Home Blog Page 353

FESOJ oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Dhammeynta Dambiyada aan la Xisaabin ee Wariyeyaasha. {SAWIRO}

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Nofeembar 2025, ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo taageero ka helaya VIKES Viestintä ja kehitys -säätiö ayaa Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhammeynta Dambiyada aan la Xisaabin ee Wariyeyaasha (IDEI).

Maalintan oo sanad walba laga xuso guud ahaan caalamka si loo xasuusiyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo la xisaabtanka dambiyada lagula kaco ayaa sanadkan waxaa lagu hoos qabtay mowduuca “Chat GBV, kaas oo diiradda saaraya wacyigelinta ku saabsan tacaddiyada iyo khataraha ka dhasha tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan kuwa ay la kulmaan haweenka wariyeyaasha ah ee lagu beegsado baraha bulshada iyo aaladaha garaadka macmalka ah (AI).

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay wariyeyaal, qareenno, iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. Dadkii jeediyay khudbadaha waxaa ka mid ahaa Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Abdifitah Aadan Xasan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducale, iyo Abuukaate Maxamed Cabdirisaaq oo ka tirsan Hiil Law Firm, kuwaas oo FESOJ kala shaqeeya difaaca iyo u doodista xuquuqda wariyeyaasha.

Inta Munaasabadda ay socotay waxaa la qabtay falanqeyn ay ka geyb galeen gabdho ka kala socday Bulshada Rayidka, Ururada Wariyeyaasha iyo kuwa qoraayaasha, kuwaas oo falanqeeyay sida Soomaaliya ay u saameysay tacaddiyada lagu geysto garaadka macmalka ah ee AI.

Ugu dambeyntii, Xoghayaha Guud ee FESOJ Mudane Faarax Cumar oo soo xiray munaasabadda ayaa ka hadlay doorka ururka ee ku aaddan difaaca saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in FESOJ ay ka go’an tahay taageeridda wariyeyaasha la kulma tacaddiyada, wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista ilaalinta xorriyadda hadalka.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo kuwa bulshada rayidka ah ay iska kaashadaan sidii loo joojin lahaa dambiyada aan la xisaabin ee lagula kaco wariyeyaasha.

20 qof oo ku sumoobay degmada Xarshin ee Deegaanka Soomaalida.

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Dad ka badan 20 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa ku sumoobay degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kadib markii ay cuneen cunto sumeysan.

Dadkaa ayaa oo ka shaqeynayey Berkad halkaas ku taal oo ay raggu qodayeen halka duamrkuna ay raashin u karinayeen kuwaas oo ku sumoobay raashin ay karsadeen sida lagasoo xigtay xafiiska caafimaadka ee degmda Xarshin ee gobolka Faafan.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ee gobolka Faafan oo BBcda la hadlay ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Bariis ay karsadeen oo caano lagu daray laakin waxa uu sheegay in waxa saxda ah ee ay ku sumoobeen aan la garaneynin in yihiin bariiksa ama caanaha .

Mar la weeydiiyay Cabdiraxmaan Jamaal sida ay ku xaqiijiyeen in dadku ay cuntadaas ku sumoobeen iyo in ay wax kale ku sumoobeen, waxa uu sheegay, in wixii ugu danbeeyay ee ay cunaan ay ahayd bariisksaasi caanaha lagu daray.

Dadkaasi oo ka koobnaa 20 rag ah iyo afar dumara,waxay ahaayeen shaqaalle ka shaqeynayey berkad halkaasi laga dhisayey.

Cabdiraxman Jamaal Cabdi Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin ayaa sintaasi ku daray in bariisku uu ahaa mid ay maalin walba karsanayeen taariikh ahaanna uusan ahayn mid dhacsan balse ay ka shakisanyihiin in canaaha ay ku darsadeen bariiska ay wax ka qaldanaayeen oo ay dadkaasi ku sumoobeen.

Mar uu xaalaadda caafimaad ee dadkaasi uu ka hadlayey, waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Jamaal in laba qof ay ugu daranyihiin xaaladooda, kuwaasi oo aa ilaa iyo hadda aanay waxba ka imaan sida in ay matagaan ama ay isticmaalaan suuliga si ay suntu ugasoo baxdo.

Markii ay dhacdadani dhacday oo ay soo gaartay masuliyiinta Dowlad Deegaanka waxa ay gurmad u fidiyeen dadkii halkaasi ku dhibaateeysnaa oo ay dadkaasi u geeyeen gargaar caafimaad oo ay u fidiyeen iyagoo keenay xarun caafimaad oo magalaada ku taal ” Xaaladdii caafimaad ee dadkaasi waa ay naga tan badisay , waxa aan u gudbinay qeybta dhaqtarka weyn ee ku yaal qebta Baligubadle ee Somaliland maadaama ay xuduud la leedahay deegaanka ay wax ka dhaceen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo intaas ku daray in dhaqtarkii uu caddeeyay markii baaritaan la sameeyay in ay cuntadu waxyaabo sun ah ay u raacday.

Mar la weeydiiyay in ay kiisas noocaan oo kale ah horey u arkeen ayuu Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee degmada Xarshin Cabdiraxmaan Jamaal sheegay in ay horey u arkeen kiisas noocaan oo kale ah laakin ay xaaladahoodu kala duwanaayeen.

Cabdiraxmaan Jamaal waxa uu sheegay in nooca kiisaska ay horey u arki jireen ay ahaayeen sida qoys sumoobay oo caano ama waxyabao kale oo ay cuneen ku smoobaay laakin dadkan goobo kala duwan iskaga yimid ee berkada dhisayey ee wada sumoobay ayaa dhacdo ugub ah nagu ahayd “caano lagu sumoobay iyo hilib geel oo la qalay oo lagu sumoobay waa la arki jiray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Jamaal.

Dadkii ku sumoobay cuntadaas marka laga reebo lab qof dhamaantood waa ay ka baxeen cisbitaalka hasa yeeshee waxa lagu amray in aany magalaada ka bixin ila amar danbe inta caafimaadkooda lag hubinayo.

Cabdiraxmaan Jamaal waxa uu sheegay in ay olole wacyi geli ah ay ka bilaabeen deegaanada ku xeeran Xarshin taas oo ay dadka u sheegayeen in aanay cabin caanaha aan ku jirin weelal xiran ama fayadhowrkoodu waanaagsayahay oo ay bakteeriyada iska ilaaliyaan, cunatadana ay si wanaagsan iskag kariyaan.

Dhacdadan ayaa markii ay dhacday argagax ku riday dadka deegaanka iyadoo dadka sumoobay ay markiiba calooshu dimbirtay hasa yeeshee markii danbe ee ay wax ka yimaadeen in ay waxoogaa nafiseen.

XIgasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 2-11 -2025.

0

Axad 2 November  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Samia Suluhu ku tilmaamay hoggaamiye dadkeeda jecel yihiin.

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhigiisa dalka Tansaaniya, Samia Suluhu Hassan, xilli ay mar kale ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guusha ay gaartay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay muujineyso kalsoonida iyo taageerada shacabka Tansaaniya ay u hayaan hoggaankeeda.

“Waxaan u dirayaa Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Muungano ee Tansaaniya, Samia Suluhu Xasan. Guusheedu waa caddeyn muujineysa kalsoonida shacabka Tansaaniya ay ku qabaan hoggaankeeda iyo aragtideeda horumarineed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal, iyo in la sii wado iskaashiga ku aaddan nabadda, amniga iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika guud ahaan.

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Baladweyne oo ka qeyb galay shirka looga hadlaayay horumarinta Magaalooyinka Soomaaliya

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Duqa Magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa ka qeyb-galay gaba-gabada shirka looga hadlaayay horumarinta magaalooyinka Soomaaliya

Shirkan oo muddo Mudo 5-maalin ah ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasaaraddaha Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Mayarada Magaalooyinka, Beledweyne, Dhuusa-mareeb, Baydhaba, iyo Kismaayo iyadoo lagu soo bandhigay horumarka balaaran ee mashruucaan laga gaaray.

Intii shirka uu socday, waxaa lagu soo bandhignay guulo muuqda iyo waxqabadyo la taaban karo, kuwaas oo ay si weyn u bogaadiyeen dhammaan ka-qaybgalayaasha shirka, iyadoo si qoto dheer looga dooday caqabadaha iyofursadaha horumarineed ee jira.

Ugu dambeyn shirka ayaa ku soo dhammaaday si guul leh, waxaana si gaar ah loo bogaadiyay habsami-u-socodka dhismaha wadooyinka Magaalada Beledweyne oo lagu bogaadiyay Maayarka magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin.


Madaxweynaha Shiinaha oo hadyad ahaan u siiyay madaxweynaha Koonfur Kuuriya telefoonka Xiaomi.

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa hadyad ahaan u siiyay madaxweynaha Koonfur Kuuriya , Lee Jae-myung telefoonka Xiaomi oo suuqyada kula tartamaya IPhone-ka , balse waxa xiisaha leh waa in labada hoggaamiye ay wadaageen hadallo ay ku muujinayaan muhiimada amnigooda, si ay basaasnimo uga hortagaan.

Xi wuxuu yiri: “Adiga iyo xaaskaga ayaan ugu talagalay, waadna iska hubin kartaa haddii wax lagu dhex qariyay.”

Lee Jae-myung ayaa weydiiyay: “Waxaan rajeynayaa inuu yahay mid amni ah“
Xi Jinping ayaa ugu jawaabay: “Adiga ayaa hubinaya in uusan backdoor ku jirin.”

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida.

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Maxamed Xuseen waadi (Maxamed Carab) ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka hiiraan ayaa warbixino amni ka dhageystay saraakiisha ciidanka iyo xaaladaha howlgalda si loo Dargeliyo halbeegyada amniga iyo xureeynta gobalka.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Maxamed Xuseen Maxamed ayaa uga mahadceliyay saraakiisha CXD Dadaalka iyo difaaca adag ee aay ugu jiraan sugida amniga iyo ladagaalanka khawaariijta.

Maxay dowladda ka tiri Dowladda Nigeria Hanjabaadta Trump.?

0

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Ma jirto jawaab cusub oo ka soo baxday dowladda Nigeria ka dib hanjabaadii Donald Trump.

Balse mar sii horeysay, Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu, ayaa hadal uu Sabtidii ku soo daabacay boggiisa X ku sheegay in sheegashadaasi aysan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta Nigeria.

“Xorriyada diintu waxa ay ahayd tiirkii aqoonsigayaga, wayna sii ahaan doontaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Tinubu.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa goor sii horreysay ku beenisay sheegashada Trump iyo eedeymaha ku aaddan dilka dadka Masiixiyiinta ah ee Nigeria, bayaan ay soo saartay Sabtidii.

“Nijeeriyintu waxay xor u yihiin inay si sax ah ugu dhaqmaan diintooda, ayna ku dhaqmaan caqiidadooda iyadoo aan la faragelin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in intii uu hogaaminayay Tinubu ay dowladdiisu dadaal weyn ugu jirto la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta iyo ilaalinta nolosha shacabka iyadoo aan la takoorin.

Dawladdu waxay sheegtay in Nigeria ay sii wadi doonto la shaqaynta Maraykanka iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Nigeria waa dal ay muslimiintu ku badan yihiin waqooyiga, koonfurtana ku badan yihiin Masiixiyiinta.

Dalka ayaa in muddo ah waxaa hareeyay dhibaatooyin dhanka ammaanka ah, gaar ahaan fallaagada Boko Haram oo kumannaan qof ku dilay waqooyi-bari ayna barakiciyeen in ka badan laba milyan oo qof.

Nigeria ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa dhibaatada ay burcaddu dadka u afduubtaan si ay madax furasho uga qaataan gobolka waqooyi galbeed.

Sidoo kale waxaa gobolka bartaha iyo waqooyiga dalkaas ka jira iska horimaad u dhexeeya xoolo-dhaqato iyo beeraleyda, kaasoo inta badan ku xiran diinta, kaasoo u dhexeeya beeraleyda Masiixiyiinta ah iyo xoola-dhaqatada Muslimiinta Fulani.

Xitaa intii lagu jiray xilligiisii ugu horreeyay, Madaxweyne Trump ayaa mar Nigeria ku daray liiska waddamada walaaca laga qabo, laakiin Joe Biden ayaa Nigeria ka saaray liiska 2021-ka.

Madaxweyne Trump oo tallaabo milatari ugu hanjabay dal Afrikaan ah.

0

Axad 2, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inuu qaadayo tallaabo milatari haddii dalkan ku yaalla Afrika uusan samayn waxyaabaha uu u soo jeediyey.

Trump ayaa sheegay in uu ku amray Pentagon-ka in ay u diyaar garoobaan tallaabo suurtagal ah, isaga oo sheegay in ay noqon doonto ‘mid deg deg ah’ ba’an oo samayn leh’, isagoo dalkan ku tilmaamay ‘ dal ceeb leh’

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay si dhaqso ah u joojin doonto dhammaan caawimada iyo taageerada la siiyo Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika iyo soo saaraha ugu weyn ee saliida.

Qoraalkiisa ayuu ku sheegay Trump in tallabooyinka milatari uu qaadayo haddii dowladda Nigeria aysan wax ka qaban si ay u ilaaliso dadka Masiixiyiinta ah weerarada kaga imaanaya Islaamiyiinta xagjirka ah.

Haddii Maraykanku u diro ciidan militari ,waxay noqonaysaan in ‘Qorigu si ba’an u ololiyo si gebi ahaanba looga ciribtiro argagixisada Islaamiga ah ee fulinaysa xadgudubyadan naxdinta leh,” ayuu Trump ku qoray, isagoo aan bixin wax caddeyn ah oo ku saabsan sida Masiixiyiinta Nigeria loola dhaqmo.

Inkastoo Waaxda Difaaca ee Mareykanka iyo Aqalka Cad ay ay Reuters u dirtay si uga hadlana hanjabaadda Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa soo saaray qoraal uu ku daabacay baratiisa Bulshada.

Hegseth ayaa ku qoray bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter: “Waaxda Dagaalka waxay isku diyaarinaysaa ficil. Haddii ay Dawladda Nigeria ilaalin weydo Masiixiyiinta, annagu waxaan dili doonaa Argagixisada Islaamka ee geystay xadgudubyadan argagaxa leh.”

Jimcihii, Mr. Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu Nigeria ku darayo liiska dalalka Mareykanka ee lagu eedeeyay xadgudubka xorriyadda diinta.

Nigeria ayaa horey u diiday sheegashada ah in dadka Masiixiyiinta ah lagu laayo sabab la’aan gobolka waqooyi ee ay ku badan yihiin Muslimiinta.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa markii ugu horeysay sii huriyay shakiga, iyadoo Chris Smith oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka uu bishii March ku baaqay in Nigeria lagu daro liiska dalalka walaaca laga qabo.

Sidoo kale bishii Oktoobar, Senator Ted Cruz iyo Riley Moore, oo labaduba ka tirsan Jamhuuriga, ayaa ku eedeeyay dowladda Nigeria inay gacan ka geysatay dilalka dadka Masiixiyiinta ah.

{DAAWO MUQAALKA} Dumarka Gaalkacyo oo Dacwo ka ah Haweenka itoobiyaanka ah oo Ragoodii damcay

0

Axad 2 November  2025 {HMC} Dumarka Gaalkacyo oo Dacwo ka ah Haweenka itoobiyaanka ah oo Ragoodii damcay

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA