Home Blog Page 352

Madaweyne Xasan sheekh oo ku wajahan Wadanka Tanzania

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku sii jeeda dalka Tanzania, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan

 

Xafladda caleema-saarka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dodoma, iyadoo lagu casuumay madax kala duwan oo ka socda dalalka gobolka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika

 

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo iskaashiga gobolka

 

Si kastaba ha ahaatee, caleema-saarku wuxuu ku soo beegmayaa xilli dalka Tanzania ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan siyaasadeed, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhacay 29-kii Oktoobar

 

Wararka ka imanaya dalkaas ayaa sheegaya in mudaaharaadyo rabshado wata ay ka socdaan magaalooyinka waaweyn, halka dowladda Tanzania ay xannibtay baraha bulshada iyo ciidammo badan ku daadisay waddooyinka caasimadda Dodoma

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Tanzania la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda kale ee ka soo qeybgelaysa xafladda, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo danaha labada dal.

Malaayiin ruux oo ku sugan Suudaan oo wajahaya xaalad adag

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Malaayiin qof oo ku sugan gudaha Suudaan, gaar ahaan galbeedka dalka, ayaa weli wajahaya xaalad bini’aadanimo oo daran, iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamada milatariga ah ee RSF uu sii socdo

 

Hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay fududeeyaan socdaalka gargaar bini’aadanimo, iyagoo soo jeediyay xabbad joojin

 

Maalmo kaddib markii RSF ay la wareegtay magaalada El-Fasher ee caasimadda Waqooyiga Darfur, ayaa waxaa ka sii dartay xaaladda, iyadoo kumannaan qof ay wali ku xayiran yihiin magaalada halka kumannaan kalena la la’yahay kadib markii ay ka carareen dagaalka.

Dhul-gariir Xoogan oo ku dhuftay dalka Afgaanistaan

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay 6.3 magnitude ayaa ku dhuftay Magaalada Mazar-i-Sharif ee dhacda Waqooyiga Dalka Afghanistan, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay 7 qof halka dhaawaca uu gaarayo 150 kale

 

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in dadka badan laga soo badbaadiyay burburka dhismaha hoostiisa kuwaas oo halis u galay in ay dhintaan sida ay ku warrameen xubnaha gurmadka

 

Afghanistan waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay dhul-gariir galaaftay nolosha boqolaal ruux halka ay ku dhaawacmeen kumaan kale, waxaa intaas dheer burbur soo gaaray deegaanno dhowr ah oo dadkii degenaa aanay weli dib ugu laaban

 

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka talada Afghanistan gacanta ku haya ayaa sheegay in ay kordhiyaan xubnaha guddiyada ah ee ka shaqeeya u gargaaridda dadka dhibaatooyinka kasoo gaara dhul-gariirka, duufaannada iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Duqeemo culus oo lala beegsaday saldhigyo ‘AS’ leeyihiin oo ku yaalla Gobolka Shabeelaha Dhexe

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ku beegsaday saldhigyo ‘AS’ ay ku leeyihiin deegaanno hoostaga Magaalada Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida wararka la helayo ay sheegayaan

 

Diyaaradaha weerarka fuliyay ayaa beegsaday goobo kala duwan sida ay sheegeen ilo wareedyo, waxaana si dhab ah loo ogayn khasaaraha halkaas kusoo gaaray ‘AS’ maadaama aanay weli wax war ah kasoo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Inta badan duqeymaha ka dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa fuliya diyaaradaha duuulliye la’aanta ah ee Maraykanka, waxa ay macluumaadka soo gudbiyaan saacado ama mararka qaar iyada oo bayaankooda lagu faahfaahiyo cidda la beegsaday iyo khasaaraha.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Soomaalida ku nool Maraykanka ugu baaqday in ay codkooda siiyaan Cumar Faatix

Isniin Nov 03, 2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa olole xooggan u muujisay Cumar Maxamed Faatix oo ah Soomaali-Ameerikaan u tartamaya xilka Maayarka Minneapolis, waxaana ay sheegtay in codayntu ay tahay mid lagu helo kalsoonida

 

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in waqti badan ay gelisay sidii Cumar uu ku heli lahaa kursiga uu doonayo maadaama waxa keliya ay ku dooratay howshaan ay tahay shaqadiisa, kalsoonidiisa, daacadnimadiisa iyo fulinta ballanqaadyada uu sameeyo

 

Waxa ay dadka isugu soo baxay garab istaagga wiilkaan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ugu baaqday in ay u degdegaan goobaha codbixinta isla markaana codkooda ku aaminaan si uu u noqdo Maayarka Minneapolis ee guusha hela

 

Musharraxa Maayarka Minneapolis waa Cumar Faatix ayaa wada olole xooggan isaga oo garab ka helaya dadka la riyaaqsan siyaasadda uu soo bandhigay maadaama ay ka rajayanayaan waxqabad uga wanaagsan Maayarka muddo xileedkiisu dhammaaday.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Amniga Baladweyne oo sii liidanaya iyo Seddex qodob oo u sabab ah.

0

Axad 2 November  2025 {HMC} FALANQEYN:- Amniga Baladweyne oo sii liidanaya iyo Seddex qodob oo u sabab ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} 20 qof oo ku sumoobay degmada Xarshin ee Deegaanka Soomaalida

0

Axad 2 November  2025 {HMC} 20 qof oo ku sumoobay degmada Xarshin ee Deegaanka Soomaalida

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Mareykanka oo isku diyaarinaya howlgallo cusub uu ka fulinaayo bariga dhexe.

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa isku diyaarinaya howlgallo cusub oo laga fuliyo bariga dhexe, xilli indhaha oo dhan ay ku jeedaan howlgalka Mareykanka uu ka wado Laatin Ameerika.

Hal wicitaan ayaa daahqaaday inuu Mareykanku fulinayo howlgallo, ma cadda haddii weerarka Mareykanka uu ku socdo Iiraan, balse wasiirka difaaca Mareykanka, Pete Hegseth ayaa telefoon kula xiriiray wasiirka difaaca Ciraaq, Thaabit al-Cabbaasi wuxuuna la wadaagay digniin culus oo loo dirayo Ciraaq, taa oo la xiriirta in kooxaha hubeysan ee Ciraaq gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Iiraan aysan soo faragelin hawlgalladaas, sida uu weriyey wargeyska Asharq Al-Awsat.

Wasiirka difaaca Ciraaq oo hadalkan la wadaagay warbaahinta , wuxuu intaa ku daray in Hegseth uu hadalka ku soo afjaray fariin adag oo uu si toos ah u yiri: “Tan waa digniintiinna ugu dambeysa… waxaad si fiican u taqaannaan sida ay maamulka hadda talada haya uga jawaabi doonaan haddii la jebiyo digniintan.”

FESOJ oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Dhammeynta Dambiyada aan la Xisaabin ee Wariyeyaasha. {SAWIRO}

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Nofeembar 2025, ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo taageero ka helaya VIKES Viestintä ja kehitys -säätiö ayaa Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhammeynta Dambiyada aan la Xisaabin ee Wariyeyaasha (IDEI).

Maalintan oo sanad walba laga xuso guud ahaan caalamka si loo xasuusiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo la xisaabtanka dambiyada lagula kaco ayaa sanadkan waxaa lagu hoos qabtay mowduuca “Chat GBV, kaas oo diiradda saaraya wacyigelinta ku saabsan tacaddiyada iyo khataraha ka dhasha tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan kuwa ay la kulmaan haweenka wariyeyaasha ah ee lagu beegsado baraha bulshada iyo aaladaha garaadka macmalka ah (AI).

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay wariyeyaal, qareenno, iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. Dadkii jeediyay khudbadaha waxaa ka mid ahaa Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Abdifitah Aadan Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducale, iyo Abuukaate Maxamed Cabdirisaaq oo ka tirsan Hiil Law Firm, kuwaas oo FESOJ kala shaqeeya difaaca iyo u doodista xuquuqda wariyeyaasha.

Inta Munaasabadda ay socotay waxaa la qabtay falanqeyn ay ka geyb galeen gabdho ka kala socday Bulshada Rayidka, Ururada Wariyeyaasha iyo kuwa qoraayaasha, kuwaas oo falanqeeyay sida Soomaaliya ay u saameysay tacaddiyada lagu geysto garaadka macmalka ah ee AI.

Ugu dambeyntii, Xoghayaha Guud ee FESOJ Mudane Faarax Cumar oo soo xiray munaasabadda ayaa ka hadlay doorka ururka ee ku aaddan difaaca saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in FESOJ ay ka go’an tahay taageeridda wariyeyaasha la kulma tacaddiyada, wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista ilaalinta xorriyadda hadalka.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah ay iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa dambiyada aan la xisaabin ee lagula kaco wariyeyaasha.

20 qof oo ku sumoobay degmada Xarshin ee Deegaanka Soomaalida.

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Dad ka badan 20 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay cuneen cunto sumeysan.

Dadkaa ayaa oo ka shaqeynayey Berkad halkaas ku taal oo ay raggu qodayeen halka duamrkuna ay raashin u karinayeen kuwaas oo ku sumoobay raashin ay karsadeen sida lagasoo xigtay xafiiska caafimaadka ee degmda Xarshin ee gobolka Faafan.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan oo BBcda la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Bariis ay karsadeen oo caano lagu daray laakin waxa uu sheegay in waxa saxda ah ee ay ku sumoobeen aan la garaneynin in yihiin bariiksa ama caanaha .

Mar la weeydiiyay Cabdiraxmaan Jamaal sida ay ku xaqiijiyeen in dadku ay cuntadaas ku sumoobeen iyo in ay wax kale ku sumoobeen, waxa uu sheegay, in wixii ugu danbeeyay ee ay cunaan ay ahayd bariisksaasi caanaha lagu daray.

Dadkaasi oo ka koobnaa 20 rag ah iyo afar dumara,waxay ahaayeen shaqaalle ka shaqeynayey berkad halkaasi laga dhisayey.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sintaasi ku daray in bariisku uu ahaa mid ay maalin walba karsanayeen taariikh ahaanna uusan ahayn mid dhacsan balse ay ka shakisanyihiin in canaaha ay ku darsadeen bariiska ay wax ka qaldanaayeen oo ay dadkaasi ku sumoobeen.

Mar uu xaalaadda caafimaad ee dadkaasi uu ka hadlayey, waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Jamaal in laba qof ay ugu daranyihiin xaaladooda, kuwaasi oo aa ilaa iyo hadda aanay waxba ka imaan sida in ay matagaan ama ay isticmaalaan suuliga si ay suntu ugasoo baxdo.

Markii ay dhacdadani dhacday oo ay soo gaartay masuliyiinta Dowlad Deegaanka waxa ay gurmad u fidiyeen dadkii halkaasi ku dhibaateeysnaa oo ay dadkaasi u geeyeen gargaar caafimaad oo ay u fidiyeen iyagoo keenay xarun caafimaad oo magalaada ku taal ” Xaaladdii caafimaad ee dadkaasi waa ay naga tan badisay , waxa aan u gudbinay qeybta dhaqtarka weyn ee ku yaal qebta Baligubadle ee Somaliland maadaama ay xuduud la leedahay deegaanka ay wax ka dhaceen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo intaas ku daray in dhaqtarkii uu caddeeyay markii baaritaan la sameeyay in ay cuntadu waxyaabo sun ah ay u raacday.

Mar la weeydiiyay in ay kiisas noocaan oo kale ah horey u arkeen ayuu Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin Cabdiraxmaan Jamaal sheegay in ay horey u arkeen kiisas noocaan oo kale ah laakin ay xaaladahoodu kala duwanaayeen.

Cabdiraxmaan Jamaal waxa uu sheegay in nooca kiisaska ay horey u arki jireen ay ahaayeen sida qoys sumoobay oo caano ama waxyabao kale oo ay cuneen ku smoobaay laakin dadkan goobo kala duwan iskaga yimid ee berkada dhisayey ee wada sumoobay ayaa dhacdo ugub ah nagu ahayd “caano lagu sumoobay iyo hilib geel oo la qalay oo lagu sumoobay waa la arki jiray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Jamaal.

Dadkii ku sumoobay cuntadaas marka laga reebo lab qof dhamaantood waa ay ka baxeen cisbitaalka hasa yeeshee waxa lagu amray in aany magalaada ka bixin ila amar danbe inta caafimaadkooda lag hubinayo.

Cabdiraxmaan Jamaal waxa uu sheegay in ay olole wacyi geli ah ay ka bilaabeen deegaanada ku xeeran Xarshin taas oo ay dadka u sheegayeen in aanay cabin caanaha aan ku jirin weelal xiran ama fayadhowrkoodu waanaagsayahay oo ay bakteeriyada iska ilaaliyaan, cunatadana ay si wanaagsan iskag kariyaan.

Dhacdadan ayaa markii ay dhacday argagax ku riday dadka deegaanka iyadoo dadka sumoobay ay markiiba calooshu dimbirtay hasa yeeshee markii danbe ee ay wax ka yimaadeen in ay waxoogaa nafiseen.

XIgasho BBC