oktoobar

 

Ergeyga gaarka ah ee Barrack ayaa sheegay in Washington ay uga golleedahay sidii ay Suuriya ugu qancin lahayd inay ku biirto isbahaysiga ay Washington hoggaaminaysay tan iyo 2014-kii si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish

 

Sannadkii 2016-kii ayuu ka go’ay Al-Qaacida, waxaana sannad kaddib uu aasaasay urur Islaami ah oo lagu magacaabo Hayat Tahrir al-Sham, taasoo hoggaaminaysay kooxaha fallaagada ah ee xukunka ka tuuray Asad

Isha BBC

Madaweyne Xasan sheekh oo ku wajahan Wadanka Tanzania

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sii jeeda dalka Tanzania, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan

 

Xafladda caleema-saarka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dodoma, iyadoo lagu casuumay madax kala duwan oo ka socda dalalka gobolka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika

 

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka

 

Si kastaba ha ahaatee, caleema-saarku wuxuu ku soo beegmayaa xilli dalka Tanzania ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan siyaasadeed, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhacay 29-kii Oktoobar

 

Wararka ka imanaya dalkaas ayaa sheegaya in mudaaharaadyo rabshado wata ay ka socdaan magaalooyinka waaweyn, halka dowladda Tanzania ay xannibtay baraha bulshada iyo ciidammo badan ku daadisay waddooyinka caasimadda Dodoma

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda kale ee ka soo qeybgelaysa xafladda, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo danaha labada dal.

Malaayiin ruux oo ku sugan Suudaan oo wajahaya xaalad adag

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Malaayiin qof oo ku sugan gudaha Suudaan, gaar ahaan galbeedka dalka, ayaa weli wajahaya xaalad bini’aadanimo oo daran, iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamada milatariga ah ee RSF uu sii socdo

 

Hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay fududeeyaan socdaalka gargaar bini’aadanimo, iyagoo soo jeediyay xabbad joojin

 

Maalmo kaddib markii RSF ay la wareegtay magaalada El-Fasher ee caasimadda Waqooyiga Darfur, ayaa waxaa ka sii dartay xaaladda, iyadoo kumannaan qof ay wali ku xayiran yihiin magaalada halka kumannaan kalena la la’yahay kadib markii ay ka carareen dagaalka.