Axad 2 November 2025 {HMC} Dumarka Gaalkacyo oo Dacwo ka ah Haweenka itoobiyaanka ah oo Ragoodii damcay
Axad 2 November 2025 {HMC} Dumarka Gaalkacyo oo Dacwo ka ah Haweenka itoobiyaanka ah oo Ragoodii damcay
Axad 2 November 2025 {HMC} Xubno ka tirsan AS oo isku dhiibay Ciidamada Koofur Galbeed.
Axad Nov 02, 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in Allaha u naxariistee Hooyo Madiino Jimcaale Wehliye Oo lagu dilay inta u dhaxeysa deegaanada Xinlabi iyo Seego, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socotay.
Weerarka lagu dilay marxuumadda ayaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil ay dhashay, sida ay xaqiijiyeen ehelkeeda oo sheegay in dhaawaca la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla deegaankaasi.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilkan uu salku ku hayo aano qabiil oo ka dhalatay dil dhawaan ka dhacay gobolka Galgaduud, taas oo muujinaysa in xiisadaha qabaa’ilka ee labada gobol ay mar kale cirka isku shareereen.
Bilihii iyo toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa si isa soo taraysa uga dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud dilal isdaba joog ah oo la xiriira aargoosi iyo aanooyin beeleed, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, islamarkaana wiiqay amniga guud ee deegaannadaas.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee maamulka Galmudug ama hay’adaha maamulka.
Axad 2 November 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 2-11-2025.
Axad 2 November 2025 {HMC} Turkiga oo Beeniyey in Diyaarado Dagaal uu siiyey Soomaaliya
Axad Nov 02, 2025 {HMC} Warar ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda AS oo xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda As ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay in ka badan saacad, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare aad u badan oo soo kala gaaray labada dhinac.
Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay sheegtay in dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, balse ma shaacin tirada inta ay la’egtahay.
Dhankooda ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib ay sameeyeen howlgallo kooban.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalkan, marka laga tego sheegashada labada dhinac ee ku aadan weerarka iyo iska horimaadka xigay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.
Diinsoor ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay As oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee jooga halkaasi.
Inta badan gobollo Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay gaystaan maleeshiyada Khawaarijta oo go’doomin ku haya degaanada Koonfur Galbeed.
Axad Nov 02, 2025 {HMC} Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed ayaa si ada uga hadlay arrinta calooshood u shaqeystayaal Colombia-yaan ah ee laga soo dajiyo garoonka magaalada Boosaaso, kuwaas oo lool loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.
Sheekh Cali Wajiis ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Den, wuxuuna sheegay in caalamka uu kula xisaabtami doono qaybtiisa dagaalka Sudan, sida uu hadalka u dhigay.
“Meeshaas waxaa maamulo nin la yiraahdo Saciid Deni isaga ayaana caalamka kula xisaabtami doonaa waxa ka dhacaayo Sudan qaybtiisa ayuu ka qaadanayaa haddii uu usan joojin dhaqamadaas oo kale” ayuu wareysiga ku yiri Sheekh Cali Wajiis.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jirto dowlad Carbeed oo ku lug leh arrintaas, isla markaana uu soo dhaweeyay Saciid Deni.
“Dowlad Carbeed oo la tuhunsan yahay inay arrintaas lug ku leedahay oo isagu meesha kusoo dhaweeyay ayaana jirta oo shaqeysata magaceeda inaan sheego ma rabo” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Sudan waxay ku jirtaa dalalka noogu qiimaha badan caalamka oo weliba abaal wayn lagu leh, waligoodna na garab taagnaa”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay soo baxeen warbixinno iyo caddeymo cusub, oo ay ku jiraan muuqaallo,oo muujinaya in Isutagga Imaaraadka Carabta uu xarun hub ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Puntland.
Warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu xaruntan u adeegsado goob si qarsoodi ah looga sii gudbiyo hub, saanad culus, iyo calooshood-u-shaqaystayaal loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.
Baaritaan ay samaysay warbaahinta Middle East Eye oo soo xiganaya ilo maxalli ah, xogta duulimaadyada, iyo sawirro dayax-gacmeed, ayaa faahfaahiyay hab taxane ah oo hawlgallo qarsoodi ah loo fuliyay.
Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli ay ciidanka RSF wajahayaan eedeymo cusub oo ku saabsan gabood-fallo baahsan. Ciidankan ayaa toddobaadkan qabsaday El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, kaddib go’doomin socotay 18 bilood.
Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka Sudan wuxuu abuuray dhibaatadii barakaca ee ugu weyneyd adduunka, wuxuuna horseeday in dowladda Mareykanku ay si rasmi ah u go’aamiso in ciidanka RSF ay galeen xasuuq.
Sundey , November 02, 2025 {HMC} The Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation, H.E. Ali Yusuf Ali Hosh, chaired a meeting to review the Ministry’s upcoming reconciliation initiatives.
The discussion focused on planned activities aimed at engaging civil society, traditional elders, women’s groups, and youth to advance peacebuilding and reconciliation efforts across the country.
The Minister underscored the importance of inclusive dialogue and active community participation in fostering sustainable peace and strengthening national unity.
Source Sonna

Axad Nov 02, 2025 {HMC} Safiirka Dalka Suudaan ee Soomaaliya ayaa booqday Wasaaradda Arrimaha-dibedda, isaga oo halkaasi kulan kula qaatay Wasiiru-dowle Cali Balcad oo ay ka wada-hadleen xaaladda colaadeed & bin’adannimo ee ka taagan dalka Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha-dibedda DFS waxa ay sheegtey in Soomaaliya xaqiijisey taageeradeeda midnimada, madax-banaanida iyo xasiloonida wadanka Suudaan,
Kulankan ayaa imanaya xili cabasho badan laga muujiyay Diyaaradaha Imaaraadka Carabta ee saadka u wado kooxda RSF ee ka dagaalanto Suudaan ay saadka u marsiiyaan Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
Sundey , November 02, 2025 {HMC} The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Government of Somalia, Hon. Ali Mohamed Omar, received on Sunday, at his office in the ministry in Mogadishu, the Ambassador of the Republic of the Sudan to the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdulrahman Khalil Ahmed Abakr Afandi, and discussed with him, ways to enhance bilateral relations and strengthen cooperation between the two brotherly countries.
During the meeting, they discussed key issues affecting Sudan, including the ongoing conflict and violence in El Fasher, where humanitarian assistance has been severely restricted, as well as broader human rights concerns, while also reviewing recent developments in the country’s humanitarian, security, and political landscape, emphasizing the importance of protecting civilians and ensuring access to aid.
The Somali State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation reaffirmed Somalia’s support for Sudan’s unity, sovereignty, and stability, highlighting that a peaceful and political resolution is crucial for ensuring lasting stability and security in the country.
Source Sonna